{"id":956,"date":"2019-10-15T22:53:51","date_gmt":"2019-10-15T19:53:51","guid":{"rendered":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/?p=956"},"modified":"2023-12-12T18:49:41","modified_gmt":"2023-12-12T18:49:41","slug":"booliska-puntland-oo-weeraray-xafiiska-rtn-tv-una-hanjabay-weriyaasha-telefishanka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/booliska-puntland-oo-weeraray-xafiiska-rtn-tv-una-hanjabay-weriyaasha-telefishanka\/","title":{"rendered":"Booliska Puntland oo weeraray xafiiska RTN TV Garowe, una hanjabay weriyaasha telefishanka"},"content":{"rendered":"\n<p>MUQDISHO, Soomaaliya, 15 Oktoobar, 2019 &#8211; Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu ugu baaqayaa maamulka Puntland inay joojiyaan hanjabadaadda iyo cagajugleynta ka dhanka suxufiyiinta <strong><a href=\"https:\/\/news.rtntv.net\/\" target=\"_blank\" rel=\"noreferrer noopener\" aria-label=\"RTN TV (opens in a new tab)\">RTN TV<\/a><\/strong> ee Garowe, isla markaana baaris ku sameeyaan saraakiisha booliska ee weerarka ku qaaday xarunta TVga Talaadada maanta 15 Oktoobar, 2019.<\/p>\n\n\n\n<p>Abaaro 9.30am subaxnimo ee saaka (Talaado), saraakiil ka socota xarunta dembi barista Garowe oo uu hogaaminayay Axmed Cadaawe ayaa weerar ku qaaday xarunta RTN TV, isla markaana handadaad iyo cagajugleyn kula dhaqaaqay suxufiyiintii xilligaa shaqada ku jiray. Saraakiisha Booliska ee CID waxa ay baaritaan ku sameeyeen xarunta iyagoo baadigoobayay weriye Cabdiqani Axmed Maxamed (Fantastik) oo ka shaqeeyay <strong><a rel=\"noreferrer noopener\" aria-label=\"barnaamij aragti dadweyne ah (opens in a new tab)\" href=\"https:\/\/www.youtube.com\/watch?v=rxF6KsMsIY4\" target=\"_blank\">barnaamij aragti dadweyne ah<\/a><\/strong> oo lagu dhaliilay ka qeyb-galka madaxweynaha Puntland ee caleemo saarka lagu muransan yahay ee madaxweynaha Jubbaland.<br><\/p>\n\n\n\n<p>Tifaftiraha wararka RTN xarunta Garowe, Cabdiqani Cismaan Faarax ayaa SJS u sheegay in saraakiisha CID-da baaritaan kaddib ay ka tageen xarunta TV-ga, iyagoon tallaabo kale qaadin, kadib markii la weydiiyay warqad maxkamadeed.<\/p>\n\n\n\n<p>\u201cMarkii ay baareen xarunta TV-da oo ayna haleeli waayeen weriyaha, waxaan ka dalbanay  warqad maxkamadeed. Mana aysan heysan, sidaa darteed waa ay naga tageen,&#8221; ayuu yiri tifaftire Cabdiqani Cismaan Faarax, isagoo intaa ku daray in abbaare 11:00am subaxnimo in taliye Axmed Cadaawe uu soo wacay, isagoona weydiiyay inuu tifaftiraha xarunta booliska si su&#8217;aalo loo weydiiyo taasoo uu diiday tifaftiruhu.<\/p>\n\n\n\n<p>Sidoo kale, Cabdulcaziz Axmed Barrow, oo ah barnaamij soo-saare RTN Nairobi ayaa SJS u sheegay in weriyihii barnaamijka tebiyey in uu galay dhuumasho weerarka kaddib cabsi soo wajahday darteed.<\/p>\n\n\n\n<p>SJS waa ay isku dayday in xiriir la sameysay xafiiska CID ee Garowe, balse taleefoonada kama aysan jawaabin.<\/p>\n\n\n\n<p>Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu cambaareynayaa weerarka lagu qaaday xarunta RTN ee Garowe iyo handadaadda ka dhanka ah suxufiyiinta ka howlgala RTN TV Garowe.  Waxaanu ugu baaqeynaa saraakiisha Puntland inay baaritaan deg deg ah ku sameeyaan saraakiisha masuulka ka ah weerarka lagu qaaday xarunta telefishinka.<\/p>\n\n\n\n<p>\u201cWaxaanu cambaareyneynaa weerarka lagu qaaday xafiiska RTN ee magaalada Garowe iyo hanajaabadda iyo caga-jugleynta ka dhanka ah warfidiyeenada shaqada ku jiray,\u201d sidaas waxaa yiri Cabdalle Axmed Mumin, Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) &#8220;Booliiska Puntland waa inay ogaadaan in warfidiyeenadu ay xaq u leeyihiin inay howlahooda u gutaan si xirfadeysan cabsi iyo handadaad la\u2019aan.&#8221;<\/p>\n\n\n\n<p>\u201cWaxaanu dalbaneyna in baaritaan deg deg ah lagu sameeyo saraakiisha booliska CID-da ee weerarka ku lugta lahayd, isla markaana la joojiyaa hanjabaadaha lagu bartilmaameedsanayo suxufiyiinta ka howlgala RTN TV Garowe.<\/p>\n\n\n\n<p>Dhanka kale, Booliska maamulka Hirshabelle ayaa xabsiga ka sii daayay weriye Cabdicasiis Xasan Macalin (Folyarey) oo xubin ka ah SJS, kaasoo <strong><a href=\"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/2019\/10\/14\/booliska-hirshabelle-oo-sharci-darro-ku-xiray-weriye-soo-tabiyey-mudaaharaad-amarna-ku-bixiyay-in-la-toogto-wariyaal-kale\/\" target=\"_blank\" rel=\"noreferrer noopener\" aria-label=\"maalinimadii Isniinta 14 Oktoobar, lagu xiray magaalada Jowhar (opens in a new tab)\">maalinimadii Isniinta 14 Oktoobar, lagu xiray magaalada Jowhar<\/a><\/strong> kaddib markuu soo tebiyay mudaaharaad rabshad watay.<\/p>\n\n\n\n<p>SJS, inkastoo ay soo dhoweysay siideynta saaxiibkeen Cabdicasiis, haddana waxaanu si xoog leh u diiddanahay shuruudaha lagu xiray siideyntiisa oo ah in uusan weriyuhu soo tebin karin warar liddi ku ah maamulka oo ay ku jiraan mudaaharaadyada.<\/p>\n\n\n\n<p>\u201cSJS waxay ka dalbaneysaa Taliyaha Booliska Jowhar ee maamulka Hirshabelle in uu ka laabto amarrada sharci darrada ah &#8211; ee ay ka midka tahay midka uu ku amray in la toogto weriyaasha- ee looga gol leeyahay in lagu cabsi geliyo suxufiyiinta ka hawlgasha magaalada Jowhar,&#8221; ayuu hadalkiisa sii raaciyay mudane Mumin.<\/p>\n\n    <div class=\"xs_social_share_widget xs_share_url after_content \t\tmain_content  wslu-style-1 wslu-share-box-shaped wslu-fill-colored wslu-none wslu-share-horizontal wslu-theme-font-no wslu-main_content\">\n\n\t\t\n        <ul>\n\t\t\t        <\/ul>\n    <\/div> \n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>MUQDISHO, Soomaaliya, 15 Oktoobar, 2019 &#8211; Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) ayaa waxa ay ugu baaqeysaa maamulka Puntland nay joojiyaan hanjabadaadda iyo cagajugleynta ka dhanka saxafiyiinta ka shaqeeya xarunta TV RTN Garowe, isla markaana  baaris ku sameeyaan saraakiisha booliska ee weerarka ku qaaday xarunta TV.<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":954,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[38,2,32,31,58,35,36],"tags":[152,98,155,49,156],"class_list":{"0":"post-956","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-dhacdooyin","8":"category-featured","9":"category-in-the-news","10":"category-ololaha","11":"category-somali","12":"category-warbixinnada","13":"category-waxqabadka","14":"tag-hirshabelle","15":"tag-puntland","16":"tag-rtn-tv","17":"tag-sjs","18":"tag-soomaaliya"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/956","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=956"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/956\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":4383,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/956\/revisions\/4383"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/954"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=956"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=956"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=956"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}