{"id":974,"date":"2019-10-23T00:50:28","date_gmt":"2019-10-22T21:50:28","guid":{"rendered":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/?p=974"},"modified":"2023-12-12T18:49:41","modified_gmt":"2023-12-12T18:49:41","slug":"agaasimihii-hore-radio-daljir-oo-la-sii-daayay-weriyayaasha-oo-la-handaday","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/agaasimihii-hore-radio-daljir-oo-la-sii-daayay-weriyayaasha-oo-la-handaday\/","title":{"rendered":"PUNTLAND: Agaasimihii hore Radio Daljir oo la sii daayay, Weriyayaasha oo hanjabaado hor leh wajahaya"},"content":{"rendered":"\n<p>MUQDISHO, Soomaaliya, 22 Oktoobar, 2019 \u2013 Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu ka walaacsan yahay noocyada cusub ee hanjabaadaha ah ee ka dhanka ah shaqaalaha Radio Daljir ee Puntland, iyadoo SJS ay soo dhoweyneyso siideynta agaasimihii hore ee Radio Daljir  Axmed Sheekh Maxamed \u201cTallman\u201d kaasoo xabsiga laga siidaayey Talaadada 22 Oktoobar, kaddib shan maalmood oo uu xabsiga ku jiray.<\/p>\n\n\n\n<p><a rel=\"noreferrer noopener\" aria-label=\"War saxaafadeed kaasoo baxay maamulka Radio Daljir (opens in a new tab)\" href=\"https:\/\/www.daljir.com\/press-release-resignation-imprisonment-and-subsequent-release-of-ahmed-sheikh-mohamed-tallman-former-director-of-radio-daljir\/\" target=\"_blank\">War saxaafadeed kaasoo baxay maamulka Radio Daljir<\/a> ayaa lagu cambaareeyeay caburinta, hanjabaadaha iyo dacwadaha lagu hayo suxufiyiinta iyo shaqaalaha Radio Daljir, kaddib markii agaasimihii hore, Axmed Tallman uu soo saaray <a href=\"https:\/\/www.facebook.com\/watch\/?v=671603350029245\" target=\"_blank\" rel=\"noreferrer noopener\" aria-label=\"bayaan  (opens in a new tab)\">bayaan <\/a>uu ku eedeynayo warbixinadii hore looga siidaayey idaacadda xiligii uu agaasimaha ka ahaa.<\/p>\n\n\n\n<p>Mr. Tallman waxaa la xiray 17 Oktoobar, kadib markii uu soo amray qabashadiisa Taliyaha Booliska Puntland Gen. Muxyadin Axmed Muuse sabab la xiriirta dhimashada <a rel=\"noreferrer noopener\" aria-label=\"maxbuus xabsiga ku dhintay oo lagu eedeeyay inay jirdileen booliska (opens in a new tab)\" href=\"https:\/\/www.daljir.com\/ciidamada-gaarka-ah-ee-janaraal-muxyadin-oo-lagu-eedeeyey-dil-maxbuus-iyo-dhac-hanti-dhegayso\/\" target=\"_blank\">maxbuus xabsiga ku dhintay oo lagu eedeeyay inay jirdileen booliska<\/a>.   Axmed Tallman waxaa <a href=\"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/2019\/10\/21\/sjs-oo-ugu-baaqday-puntland-inay-joojiso-eedeymaha-loo-heysto-agaasimihii-hore-daljir\/\" target=\"_blank\" rel=\"noreferrer noopener\" aria-label=\"la horkeenay Maxkamadda Gobolka Nugaal (opens in a new tab)\">la horkeenay Maxkamadda Gobolka Nugaal<\/a> Isniintii 21 Oktoobar ka hor intaan eedeeymaha laga dhaafin Talaadadii.<\/p>\n\n\n\n<p>Suxufiyiin ka shaqeeya Radio Daljir ayaa SJS u sheegay in boolisku ay ka duubeen Axmed Tallman <a href=\"https:\/\/www.facebook.com\/watch\/?v=671603350029245\" target=\"_blank\" rel=\"noreferrer noopener\" aria-label=\"video  (opens in a new tab)\">video <\/a>uu ku qiranayo &#8216;dembiyo&#8217;, kuna eedeeyay idaacadda mid faafin jirtay warar been abuur ah.<\/p>\n\n\n\n<p>Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu aaminsan yahay in agaasimaha hore Axmed Tallman markii horeba uu ku xirnaa sifo sharci darro ah oo xorriyadiisa looga qaaday, isla markaana lagu qasbay in uu ka noqdo wararkii idaacaddu siideyn jirtay, taasoo ka dhigan farsamo cusub oo Booliska Puntland ku doonayaan inay ku aamusiyaan saxaafadda xorta ah.<\/p>\n\n\n\n<p>\u201cWaxaa wax aad looga welwelo ah in suxufiyiinta ka shaqeynaya Radio Daljir ay soo wajahayaan hanjabaado horleh oo ka imaanaya Booliska Puntland,\u201d Sidaa waxaa yiri Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS), isagoo intaa ku daray in falalkan loogu talo galay in lagu wiiqo awoodda warbaahinta iyo suxufiyiinta madaxa-bannaan ay u yeelan karaan tebinta wararka danta guud.<\/p>\n\n\n\n<p>SJS waxa ay ugu baaqeysaa Booliska Puntland inay joojiyaan falalka ay ku bartil-maameedsanayaan weriyayaasha iyo shaqaalaha Radio Daljir, una ogolaadaan inay si xor ah u gutaan waajibaadkooda suxufinimo cabsi la\u2019aan.<\/p>\n\n\n\n<p>\u201cMasuuliyiinta waa inay garowsadaan in marka khatar la geliyo xorriyadda saxaafadda in sidoo kale ay khatar soo wajaheyso dimuqraadiyadda. Waxaanu ugu baaqeynaa maamulayaasha Puntland inay u golaadaan warfidiyeenka Radio Daljir inay hawshooda u gutaan iyagoo xor ka ah dacwado ka imaanaya dowladda,&#8221; ayuu yiri Mumin. <\/p>\n\n\n\n<p>Weerarada ka dhanka ah saxaafadda madaxa-bannaan ayaa sii kordhay \ndhowanaahan gudaha Puntland. 15kii Oktoobar, booliska Puntland ayaa <a rel=\"noreferrer noopener\" href=\"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/2019\/10\/15\/puntland-police-raid-rtn-tv-office-in-garowe-threaten-journalists-after-vox-pop\/\" target=\"_blank\">weeraray xarunta RTN TV<\/a> ee Garowe, handadaadna u geystay suxufiyiintii joogtay.  14kii illaa 15kii Sebtember, boolisku waxay <a rel=\"noreferrer noopener\" href=\"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/2019\/09\/16\/puntland-police-carry-out-multiple-raids-on-radio-daljir-and-briefly-shut-down-radio-transmitter\/\" target=\"_blank\">weerareen, waqti koobanna demiyeen<\/a> idaacadda Daljir ee Boosaaso. Sidoo kale, 22kii Sebtember, Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa <a href=\"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/2019\/09\/25\/somalia-puntland-minister-of-information-employs-oppressive-measures-threatens-journalists\/\" target=\"_blank\" rel=\"noreferrer noopener\">soo saaray ammaro xayiraad saaraya<\/a> suxufiyiinta ku nool Puntland.<\/p>\n\n    <div class=\"xs_social_share_widget xs_share_url after_content \t\tmain_content  wslu-style-1 wslu-share-box-shaped wslu-fill-colored wslu-none wslu-share-horizontal wslu-theme-font-no wslu-main_content\">\n\n\t\t\n        <ul>\n\t\t\t        <\/ul>\n    <\/div> \n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>MUQDISHO, Soomaaliya, 22 Oktoobar, 2019 \u2013 Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu ka walaacsan yahay noocyada cusub ee hanjabaadaha ah ee ka dhanka ah shaqaalaha Radio Daljir ee Puntland, iyadoo SJS ay soo dhoweyneyso siideynta agaasimihii hore ee Radio Daljir  Axmed Sheekh Maxamed \u201cTallman\u201d kaasoo xabsiga laga siidaayey Talaadada 22 Oktoobar, kaddib shan maalmood oo uu xabsiga ku jiray.<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":967,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[38,2,32,31,58,35,36],"tags":[164,98,127,49,165],"class_list":{"0":"post-974","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-dhacdooyin","8":"category-featured","9":"category-in-the-news","10":"category-ololaha","11":"category-somali","12":"category-warbixinnada","13":"category-waxqabadka","14":"tag-axmed-sheekh-maxamed","15":"tag-puntland","16":"tag-radio-daljir","17":"tag-sjs","18":"tag-xorriyadda-saxaafadda"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/974","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=974"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/974\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":4380,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/974\/revisions\/4380"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/967"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=974"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=974"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=974"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}