{"id":963,"date":"2019-10-19T15:40:07","date_gmt":"2019-10-19T12:40:07","guid":{"rendered":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/?p=963"},"modified":"2023-12-12T18:49:41","modified_gmt":"2023-12-12T18:49:41","slug":"sjs-oo-ku-baaqday-in-suxufiyinta-madaxa-bannaan-loo-ogolaado-tebinta-wararka-golaha-shacabka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/sjs-oo-ku-baaqday-in-suxufiyinta-madaxa-bannaan-loo-ogolaado-tebinta-wararka-golaha-shacabka\/","title":{"rendered":"SJS oo ku baaqday in suxufiyinta madaxa-bannaan loo ogolaado tebinta wararka Golaha Shacabka"},"content":{"rendered":"\n<p>MUQDISHO, Soomaaliya, 19 Oktoobar, 2019 &#8211; Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu ugu baaqayaa Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya (Golaha Shacabka) in uu si deg deg ah ugu ogolaado warbaahinta madaxa-bannaan iyo weriyaasha inay kasoo waramaan kulamada iyo doodaha Baarlamaanka.<\/p>\n\n\n\n<p>Dhammaan Weriyaashii kasocday warbaahinta madaxa-bannaan ayaa Sabtida 19 Oktooobar, <strong><a href=\"https:\/\/www.facebook.com\/universalsomalitv\/videos\/719704798546643\/\" target=\"_blank\" rel=\"noreferrer noopener\" aria-label=\"waxaa loo diiday inay galaan xarunta Baarlamaanka (opens in a new tab)\">waxaa loo diiday inay galaan xarunta Baarlamaanka<\/a><\/strong> sabab ay masuuliyiinta Golaha Shacabka  ku qeexeen ciriiri ka jira xafiisyada Baarlamaanka ee Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho. Tallaabadan cusub ayaa xayiraad saareysa dhammaan warbaahinta madaxa-bannaan ee ka soo warami lahayd Baarlamaanka muddo aan xadidneyn.<\/p>\n\n\n\n<p>Weriyaashii tagay xarunta Baarlamaanka si ay u soo tebiyaan doodii Sabtida ayaa SJS u sheegay in masuuliyiinta ay ku wargeliyeen inaysan geli karin gudaha xarunta taasina ay kalliftay in suxufiyiintu ay isaga soo laabtaan goobta iyagoo aan ka soo warramin.<\/p>\n\n\n\n<p>\u201cMarkii aanu tagnay albaabka, waxaa nalagu wargeliyay in saxaafadda madaxa-bannaan aan loo ogoleyn meel, halka saxaafadda dowladda loo ogolaaday gudaha,\u201d sidaasi waxaa SJS u sheegay weriyaha Universal TV, ahna xubin ka tirsan SJS, Maxamed Cabdinaadir Ayaanle.<\/p>\n\n\n\n<p>Saraakiisha warfaafinta ee Baarlamaanka oo SJS la hadlay ayaa sheegay in go\u2019aanka lagaga joojiyay warbaahinta waxaa la gaaray todobaad ka hor, sababo la xiriira dhismaha xarunta guud ee baarlamaanka.<\/p>\n\n\n\n<p>Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed waxa ayka soo horjeedaan go\u2019aanka lagaga xayiray warbaahinta madaxa banaan tebinta wararka baarlamaanka.   Golaha shacabka waa hay\u2019adda keliya ee dejisa sharciyada dalka, shacabkana waxaa sharciyadaas la sameeyay lagu gaarsiiyaa warbaahinta, xilli ay soo dhowaanayaan doorashooyinka dalka.<\/p>\n\n\n\n<p>\u201cHeykalka dimuquraadiyada dalka Soomaaliya oo dhan ayaa khatar gelaya haddii aan warbaahinta madaxa-bannaan loo ogolaan inay tebiyaan habraacyada doodaha sharciyada la xiriira,&#8221; ayuu yiri Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS), Cabdalle Axmed Mumin isagoona ugu baaqay hoggaanka Golaha Shacabka inay u ogolaadaan warbaahinta madaxa banaan inay tebiyaan wararka Golaha.<\/p>\n\n\n\n<p>\u201cWaa hab caalami ah in suxufiyiinta loo ogolaado inay si xor ah u tebiyaan doodaha sharciyeed, isla markaana baaraan masuuliyiinta xubnaha ka ah Golaha Shacabka, Xoghayaha Guud ee SJS ayaa intaa ku daray.<\/p>\n\n    <div class=\"xs_social_share_widget xs_share_url after_content \t\tmain_content  wslu-style-1 wslu-share-box-shaped wslu-fill-colored wslu-none wslu-share-horizontal wslu-theme-font-no wslu-main_content\">\n\n\t\t\n        <ul>\n\t\t\t        <\/ul>\n    <\/div> \n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>MUQDISHO, Soomaaliya, 19 Oktoobar, 2019 &#8211; Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu ugu baaqayaa Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya (Golaha Shacabka) in uu si deg deg ah ugu ogolaado warbaahinta madaxa-bannaan iyo weriyaasha inay kasoo waramaan kulamada iyo doodaha Baarlamaanka.<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":960,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[38,2,32,31,58,35,36],"tags":[158,159,160,49,42],"class_list":{"0":"post-963","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-dhacdooyin","8":"category-featured","9":"category-in-the-news","10":"category-ololaha","11":"category-somali","12":"category-warbixinnada","13":"category-waxqabadka","14":"tag-baarlamaanka","15":"tag-muqdisho","16":"tag-saxaafadda","17":"tag-sjs","18":"tag-somalia"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/963","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=963"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/963\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":4382,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/963\/revisions\/4382"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/960"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=963"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=963"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=963"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}