{"id":946,"date":"2019-10-14T20:55:55","date_gmt":"2019-10-14T17:55:55","guid":{"rendered":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/?p=946"},"modified":"2023-12-12T18:49:41","modified_gmt":"2023-12-12T18:49:41","slug":"booliska-hirshabelle-oo-sharci-darro-ku-xiray-weriye-soo-tabiyey-mudaaharaad-amarna-ku-bixiyay-in-la-toogto-wariyaal-kale","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/booliska-hirshabelle-oo-sharci-darro-ku-xiray-weriye-soo-tabiyey-mudaaharaad-amarna-ku-bixiyay-in-la-toogto-wariyaal-kale\/","title":{"rendered":"Booliska Hirshabelle  oo sharci darro ku xiray weriye soo tabiyey mudaaharaad, amarna ku bixiyay in la toogto weriyaal kale"},"content":{"rendered":"\n<p>MUQDISHO, Soomaaliya, 14 Oktoobar, 2019 \u2013 Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu cambaareynayaa xarigga sharci darrada ah ee weriye Cabdicasiis&nbsp; Xasan Macalin (Foolyarey) oo maanta lagu xiray magaalada Jowhar ee xarunta maamul goboleedka Hirshabelle xilli uu soo tabiyey mudaaharaad rabshad watay oo ka dhacay magaalada.<\/p>\n\n\n\n<p>Subaxnimadii Isniinta ayay <a rel=\"noreferrer noopener\" aria-label=\"booliska Jowhar waxay xireen boqollaal dad ah (opens in a new tab)\" href=\"https:\/\/www.jowhar.com\/somali\/ciidamada-booliska-hirshabelle-oo-saaka-qabqabtay-dadweyne-faro-badan.html\" target=\"_blank\">booliska Jowhar waxay xireen boqollaal dad ah<\/a> oo ay ku jiraan carruur kaddib markii bam gacmeed lagu dilay Guddoomiye ku xigeenkii amniga Gobolka Shabeelaha Dhexe iyo wiilkiisa habeennimadii Axaddii.&nbsp; Dad careysan ayaa bartamaha magaalada Jowhar isugu baxay iyagoo <a href=\"https:\/\/www.facebook.com\/permalink.php?story_fbid=1375900952567196&amp;id=100004419137699\">mudaaharaad rabshad watay<\/a> ku dalbaday in la siidaayo dadka xiran.<\/p>\n\n\n\n<p>Booliis\nhubeysan&nbsp; oo ka amar qaadanaya Taliyaha Booliska\nJowhar Maxamed Cali Siyaad (Canjeex) ayaa weerar ku qaaday guriga weriyaha isla\nmarkaana u taxaabay Saldhigga Booliska.<\/p>\n\n\n\n<p>\u201cWeriye Cabdicasiis wuxuu ku howlanaa tebinta wararka la xiriira mudaaharaadka, isagoo <a href=\"https:\/\/www.facebook.com\/permalink.php?story_fbid=1375900952567196&amp;id=100004419137699\" target=\"_blank\" rel=\"noreferrer noopener\" aria-label=\"sawirro ka qaaday taayiro lagu gubay waddooyinka (opens in a new tab)\">sawirro ka qaaday taayiro lagu gubay waddooyinka<\/a>. Markii uu gurigiisa u laabtay, booliska ayaa ku weeraray hoygiisa kaddibna xabsiga dhigay,\u201d sidaas waxaa SJS u sheegay suxufiyiin ku sugan magaalada Jowhar. <\/p>\n\n\n\n<p>Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu xiriir la sameeyay masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Warfaafinta Hirshabelle oo u xaqiijiyay in xarigga weriyaha uu soo amray Taliyaha Booliska Jowhar Dhamme Canjeex.&nbsp; Taliyaha waxa uu sidoo kale amray in la toogto weriyihii lagu arko isagoo sawirro ka qaadaya mudaaharaadka.<\/p>\n\n\n\n<p>SJS\nwaxa ay sidoo kale heshay warar la xiriira in Taliye Canjeex uu u hanjabay weriyayaal\nkale oo soo tabiyey wararka mudaaharaadkii maanta. &nbsp;Mar SJS xiriir la sameysay Taliyaha Canjeex ma\nuusan ka jawaabin wicitaankeena iyo farriimo qoraaleed aan u dirnay.<\/p>\n\n\n\n<p>\u201cWaanu\ncambaareyneynaa falkan sharci darrada ah ee lagu xiray weriye Cabdicasiis Xasan\nMacalin. Waxaana dalbaneynaa in si deg deg ah loo sii daayo,\u201d ayuu yiri Xoghayaha\nGuud ee Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS), Cabdalle Axmed Mumin&nbsp; \u201cWaxa kale oo wax laga xumaado ah tallaabada\nrabshada ku dheehan tahay ee Taliyaha Booliska Jowhar ku doonayo in uu ku\naamusiyo suxufiyiinta madaxa-bannaan.\u201d<\/p>\n\n\n\n<p>\u201cWaxaanu ka welwelsannahay ammarka Taliye Canjeex ku bixiyay in la toogto weriyaashii soo tebiyay mudaaharaadka Isniinta ka dhacay Jowhar. In sarkaal boolis amro in la toogto weriyaal waxay caddeyn u tahay heerka ba\u2019an ee ay gaartay isla xisaabtan la\u2019aanta ka dhanka dembiyada laga galayo suxufiyiinta Soomaaliyeed,\u201d Xoghaye Mumin ayaa intaasi ku daray.<\/p>\n\n\n\n<p>Soomaaliya waxay weli meesha ugu sarreysa kaga jirtaa waddamada ugu liita ee aan la isu ciqaabin dembiyada loo geysto suxufiyiinta.&nbsp; Waxaana wax laga welwelo ah in maamullada heer gobolleed iyo heer federaal aysan illaa hadda muujinin ka go\u2019naan dhab ah oo ah in si sax ah loo baaro, loona maxkamadeeyo kuwa ku lugta leh dembiyada iyo dilalka ka dhanka suxufiyiinta.<\/p>\n\n    <div class=\"xs_social_share_widget xs_share_url after_content \t\tmain_content  wslu-style-1 wslu-share-box-shaped wslu-fill-colored wslu-none wslu-share-horizontal wslu-theme-font-no wslu-main_content\">\n\n\t\t\n        <ul>\n\t\t\t        <\/ul>\n    <\/div> \n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>MUQDISHO, Soomaaliya, 14 Oktoobar, 2019 \u2013 Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu cambaareynayaa xarigga sharci darrada ah ee weriye Cabdicasiis  Xasan Macalin (Foolyarey) oo maanta lagu xiray magaalada Jowhar ee xarunta maamul goboleedka Hirshabelle xilli uu soo tabiyey mudaaharaad rabshad watay oo ka dhacay magaalada.<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":939,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[38,2,32,31,58,35,36],"tags":[153,152,149,154,49,42],"class_list":{"0":"post-946","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-dhacdooyin","8":"category-featured","9":"category-in-the-news","10":"category-ololaha","11":"category-somali","12":"category-warbixinnada","13":"category-waxqabadka","14":"tag-cabdicasiis-folyarey","15":"tag-hirshabelle","16":"tag-jowhar","17":"tag-mudaaharaad","18":"tag-sjs","19":"tag-somalia"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/946","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=946"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/946\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":4384,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/946\/revisions\/4384"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/939"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=946"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=946"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=946"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}