Somali – Somali Journalists Syndicate

SJS oo bogaadisay kaalinta suxufiyiinta ee doorashada Dowladaha Hoose ee Puntland
MUQDISHO, Soomaaliya 23 Luulyo, 2024 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) waxa uu bogaadinayaa doorka aan caadiga ahayn ee suxufiyiinta, oo ay ku jiraan haweenku, ay ka qaateen doorashadii Dowladaha Hoose ee Puntland ee Talaadadii 23-July-2024 ka dhacday saddexda degmo ee Garoowe, Dangorayo iyo Godob-jiiraan.

In kasta oo ay jiraan tababaro kooban, agab yaraan, duruufo shaqo oo adag iyo mushahar yaraan, suxufiyiinta waxay soo bandhigeen warbixinno joogto ah oo ku saabsan doorashada, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen warbixino laba magaalo oo fogfog.

Suxufiinta waxay door muhiim ah ka ciyaaraan inta lagu guda jiro doorashada iyagoo hubinaya hufnaanta hannaanka doorashada, bixinta xogta saxda ah ee waqtiyaysan iyo inay fursad siiyaan codbixiyayaasha. Shaqada warfidiyeenku waxay muhiim u tahay dimuqraadiyadda curdanka ah ee Puntland, taas oo muhiim u ah muwaadiniin xog-ogaal ah oo wacyigashan.

Waxaa hadda laga joogaa nus qarni markii ugu dambeysay ee doorasho toos ah ka dhacdo Soomaaliya. Laga soo bilaabo 2002, Somaliland ayaa qabaneysay doorashooyinkeeda ‘Hal Qof Hal Cod’, balse waxa ay sheegtay in ay ka go’day Soomaaliya inteeda kale. Doorashada tooska ah ee Puntland, oo ahayd riyo dheer, ayaa rumowday bishii May ee sannadkii hore.

Doorashadan saddexda degmo, in ka badan 64,000 oo codbixiyeyaal ah oo iska diiwaangaliyay 80 goobood ayaa u codeeyay 431 musharrax oo u tartamayay 81 kursi oo dowladaha hoose ah, sida lagu sheegay xogta ay soo saareen guddiga doorashada Puntland (PEC). 23% musharaxiinta tartamaya ayaa ah haween.

Saxafiyad Xaawo Axmed Maxamed oo ka soo warameysa goob ka mid ah goobaha codbixinta ee Garoowe.

“Suxufiyiinta Puntland khibraddooda iyo tabobarrada ay u leeyihiin tebinta doorashada aad ayay u yar tahay, doorashada tooska ah waxay ahayd riyo muddo dheer soo jirtay, taas oo rumowday bishii May ee sannadkii hore, hase ahaatee illaa hadda saxafiyiinta maxalliga ah iyaga oo aan haysan tas-hiilaad badan iyo khibrad badan, waxay maanta muujiyeen dadaal aan caadi ahayn,” ayay tiri wakiilka SJS Puntland Xaliimo Cabdullaahi Cali.

“Waxaan si gaar ah u ammaaneynaa doorka haweenka warfidiyeenka ah oo qayb muhiim ah ka ah tebinta wararka doorashooyinka,” ayay raacisay.

Sawirka: Saxafiyiinta ka soo warbixineysa goobaha codbixinta ee caasimadda Puntland ee Garoowe.

Si loo baro cod-bixiyayaasha oo loo siiyo warar cusub dadweynaha guud, warbaahintu ayaa billawday tebinteeda toddobaadyo ka hor doorashada taasoo sii socotay illaa maalinta doorashada oo dhan. Iyadoo goobaha codbixinta oo furnaa 6:00 subaxnimo ilaa 6:00 galabnimo ee wakhtiga maxaliga ah, ay hadda xirmeen, saxafiyiintu waxay weli ku jiraan shaqada si ay u soo gudbiyaan wararka ugu dambeeya.

“Waxaan ku faraxsanahay in qaar badan oo ka mid ah xubnaheenna iyo warfidyeenka ay SJS tababartay ay ka faa’iideysteen tababarradaas la qabtay tan iyo 2021. Waxaan sii wadnaa in aan tababarno oo aan taageerno saxafiyiinta maxalliga ah. Waxaan sidoo kale sii wadeynaa u doodista xuquqda suxufiyiinta iyo helista xogta, anagoo aqoonsan kaalintooda muhiimka ah ee geedi socodka dimoqraadiyada Puntland,” ayay hadalkeeda raacisay wakiilka SJS ee Puntland Xaliimo Cabdullaahi Cali.

Xorriyadda Saxaafadda 2023: Weerarada Internet-ka, Xarigga Sharci Darrada iyo Handadaad u Adeegsiga Garsoorka
MUQDISHO, Soomaaliya 10 March 2024 – Daah-furnaan la’aanta ku gedaaman dilka Agaasimihii Somali Cable TV Cabdifataax Macallin Nuur (Qeys) oo lagu dilay qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho 16-kii Oktoobar, 2023 iyo rabitaan la’aanta hay’adaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya ee ah inaysan rabin inay baaritaan ku sameeyaan weerarkaas, waxay xasuusin weyn u tahay fashilka Dowladda Soomaaliya ee dhowrid la’aanta ballanqaadkeeda ku aaddanaa sugidda amniga iyo badqabka suxufiyiinta. Dhacdadan naxdinta leh ayaa hoosta ka xariiqaysa sida joogtada ah ee Soomaaliya ay u tahay meel dambiilayaasha ku kaca weerarada ka dhanka ah saxafiyiinta ay xor yihiin oo aan lala xisaabtamin, sida ku xusan diiwaanka Guddiga Difaaca Suxufiyiinta ee CPJ.

Intii lagu guda jiray sanadka 2023, Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu sameeyay dadaallo badan oo lagu diiwaangaliyay tacaddiyada ka dhanka ah saxafiyiinta iyo xarumaha warbaahinta dalka oo dhan, taasoo daaha ka qaadaysa tiro badan oo dhacdooyin handadaad ah, weeraro, iyo cadaadis lala beegsaday hawlwadeennada warbaahinta. Mid ka mid ah dhacdooyinka ayaa ahaa weerar hubeysan oo lagu qaaday Idaacadda Baraawe, oo ah tan kaliya ee bulshada deegaanka ee laga tirada badan yahay ay leeyihiin, taasoo keentay in la xiro idaacaddan madaxa-bannaan iyo in saxafiyiintii ka shaqeyneysay ay cabsi darteed uga carareen magaalada Baraawe.

Intaa waxaa dheer, SJS waxay diiwaangelisay xarigga aan sharciga ahayn ee 25 wariye, kuwaas oo intooda badan ay la kulmeen cadaadis, iyo cabsigelin loo adeegsaday garsoorka si looga horistaago saxafiyiinta gudashada waajibaadkooda shaqo ama u doodista xorriyadda warbaahinta. Waxaa xusid mudan, toddobo ka mid ah saxafiyiinta la beegsaday 2023 inay ka dheceen gudaha Somaliland, iyadoo mid ka mid ah saxafiyiinta gabar wariye ah oo lagu magacaabo Bushaaro Cali Maxamed (Bushaaro Baanday) oo ay xireen booliska Somaliland muddo ka badan labo bilood.

Weerarada ka dhanka ah saxafiyiinta ee sannadka 2023. | Xogta: SJS.

Illaa 18 kiis oo ah xarigga sharci darrada ee saxafiyiinta waxaa geystay qeybaha kala duwan ee booliska Soomaaliya, hay’adda sirdoonka ee NISA, iyo ciidamada ammaanka ee maamul goboleedyada sida kuwa Galmudug iyo Jubbaland. Ugu yaraan mid ka mid ah shaqaalaha warbaahinta ayaa ku dhaawacmay weerar mindi loo adeegsaday oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Waxaa sii xumeynaya caqabadaha haysta suxufiyiinta Soomaaliya, waxaa la faray laba shabakadood oo telefishanno maxalliga oo ka ka hawlgala Muqdisho iyo Hargeysa inay joojiyaan baahintooda ama meesha ka saaraan waxyaabaha loo arko in ay naqdi, halka saxafiyiinta caanka ah ee wax ku qora baraha bulshada ay sheegeen in si qasab ah looga saaray waxyaabaha ay faafiyeen oo ay dhibsadeen saraakiil dowladeed. Mid ka mid ah dhacdooyinka ayaa ahayd warbixin soo bandhigtay dhacdo jirdil ah oo Ciidamada Booliska Soomaaliya ay magaalada Muqdisho ugu geysteen fal ka dhan ah qof naafada ah.

Sidoo kale, Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa ku faantay inay iskaashi la leedahay Facebook-ga si ay faafreeb ugu sameyso wararka naqdiga ee lagu faafiyo baraha bulshada ee ku saabsan fashilka ciidamada dowladda ee dagaalka kula jira Al-Shabaab, halka Al-Shabaab laftirkeeda ay u hanjabtay saxafiyiinta la shaqeeya dowladda. Sannadka 2023, SJS waxay diiwaangelisay kiisas kale oo ku lug leh hanjabaado dhanka interner-ka iyo kuwo jireed oo ka dhan ah saxafiyiinta.

AUN meydka wariye Cabdifataax Qeys ayaa lagu aasay Muqdisho 17kii Oktoobar 2023. | Sawirka: SJS.

Hay’adaha warbaahinta Soomaalida, oo ay ku jirto Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS), ayaa la kulmay weerar xooggan oo dhanka internetka ah, kaasoo muujinaya kor u kac ku yimid isku dayga lagu burburinayo shaqada muhiimka ah ee ay hayaan hay’adaha warbaahinta. Iyadoo la adeegsanaayo tabaha adeegga diidmada qaybsan (DDoS), weerarka internet-ka ayaa lagu qaaday mareegta SJS ee www.sjsyndicate.org, ka dib markii lagu harqiyay qulqulka weerar danabeysan oo ka dhigtay mareegta SJS mid aan la heli karin. Isla markaa, ugu yaraan saddex hay’adood oo kale oo warbaahineed oo kala ah; Kaab TV, Horn Observer iyo Horn Examiner, ayaa sidoo kale isoo wariyay weerarro isku mid ah, iyagoo hoosta ka xarriiqay dabeecadda baahsan ee khatarta ah ee ay wajahayaan aaladaha saxafiyiinta ee dhanka internet-ka.

Walaaca gaarka ah ayaa ah isticmaalka sii kordhaya ee hannaanka Facebook Community Standards oo sabab u noqotay in sii xad dhaaf ah oo khaldan loo adeegsado habka warbixin ka gudbinta baraha bulshada ee saxafiyiinta iyadoo ujeedku yahay in lagu faafreebyo saxafiyiinta Soomaaliyeed ee dhaleeceeya dowladda, taasoo keentay in waxyaabaha ay baahiyaan saxafiyiinta la xaddido, ama laga tirtiro internet-ka iyo in xaddidaad lagu soo rogo cinwaannada qaar ee saxafiyiinta taasoo wiiqeysa xorriyadda hadalka. Saxafiyiinta iyo warbaahinta dhaliila dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka (NISA) ayaa kala kulmay barta Facebook-ga xayiraad baahsan, boggaga oo la xayiro, la joojiyo, ama laga saaro warbixinnada ay ku jiraan dhaliisha iyadoo loo adeegsaday cudurdaarka ah ka hortagga “ururada iyo shakhsiyaadka khatarta ah” ama “ku xad-gudbidda xeerarka Facebook ee Community Standards.”

Intii lagu jiray sanadka 2023, saxafiyiinta Soomaaliya iyo Somaliland waxa ay la kulmeen caqabado waaweyn oo ku saabsan tebinta eedeymaha musuqmaasuqa, xadgudubyada xuquuqul insaanka ee ay gaysanayaan ciidamada ammaanka ee dowladda, iyo amni darro iyo weeraro ay geystaan Al-Shabaab. Inkasta oo ay jiraan ballanqaadyo dastuuri ah oo lagu ilaalinayo xorriyadda saxaafadda, isla xisaabtan la’aanta dambiyada ka dhanka ah saxafiyiinta ayaa weli ah walaac xooggan, iyada oo aan wax horumar ah laga gaarin baaritaanka iyo la xisaabtanka dambiilayaasha.

Saxafiyiin ku mudaaaraday Muqdisho oo dalbatay in xorriyaddiisa la siiyo Xoghayaha Guud ee SJS, Cabdalle Mumin 24kii Febraayo 2023. | Sawirka: SJS.

Iyadoo la ambaqaadayo caqabadahan taagan, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Soomaaliya waa inuu mudnaanta koowaad siiyaa badqabka iyo amniga suxufiyiinta, isla markaana uu wax ka qabto la xisaabtan la’aanta, lana baaro dambiyada ka dhanka ah saxafiyiinta, oo ay ku jiraan kiisaska ay ku lug leeyihiin mas’uuliyiin sare leh oo dowladda ah. Intaa waxaa dheer, isticmaalka joogtada ah ee xeerka ciqaabta ee Soomaaliya iyo Somaliland labaduba waxay khatar ku yihiin xorriyadda hadalka, taas oo muujinaysa baahida degdegga ah ee dib-u-habeynta sharciga.

Si looga jawaabo caqabadahaas, SJS iyo la-hawlgalayaasheeda caalamiga ah waxay qaadeen tallaabooyin wax ku ool ah 2023, iyagoo laba dacwoodood oo waaweyn u gudbiyay Kooxda Shaqada ee Qaramada Midoobay ee Xabsiyada Sharci-darrada ah (UNWGAD) iyo Golaha Xuquuqda Aadanaha. Cabashooyinkan waxay si gooni ah u caddeynayaan xariggii sharci darrada ahaa, beegsiga iyo ciqaabta ka baxsan bani’aadannimada ee ka dhanka ah Xoghayaha Warfaafinta iyo Xuquuqul Insaanka ee SJS Maxamed Bulbul iyo Tacdiggii iyo beegsigii lagula kacay Xoghayaha Guud ee SJS Cabdalle Axmed Mumin. SJS waxa ay wali ka go’an tahay in ay raadiso caddaaladda iyo la xisaabtanka xadgudubyadan xorriyada saxaafadda.

Anagoo ka faa’iidaysaneyna xiriirkeenna caalamiga ah, SJS waxay sii waday dadaalkeeda u doodista iyadoo la kaashanaysa noocyo kala duwan ee ururada bulshada rayidka ah si ay loo difaaco xoriyada warbaahinta, ilaalinta xuquuqda aadanaha, sugida badqabka iyo helitaanka xogta ee internetka, iyo tallaabooyinka badbaadada ee difaacayaasha xuquuqul insaanka, oo ay ku jiraan saxafiyiinta, oo aan kaliya ku koobneyn Afrika laakiin sidoo kale goobaha kale ee caalamka.

Bishii Luulyo 2023, SJS waxay gaartay guul muhiim ah markay ku biirtay Machadka Saxaafadda Caalamiga ah ee (IPI), oo ah shabakad caalami ah oo ka kooban tifaftirayaasha, madaxda warbaahinta, iyo saxafiyiinta caanka ah. Xubinnimadani waxay sii xoojinaysaa ka go’naanshaha SJS ee ku aaddan difaaca xorriyadda saxaafadda, badqabka suxufiyiinta, iyo ilaalinta xorriyadda hadalka, gudaha Soomaaliya iyo masraxa caalamiga ahba.

Sannadkii 2023 waxay SJS xoojisay tababarrada lagu kobcinayo awoodda gabdhaha saxafiyiinta. | Sawirka: SJS.

Sannadka oo dhan, SJS waxa ay door muhiim ah ka ciyaartay taageeridda saxafiyiinta ay heystaan caqabado sharci, iyada oo bixisa habab dhinacyo badan leh oo wax looga qabanayo caqabadaha dacwadaha sharciga ah iyo khataraha ku ah xoriyatul qawlka. Tan waxaa ka mid ahaa in la siiyo taageero difaac sharci, latalin, iyo talo 47 saxafi ah oo ay ku jiraan saxafiyiinta haweenka.SJS waxay sidoo kale barnaamijyo tababar ah u qabatay 84 saxafi, iyadoo diiradda la saarayo awood siinta suxufiyiinta haweenka oo qiyaastii 40% ka mid ah ka faa’ideystayaasha barnaamijyada ay haweenka ahaayeen, iyo wax ka qabashada xuquuqda aadanaha iyo arrimaha xuquuqda haweenka ee Soomaaliya.

SJS waxay u mahadcelinaysaa taageerayaasheeda iyo la hawlgalayaasheeda caalamiga ah sida National Endowment for Democracy (NED), Sanduuqa Kanada ee CFLI, iyo Medico International. SJS waxa ay qorshaynaysaa in ay sii wado qorshayaasha tababar ee la midka ah sanadka 2024 si kor loogu qaado awoodda saxafiyiinta maxaliga ah ee kasoo warbixinaya arrimaha muhiimka u ah bulshada.

HALKAN KA DEGSO WARBIXIN SANNADEEDKA SJS OO DHAMEYSTIRAN PDF

Maxamed Ibraahim Isaaq
Guddoomiyaha SJS

Xilli tacsi lagu jiro, ayey Xeer Ilaalinta Soomaaliya su’aalo weydiin cabsigelin wadata la yeelatay Agaasimaha Arlaadi
MUQDISHO, Soomaaliya 18 Oktoobar, 2023 – Somali Journalists Syndicate (SJS) waxay walaac ka muujineysaa in iyadoo saxafiyiinta Soomaaliya ay la murugoonayaan dilka agaasimihii Somali Cable TV, saaka oo Arbaco ah Xafiiska Xeer Ilaalinta Soomaaliya uu su’aalo weydiin cabsi gelin wadatay la yeeshay agaasimaha Warbaahinta Arlaadi ee Muqdisho.

Saaka abaarihii 10:00am, waxaa Xafiiska Xeer Ilaalinta tagay Agaasimaha Warbaahinta Arlaadi, Cabdiraxmaan Jeylaani Maxamed (Cadaani) halkaasoo su’aalo weydiin socotay 30 daqiiqo ay ka dhacday.

Dhammaan su’aalaha la weydiiyay oo ahaa kuwo cagajugleyn ah ayaa ku saleysnaa shaqada warbaahinta Arlaadi iyo warbixinno dhowaan telefishanka uu baahiyay oo ku saabsan lacag la sheegay in laga ururiyay dadweynaha degmada Waajid ee gobolka Bakool.

SJS waxay walaac ka muujineysaa in Cabdiraxmaan markii uu tagay Xafiiska Xeer Ilaalinta aan loo ogolaan inuu qareenkiisa la joogo, iyadoo su’aalaha Xafiiska Xeer Ilaalintu ay ahaayeen kuwo ujeedkoodu ahaa cabsi gelin, sida uu SJS u sheegay Cabdiraxmaan.

Saxaafaddu ma ahan dembi. Adeegsiga Xafiiska Xeer Ilaalinta si loo cabsi geliyo saxafiyiinta, loona aamusiyo warbaahinta xorta ah waa arrin aan la aqbali karin oo ka dhan ah Dastuurka Soomaaliya iyo xeerarka caalamiga ee dhowraya xorriyadda hadalka iyo tan warbaahinta.

U yeerista saaka ee agaasimaha Warbaahinta Arlaadi looga yeeray Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa timid iyadoo 24 saac kaliya ay ka soo wareegatay aaskii agaasimihii Somali Cable TV, marxuum Cabdifataax Macalim Nuur (Qeys) oo weerar is-qarxin ah lagu dilay habeennimadii Isniintii. Dilkaasi oo illaa maanta walwal iyo cabsi ku beeray dhammaan saxafiyiinta iyo warbaahinta Soomaaliyeed ee xorta ah.

Waxaa yaab leh in Xafiiska Xeer Ilaalinta ee aan awoodin inuu baaritaan ku sameeyo kuwii dilay agaasimaha Somali Cable TV, saaxiibkeen Cabdifataax Qeys, ayaa awooday inuu u yeero oo hadado agaasimaha Arlaadi.

Maalinta Caalamiga ee Xog-helidda ah ayaa Bulbul la geeyay xabsiga
MUQDISHO, Soomaaliya 28 Sebtembar, 2023 – Munaasabadda Maalinta Caalamiga ah ee Xog-helidda darteed, Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu ka walaacsan yahay tallaabadii qasabka ah ee saraakiisha booliska iyo kuwa nabsdsugidda ay ku wareejiyeen, Maxamed Ibraahim Bulbul, Xoghayaha Warfaafinta iyo Xuquuqda Aadanaha SJS oo laga qaaday Saldhigga Booliiska Xamar Jajab, loona wareejiyay Xabsiga Dhexe ee Muqdisho maanta oo Khamiis ah 28 Sebtember.

Arrintaan murugada leh ayaa daba socota kadib markii garsooraha Maxkamadda Gobolka Banaadir uu Isniintii 25 Sebtembar diiday dhammaan eedeymihii 7-da ahaa ee uu Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Qaranka ku soo oogay Bulbul kuwaasoo ku saleysnaa Xeerka Ciqaabta. Garsooraha, isagoo raacaya diidmo horudhac ah oo ay soo bandhigeen kooxda sharciga ee SJS, ayaa hoosta ka xarriiqay in saxaafaddu aysan ahayn dembi. Bulbul ayaa lagu hayay xabsi sharci darro ah oo aan loo ogoleyn wax xiriir ah tan iyo 17 Agoosto 2023 ka dib markii uu baahiyay warbixin daaha ka qaadday eedeymo musuqmaasuq oo ay ku lug leeyihiin booliska Soomaaliya ee ka qeyb qaadanayay tabobar ay taageeraysay hay’adda Midowga Yurub (EUCAP).

Ka dib tuuristii eedeymaha, waxaanu filaynay in Bulbul la sii daayo; si kastaba ha ahaatee, waa wax laga xumaado ah in shakhsiyaad gaar ah ay si joogto ah ugu xadgudbayaan xuquuqda Bulbul.

“Laga soo bilaabo Isniintii, ka dib markii garsooraha maxkamadda uu meesha ka saaray eedeymihii uu soo jeediyay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud, ma jirto eedeymo rasmi ah oo ka dambeeyay. Waxaan filaynay in saaxiibkeen Bulbul la sii daayo. Waxa wax laga xumaado ah, iyadoo aan sharciga la tix-gelin, kuwa beegsanaya Bulbul waxay door bideen inay u geystaan hagardaamo, cagajugleyn iyo dhibaato,” ayuu yiri Xoghayaha Guud ee SJS Abdalle Ahmed Mumin, “Haddii ay wax macno ah leedahay, dhibaataynta Bulbul ee socota iyo u wareejintiisii maanta xabsiga ee lagu soo beegay Maalinta Caalamiga ah ee Helitaanka Macluumaadka waxay muujinaysaa mustaqbalka mugdiga ah ee xorriyadda saxaafadda ee Soomaaliya.”

“Waxaan si adag u cambaareyneynaa dhibaateynta joogtada ah iyo xarigga aan sharciga ahayn ee lagu hayo Maxamed Bulbul, kaasoo si gaar ah loogu bartilmaameedsaday shaqadiisa suxufinimo ee uu ku soo bandhigay musuqmaasuqa booliska darteed. Waxaanu dalbanaynaa in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah lagu sii daayo Bulbul,” ayuu yiri Mr. Mumin.

In kasta oo ay jiraan cadaadis iyo hanjabaad joogto ah, SJS waxa ay ku adkaysanaysaa sida ay uga go’an tahay difaacidda xorriyadda saxaafadda iyo xorriyadda hadalka, iyada oo u aqoonsanaysa inay yihiin qaybaha muhiimka ah ee xuquuqaha aadanaha ee bulshadeena.

War Saxaafadeed: Ka Jawaabista Warka Been Abuurka ee Booliska
MUQDISHO, Soomaaliya, 31 August 2023 – Xoghayaha Warfaafinta iyo Xuquuqda Aadanaha Somali Journalists Syndicate (SJS), Maxamed Ibraahim Bulbul wuxuu sifo sharci darro ah ku xiran yahay maalinkii 15aad.

Bulbul waxaa lagula kacay tacaddiyo ay ka mid yihiin jirdil, handadaad, su’aalo qasab ah oo sharciga ka baxsan (oo uu iska diiday), cuntada oo loo diiday, booqashada ehelka, qoyska, saaxiibada iyo xitaa qareennada oo loo diiday.

Ma jirto wax eedeyn ah oo lagu soo oogay illaa hadda. Sidaasi darteedna ma ahan eedeysane.

SJS waxay cambaareyneysaa war saxaafadeed shalay 30 Augusto 2023 lagu faafiyay barta Ciidanka Booliska Soomaaliya kaasoo ay ka buuxeen ereyo sharciga ku xadgudbaya, looguna been abuuranayo Maxamed Ibraahim Bulbul.

Sida uu sheegayo Qodobka 35aad ee Dastuurka Dalka KMG, qofkasta waa bilaa dembi illaa “Maxkamad sharci” ah ku hesho dembi, halka Qodobka 70aad ee XHC uu sheegayo in mas’uuliyadda oogista eedda uu leeyahay Xafiiska Xeer Ilaalinta. Waa yaab e goorma ayuu boolisku noqday Xeer Ilaalin?

Somali Journalists Syndicate (SJS) waxay cambaareyneysaa falalka handadaada ah iyo isku dayga su’aalo weydiinta qasabka ah ee lagu hayo Maxamed Bulbul. Waxaana ku baaqeynaa in la joojiyo, lana siiyo xorriyaddiisa si deg deh ah. Waa in lala xisaabtamaa kuwii weeraray ee afduubay Bulbul.

Boolisku waa inay baaritaan ku sameeyaan, sharcigana horgeeyaan kuwa musuqmaasuqa lagu eedeeyay. Waa in la joojiyaa beegsiga lagu hayo suxufiyiinta soo baarta ama ka hadasha eedeymaha musuqmaasuqa baahsan ee halakeeyay dalka Soomaaliya.

SJS oo si rasmi ah ugu biirtay IPI
MUQDISHO, Soomaaliya, 28 Luulyo 2023 – Ururka Saxafiyiinta Soomaaliyeed (SJS) ayaa ku dhawaaqay ku biiridda rasmiga ah ee Golaha Saxaafadda Caalamiga ah (IPI), oo ah shabakad caalami ah oo ka kooban tifaftirayaasha, madaxda warbaahinta, iyo ururada saxafiyiinta caanka ah.

Tallaabadan muhiimka ah waxay sii xoojineysaa ka go’naanta SJS ee ku aaddan difaaca xorriyadda saxaafadda, badqabka suxufiyiinta iyo ilaalinta xorriyadda hadalka, gudaha Soomaaliya iyo masraxa caalamiga ahba.

Iskaashigan istiraatijiyadeed ayaa sii xoojinaya kaalinta SJS ee ku wajahan u doodista sida adag ee xorriyadda saxaafadda, iyada oo xoojinaysa xubnaheeda marka ay wajahayaan caqabadaha adag ee ka hor imanaya xirfadlayaasha warbaahinta ee Soomaaliya. Ku biiridda Golaha Saxaafadda Caalamiga ah waxa ay astaan u tahay guul muhiim ah oo SJS ay ka gaartay dagaalka aan ugu jirno madax banaanida saxaafadda iyo badbaadada saxafiyiinta.

“Waan ku faraxsanahay inaan maanta u dabaaldegno guul kale oo muhiim noo ah anagoo si rasmi ah ugu biirnay Golaha Saxaafadda Caalamiga ah (IPI). Ku biiritaankan waxa uu kor u qaadayaa awoodda SJS ee ah in ay si wax ku ool ah ugu doodo xorriyadda warbaahinta Soomaaliya iyo in lagu xoojiyo xubnaheenna waxyaabaha lagama maarmaanka ah si ay ugu gudbaan xaaladaha adag ee ay wajahayaan saxafiyiinta Soomaaliya,” ayuu yiri Cabdalle Axmed Mumin, Xoghayaha Guud ee SJS.

SJS oo ah urur saxafiyiin heer qaran ah iyo u doode adag oo xorriyadda saxafadda, ayaa sii wadi doona in si hagar la’aan ah oo geesinimo leh u difaacno xuquuqda saxafiyiinta iyada oo la siinayo gargaar sharci oo muhiim ah warfidyeenka wajahaya kiisaska maxkamadaha ee ka dhashay shaqadooda saxafinnimo. Hadafkayagu waa in aan hubinno in saxafiyiintu ay gudan karaan waajibaadkooda iyaga oo aan ka cabsanayn aargoosi, iskaashigeenna IPI taasi ayuu xoojinaya.

Iyadoo muuqaalka warbaahintu uu is bedelayo, SJS waxa ay weli u heellan tahay horumarinta saxafiyiinta mas’uulka ah iyo difaacidda xuquuqda kuwa sida geesinimada leh u soo tebiya runta. Wada shaqeynteenna IPI waxay xoojineysaa ballanqaadkeena wadajirka ah ee ilaalinta mabaadi’da aas-aasiga ah ee warbaahinta xorta ah iyo madax-bannaanida.

“Waqtiyadan adag, SJS waxay ugu baaqaysaa dhammaan dhinacyada ay khusayso inay aqoonsadaan doorka muhiimka ah ee saxaafadda xorta ah ee ilaalinta dimoqraadiyadda, kobcinta daahfurnaanta, iyo gaarsiinta dadweynaha xog sax ah,” ayuu sii raaciyay mudane Mumin. “Si wadajir ah, waxaan u dhisi karnaa bulsho qiimeeysa xorriyadda saxaafadda oo qadarisa dadaalka aan daalka lahayn ee saxafiyiinta u halgamaya runta iyo isla xisaabtanka.”

SJS waxa ay aad ugu mahadcelinaysaa Golaha IPI sida uu noogu soo dhaweeyay shabakadiisa qiimaha badan, waxaana aanu balan qaadaynaa in aanu sii wadi doono u ol’olaynta xoriyadda saxaafadda Soomaaliya iyo meelaha ka baxsan intuba.

Bahda Warbaahinta Soomaaliyeed oo cambaareeyay War-saxaafadeedka lagu marin habaabinaayo kiiska Xoghayaha SJS Abdalle Muumin oo shalay kasoo baxay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Soomaaliya.
MUQDISHO,Soomaaliya,1-da Maarso 2023- Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee (SJS), Daladda Badbaadada Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee (SMSJ) iyo Ururka Warbaahinta Soomaaliyeed (SOMA) waxay cambaareeynayaan War-Saxaafadeedka ku saabsan xarigga sharcidarrda ah ee Xoghayaha Guud ee SJS, Abdalle Axmed Muumin oo shalay, Talaado 28-ka February kasoo baxay Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qararanka ,kaasi oo ujeedkiisu yahay in la marin habaabiyo dacwadda Xoghaye Abdalle Axmed Muumin.Bahda warbaahinta Soomaaliyeed oo la-tashi la sameeyay qareennada Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee SJS oo ka walaacsan xarigga Xoghayaha SJS Abdalle Axmed Muumin iyo warqadda kasoo baxday xafiiska xeer ilaalinta qaranka  ayaa soo saaray qodobadan hoose.

War-saxaafadeedkan oo ku taariikhaysnaa 28-dii February ,2023 laguma xusin in Xoghayaha SJS Abdalle Axmed Muumin ay xubno ka tirsan Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA ay si baalmarsan sharciga ugu xireen garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho.

Xeer ilaalintu waxay Meesha ka saartay in dacwadda Abdalle ay tahay mid ku salaysan warbaahinta iyo xorriyadda saxaafadda,iyadoo Abdalle lagu soo oogay dacwad ku saabsan shirjiraa’id oo ay si wadajir ah xafiiska SJS ugu qabteen bahda Warbaahinta Soomaaliyeed 10-kii October 2022.Dhageysiga maxkamadda ayaana si toos ah looga sii daayay warbaahinta,waana laga heli karaa.

Xafiiska Xeer Iilaalintu hadda sharci uma lahan in uu kiiskan ka hadlo ,waxuuna War-saxaafadeedkan muujinayaa in la siyaasideynaayo dacwadda xoghayaha SJS oo aan loo heyn sabab sharci ah.Waxayna taasi muujinayasaa in Maxkamadda gobalka Banaadir ay wax ka bedal ku sameysay xukunkii asalka ahaa oo ku taariikhaysnaa 13-February 2023.

Qoraalka xeer ilaalintu wuxuu si toos ah u muujinayaa in Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo Maxkamadda Gobalka Banaadir ay isla-garteen in Xoghayaha SJS Abdalle Axmed Muumin lagu rido xukun kale oo culus,waxayna Xeer Ilaalintu ku timaamtay Abdalle Muumin in uu yahay “Dambiile”,iyadoo aysan xaq u lahayn in ay si sharci ah u isticmaasho eraygaasi.

Kadib markii ay Maxkamadda gobalka Banaadir ay damaanadda kala noqotay Abdalle Muumin,Maxkamadda Racfaanka ayaa damaanad  ku taariikhaysan 22 October ,2022 ,sumaddeeduna tahay  MRGB/69/2022/BG siisay Abdalle Muumin ,sidaasi darted Maxkamadda gobalka Banaadir xaq uma lahan in ay Abdalle ka qaado Damaanadda .Keliya Maxkamadda Racfaanka ayaa awood sharci u leh in ay la naqoto damiinteeda.

Xeer Ilaalintu waxay ku eedeysay mas’uuliyiinta Xabsiga dhexe in ay si sharci-darro ah ay ku sii daayeen Abdalle Muumin, islamarkaana ay kasoo horjeesteen go’aankii Maxkamadda ,waxayna sheegeen in Abdalle uu ahaa baxsad,balse Abdalle waxaa lagu sii daayay si sharci ah ,wuxuuna ku sugnaa magaalada in ku dhow laba todobaad,kadib markii la sii daayay.Si kastaba, War-saxaafadeedkan kasoo baxay Xafiiska Xeer Ilaalinta Qaranka ayaa imaanaya wax-kayar 24-saac kadib markii uu Baarlamaanka Soomaaliya uu ka dooday sii socoshada tacaddiyada ka dhanka ah Xoghayaha SJS Abdalle Axmed Muumin ,xildhibaannaduna ay dalbadeen xorriyad usoo celinta Abdalle Muumun si shuruud la’aan ah iyo in baaritaan dhab ah lagu sameeyo kiiskan. Baarlamaanka ayaa kiiskan u xilsaaray guddiga Warbaahinta ee Baarlamaanka golaha shacabka in ay soo baaraan oo ay soo diyaariyaan warbixin ku saabsan kiiskan.Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee (SJS), Daladda Badbaadada Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee (SMSJ) iyo Ururka Warbaahinta Soomaaliyeed (SOMA) waxay cambaareenayaan War-saxaafadeedka marin habaabinta ah ee kasoo baxay xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ee Soomaaliya ,kaasi oo ujeedkiisu yahay lagu qaldo ,laguna maran habaaiyo bulshada Soomaaliyeed xaqiiqada ku xeeran kiiskanUrurada Warbaahinta Soomaaliyeed waxay sidoo kale si wadajir ah u cambaareenayaan cadaadiska iyo cabsigelinta joogtada ah ee ka dhanka ah Xoghayaha Guud ee SJS Abdalle Axmed Muumin,waxayna dalbanayaan in s shuruud la’aan ah lagu sii daayo Xoghayaha SJS.Bahda Warbaahinta Soomaaliyeed waxay sidoo kale ugu baaqayaan saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya taageera in si cad u cambaareeyaan xarigga sharcidarrada ah ee dib loogu geystay Xoghayaha Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee SJS Abdalle Axmed Muumin oo ah si qarsoodi ah oo baalmarsan sharciga dalka ugu xeranXabsiga dhexe ee Xamar.

Warbixinta Sannadlaha ah ee SJS: Xaaladda Xorriyadda Saxaafadda ee Soomaaliya 2022
MUQDISHO, Soomaaliya, 31 Jannaayo 2023 – Soomaaliya ayaa lagu tiriyaa in ay ka mid tahay waddamada ugu khatarta badan caalamka ee ay wariyayaashu ka howlgalaan, maadaama ay la kulmaan hanjabaadyo uga imaanaya dowladda iyo kooxaha xagjirka ah sida Al-Shabaab iyo maleeshiyo beeleedyo kooban. Waddanku waxa uu kaalinta koowaad ka galay liiska uu soo saaray Guddiga Caalamiga ah ee Difaaca Saxafiyiinta ee CPJ sannadkii siddeedaad oo isku xigta taas oo ka dhigaysa waddanka ugu khatarta badan ee saxafiyiinta ka hawlgalaan Afrika.

Si ka daran sanadihii hore, adeegsiga garsoorka si loogu caga jugleeyo saxafiyiinta iyo madaxda ururada, hanjabaadaha lagu lamaaniyay amarada iyo go’aannada xaddidaya xorriyadda saxaafadda laguna soo rogayo saxafiyiinta iyo hay’adaha warbaahinta si ay ugu sii  jiraan is faafreeb iyaga oo ka baqaya aargudasho dowladeed ayaa 2022-ka noqotay dhaqan caadi ah, taasina waxay horseedday in sheekoyin badan oo danta guud ah aanan la soo tebin.

Amarka cusub ee lagu soo rogay warbaahinta 8-dii Oktoobar, 2022 ee ay soo saartay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa ka kooban xaddidaad ballaaran oo ku wajahan xorriyadda saxaafadda iyo xuquuqda ay saxafiyiinta u leeyihiin helista macluumaadka. Saxafiyiinta iyo hay’adaha warbaahintu waxay ka walaacsan yihiin in ereyada aan caddayn ee ku jira sharciga ay xaddidi karaan awoodda ay u leeyihiin inay si xor ah uga warbixiyaan hawlgallada socda ee ka dhanka ah kooxaha hubeysan, ayna xaddidi karto xorriyadda warbaahinta madaxa-bannaan.

Xoghayaha Guud ee SJS, Cabdalle Mumin, Agaasimaha Risaala Media Corporation Maxamed Cabduwahaab iyo Saxafi sare Yuusuf Cabdi Shire oo ka mid ah koox saxafiyiin oo ka qeybgalay kulan cabasho ah oo lagu dalabanayey xorriyadda Xoghaye Mumin 5 Disembar 2022. | Sawirka/SJS.

Weerarkii lagu qaaday xafiiska SJS 10-kii Oktoobar, Xarigga Xoghayaha Guud ee SJS Cabdalle Axmed Mumin 11-kii Oktoobar iyo beegsiga weli lagu hayo ayaa ah farriin kale oo dhiilo leh oo ku socota dhammaan bahda warbaahinta dalka. Weerarkii lagu qaaday xafiiska SJS ayaa waxaa fuliyay rag afka soo duubtay oo ku hubeysnaa qoryaha AK47 oo uu hogaaminayay taliyaha ciidanka nabadsugidda ee NISA ee degmada Howlwadaag “Shakiib” wax yar kadib markii SJS oo ka mid ah afar hay’adood oo ah kuwa u dhaqdhaqaaqa xoriyadda saxaafadda ay si wadajir ah u qabteen shir jaraa’id oo ay walaac kaga muujiyeen amarrada xannibaadda ah ee ay soo saartay wasaaradda warfaafinta.

Kaddib ammaradii 8-dii Oktoobar ee wasaaradda warfaafinta, saraakiisha sirdoonka Jubbaland ayaa si sharci darro ah waxay 23-kii Oktoobar magaalada Kismaayo ugu xireen weriye ka tirsan Telefishinka Horn Cable TV ahna xiriiriyaha xorriyadda saxaafadda ee SJS, Cabdullahi Xuseen Kilaas, kaddib markii uu ka warbixiyay weerar lagu qaaday hoteel ku yaalla bartamaha magaalada Kismaayo maalintaas. Kilas ayaa la sii daayey gelinkii dambe ee maalinkaas ka dib markii Horn Cable TV uu boggiisa ka saaray warkii weriye Kilas. Sidaas oo kale, maamulka Hirshabeelle ayaa weeraray idaacadda Hiiraanweyn ee magaalada Beledweyne, waxaana ay xireen afar wariye oo idaacadda ka hawlgalayey 22-kii Disembar, kadib markii ay soo tebiyeen ka bixitaankii maleeshiyada Macawisley ee ku sugnaa tuulooyin ka tirsan gobolka Hiiraan sababo la xiriira mushaar la’aan. Booliska Galmudug ee ku sugan Cadaado ayaa iyaguna xabsiga dhigay labo weriye oo ka ka hawlgala warbaahinta gudaha kuwaasi oo wareystay odayaal beeleed lagu eedeeyay in ay la kulmeen xubno ka tirsan Al-Shabaab 25-kii Disembar. Sidoo kale, waxaa lagu wargeliyay saxafiyiinta deegaanka in ay ka waantoobaan wararka la xiriira dhacdooyinka amniga oo ay ku jiraan weerarada kooxda Al-Shabaab.

Kororka tirada xarigga warfidiyeenka ee afartii sano ee lasoo dhaafay.

Sida ku cad diiwaanka SJS, xariga sharci darrada ah, isticmaalka handadaadda, xaddidaadda iyo xannibaadda helitaanka macluumaadka ayaa gaartay heer kale oo welwel leh sanadkii 2022-ka, halka dhanka kale maamulada heer federaalka iyo dowlad gobolleedyadu ay labo jibbaareen weerarrada ka dhanka ah suxufiyiinta ka warramaya dagaalka ay dawladdu ku dhawaaqday ee u dhexeeya ciidammada dawladda iyo Al-Shabaab ee ka socda gobollada dalka qaarkood. Intii lagu guda jiray sannadkii 2022, waxaa la dilay labo weriye oo caan ah; halka 10 kalena la dhaawacay; 84 weriye ayaa la xiray; toddoba xarumood iyo xafiisyo warbaahineed ayaa la weeraray oo albaabada loo laabay iyadoo la dhibsanayo warbixinadooda xasaasiga ah awgeed.

Tacadiyada ka dhanka ah xorriyadda saxaafadda ee dhacay sannadkii 2022.

SJS ayaa diiwaangelisay kororka tirada saxafiyiinta ee ka fakaneysa dalka taasoo ka dhalatay cabsi ay ka qabaan hanjabaado la xiriira shaqadooda warbaahineed darteed. In ka badan 10 saxafi (saddex ka mid ah ay ahaayeen haween) ayaa dalka uga qaxay dalal kala duwan oo ay ku jiraan Turkiga iyo Kenya. Saxafiyiintan ayaa sheegay in ay go’aansadeen in ay u baxsadaan dalka dibaddiisa, iyadoo ay sii kordhayaan cadaadiska iyo hanjabaadaha ka imaanaya dhanka mas’uuliyiinta dowladda iyo caburinta ka dhanka ah saxaafadda xorta ah oo xaaladda ka dhigtay mid aan la xamili karin.

Xayiraadaha helitaanka macluumaadka waxay abuurtay faafreebka warbaahinta dhexdeeda ay isku sameyso. Warfidiyeenka ku sugan Muqdisho, Hirshabeelle, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland ayaa SJS u sheegay in laga hor istaagay munaasabadaha waaweyn iyo goobaha ay ka dhacayeen dhacdooyinka wareed, sida goobihii ay Al-Shabaab weerartay, loona diiday in ay ka soo waramaan arrimaha saameynaya danta guud. Suxufiyiintu waxay si gaar ah uga xog-warameen falal faafreeb iyo caga-juglayn isugu jira oo looga gol-leeyahay in lagu joojiyo inay soo bandhigaan xad-gudubyo halis ah oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

Gobollada ay ka kala dheceen tacadiyada ka dhanka ah xorriyadda saxaafadda sanadkii 2022.

Taliyeyaasha booliska, garsoorayaasha, saraakiisha dowladda, hogaamiyaasha beelaha iyo xubnaha Al-Shabaab ayaa lagu tilmaamay in ay yihiin kuwa ugu waaweyn ee geysta xadgudubyadan. Saxafiyiinta ku sugan Puntland ayaa SJS u sheegay in loo diiday in ay tabiyaan wararka muujinaya gabood-fallada booliiska iyo xadgudubyada dhanka galmada ah ee lagula kacay haweenka iyo gabdhaha. Maamulka Somaliland ayaa xayiraad adag ku soo rogay helitaanka macluumaadka oo ay ka mid yihiin in la jaro ama la xanibo internet-ka, xarigga warfidiyeenka, xayiraadda xarumaha warbaahinta iyo sidoo kale tallaabooyin cabsi gelin ah oo la doonayo in lagu aamusiyo war-tebinta dhacdooyinka xasaasiga ah ee saxafiyiinta gudaha ay soo gudbinayaan.

Warfidiyeenka, gaar ahaan, kuwa soo tebiya arrimaha xuquuqul insaanka, ayaa u aaneeyay in caqabadda kale oo ay wajahayaan ay tahay dhibaatooyinka dhaqaale taasoo ah natiijada tooska ah ee ka dhalatay shaqadooda si ay u diiwaangeliyaan una baaraan xadgudubyada xuquuqda aadanaha. Dabeecadda cadawtinimada ku saleysan ee loo qabo saxafiyiinta ka waramaaya xadgudubyada xuquuqul insaanka iyo wacyi galinta bulshada guud ayaa sidoo kale qayb ka ah caqabadaha jira.

Helitaanka macluumaadka guud waxay ka dhigan tahay in qof kastaa uu xaq u leeyahay inuu raadiyo, helo oo bixiyo macluumaadka. Warbaahintu waxa ay ciyaartaa door muhiim ah, gaar ahaan marka ay doonayso in ay ku wargeliso dadweynaha xogta muhiimka ah ee dalkooda iyo la socodka hawlaha dawladooda. Xaqa helitaanka xogta waa arrin kale oo ay ku xiran tahay xuquuqda xorriyadda saxaafadda. Nasiib darrose, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada xubnaha ka ah ayaan weli ku guuleysan in ay soo saaraan Hindise Sharciyeedka Helitaanka Xogta oo ah waajibaad Dastuuri ah sida uu qabo qodobka 32-aad ee Dastuurka KMG ah.

Cadaadiska sii kordhaya ee ka dhanka ah saxafiyiinta Soomaaliyeed iyo helitaan la’aanta xogta ayaa cirka ku shareertay walaaca jira. Marka saxafiyiinta la xannibo, loo hanjabo, loona diido inay helaan macluumaadka, waxay dhaqan gelin doontaa isla xisaabtan la’aan. Bixinta iyo u soo bandhigidda macluumaadka dadweynaha guud ahaan, gaar ahaan arrimaha daboolka ka qaadaya ku-xadgudubka xuquuqul insaanka waxay kor u qaadeysaa in dhibanayaasha tacadiyada xuquuqda aadanaha ay heleen xuquuqdooda ama in loo raadiyo caddaalad ka dhan ah denbiilayaasha iyada oo loo marayo tallaabo sharci ah.

Waxaan ka walaacsanahay kor u kaca weerarada ka dhanka ah saxafiyiinta oo kaliya lagu bar tilmaameedsado warbixinada ay soo tebiyaan ee la xiriira weerarada ciidamada dowladda Soomaaliya ay ku qaadeen Al-Shabaab. Waxaa murugo leh, weerarradan ka dhanka ah saxaafadda xorta ah waxaa sabab u ah amarkii 8-dii Oktoobar ee wasaaradda warfaafinta ee lagu xaddidayay wararka warbaahinta ee howlgallada amniga ee socda.

Anagoo si adag u cambaareynayna weerar kasta oo ka dhan ah saxafiyiinta, waxaan sidoo kale ku celineynaa baaqa ku socda Dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah federaalka in ay joojiyaan weerarada ka dhanka ah saxafiyiinta isla markaana ay u ogolaadaan warbaahinta madaxa-bannaan iyo saxafiyiinta in ay gudan karaan waajibaadkooda shaqo hanjabaad iyo xarig la’aan.

Intaa waxaa dheer, xeerka saxaafadda Soomaaliya (wax ka beddelka 2020) waxaa ku jira qodobbo khatar ku ah xuquuqul insaanka, xorriyadda hadalka iyo xorriyadda saxaafadda isla markaana denbi ka dhigi karta tabinta warbaahinta, dawladdana siin kara awood ballaadhan iyo inay korjoogteyn ku sameyso shaqada warbaahinta xorta ah.

Qodobada ku saabsan ciqaabta denbi ee ku jira xeerka saxaafadda ayaa ah kuwo aanan si cad loo qeexin waxayna siin karaan hay’adaha sharci fulinta awood ballaaran oo ay u fasirtaan si khaldan iyo ku xadgudub. Qodobada maldahan waxaa ka mid ah qodobka mamnuucaya ka warbixinta arrimaha ka soo horjeeda “danta qaranka”, “war been abuur ah”, “hurin colaad iyo qabiil” iyo “fidinta borobogaandada”.

Waxaa intaa dheer, xeerku wuxuu ku soo rogayaa ganaax aan la cayimin weriyeyaasha ka hor yimaada qodobbada uu dhigayo, waxaana laga yaabaa in saxafiyiinta ay wajahaan dacwad ciqaab ah oo ku saabsan inay bixin waayeen ganaaxyada. Waxa kale oo ka mid ah qodob khatar gelinaya xuquuqda saxafiyiinta oo ah in ilo wareedyada qarsoon lagu qasbo warbaahinta inay sheegaan, iyo sidoo kale xayiraado maamul oo siinaya wasaaradda warfaafinta awood ballaaran oo ay ku maquuniso warbaahinta iyo hawl-wadeennada warbaahinta.

Waxaa nasiib darro ah in saxafiyiintu ay hadda cabsi ku qabaan dalkooda gudihiisa iyagoo miciin bidaya inay is-faafreebaan ama ay dalka isaga baxaan. Waxaan ku boorineynaa maamullada maxalliga ah iyo kuwa Dowladda Federaalka inay joojiyaan xaddidaadda helitaanka macluumaadka haddii ay ahaan lahayd midda dowladeed iyo tan aan la xiriirin dowladda intuba.

Dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah waa in ay abuuraan jawi nabdoon oo saxafiyiintu ay ku gudan karaan waajibaadkooda cabsi la’aan iyo aargoosi la’aan, ayna ogolaadaan in dib u eegis lagu sameeyo sharciga saxaafadda iyadoo lala tashanayo daneeyayaasha warbaahinta, ururada xarumaha warbaahinta iyo kuwa saxafiyiinta.

Dawladda Federaalka ah iyo dawlad-goboleedyada – oo ay ku jirto Somaliland – waa in ay joojiyaan adeegsiga xeerka ciqaabta ee lagu qaado warfidiyeenka, oo ayna si degdeg ah u dhammaystiraan dib-u-eegis dhamaystiran oo lagu sameeyo xeerkan duugoobay iyo dhammaan shuruucda kale ee caqabadda ku ah xaqa xorriyadda hadalka iyo xorriyadda saxaafadda oo lagu daray xuquuqaha kale, lana waafajiyo Dastuurka Federaalka Soomaaliya iyo xeerarka caalamiga ah ee xuquuqul insaanka.

Maxamed Ibraahim Isaaq,
Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS)

SOO DEGSO WARBIXIN SANNADEEDKA SJS 2022 OO DHAN (English)

Maalinta Xuquuqda Aadanaha, SJS waxay ku baaqeysaa la xisaabtanka xadgudubyada ka dhanka ah xorriyadda hadalka
MUQDISHO, 10 DISEMBAR 2022 – Maanta waa Maalinta Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka, Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed Somali Journalists Syndicate – SJS waxa uu maanta ku baaqayaa in lala xisaabtamo kuwa ku kaca xadgudubyada ka dhanka ah xuquuqul insaanka ee ka dhaca Soomaaliya oo ay ku jiraan tacadiyada loo geysto suxufiyiinta iyo bahda saxaafadda.

Sannad kasta 10ka Diseembar, adduunka waxaa laga xusaa maalinta xuquuqul insaanka, isla maalintii 1948-kii, Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay uu ansixiyay Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadanaha (UDHR). Mawduuca Maalinta Xuquuqul Insaanka ee sanadkan waa “Sharaf, Xorriyad, iyo Caddaalad Dhammaan”.

Waxaase murugo leh, hoos u dhaca xorriyadda saxaafadda iyo kororka khataraha lagu hayo badbaadada saxafiyiinta ayaa Soomaaliya ka noqday xaalad welwel leh. Laba wariye oo caan ah ayaa la dilay iyagoo sheeko eryanayay ilaa 30kii Sebtembar 2022, sida ku cad dukumentiyada SJS. 28 kale oo saxafiyiin iyo xirfadlayaal warbaahineed ah ayaa si aan sharciga waafaqsanayn loogu xidhay guud ahaan Soomaaliya (ay ku jirto Somaliland) tan iyo 1dii Juun 2022; halka 8 kalena ay ku dhaawacmeen rasaas ama qaraxyo ka dhacay Muqdisho iyo Hirshabeelle. Ilaa hadda ma jirto cid lagula xisaabtamay weeraradan.

Intaa waxaa dheer, Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaan weli wax dib u eegis ku samaynayn amarkeeda 8-da Oktoobar 2022 ee si aan habboonayn u xaddidaya xuquuqda xorriyadda hadalka iyo helidda macluumaadka saxafiyiinta ka warramaya hawlgallada amni ee ka dhanka ah al-Shabaab ee socda. Sharciga warbaahinta ee dhibaatada leh iyo adeegsiga xeerka ciqaabta ee waqtigiisu dhamaaday ee lagu xirayo laguna dacweynayo saxafiyiinta ayaa wali sii socda.

Hanjabaadda iyo caga-juglaynta joogtada ah ee ka dhanka ah Xoghayaha Guud ee SJS, Cabdalle Axmed Muumin oo ay ka mid yihiin xannibaadaha ka dhanka ah xuquuqdiisa dhaq-dhaqaaqa iyo xaqa xorriyadda hadalka ee mas’uuliyiinta wasaaradda warfaafinta ayaa ah tusaale kale oo muujinaya xadgudubyada badheedhka ah ee ay ku kacayaan mas’uuliyiinta Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan.

SJS waxay ugu baaqaysaa dawladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo dawladaha xubnaha ka ah inay ixtiraamaan dastuurkooda iyo Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka oo labaduba dammaanad qaadaya xaqa xorriyadda hadalka oo ah xuquuqaha muhiimka ah ee xuquuqda aadanaha. Maamulka waa in la xasuusiyaa in aamusinta suxufiyiinta oo la dilo, ama la dhibaateeyo oo la xiro ay tahay faafreebka ugu xun. Sida kaliya ee lagu soo afjari karo xadgudubyadan waa in la ogolaado in lala xisaabtamo dembiilayaasha.

Sida ku cad Bayaanka Vienna iyo Barnaamijka Waxqabadka, SJS waxay xasuusinaysaa beesha caalamka inay doorkeeda ka qaadato cadaadiska iyo dhiirigelinta isla xisaabtanka kuwa geysta xadgudubyada xuquuqul insaanka iyo in la xaqiijiyo in si buuxda loo dhowro dhammaan xuquuqda aadanaha iyo in laga hortago sii socoshada xadgudubyada xuquuqda aadanaha Soomaaliya.

“Maalinta Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka, SJS waxay ku boorinaysaa maamulada Soomaalida heer federaal iyo heer gobol inay u ogolaadaan jawi ammaan ah suxufiyiinta iyo dhammaan bahda saxaafadda. Warbaahin aan cabsi lahayn, madax bannaan oo kala duwani waa tan buuxin karta xaqa ay bulshada Soomaaliyeed u leedahay inay wax ogaato, waana in la ilaaliyo,” ayuu yiri Madaxweynaha SJS Maxamed Ibraahim. “Dembiyada ka dhanka ah saxafiyiinta ma dhammaan doonaan haddii aan lala xisaabtamin dambiilayaasha – oo ay ku jiraan saraakiisha sare ee dowladda ee weerarada u geysta saxafiyiinta. Ka cabsan mayno inaan dalbanno isla xisaabtanka.”

Bahda warbaahinta Soomaaliyeed oo walaac ka muujisay amarka dowladda Soomaaliya ee xaddidaya xorriyadda hadalka iyo tan saxaafadda
MUQDISHO, Soomaaliya, 10 Oktoobar 2022 – Bahda saxaafadda Soomaaliyeed iyo ururrada saxafiyiinta* ayaa ka walaacsan awaamiirta cusub ee ay soo saartay dowladda federaalka Soomaaliya ee ku saleysan xayiraadda iyo joojinta waxa ay ugu yeertay dowladdu “fidinta fikradaha xagjirnimada iyo argagixisada”.

Sabtidii 8da Oktoobar, Wasaaradda
Warfaafinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay amar ay ku
mamnuucday faafinta farriimaha “afkaarta
xagjirnimada ah ee laga sii daayo warbaahinta soo jireenka ah iyo baraha bulshada”. Sidoo kale, Wasaaradda
Boostada iyo Isgaarsiinta ayaa ku amartay shirkadaha bixiya adeegyada
Internet-ka in ay joojiyaan in ka badan 40-mareeg oo online-ka ah, iyadoo aan
la cadeynin cidda ay yihiin.

Iyadoo aan ogsoonahay in dagaalka socda ee u dhexeeya ciidamada dowladda federaalka iyo Al-Shabaab laga yaabo inuu dhaliyay walaac joogto ah oo la xiriira isticmaalka baraha bulshada ee loo isticmaali karo dacaayadda, waxaan ka walaacsanahay talaabooyinka cusub ee ku jira wareegtadii dowladda, oo aan lagala tashan daneeyayaasha iyo saamileyda, waxaa laga yaabaa inay si aan macquul ahayn u xaddidaan xorriyadda saxaafadda ee sharciga ah ee dalka.

Reporters cover a press conference by media leaders in Mogadishu on Monday October 10, 2022. | PHOTO/SJS.

Ugu horreyn, wareegtada dowladda oo ay ku jireen ereyo aan qeexneyn waxa laga
yaabaa in loo adeegsado in
lagu xaddido awoodda saxafiyiinta ay u leeyihiin inay si xor ah u soo tebiyaan hawlgallada socda ee
ka dhanka ah kooxda hubaysan
ee al-Shabaab. Waxa kale oo laga yaabaa inay dadweynaha ka xaddiddo helitaanka
macluumaadka la xiriira hawlgallada amniga ee
socda. Tusaale ahaan, kaddib
amarkii Sabtidii ee Wasaaradda
Warfaafinta ayaa horseeday in hay’ado warbaahineed qaarkood lagu qasbay
inay ka saaraan warbaahintooda
falcelinta al-Shabaab ee ku aaddan amarka dowladda ee baraha bulshada.
Dhowr wariye oo kale ayaa noo sheegay in aysan awoodin in ay xogta ay hayaan ay bulshada la
wadaagaan cabsi ay ka qabaan dowladda
darteed.

Marka xigta, ammarka xayiraadda ee jumlada ah ee lagu soo rogay
xarumaha warbaahinta iyo baraha bulshada ee faafinta wararka la xiriira
al-Shabaab waa mid welwel leh oona
ku saleysan hor istaag xorriyadda aragti is-dhaafsiga saliimka ah.
Tusaale ahaan, amarka
dowladda ayaa ku jiray in la
xirayo aaladda Telegram, oo
ah madal farrimo ammaan ah oo ay Soomaali
badan u adeegsan jireen wadaagista macluumaadka. Xiritaanka guud ee Telegram-ka
dalka kuma koobna oo kaliya in ay saameyso dadweyne
badan oo Soomaali ah balse
waxa ay su’aal gelinaysaa ujeedada dhabta ah ee ay Wasaaradda Warfaafintu ka leedahay xannibaaddan.

Marka seddexaad, waxaan ka
walaacsanahay in amarka
cusub loo adeegsado in lagu aamusiyo dhaliisha sharciga ah ee dowladda iyo ciidamadeeda amniga loo jeedinayo oo ay ku jiraan
dhaliilaha ay soo tebiyaan saxafiyiinta,
difaacayaasha xuquuqul insaanka, cilmi-baarayaasha madaxa-bannaan, falanqeeyayaasha iyo dad kale.

Ugu dambeyn, waxaan aad uga walaacsanahay in amarka cusub uu
durba abuuray walaac amni iyadoo qaar ka mid ah saxafiyiinta iyo hay’adaha
warbaahinta ka howlgala ay hadda ka welwelayaan amnigooda, kaddib markii al-Shabaab
ay iyaguna soo saareen Axaddii hanjabaad kale oo ka dhan ah suxufiyiinta iyo hay’adaha
kale ee fuliya amarka dowladda.

Qodobka 18-aad ee Dastuurka KMG ah ee
Federaalka Soomaaliya ayaa dammaanad qaadaya xaqa Xorriyatul-qawlka iyo Ra’yiga
halka qodobka 32-aad uu qeexayo Xuquuqda Xog-helidda. Dhanka kale, Qodobka
38-aad ee Dastuurku waxa uu reebayaa in la xaddido xuquuqaha aas-aasiga ah oo
ay ku jirto xaqa xorriyadda hadalka, haddii aan si caqli-gal ah, xalaal ah,
loo qaateen ah iyo cadaalad aan loo marin go’aannada xayiraadda xorriyadaha.

Sida uu dhigayo sharciga caalamiga ah, xaqa
xorriyadda hadalka waxa lagu soo rogi karaa xaddidaadyo gaar ah, laakiin waa
haddii la helo shuruudo dhowr ah oo adag oo saddex qaybood ah:

Waa inay sharci ku fadhido. Sharcigaas waa inuu yahay mid markii horeba loo dejiyay hannnaan caddaalad ah oo u oggolaanaya in dadku ugu dhaqmaan si macquul ah oo ay kari karaan.

Xayiraaddu sharcigu oggol yahay waa inay tahay mid marka horeba isu dheeli-tiran, ahna lagama maarmaan.

Haddii ujeeddadu tahay ilaalinta danaha guud ee cayiman (amniga qaranka, nidaamka guud, ama caafimaadka guud ama anshaxa) ama xuquuqda ama sumcadda dadka kale, waa in ay jiraan habraacyo ka ilaalinaya xad-gudubka xayiraadaha, oo ay ku jiraan in la helo habraac looga dacwoon karo oo hay’ad madax-bannaani ay fulineyso oo leh nooc ka mid ah dib u eegis garsoor.

Xayiraad kasta oo aan soo marin qodobadan waxay
jebinayaan xoriryatul qawlka xitaa haddii aysan jirin wax ciqaab ah oo ka
dhalaneysa. Waxayna ku xad-gudbeysaa oo keliya xuquuqda xorriyadda hadalka ee
dadka xayiraadda lagu soo rogay. Waxayna tacaddi ku noqoneysaa xuquuqda dadweynaha
ay u leeyihiin inay helaan macluumaadka iyo fikradaha.

Mabaadi’da Johannesburg ee Amniga Qaranka, Xorriyatul qawlka iyo Helitaanka Macluumaadka ee ay ansixiyeen koox khubaro ah oo ku takhasusay sharciga caalamiga ah, amniga qaranka, iyo xuquuqul insaanka 1 Oktoobar 1995, ayaa caddeeyay in mabaadi’da loogu talagalay in lagu xalliyo iska horimaadka u dhexeeya xuquuqda aragtida xorriyadda iyo amniga qaranka. Waxa uu dhigayaa in “dowladuhu inay adeegsadaan habka ugu xaddidan ee ugu yar ee suurtagalka ah si ay u mamnuucaan hadalka ka horimaanaya danaha amniga qaranka ee sharciga ah; xaddidaadda la doonayo in lagu sababeeyo amniga qaranka ma ahan mid sharci ah haddii ujeeddadeeda dhabta ah ama saameynta muuqata ay tahay ilaalinta danaha aan la xiriirin amniga qaranka, oo ay ku jiraan, tusaale ahaan, in laga ilaaliyo dowladda ceebeyn iyo soo bandhigid khalad, ama in la qariyo gabood-fal ay dowladdu ku kacday ama la aamusiyo wararka ku saabsan macluumaadka ku saabsan siday u shaqeeyaan hay’addeeda dawliga ah, ama in la geliyo fikrad gaar ah.

Waxaan ugu baaqaynaa Wasaaradda Warfaafinta ee
Dowladda Federaalka in ay dib u eegis ku sameyso awaamiirta ay soo saartay,
isla markaana ay xaqiijiso in aan la xaddidin xuquuqda saxafiyiinta iyo xorriyadda
saxaafadda ee sharcigu oggol yahay.

Waxaan ugu baaqaynaa xukuumadda inay xaqiijiso
in la ixtiraamo, la ilaaliyo, lana horumariyo xorriyadda hadalka, xorriyadda
saxaafadda iyo xuquuqda suxufiyiinta Soomaaliyeed.

Dawladdu waa in aanay dambi ka dhigin tabinta saxaafadda
madaxa-bannaan iyo shaqada suxufiyiinta. Taas beddelkeeda, waxaan ku
dhiirigelinaynaa dowladda inay dib u eegto oo ay wax ka beddesho Sharciga Saxaafadda
Soomaaliyeed ee 2020 oo ay ku jiraan qodobbo denbi ka dhigaya oo xaddidaya
shaqada suxufiyiinta, waana in loo ogolaadaa ururrada warbaahinta iyo
daneeyayaasha saxaafadeed inay ka qayb qaataan hannaanka dib u eegista sharciga
saxaafadda ee muranka badani ku jiro.

*Waxaa saxiixay:

1. Guddiga Badbaadada Saxafiyiinta Soomaaliya (SMSJ)
2. Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS)
3. Isutagga Saxafiyiinta Soomaaliyeed (FESOJ)
4. Dalladda Warbaahinta Soomaaliyeed (SOMA)
5. Dallada Xarumaha Warbaahinta Madaxa-Banaan ee Soomaaliyeed (SIMHA)

– DHAMMAAD –

AKHRI WAR SAXAAFADEEDKA DHAN PDF