{"id":931,"date":"2019-10-07T20:53:19","date_gmt":"2019-10-07T17:53:19","guid":{"rendered":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/?p=931"},"modified":"2023-12-12T18:49:41","modified_gmt":"2023-12-12T18:49:41","slug":"sjs-oo-xusuusineysa-wariyaasha-inay-muujiyaan-dhex-dhexaadnimo-iyo-masuuliyad-xilliga-doorashooyinka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/sjs-oo-xusuusineysa-wariyaasha-inay-muujiyaan-dhex-dhexaadnimo-iyo-masuuliyad-xilliga-doorashooyinka\/","title":{"rendered":"SJS oo xusuusineysa wariyaasha inay muujiyaan dhex-dhexaadnimo iyo masuuliyad xilliga doorashooyinka"},"content":{"rendered":"\n<p>MUQDISHO, Soomaaliya, 07 Oktoobar, 2019 &#8211; Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu xusuusinayaa wariyaasha Soomaaliyeed inay ku dedaalaan dhex-dhexaadnimo iyo masuuliyad xilliga ay dhacayaan doorashooyinka dalka ka qabsoomi doona, ayna ka baaqsadaan hawlaha waxyeeli kara bed-qabka wariyaasha.<\/p>\n\n\n\n<p>Ka hor qabsoomidda doorashada Galmudug oo dhowaan la rajeynayo, iyo doorashooyinka guud ee dalka oo la filayo inay dhacaan 2020\/2021, Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu ku waaninayaa wariyaasha, tifaftirayaasha iyo soo saareyaasha inay ku sifoobaan dhex-dhexaadnimo ayna ku dhegganaadaan xirfad-yahannimo saxaafadeed inta ay shaqo-maalmeedkooda gudanayaan.<\/p>\n\n\n\n<p>Ururka Suxufiyiinta\nSoomaaliyeed (SJS) wuxuu dareensan yahay in qaar ka mid ah suxufiyiinta ka\nhawlgala Galmudug ay si toos ah iyo si aan toos ahaynba ugu lug yeesheen arrimo\nol\u2019ole doorasho, taasoo waxyeeli karta amniga suxufiyiinta, Xeerka Anshaxa\nSaxaafadda iyo dhex-dhexaadnimada xirfadeed ee laga doonayo suxufiyiinta.<\/p>\n\n\n\n<p>\u201cSaxaafad masuul ah, madax-bannaan, oo xirfadyahan ah waxay laf-dhabar u tahay bulsho kasta oo dimuqraadi ah. Wariyuhu waa in uu marwalba xusuusnaadaa in doorkiisa\/keeda Wariyanimo ay tahay in dadweynaha usoo gudbiyo\/gudbiso dhacdooyinka wareed- ma\u2019ahan in wariyuhu dhinac la safto,\u201d ayuu yiri Xoghayaha Guud ee Ururuka SJS, Abdalle Mumin \u00a0\u201cWariyaashu waa in ay ka fogaadaan dhaqdhaqaaq walba ay kaga qeybqaadanayaan ol\u2019olaha doorashooyinka, taa badalkeedna ay wararka u soo tabiyaan si dhex-dhexaad ah.\u201d<\/p>\n\n\n\n<p>\u201cBulshada guud waxay\nkaliya isku halleyn doontaa war-tebinta warbaahinta, waana in muhiimad sare la\nsiiyaa soo gudbinta warar sugan oo dhex-dhexaad ah, duruuf kasta oo jirta,\u201d ayuu\nyiri Xoghaye Abdalle Mumin.<\/p>\n\n\n\n<p>Dhowrkii isbuuc ee la\nsoo dhaafay hogaanka SJS iyo wariyaasha xubnaha ka ah Ururka waxay ka doodayeen\nsidii loo hagaajin lahaa habka bed-qabka suxufiyiinta gudaha ka howlgala. Arrinta\nsida weyn hoosta looga xariiqay ayaa ahayd baahida loo qabo saxaafad war-tebinteedu\ntahay mid daacad ah oo madax-bannaan.<\/p>\n\n\n\n<p>Ururka SJS wuxuu ku\ndhiirigelinayaa warfidiyeenka inay soo sheegaan khataraha ay la kulmayaan\nmuddada lagu jiro ol\u2019olaha iyo waqtiga doorashada intuba.<\/p>\n\n\n\n<p>\u201cSuxufigu waa inuu soo\ntebiyaa wararka la xiriira xisbiyada iyo musharixiinta, si ay cod-bixiyaashu u\nsameeyaan isbarbardhigga ku saabsan iyaga. Laakiin suxufiga xirfadyahanka ah ma\u2019ahan\ninuu lakala safto musharrixiinta,\u201d ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay Xoghaye\nMumin.<\/p>\n\n    <div class=\"xs_social_share_widget xs_share_url after_content \t\tmain_content  wslu-style-1 wslu-share-box-shaped wslu-fill-colored wslu-none wslu-share-horizontal wslu-theme-font-no wslu-main_content\">\n\n\t\t\n        <ul>\n\t\t\t        <\/ul>\n    <\/div> \n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>MUQDISHO, Soomaaliya, 07 Oktoobar, 2019 &#8211; Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu xusuusinayaa wariyaasha Soomaaliyeed inay ku dedaalaan dhex-dhexaadnimo iyo masuuliyad xilliga ay dhacayaan doorashooyinka dalka ka qabsoomi doona, ayna ka baaqsadaan hawlaha waxyeeli kara bed-qabka wariyaasha.<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":929,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[38,2,32,31,58,35,36],"tags":[147,49,42,146],"class_list":{"0":"post-931","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-dhacdooyin","8":"category-featured","9":"category-in-the-news","10":"category-ololaha","11":"category-somali","12":"category-warbixinnada","13":"category-waxqabadka","14":"tag-doorashooyinka-2020","15":"tag-sjs","16":"tag-somalia","17":"tag-suxufiyiinta"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/931","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=931"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/931\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":4385,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/931\/revisions\/4385"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/929"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=931"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=931"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=931"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}