{"id":901,"date":"2019-09-20T23:32:20","date_gmt":"2019-09-20T20:32:20","guid":{"rendered":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/?p=901"},"modified":"2023-12-12T18:49:41","modified_gmt":"2023-12-12T18:49:41","slug":"sjs-oo-taageereysa-baaqa-qaaraan-ururinta-caafimaadka-wariye-ismaaciil-sheikh-khalifa","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/sjs-oo-taageereysa-baaqa-qaaraan-ururinta-caafimaadka-wariye-ismaaciil-sheikh-khalifa\/","title":{"rendered":"SJS oo taageereysa baaqa qaaraan ururinta caafimaadka wariye Ismaaciil Sheikh Khalifa"},"content":{"rendered":"\n<p>MOGADISHU, Soomaaliya,\n&nbsp;20 September, 2019 \u2013 Ururka Suxufiyiinta\nSoomaaliyeed (SJS) wuxuu ku baaqayaa in taageero caafimaad oo deg deg ah loo\nhelo weriye Ismaaciil Sheikh Khalifa oo ah weriye u dooda xuquuqda suxufiyiinta,\nkaasoo dhaawac culus oo kasoo gaaray qarax baabuurkiisa loogu xiray uu kazoo daray\nkaddib muddo 10-bilood ah oo lala tacaalayey.<\/p>\n\n\n\n<p>Weriye Ismaaciil, oo ahaa Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Xuquuqul Insaanka ayaa galay dhowr qalliin oo looga sameeyay dhabarka iyo murqaha barida kaddib dhaawac daran oo kaasoo gaaray <strong><a href=\"https:\/\/www.hrw.org\/news\/2018\/12\/07\/somali-journalist-critically-hurt-car-bombing\" target=\"_blank\" rel=\"noreferrer noopener\" aria-label=\"qarax baabuurkiisa loogu xiray 4tii bishii Disembar, 2018 (opens in a new tab)\">qarax baabuurkiisa loogu xiray 4tii bishii Disembar, 2018<\/a><\/strong> xilli uu kasoo baxay istuudiyaha telefishanka oo uu kulahaa barnaamij toddobaadle ah.\u00a0 Ma jirto cid sheegatay weerarka, lagumana sameyn wax baaritaan ah.<\/p>\n\n\n\n<p>Ismaaciil\nwaxaa la geeyay isbitaalka Soomaali-Turkey (Digfeer). Kaddib labo jeer oo\nqalliimo waaweyn ah lagu sameeyay, waxaa laga saaray isbitaalka 29kii Disembar,\nlaakiin nasiib darro xaaladda dhaawaciisa oo ka dartay awgeed ayaa sababta in\ndib loogu celiyo isbitaalka bishii Agoosto 2019.&nbsp; Dhakhaatiirta ayaa markale qalliin ku\nsameeyay.<\/p>\n\n\n\n<p>\u201cXaaladda\nwalaalkeen Ismaaciil masoo hagaagin sababo la xiriira dhaawaciisa oo caabuq\nqaaday awgeed. Dhakhaatuurtu waxay ku taliyeen in si deg deg ah weriye\nIsmaaciil loogu qaado caafimaad dibedda ah si wax looga qabto xaaladda\ndhaawaciisa,\u201d sidaasi waxaa SJS u sheegay weriye Cabdifataax Mocalim Nuur oo ka\ntirsan Guddi Weriyaal ah oo isu xilqaamay dhaqaale u ururinta Ismaaciil.<\/p>\n\n\n\n<p>Bishii hore\nwaxay Guddiga Weriyaashu ururiyeen lacag dhan $22,000 (labaatan iyo labo kun doollar)\nsi weriye Ismaaciil Sheikh Khalifa loogu raadiyo caafimaad dibedda ah, hase\nyeeshee lacagtaasi ayaa ah kala bar uun kharashka loogu baahan yahay in weriye\nIsmaaciil lagu soo daweeyo. Waxaa lagu qiyaasayaa lacag gaareysa $50,000\n(konton kun doollar) in loogu baahan yahay daaweynta weriye Ismaaciil.<\/p>\n\n\n\n<p>Xoghayaha\nGuud ee SJS, Cabdalle Axmed Mumin ayaa ku soo biiray baaqa taageero-doonka ee\nay sameeyeen weriyaasha Soomaaliyeed ee lagu codsanayo in daaweyn loogu raadiyo\nwalaalkeen Ismaaciil Sheikh Khaliifa, iyadoo sidoo kale la muujiyay inuu\nIsmaaciil u baahan yahay badbaado amni maadaama tan iyo xitaa markuu isbitaalka\ngalay uu helayey hanjabaado.<\/p>\n\n\n\n<p>\u201cWaxaan ka\nwalaacsanahay xaaladda saaxiibkeen Ismaaciil Sheikh Khalifa oo ah weriye sumcad\nku leh difaaca xuquuqda bani\u2019aadamka kaasoo si cadawtinimo leh loogu dhaawacay\nweerar qarax,\u201d ayuu yiri Xoghaye Guud Cabdalle Mumin \u201cWarbixinta caafimaad ee\naan aragnay waxay muujineysaa in Ismaaciil ku tiirsan yahay dawooyin xannuun\nbaabi\u2019in ah. Mana uu taageeri karo qoyskiisa iyo carruurtiisa oo dhan 8, kuwaas\nu baahan caawintiisa aabenimo.\u201d<\/p>\n\n\n\n<p>\u201cSJS waxay ku\nbiirtay baaqa codsiga ah ee ay soo jeediyeen weriyaasha. Waxaana si naxariis\nleh uga codsaneynaa cid kasta oo awoodi karta inay ka qeybgasho qaaraanka lagu\ntaageerayo caafimaadka walaalkeen Ismaaciil,\u201d ayuu sii raaciyay Cabdalle Mumin.<\/p>\n\n\n\n<p>SJS waxay u\nmahadcelineysaa shirkadaha iyo hay\u2019adaha ka qeybqaatay bixinta qaaraanka la\nururiyay illaa hadda.&nbsp; Waxaan sidoo kale\namaaneynaa Safaaradda Turkey ee Muqdisho oo fududeysay visa-ha Weriye Ismaaciil\nSheikh Khalifa si uu caafimaad ugu tago dalka Turkey.<\/p>\n\n\n\n<p><strong>Lacagaha la ururiyay illaa iyo hadda iyo\nsamafayalaasha ku deeqay:<\/strong><\/p>\n\n\n\n<table class=\"wp-block-table\"><tbody><tr><td>\n  <strong>No.<\/strong>\n  <\/td><td>\n  <strong>Magaca hay\u2019adda <\/strong>\n  <\/td><td>\n  <strong>Qaaraanka la bixiyay <\/strong>\n  <\/td><\/tr><tr><td>   1.   <\/td><td>  Hormuud\u00a0 Telecom    \u00a0   <\/td><td>\n  US$5,000\n  <\/td><\/tr><tr><td>   2.   <\/td><td>  Rugta   Ganacsiga Soomaaliyeed    \u00a0   <\/td><td>\n  US$6,000\n  <\/td><\/tr><tr><td>   3.   <\/td><td>  Dahabshil Bank    \u00a0   <\/td><td>\n  US$4,000\n  <\/td><\/tr><tr><td>   4.   <\/td><td>  Bahda   saxaafadda Soomaaliyeed    <\/td><td>\n  US$4,000\n  <\/td><\/tr><tr><td>   5.   <\/td><td>  BECO (shirkadda korontada)\u00a0   <\/td><td>   US$3,000   <\/td><\/tr><tr><td><strong>WADAR: US$22,000<\/strong>  <\/td><\/tr><\/tbody><\/table>\n\n\n\n<p>Cid kasta oo\ndooneysa inay ka qeyb qaadato qaaraanka caafimaad ee walaalkeen Ismaaciil\nSheikh Khalifa, waxay kala xiriiri kartaa guddiga weriyaasha ee qaaraan\nururinta wada, emailkan email; <a href=\"mailto:fitaaxqeys@gmail.com\">fitaaxqeys@gmail.com<\/a>\n&nbsp;ama telefoonka +252 615 561 892.<\/p>\n\n    <div class=\"xs_social_share_widget xs_share_url after_content \t\tmain_content  wslu-style-1 wslu-share-box-shaped wslu-fill-colored wslu-none wslu-share-horizontal wslu-theme-font-no wslu-main_content\">\n\n\t\t\n        <ul>\n\t\t\t        <\/ul>\n    <\/div> \n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>MOGADISHU, Soomaaliya,  20 September, 2019 \u2013 Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu ku baaqayaa in taageero caafimaad oo deg deg ah loo helo weriye Ismaaciil Sheikh Khalifa oo ah weriye u dooda xuquuqda suxufiyiinta, kaasoo dhaawac culus oo kasoo gaaray qarax baabuurkiisa loogu xiray uu kazoo daray kaddib muddo 10-bilood ah oo lala tacaalayey.<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":897,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[38,2,32,31,58,35,36],"tags":[134],"class_list":{"0":"post-901","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-dhacdooyin","8":"category-featured","9":"category-in-the-news","10":"category-ololaha","11":"category-somali","12":"category-warbixinnada","13":"category-waxqabadka","14":"tag-sjs-wariye-ismaaciil-sheikh-khalifa"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/901","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=901"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/901\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":4389,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/901\/revisions\/4389"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/897"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=901"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=901"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=901"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}