{"id":912,"date":"2019-09-25T21:15:13","date_gmt":"2019-09-25T18:15:13","guid":{"rendered":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/?p=912"},"modified":"2023-12-12T18:49:41","modified_gmt":"2023-12-12T18:49:41","slug":"puntland-wasiirka-warfaafinta-oo-soo-rogay-ammaro-xayiraad-ah-una-hanjabay-wariyaasha","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/puntland-wasiirka-warfaafinta-oo-soo-rogay-ammaro-xayiraad-ah-una-hanjabay-wariyaasha\/","title":{"rendered":"Puntland: Wasiirka Warfaafinta oo soo rogay ammaro xayiraad ah, una hanjabay wariyaasha"},"content":{"rendered":"\n<p>MUQDISHO, Soomaaliya, 25 Sebtember, 2019 \u2013 Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu cambaareynayaa tallaabada wasiirka warfaafinta Puntland Cali Xasan Axmed (Sabarey) uu warbaahinta iyo suxufiyiinta Puntland ugu soo rogey xayiraadaha cusub ee looga dan leeyahay in lagu caburiyo xorriyadda saxaafadda iyo falalka hanjaabadaha ee ka dhanka warbaahinta iyo suxufyiinta ka howlgala Puntland.<\/p>\n\n\n\n<p><strong><a href=\"https:\/\/www.facebook.com\/1347891271958315\/posts\/2542740079140089\/\" target=\"_blank\" rel=\"noreferrer noopener\" aria-label=\"Shir jaraa\u2019id oo uu Wasiir Sabarey (opens in a new tab)\">Shir jaraa\u2019id oo uu Wasiir Sabarey<\/a><\/strong> ku qabtay magaalada Garowe 22 September, 2019 ayuu wuxuu ku amray weriyayaasha iyo warbaahinta ka howlgasha Puntland inay isku diiwaan-geliyaan wasaaradda warfaafinta ka hor 15 Oktoobar, 2019, ciddii amarkaa u hoggaansami weydana uu sharciga la tiigsan doono.<\/p>\n\n\n\n<p>\u201cWaanu kala xuli doonaa\nweriyayaasha, kuwa aanu u garana waxaan loo sameyn doonaa aqoonsi.\u201d Wasiir\nSabarey ayaa intaa ku daray in suxufigii lagu qabto isagoo ka howlgelaya\nPuntland kaar aqoonsiga Wasaaraddu soo rogtay (ID) la\u2019aantiis sharciga lala\ntiigsan doono.<\/p>\n\n\n\n<p>Wasiirka ayaa ku\nhanjabay in suxufigii iyo warbaahintii aan isdiiwaan-gelinin aanan loo aqoonsan\ndoonin suxufinimo, warbaahintana la xiri doono, isagoo intaasi ku daray&nbsp; in ay jiraan wariyaal dhibaato wada, sida uu\nhadalka u dhigay oo joogo maamul goboleed kale.<\/p>\n\n\n\n<p>\u201cXiriir baanu leenahay\nmaamul goboleedyada kale, meel uu nooga baxsanaayo ma jirto oo isagoo jeebeysan\nbaanu keeneynaa, ha moodina qof intuu tago maamul kale in uu ku badbaadayo,\u201d ayuu\nyiri Wasiir Sabarey.<\/p>\n\n\n\n<p>Ururka Suxufiyiinta\nSoomaaliyeed (SJS) wuxuu &nbsp;cambaareynayaa\nfalalka sharciga ka baxsan ee lagu doonayo in lagu cabburiyo xorriyaadka\nsaxaafadda ee Puntland.<\/p>\n\n\n\n<p>\u201cWasiirka Warfaafinta\nPuntland waa uu ku khaldan yahay in uu ku amro suxufiiinta iyo warbaahinta inay\nis diiwaan-geliyaan. Howshan waxaa iska leh Golaha Warbaahinta Puntland oo\nhaddaba shaqeeya,\u201d Cabdalle Axmed Mumin, Xoghayaha guud ee Ururka Suxufiyiinta\nSoomaaliyeed ee SJS ayaa yiri. <\/p>\n\n\n\n<p>Wuxuu Xoghayuhu ugu\nbaaqay maamulka Puntland inay joojiyaan awaamiirta sharciga aan waafaqsaneyn ee\nay ku doonayaan inay warbaahinta madaxa-bannaan ku aamusiyaan.<\/p>\n\n\n\n<p>Cabsi iyo degganaansho\nla\u2019aan ayaa soo foodsaartay wariyaasha ka hawlgala Puntland kuwaasoo aanan\nhubin sida ay ku sii shaqeyn karaan marka la gaaro 15 Oktoobar oo ah xilliga ay\nku eg tahay isdiiwaangelinta qasabka ah ee uu soo rogay Wasiir Sabarey.&nbsp; Wariyaashan oo la hadlay&nbsp; SJS ayaa sheegay inaanay garaneyn waxa uu\nxaalkooda iyo kan warbaahinta noqon doono haddii uu sii socdo amarka Wasiirka.<\/p>\n\n\n\n<p>\u201cMa\u2019ahan in wariyaasha\nloogu soo rogo isdiiwaangelin aan loo baaheyn iyadoo ujeedku yahay in lagu\naamusiyo wartebinta madaxa-bannaan ee warbaahinta soo gudbiso,\u201d ayuu sii\nraaciyay Xoghayaha Guud ee SJS, Cabdalle Axmed Mumin.<\/p>\n\n    <div class=\"xs_social_share_widget xs_share_url after_content \t\tmain_content  wslu-style-1 wslu-share-box-shaped wslu-fill-colored wslu-none wslu-share-horizontal wslu-theme-font-no wslu-main_content\">\n\n\t\t\n        <ul>\n\t\t\t        <\/ul>\n    <\/div> \n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>MOGADISU, Somalia, 25 September, 2019 \u2013 Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu cambaareynayaa tallaabada wasiirka warfaafinta Puntland Cali Xasan Axmed (Sabarey) uu warbaahinta iyo suxufiyiinta Puntland ugu soo rogey xayiraadaha cusub ee looga dan leeyahay in lagu caburiyo xorriyadda saxaafadda iyo falalka hanjaabadaha ee ka dhanka warbaahinta iyo suxufyiinta ka howlgala Puntland.<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":907,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[38,2,32,31,58,35,36],"tags":[139,105,98,49,138],"class_list":{"0":"post-912","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-dhacdooyin","8":"category-featured","9":"category-in-the-news","10":"category-ololaha","11":"category-somali","12":"category-warbixinnada","13":"category-waxqabadka","15":"tag-garowe","16":"tag-puntland","17":"tag-sjs","18":"tag-wasiirka-warfaafinta"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/912","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=912"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/912\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":4388,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/912\/revisions\/4388"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/907"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=912"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=912"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=912"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}