{"id":918,"date":"2019-09-27T23:36:41","date_gmt":"2019-09-27T20:36:41","guid":{"rendered":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/?p=918"},"modified":"2023-12-12T18:49:41","modified_gmt":"2023-12-12T18:49:41","slug":"maxkamadda-ciidamada-puntland-oo-u-yeertay-agaasimaha-radio-daljir","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/maxkamadda-ciidamada-puntland-oo-u-yeertay-agaasimaha-radio-daljir\/","title":{"rendered":"Maxkamadda Ciidamada Puntland oo u yeertay Agaasimaha Radio Daljir"},"content":{"rendered":"\n<p>MUQDISHO, Soomaaliya, 27\nSebtember, 2019 \u2013 Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) ayaa wax laga aragagaxo\nku tilmaamay amarka&nbsp; u yeerista\nMaxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida ee Puntland ay ugu yeertay agaasimaha\nRadio Daljir, Axmed Sheekh Mohamed (Tallman) ee soo baxay 24 Sebtember, 2019.<\/p>\n\n\n\n<p>Ammarkan ayaa tixraacayey\nammar kale oo ka soo baxay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka\nSida ee Puntland oo soo baxay 23 Sebtember, kaasoo sidoo kale ku amray\nagaasimaha idaacadda Daljir inuu ku horyimaado Maxkamadda &nbsp;maalinta Sabtida 28 Sebtember. &nbsp;Qoraalka Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka\nSida ee Puntland ayaa ku eedeysay agaasimaha qodobada 382, 287 iyo 333 ee\nXeerka Ciqaabta Soomaaliyeed.<\/p>\n\n\n\n<p>Ururka Suxufiyiinta\nSoomaliyeed ee SJS wuxuu ugu baaqayaa Maxkamadda Ciidamada Puntland inay joojiso\nu yeerista ka dhanka agaasimaha Radio Daljir oo ka hor imaneysa Dastuurka\nPuntland iyo kan Federaalka.<\/p>\n\n\n\n<p>Qodobka 87aad,\nfaqradiisa 1aad ee Dastuurka Puntland ayaa sheegaya in \u201cMaxkamadaha Ciidamadu\nay gaar u yihiin qaadista dembiyada ay galaan xubnaha ciidamada oo keli ah iyo\nciddii isu ekeysiisa\u201d.<\/p>\n\n\n\n<p>\u201cMaamulayaasha Puntland\nwaa inaysan midiyahooda ku jeedin wariyaasha. Maxkamadda Ciidamadu xaq uma\nlahan inay u yeerto wariye rayid ah. Waa inu Maxkamad uga yeeristan si dhakhso\nleh looga laabtaa,\u201d ayuu yiri Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta\nSoomaaliyeed (SJS), Cabdalle Axmed Mumin.<\/p>\n\n\n\n<p>U yeerista maxkamadeed waxay daba joogtaa <a href=\"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/2019\/09\/16\/puntland-police-carry-out-multiple-raids-on-radio-daljir-and-briefly-shut-down-radio-transmitter\/\" target=\"_blank\" rel=\"noreferrer noopener\" aria-label=\"weerar lagu qaaday xarumaha idaacadda Daljir (opens in a new tab)\">weerar lagu qaaday xarumaha idaacadda Daljir<\/a> ee Garowe iyo Boosaaso toddobaadkii hore kaddib markii idaacaddu baahisay dhimashada ruux maxbuus ah oo sida la sheegay Ciidanka Boolisku jirdileen. Boolisku waxay waqti kooban, sidoo kale demiyeen idaacadda Daljir ee Boosaaso 16 Sebtember.<\/p>\n\n\n\n<p>\u201cSuxufiyiintu waa inay awood u leeyihiin inay baari karaan sheekooyinka dadweynuhu daneynayaan- oo ay ku jirto xitaa xadgudubyada ay sameynayaan kuwa xilka haya cabsi la\u2019aan. Waxaan ugu baaqeynaa maamulka Puntland inay joojiyaan <a href=\"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/2019\/09\/25\/puntland-wasiirka-warfaafinta-oo-soo-rogay-ammaro-xayiraad-ah-una-hanjabay-wariyaasha\/\" target=\"_blank\" rel=\"noreferrer noopener\" aria-label=\"cagajugleynta iyo handadaada joogtada ah (opens in a new tab)\">cagajugleynta iyo handadaada joogtada ah<\/a> ee ay ku doonayaan inay suxufiyiinta uga hor joogsadaan shaqadooda ah inay war siiyaan bulshada,\u201d ayuu sii raaciyay hadalkiisa Mr. Mumin.<\/p>\n\n    <div class=\"xs_social_share_widget xs_share_url after_content \t\tmain_content  wslu-style-1 wslu-share-box-shaped wslu-fill-colored wslu-none wslu-share-horizontal wslu-theme-font-no wslu-main_content\">\n\n\t\t\n        <ul>\n\t\t\t        <\/ul>\n    <\/div> \n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>MUQDISHO, Soomaaliya, 27 Sebtember, 2019 \u2013 Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) ayaa wax laga aragagaxo ku tilmaamay amarka  u yeerista Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida ee Puntland ay ugu yeertay agaasimaha Radio Daljir, Axmed Sheekh Mohamed (Tallman) ee soo baxay 24 Sebtember, 2019.<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":916,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[38,2,32,31,58,35,36],"tags":[142,98,127,49],"class_list":{"0":"post-918","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-dhacdooyin","8":"category-featured","9":"category-in-the-news","10":"category-ololaha","11":"category-somali","12":"category-warbixinnada","13":"category-waxqabadka","14":"tag-maxkamadda-ciidamada","15":"tag-puntland","16":"tag-radio-daljir","17":"tag-sjs"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/918","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=918"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/918\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":4387,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/918\/revisions\/4387"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/916"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=918"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=918"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=918"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}