{"id":969,"date":"2019-10-21T20:38:54","date_gmt":"2019-10-21T17:38:54","guid":{"rendered":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/?p=969"},"modified":"2023-12-12T18:49:41","modified_gmt":"2023-12-12T18:49:41","slug":"sjs-oo-ugu-baaqday-puntland-inay-joojiso-eedeymaha-loo-heysto-agaasimihii-hore-daljir","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/sjs-oo-ugu-baaqday-puntland-inay-joojiso-eedeymaha-loo-heysto-agaasimihii-hore-daljir\/","title":{"rendered":"SJS oo ugu baaqday Puntland inay joojiso eedeymaha loo heysto agaasimihii hore Daljir"},"content":{"rendered":"\n<p>MUQDISHO, Soomaaliya, 21 Oktoobar, 2019 \u2013 Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu ugu baaqayaa maamulka Puntland inuu joojiyo eedeymaha ka dhanka ah agaasimihii hore Radio Daljir, Axmed Sheekh Maxamed (Tall man) kaasoo kasoo muuqday Maxkamadda Gobolka Nugaal Isniinta 21 Oktoobar, 2019.<\/p>\n\n\n\n<p>Axmed waxaa laga soo qabtay gurigiisa iyadoo lagu soo qabtay amarka Taliyaha Booliska Puntland Gen. Muxudiin Axmed Muuse Khamiistii 17 Oktoobar.  Waxaana lagu hayay saldhigga booliska.<\/p>\n\n\n\n<p>Qareen Xuquuqda Aadanaha Mustafe Maxamed Jaamac ayaa sheegay in agaasimihii hore ee Radio Daljir lagu soo eedeeyay qodobo ay ka mid yihiin kicin iyo iska hor keenid. Agaasime Tall Man ayaa bishii Sebteembar ee la soo dhaafay xilligii uu agaasimaha ka ahaa idaacadda Daljir <a href=\"https:\/\/www.daljir.com\/ciidamada-gaarka-ah-ee-janaraal-muxyadin-oo-lagu-eedeeyey-dil-maxbuus-iyo-dhac-hanti-dhegayso\/\" target=\"_blank\" rel=\"noreferrer noopener\" aria-label=\"laga sii daayay warbixin (opens in a new tab)\">laga sii daayay warbixin<\/a> lagu sheegay in nin maxbuus ahaa uu ku dhintay gacanta booliska iyagoo jirdil u geysanayay.<\/p>\n\n\n\n<p>\u201cQareenadii difaacayay waxa ay codsadeen waqti dheeri ah oo ay ku soo diyaarsadaan difaacooda ku aadan eedaha loo heysto Axmed Seekh Maxamed. Waxaa la filayaa in labo maalmood kabacdi la isugu yimaado dacwadda,\u201d ayuu yiri qareen Mustafe.<\/p>\n\n\n\n<p>Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) waxa uu ugu baaqayaa maamulka Puntland inay joojiyaan eedaha loo heysto Agaasime Tall Man, xorriyadiisana u soo celiyaan. SJS waxay ogaatay in eedaha loo heysto agaasimihii hore ee idaacadda Daljir in uu ku lug leeyahay taliyaha Booliska Puntland oo <a rel=\"noreferrer noopener\" aria-label=\"bishii horena amray (opens in a new tab)\" href=\"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/2019\/09\/27\/puntland-military-court-summons-director-of-radio-daljir-in-an-attempt-to-clamp-down-free-press\/\" target=\"_blank\">bishii horena amray<\/a> in la weeraro xarumaha Daljir <a href=\"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/2019\/09\/16\/puntland-police-carry-out-multiple-raids-on-radio-daljir-and-briefly-shut-down-radio-transmitter\/\" target=\"_blank\" rel=\"noreferrer noopener\" aria-label=\"bartamihii bishii Sebtember. (opens in a new tab)\">bartamihii bishii Sebtember.<\/a><\/p>\n\n\n\n<p>\u201cSuxufiyiinta waa in la siiyaa awood ay ku baari karaan gabbood fallada ay geystaan laamaha amniga oo uu Boolisku ku jiro cabsi la\u2019aan,\u201d sidaa waxaa yiri Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyinta Soomaaliyeed (SJS) Md. Cabdalle Axmed Muumin, isagoona intaa ku daray in ay nasiib darro weyn tahay in maamulka Puntland halkii ay ka baari lahaayeen eedeymaha <a href=\"https:\/\/www.daljir.com\/ciidamada-gaarka-ah-ee-janaraal-muxyadin-oo-lagu-eedeeyey-dil-maxbuus-iyo-dhac-hanti-dhegayso\/\" target=\"_blank\" rel=\"noreferrer noopener\" aria-label=\"xadgudubyada booliska lagu eedeeyay (opens in a new tab)\">xadgudubyada booliska lagu eedeeyay<\/a> ay ku jawaabay caburin dhinaca sharciga ah.\u201d<\/p>\n\n\n\n<p>Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed waxa uu garab taagan yahay Agaasimihii hore ee Daljir Axmed Sheikh Maxamed (Tall Man).<\/p>\n\n\n\n<p>Weerarada ka dhanka ah saxaafadda madaxa-bannaan ayaa sii kordhay dhowanaahan gudaha Puntland. 15kii Oktoobar, booliska Puntland ayaa <a rel=\"noreferrer noopener\" aria-label=\"weeraray xarunta RTN TV (opens in a new tab)\" href=\"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/2019\/10\/15\/puntland-police-raid-rtn-tv-office-in-garowe-threaten-journalists-after-vox-pop\/\" target=\"_blank\">weeraray xarunta RTN TV<\/a> ee Garowe, handadaadna u geystay suxufiyiintii joogtay.  14kii illaa 15kii Sebtember, boolisku waxay <a rel=\"noreferrer noopener\" aria-label=\"weerareen, waqti koobanna demiyeen (opens in a new tab)\" href=\"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/2019\/09\/16\/puntland-police-carry-out-multiple-raids-on-radio-daljir-and-briefly-shut-down-radio-transmitter\/\" target=\"_blank\">weerareen, waqti koobanna demiyeen<\/a> idaacadda Daljir ee Boosaaso. Sidoo kale, 22kii Sebtember, Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa <a href=\"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/2019\/09\/25\/somalia-puntland-minister-of-information-employs-oppressive-measures-threatens-journalists\/\" target=\"_blank\" rel=\"noreferrer noopener\" aria-label=\"soo saaray ammaro xayiraad saaraya (opens in a new tab)\">soo saaray ammaro xayiraad saaraya<\/a> suxufiyiinta ku nool Puntland.<\/p>\n\n    <div class=\"xs_social_share_widget xs_share_url after_content \t\tmain_content  wslu-style-1 wslu-share-box-shaped wslu-fill-colored wslu-none wslu-share-horizontal wslu-theme-font-no wslu-main_content\">\n\n\t\t\n        <ul>\n\t\t\t        <\/ul>\n    <\/div> \n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>MUQDISHO, Soomaaliya, 21 Oktoobar, 2019 \u2013 Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu ugu baaqayaa maamulka Puntland inuu joojiyo eedeymaha ka dhanka ah agaasimihii hore Radio Daljir, Axmed Sheekh Maxamed (Tall man) kaasoo kasoo muuqday Maxkamadda Gobolka Nugaal Isniinta 21 Oktoobar, 2019.<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":967,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[38,2,32,31,58,35,36],"tags":[162,98,127,49],"class_list":{"0":"post-969","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-dhacdooyin","8":"category-featured","9":"category-in-the-news","10":"category-ololaha","11":"category-somali","12":"category-warbixinnada","13":"category-waxqabadka","14":"tag-axmed-tall-man","15":"tag-puntland","16":"tag-radio-daljir","17":"tag-sjs"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/969","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=969"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/969\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":4381,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/969\/revisions\/4381"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/967"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=969"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=969"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=969"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}