MUQDISHO, Soomaaliya, 22 Oktoobar, 2019 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu ka walaacsan yahay noocyada cusub ee hanjabaadaha ah ee ka dhanka ah shaqaalaha Radio Daljir ee Puntland, iyadoo SJS ay soo dhoweyneyso siideynta agaasimihii hore ee Radio Daljir Axmed Sheekh Maxamed “Tallman” kaasoo xabsiga laga siidaayey Talaadada 22 Oktoobar, kaddib shan maalmood oo uu xabsiga ku jiray.
MUQDISHO, Soomaaliya, 27 Sebtember, 2019 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) ayaa wax laga aragagaxo ku tilmaamay amarka u yeerista Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida ee Puntland ay ugu yeertay agaasimaha Radio Daljir, Axmed Sheekh Mohamed (Tallman) ee soo baxay 24 Sebtember, 2019.