{"id":991,"date":"2019-11-01T21:33:55","date_gmt":"2019-11-01T18:33:55","guid":{"rendered":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/?p=991"},"modified":"2023-12-12T18:49:40","modified_gmt":"2023-12-12T18:49:40","slug":"sjs-oo-ugu-baaqday-dowladda-soomaaliya-inay-baarto-dilalka-ka-dhanka-ah-suxufiyiinta","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/sjs-oo-ugu-baaqday-dowladda-soomaaliya-inay-baarto-dilalka-ka-dhanka-ah-suxufiyiinta\/","title":{"rendered":"SJS oo ugu baaqday Dowladda Soomaaliya inay baarto dilalka ka dhanka ah suxufiyiinta"},"content":{"rendered":"\n<p>MUQDISHO,\nSoomaaliya, 01 Nofembar, 2019 &#8211; Iyadoo adduunka laga xusayo Maalinta Caalamiga\nah ee Tacadiyada Aan La isu Ciqaabin ee ka Dhanka ah Suxufiyiinta, ayaa Ururka\nSuxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu ugu baaqayaa Dowladda Federalka Soomaaliya\ninay baarto tacadiyada la xiriira dilalka suxufiyiinta, isla markaana ay sharciga\nhorkeento shakhsiyaadkii ka dambeeyaya gabood-falladaasi.<\/p>\n\n\n\n<p>In ka badan 60 suxufi ayaa lagu dilay dalka laga soo bilaabo sanadkii 1992, kuwaasoo 45 ka mid ah lagu khaarijiyay dilal toos ah oo loola bareeray.\u00a0 \u00a0Sannadkii la soo dhaafay oo kaliya afar (4) suxufi ayaa lagu dilay dalka, sannadkan 2019 labo suxufi oo kala ah; <strong><a href=\"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/2019\/07\/12\/two-prominent-tv-journalists-among-killed-in-hotel-attack-in-kismayo-somalia\/\" target=\"_blank\" rel=\"noreferrer noopener\" aria-label=\"Maxamed Cumar Sahal iyo Hodan Naaleeye (opens in a new tab)\">Maxamed Cumar Sahal iyo Hodan Naaleeye<\/a><\/strong> oo lagu dilay weerar lagu qaaday \u00a0hotel ku yaalla magaalada Kismayo 12 Luulyo ee sannadkan.<\/p>\n\n\n\n<p>Waxaa jira ifafaalo wanaagsan, balse waxaa weli jira caqabado la xiriira awood la\u2019aanta Dowladda ee baaritaanadii looga fadhiyay inay ku sameyso kiisaska dilalka iyo <strong><a href=\"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/2019\/10\/14\/hirshabelle-police-detain-freelance-journalist-for-covering-public-protest-order-to-shoot-others\/\" target=\"_blank\" rel=\"noreferrer noopener\" aria-label=\"rabshadaha ee loo geystay suxufiyiinta Soomaaliya (opens in a new tab)\">rabshadaha ee loo geystay suxufiyiinta Soomaaliya<\/a><\/strong>.\u00a0 Tirada guud ee kiisaska la xiiriira dilalka weriyayaasha ee la horgeeyay maxkamadaha waxay ka yar yihiin 1% (boqolkiiba hal) taasoo ka dhigeysa dalka Soomaaliya meesha ugu khatarsan caalamka ee suxufiyiinta ka hawlgalaan.<\/p>\n\n\n\n<p>Al-Shabaab\nayaa ah kuwa ugu badan ee suxufiyiinta bartilmaameedsada iyadoo kuwa dilka\ngeysta aysan la kulmin wax ciqaab ah, halka maamul goboleedyada aanayba isku\ndeyin inay baaraan kiisaska dilalka ee loo geystay suxufiyiinta Soomaaliya.<\/p>\n\n\n\n<p>Dhaqanka isla xisaabtan la\u2019aanta ayaa ah sababta kaliya ee dhiirigelineysa rabshadaha sii kordhaya ee ka dhanka ah xirfadleyda warbaahinta iyadoo kooxaha dembiilayaasha ay la baxsanayaan dembiyadooda xisaabin la\u2019aan.<\/p>\n\n\n\n<p>&nbsp;\u201cSoomaaliya hadda waxa ay geleysaa marxalad\nkala guur ah oo muhiim ah, taasoo masuuliyad dheeri ah siineysa laamaha amniga.\nMasuuliyaddani waa inay ka qeyb ka noqotaa soo afjaridda dembiyada aan la isu\nciqaabin ee loo geysto suxufiyiinta iyo shaqaalaha warbaahinta guud ahaan. Waa\nin suxufiyiinta la siiyo goobo ammaan ah oo ay ku shaqeeyaan, lana xaqiijiyo\namnigooda,\u201d Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) Cabdalle\nAxmed Mumin ayaa yiri, isagoo ugu baaqay Dowladda Federalka Soomaaliya inay\nqaaddo tallaabooyin adag oo lagu xaqiijinayo in la helo isla xisaabtan lagu\ndhameynayo weerarada ka dhanka ah suxufiyiinta, dibna looga noqonayo xaaladda\nmurugada leh ee la xiriirta isla xisaabtan la\u2019aanta.<\/p>\n\n\n\n<p>Ururka\nSuxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) iyo Machadka Caalamiga ah Saxaafadda (IPI)\nwaxay wadajir ugu baaqayaan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamul\ngoboleedyada inay sameeyaan hab gaar ah oo fursad siinaya in baaritaan quman oo\ndaacadnimo leh lagu sameeyo dhammaan dilalkii iyo weeraradii kale ee loo\ngeystay suxufiyiinta Soomaaliya, isla markaana caddaaladda la horgeeyo cid kasta\noo lagu helo dembiyadaasi.<\/p>\n\n\n\n<p>\u201cSuxufiyiinta\nSoomaaliya waxa ay khatar u gelinayaan nafsadooda sidii ay xaaladda dalka ugu\nwargelin lahaayeen caalamka.&nbsp; Weerar\nkasta oo iyaga loo geystana waa in la cambaareeyo, wuxuuna caqabad ku noqonayaa\nxorriyada saxaafadda,\u201d Agaasimaha Guud ee Dhinaca u Qareemidda, ee Machadka\nIPI, Ravi R. Prasad ayaa yiri isagoo jooga magaalada Vienna ee xarunta IPI, wuxuuna\nintaas ku daray in Dowladda Soomaaliya ay sameyso intii karaankeeda ah si ay u\ndifaacdo suxufiyiinta si loo xoojiyo dimuqraadiyada gudaha dalka.<\/p>\n\n    <div class=\"xs_social_share_widget xs_share_url after_content \t\tmain_content  wslu-style-1 wslu-share-box-shaped wslu-fill-colored wslu-none wslu-share-horizontal wslu-theme-font-no wslu-main_content\">\n\n\t\t\n        <ul>\n\t\t\t        <\/ul>\n    <\/div> \n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>MUQDISHO, Soomaaliya, 01 Nofembar, 2019 &#8211; Iyadoo adduunka laga xusayo Maalinta Caalamiga ah ee Tacadiyada Aan La isu Ciqaabin ee ka Dhanka ah Suxufiyiinta, ayaa Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu ugu baaqayaa Dowladda Federalka Soomaaliya inay baarto tacadiyada la xiriira dilalka suxufiyiinta, isla markaana ay sharciga horkeento shakhsiyaadkii ka dambeeyaya gabood-falladaasi.<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":989,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[38,2,32,31,58,35,36],"tags":[172,151,49,42],"class_list":{"0":"post-991","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-dhacdooyin","8":"category-featured","9":"category-in-the-news","10":"category-ololaha","11":"category-somali","12":"category-warbixinnada","13":"category-waxqabadka","14":"tag-dembiyadda-ka-dhanka-saxaafadda","15":"tag-impunity","16":"tag-sjs","17":"tag-somalia"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/991","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=991"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/991\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":4378,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/991\/revisions\/4378"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/989"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=991"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=991"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=991"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}