Languages:

Languages:

SomaliMaxkamadda Ci...

Maxkamadda Ciidamada Puntland oo u yeertay Agaasimaha Radio Daljir

MUQDISHO, Soomaaliya, 27 Sebtember, 2019 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) ayaa wax laga aragagaxo ku tilmaamay amarka  u yeerista Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida ee Puntland ay ugu yeertay agaasimaha Radio Daljir, Axmed Sheekh Mohamed (Tallman) ee soo baxay 24 Sebtember, 2019.

Ammarkan ayaa tixraacayey ammar kale oo ka soo baxay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ee Puntland oo soo baxay 23 Sebtember, kaasoo sidoo kale ku amray agaasimaha idaacadda Daljir inuu ku horyimaado Maxkamadda  maalinta Sabtida 28 Sebtember.  Qoraalka Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida ee Puntland ayaa ku eedeysay agaasimaha qodobada 382, 287 iyo 333 ee Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed.

Ururka Suxufiyiinta Soomaliyeed ee SJS wuxuu ugu baaqayaa Maxkamadda Ciidamada Puntland inay joojiso u yeerista ka dhanka agaasimaha Radio Daljir oo ka hor imaneysa Dastuurka Puntland iyo kan Federaalka.

Qodobka 87aad, faqradiisa 1aad ee Dastuurka Puntland ayaa sheegaya in “Maxkamadaha Ciidamadu ay gaar u yihiin qaadista dembiyada ay galaan xubnaha ciidamada oo keli ah iyo ciddii isu ekeysiisa”.

“Maamulayaasha Puntland waa inaysan midiyahooda ku jeedin wariyaasha. Maxkamadda Ciidamadu xaq uma lahan inay u yeerto wariye rayid ah. Waa inu Maxkamad uga yeeristan si dhakhso leh looga laabtaa,” ayuu yiri Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS), Cabdalle Axmed Mumin.

U yeerista maxkamadeed waxay daba joogtaa weerar lagu qaaday xarumaha idaacadda Daljir ee Garowe iyo Boosaaso toddobaadkii hore kaddib markii idaacaddu baahisay dhimashada ruux maxbuus ah oo sida la sheegay Ciidanka Boolisku jirdileen. Boolisku waxay waqti kooban, sidoo kale demiyeen idaacadda Daljir ee Boosaaso 16 Sebtember.

“Suxufiyiintu waa inay awood u leeyihiin inay baari karaan sheekooyinka dadweynuhu daneynayaan- oo ay ku jirto xitaa xadgudubyada ay sameynayaan kuwa xilka haya cabsi la’aan. Waxaan ugu baaqeynaa maamulka Puntland inay joojiyaan cagajugleynta iyo handadaada joogtada ah ee ay ku doonayaan inay suxufiyiinta uga hor joogsadaan shaqadooda ah inay war siiyaan bulshada,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa Mr. Mumin.

Related News

Follow us & Subscribe

Twitter Feed

Alerts

Reports