Languages:

Languages:

HomeSomali

Somali

PUNTLAND: Agaasimihii hore Radio Daljir oo la sii daayay, Weriyayaasha oo hanjabaado hor l...

MUQDISHO, Soomaaliya, 22 Oktoobar, 2019 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu ka walaacsan yahay noocyada cusub ee hanjabaadaha ah ee ka dhanka ah shaqaalaha Radio Daljir ee Puntland, iyadoo SJS ay soo dhoweyneyso siideynta agaasimihii hore ee Radio Daljir Axmed Sheekh Maxamed “Tallman” kaasoo xabsiga laga siidaayey Talaadada 22 Oktoobar, kaddib shan maalmood oo uu xabsiga ku jiray.

SJS oo ugu baaqday Puntland inay joojiso eedeymaha loo heysto agaasimihii hore Daljir

MUQDISHO, Soomaaliya, 21 Oktoobar, 2019 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu ugu baaqayaa maamulka Puntland inuu joojiyo eedeymaha ka dhanka ah agaasimihii hore Radio Daljir, Axmed Sheekh Maxamed (Tall man) kaasoo kasoo muuqday Maxkamadda Gobolka Nugaal Isniinta 21 Oktoobar, 2019.

SJS oo ku baaqday in suxufiyinta madaxa-bannaan loo ogolaado tebinta wararka Golaha Shacab...

MUQDISHO, Soomaaliya, 19 Oktoobar, 2019 - Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu ugu baaqayaa Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya (Golaha Shacabka) in uu si deg deg ah ugu ogolaado warbaahinta madaxa-bannaan iyo weriyaasha inay kasoo waramaan kulamada iyo doodaha Baarlamaanka.

Booliska Puntland oo weeraray xafiiska RTN TV Garowe, una hanjabay weriyaasha telefishanka...

MUQDISHO, Soomaaliya, 15 Oktoobar, 2019 - Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) ayaa waxa ay ugu baaqeysaa maamulka Puntland nay joojiyaan hanjabadaadda iyo cagajugleynta ka dhanka saxafiyiinta ka shaqeeya xarunta TV RTN Garowe, isla markaana baaris ku sameeyaan saraakiisha booliska ee weerarka ku qaaday xarunta TV.

Booliska Hirshabelle oo sharci darro ku xiray weriye soo tabiyey mudaaharaad, amarna ku b...

MUQDISHO, Soomaaliya, 14 Oktoobar, 2019 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu cambaareynayaa xarigga sharci darrada ah ee weriye Cabdicasiis Xasan Macalin (Foolyarey) oo maanta lagu xiray magaalada Jowhar ee xarunta maamul goboleedka Hirshabelle xilli uu soo tabiyey mudaaharaad rabshad watay oo ka dhacay magaalada.

SJS oo xusuusineysa wariyaasha inay muujiyaan dhex-dhexaadnimo iyo masuuliyad xilliga door...

MUQDISHO, Soomaaliya, 07 Oktoobar, 2019 - Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu xusuusinayaa wariyaasha Soomaaliyeed inay ku dedaalaan dhex-dhexaadnimo iyo masuuliyad xilliga ay dhacayaan doorashooyinka dalka ka qabsoomi doona, ayna ka baaqsadaan hawlaha waxyeeli kara bed-qabka wariyaasha.

Somaliland oo farriin cabsi leh u dirtay saxaafadda: Maxkamadda Racfaanka oo ayidday xarig...

MOGADISHU, Somalia, 29 Sebtember, 2019 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) ayaa wax laga xumaado ku tilmaantay xukunka caddaalad darrada ah ee maanta oo 29 Sebtember ah Maxkamadda Racfaanka ee Maroodi Jeex ku ayidday xukunkii xarigga saddexda sano iyo barka ee Maxkamadda Darajada Koowaad ay horey ugu ridday weriye Cabdimaalik Muuse Coldoon isagoo qareen la’aan ah.

Maxkamadda Ciidamada Puntland oo u yeertay Agaasimaha Radio Daljir

MUQDISHO, Soomaaliya, 27 Sebtember, 2019 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) ayaa wax laga aragagaxo ku tilmaamay amarka u yeerista Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida ee Puntland ay ugu yeertay agaasimaha Radio Daljir, Axmed Sheekh Mohamed (Tallman) ee soo baxay 24 Sebtember, 2019.

Puntland: Wasiirka Warfaafinta oo soo rogay ammaro xayiraad ah, una hanjabay wariyaasha

MOGADISU, Somalia, 25 September, 2019 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu cambaareynayaa tallaabada wasiirka warfaafinta Puntland Cali Xasan Axmed (Sabarey) uu warbaahinta iyo suxufiyiinta Puntland ugu soo rogey xayiraadaha cusub ee looga dan leeyahay in lagu caburiyo xorriyadda saxaafadda iyo falalka hanjaabadaha ee ka dhanka warbaahinta iyo suxufyiinta ka howlgala Puntland.

Follow us & Subscribe

Twitter Feed

Alerts

Reports