Languages:

Languages:

HomeSomali

Somali

Maamulka Koonfur Galbeed oo Buurhakaba ku xiray weriye TV oo Facebook ku daabacay qoraal

MUQDISHO, Soomaaliya, 11 Febraayo, 2020- Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu ka dalbanayaa maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya inay si daahitaan la'aan ah oo aysan shuruud ku xirneyn u sii-daayaan weriyaha telefishanka madaxa-bannaan ee Five Somali TV, Xuseen Cali Geesey oo lagu xiray magaalada Buurhakaba, Talaadada 11 Febraayo, 2020 sabab la xiriirta qoraal loo arkay dhaliil oo uu ku daabacay bartiisa Facebook.

Guddiga Doorashooyinka Soomaaliya waa inay ka fogaadaan ka xayiridda warbaahinta wararka d...

MUQDISHO, Soomaaliya, 04 Febraayo, 2020 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu ugu baaqayaa Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka (GMDQ) inay ka fogaadaan inay warbaahinta iyo suxufiyiinta ku soo rogaan awaamiir xadideysa shaqadooda tebinta wararka doorashayooyinka 2020/2021, waana inay u ogolaadaan suxufiyiinta jawi u saamaxaya inay si xor ah u tebiyaan doorashooyinka la filayo inay dalka ka dhacaan.

SJS oo ka dalbatay Madaxweynaha Soomaaliya inuusan saxiixin Xeerka Saxaafadda oo ay ku jir...

Muqdisho, Soomaaliya, 22 Jannaayo, 2020 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu walaac ka muujiyay Xeerka Saxaafadda ee wax laga beddelay kaasoo caburin iyo xayiraad ku soo rogaya saxaafadda oo ay ansixiyeen Xildhibaannada Aqalka Sare ee Baarlamaanka 14 Jannaayo 2020. Ururka SJS wuxuu ka dalbaday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, isagoo adeegsanaya awooddiisa Dastuuriga ah in uusan saxiixin Sharcigaas oo xafiiska madaxweynaha loo gudbiyay 16 Jannaayo, 2020.

Weriye TV oo lagu xiray Ceerigaabo, Puntland oo xirtay suxufi kale iyo suxufiyiinta Baydha...

MUQDISHO, Soomaaliya, 19 Jannaayo, 2020 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) ayaa ugu baaqay Somaliland inay ka noqoto xukunka xarrigga 21 bilood ah iyo ganaaxyo lacageed oo lagu riday weriye Cabdiraxmaan Maxamed Xiddig oo ah weriyaha Eryal TV ee magaalada Ceerigaabo kaddiba warbixin uu ku soo qoray boggiisa Facebook-ga oo uu ku saabsanayd sarkaal dowladda ka tirsan.

Suxufiyiinta oo sheegay in laga hor-istaagay tebinta doorashada Galmudug iyo weriye Coday ...

MUQDISHO, Soomaaliya, 13 Jannaayo, 2020 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu garab istaag u miijiyay suxufiyiinta madaxa-bannaan iyo warbaahinta Galmudug oo habeenkii Axaddii ee 12 Jannaayo ka cawday hor istaag lagu sameeyay howlahooda tebinta doorashooyinka Galmudug ee ka dhacaya magaalada Dhuusamareeb.

Maxkamadda Hargeisa oo hal sano oo xarig ah ku xukuntay tifaftirihii Horn Cable TV

MUQDISHO, Soomaaliya, 11 Jannaayo, 2020 - Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) ayaa ka xumaaday xukunta caddaaladda ka fog ee siyaasadeysan ee xarigga halka sano iyo ganaaxa saddexda milyan ee shilinka Somaliland ee ay Maxkamadda Maroodi Jeex ee Hargeysa ku riday tifaftiraha Horn Cable TV, Cabdulqaadir Saleebaan Caseyr (Coday) Sabtida maanta ee 11 Jannaayo, 2020.

Xorriyadda Saxaafadda Soomaaliya 2019: Ku Shaqeynta Cadaadis iyo Weeraro lala Beegsado

MUQDISHO, Soomaaliya, 06 Jannaayo, 2020 - Iyadoo sannadka 2019 uu dhammaaday, jilaayaal fara badan ayaa sii wada bartilmaameedsiga warbaahinta Soomaaliya iyo xirfadyahankeeda waxaana sii socday weerarada, xarigga aan sababta lahayn, hanjabaadyo dil, iyo carqalad ka dhan ah helitaanka macluumaadka – dhammaana waa ku xadgudubkad xuquuq dastuuri ah oo ay muhiim tahay in muwaadiniintu ay helaan.

Booliska Hirshabelle oo muddo kooban hawada ka saaray Radio Jowhar, xireyna wariye

MUQDISHO, Soomaaliya, 29 Disember, 2019 - Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu cambaareynayaa falka sharci darrada ah ee muddada kooban hawada looga saaray Radio Jowhar iyo xarigga wariye u shaqeynayay idaacadda maalinimadii Axadda, 29 Disember 2019.

Booliska Hirshabelle oo xiray idaacad iyo wariyeyaal

MUQDISHO, Soomaaliya, 19 Disembar, 2019 - Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu cambaareynayaa xarigga sharci darrada ah ee ciidanka booliska Hirshabelle kula keceen idaacadda City FM ee magaalada Jowhar iyo xariga muddada kooban ee loo geystay 7 weriye oo isla warbaahintaas u shaqeeya maalimada Khamiista 19 Disembar 2019.

Follow us & Subscribe

Twitter Feed

Alerts

Reports