{"id":835,"date":"2019-08-09T19:34:57","date_gmt":"2019-08-09T16:34:57","guid":{"rendered":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/?p=835"},"modified":"2023-12-12T18:49:41","modified_gmt":"2023-12-12T18:49:41","slug":"tababarka-dukumintari-sameynta-oo-lagu-soo-gabagabeeyay-muqdisho","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/tababarka-dukumintari-sameynta-oo-lagu-soo-gabagabeeyay-muqdisho\/","title":{"rendered":"Tababarka Dukumintari Sameynta oo lagu soo Gabagabeeyay Muqdisho"},"content":{"rendered":"\n<p>MUQDISHO, Soomaaliya, 9 Agoosto, 2019 &#8211; Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (Somali Journalists Syndicate &#8211; SJS) iyo Machadka Somali Digital Media Academy (SODMA) ayaa Khamiista 8 Agoosto, 2019, soo gabagabeeyay tababar lagu baranayey habka sameynta iyo tifaftirka dukumintariga (Documentary Video Storytelling) oo muddo labo toddobaad ah ka socday Magaalada Muqdisho.<\/p>\n\n\n\n<p>Tababarkan oo ay ka faa&#8217;ideysteen in ka badan 20 suxufi ayaa intuu socday, waxaa si qoto dheer oo shaqo iyo fasal ah loogu baranayey hannaanka soo-saaridda filimka oo ka bilaabata sameynta fikirka illaa duubista iyo naqshadeynta filim dhameystiran oo hab casri ah loo sameeyo.<\/p>\n\n\n\n<figure class=\"wp-block-image\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" width=\"1024\" height=\"643\" src=\"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Somali-Journalists-Syndicate-SJS-in-partnership-with-Somali-Digital-Media-Academy-SODMA-on-Thursday-8-August-2019-concluded-a-two-week-co-17-1024x643.jpeg\" alt=\"Somali Journalists Syndicate (SJS) in partnership with Somali Digital Media Academy (SODMA) on Thursday 8 August 2019 concluded a two-week course on Documentary Video Storytelling in Mogadishu.\" class=\"wp-image-838\" srcset=\"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Somali-Journalists-Syndicate-SJS-in-partnership-with-Somali-Digital-Media-Academy-SODMA-on-Thursday-8-August-2019-concluded-a-two-week-co-17-1024x643.jpeg 1024w, https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Somali-Journalists-Syndicate-SJS-in-partnership-with-Somali-Digital-Media-Academy-SODMA-on-Thursday-8-August-2019-concluded-a-two-week-co-17-300x188.jpeg 300w, https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Somali-Journalists-Syndicate-SJS-in-partnership-with-Somali-Digital-Media-Academy-SODMA-on-Thursday-8-August-2019-concluded-a-two-week-co-17-768x482.jpeg 768w, https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Somali-Journalists-Syndicate-SJS-in-partnership-with-Somali-Digital-Media-Academy-SODMA-on-Thursday-8-August-2019-concluded-a-two-week-co-17-696x437.jpeg 696w, https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Somali-Journalists-Syndicate-SJS-in-partnership-with-Somali-Digital-Media-Academy-SODMA-on-Thursday-8-August-2019-concluded-a-two-week-co-17-1068x670.jpeg 1068w, https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Somali-Journalists-Syndicate-SJS-in-partnership-with-Somali-Digital-Media-Academy-SODMA-on-Thursday-8-August-2019-concluded-a-two-week-co-17-669x420.jpeg 669w, https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Somali-Journalists-Syndicate-SJS-in-partnership-with-Somali-Digital-Media-Academy-SODMA-on-Thursday-8-August-2019-concluded-a-two-week-co-17.jpeg 1080w\" sizes=\"auto, (max-width: 1024px) 100vw, 1024px\" \/><figcaption> Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (Somali Journalists Syndicate &#8211; SJS) iyo Machadka Somali Digital Media Academy (SODMA) ayaa Khamiista 8 Agoosto, 2019, soo gabagabeeyay tababar lagu baranayey habka sameynta iyo tifaftirka dukumintariga (Documentary Video Storytelling) oo muddo labo toddobaad ah ka socday Magaalada Muqdisho. <\/figcaption><\/figure>\n\n\n\n<p>Ustaad Cabdulqaadir Xaaji Xasan Zubeyr oo tababarkan macallin ka ahaa ayaa sheegay inuu ku kalsoon yahay in wariyaashii ka faa&#8217;ideystay tababarkan ay wax badan ku kordhin doonaan xirfadooda xagga filimka iyo guud ahaan mihnadda saxaafadda Soomaaliya hadda ka jirta.<\/p>\n\n\n\n<p>&#8220;Waan hubaa in wax weyn ay ku kordhin doonaan goobahooda shaqada marka ay ku laabtaan suxufiyiinta tababarkan ka faa&#8217;ideystay. Muddaddii duruustu socotay waxay ahayd muddo mashquul badan oo waxbarasho iyo shaqo ficil ah la iskuu waday,&#8221; ayuu yiri Ustaad Zubeyr.<\/p>\n\n\n\n<p>Guuleed Salaad Qaareey, oo ah hormuudka ururka hawlwadeennada Kaamiradda iyo Asma Yaasiin Cismaan oo ka mid ahaa wariyaasha ka qeybgalay tababarkan, ayaa u mahadceliyay&nbsp;<a href=\"https:\/\/www.facebook.com\/sjsyndicate\/?__tn__=K-R&amp;eid=ARCyf2ZrXBpJGQ63fReclozlJxINXJnvApKg58Wxi7Qr65RNG4u5kjnzHSkGAWXB9nFud2Ja155v7omm&amp;fref=mentions&amp;__xts__%5B0%5D=68.ARBG1eJI3tL7poFlNnESctfUx2NhQZG24b2vDs2xlcfWW1dbIL9MOG0t65WBaPhNKaTSiM6RwmPXGCMh1hVb8mdNW1bxrfEYWJYBF3Wf6uZIz48vAqVloXlXS2fQBImUkFVn82seRrAexBFf7E2kJhK_x3qe1WljLZoEw-FSQcveb8IsPwbAI3_rfD1v1JQ2bYC4GG8PCKYj-8HHJTreWxT_XhB9StOdYtwtBOJd5OsXeEGKWnh_8gu4rMUgzVVTkAYWvV2Edb30JutwtD28jRG449V1KvBOBckrTMgNJkd4QQeDUeTem4vaEMp1Xqj11zEyojSRiH1ZU0Hjwkpcwa4\">Somali Journalists Syndicate &#8211; SJS<\/a>&nbsp;iyo Machadka #SODMA oo si wadajir ah u fuliyay hawsha tababarkan.<\/p>\n\n\n\n<figure class=\"wp-block-image\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" width=\"1024\" height=\"683\" src=\"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Somali-Journalists-Syndicate-SJS-in-partnership-with-Somali-Digital-Media-Academy-SODMA-on-Thursday-8-August-2019-concluded-a-two-week-co-19-1024x683.jpeg\" alt=\"Somali Journalists Syndicate (SJS) in partnership with Somali Digital Media Academy (SODMA) on Thursday 8 August 2019 concluded a two-week course on Documentary Video Storytelling in Mogadishu.\" class=\"wp-image-839\" srcset=\"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Somali-Journalists-Syndicate-SJS-in-partnership-with-Somali-Digital-Media-Academy-SODMA-on-Thursday-8-August-2019-concluded-a-two-week-co-19-1024x683.jpeg 1024w, https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Somali-Journalists-Syndicate-SJS-in-partnership-with-Somali-Digital-Media-Academy-SODMA-on-Thursday-8-August-2019-concluded-a-two-week-co-19-300x200.jpeg 300w, https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Somali-Journalists-Syndicate-SJS-in-partnership-with-Somali-Digital-Media-Academy-SODMA-on-Thursday-8-August-2019-concluded-a-two-week-co-19-768x512.jpeg 768w, https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Somali-Journalists-Syndicate-SJS-in-partnership-with-Somali-Digital-Media-Academy-SODMA-on-Thursday-8-August-2019-concluded-a-two-week-co-19-696x464.jpeg 696w, https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Somali-Journalists-Syndicate-SJS-in-partnership-with-Somali-Digital-Media-Academy-SODMA-on-Thursday-8-August-2019-concluded-a-two-week-co-19-1068x712.jpeg 1068w, https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Somali-Journalists-Syndicate-SJS-in-partnership-with-Somali-Digital-Media-Academy-SODMA-on-Thursday-8-August-2019-concluded-a-two-week-co-19-630x420.jpeg 630w, https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Somali-Journalists-Syndicate-SJS-in-partnership-with-Somali-Digital-Media-Academy-SODMA-on-Thursday-8-August-2019-concluded-a-two-week-co-19.jpeg 1080w\" sizes=\"auto, (max-width: 1024px) 100vw, 1024px\" \/><figcaption> Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (Somali Journalists Syndicate &#8211; SJS) iyo Machadka Somali Digital Media Academy (SODMA) ayaa Khamiista 8 Agoosto, 2019, soo gabagabeeyay tababar lagu baranayey habka sameynta iyo tifaftirka dukumintariga (Documentary Video Storytelling) oo muddo labo toddobaad ah ka socday Magaalada Muqdisho. <\/figcaption><\/figure>\n\n\n\n<p>Agaasimaha Machadka SODMA, Cabdiraxmaan Yuusuf Xasan (Bukhaari) oo xiritaanka tababarka ka hadlay ayaa sheegay ahmiyadda ay u leedahay saxafiyiinta inay had iyo jeer aqoontooda kordhiyaan si ay ula tartamaan suxufiyiinta kale ee dunida.<\/p>\n\n\n\n<p>&#8220;Waxbarasho kaliya ma ahayn, ee halkaan waxaad kaloo ka qaadaneysaan sixitaan lagu saxayo wixii khaladaad ah ee horey u dhici jiray, waxay ahayd is dhexgal iyo is-barasho,&#8221; ayuu sii raaciyay hadalkiisa.<\/p>\n\n\n\n<p>Xoghayaha Guud&nbsp;<a href=\"https:\/\/www.facebook.com\/sjsyndicate\/?__tn__=K-R&amp;eid=ARDamYgogh-hmWdIHQ465cuUrAaVi85SAJqhn-yJlaXLx_Gf_HLAejbpB10jFaaw0Vchgw7OYBQHWteY&amp;fref=mentions&amp;__xts__%5B0%5D=68.ARBG1eJI3tL7poFlNnESctfUx2NhQZG24b2vDs2xlcfWW1dbIL9MOG0t65WBaPhNKaTSiM6RwmPXGCMh1hVb8mdNW1bxrfEYWJYBF3Wf6uZIz48vAqVloXlXS2fQBImUkFVn82seRrAexBFf7E2kJhK_x3qe1WljLZoEw-FSQcveb8IsPwbAI3_rfD1v1JQ2bYC4GG8PCKYj-8HHJTreWxT_XhB9StOdYtwtBOJd5OsXeEGKWnh_8gu4rMUgzVVTkAYWvV2Edb30JutwtD28jRG449V1KvBOBckrTMgNJkd4QQeDUeTem4vaEMp1Xqj11zEyojSRiH1ZU0Hjwkpcwa4\">Somali Journalists Syndicate &#8211; SJS<\/a>&nbsp;<a href=\"https:\/\/www.facebook.com\/AbdalleMumin\/?__tn__=K-R&amp;eid=ARAXl-5OZzi2axF3_X4WnOrMIG838NT6risVu5bnKaI9U-5V43UHxhQXXKB7forHRB5LFqJbB_Wjmy9k&amp;fref=mentions&amp;__xts__%5B0%5D=68.ARBG1eJI3tL7poFlNnESctfUx2NhQZG24b2vDs2xlcfWW1dbIL9MOG0t65WBaPhNKaTSiM6RwmPXGCMh1hVb8mdNW1bxrfEYWJYBF3Wf6uZIz48vAqVloXlXS2fQBImUkFVn82seRrAexBFf7E2kJhK_x3qe1WljLZoEw-FSQcveb8IsPwbAI3_rfD1v1JQ2bYC4GG8PCKYj-8HHJTreWxT_XhB9StOdYtwtBOJd5OsXeEGKWnh_8gu4rMUgzVVTkAYWvV2Edb30JutwtD28jRG449V1KvBOBckrTMgNJkd4QQeDUeTem4vaEMp1Xqj11zEyojSRiH1ZU0Hjwkpcwa4\">Abdalle Ahmed Mumin<\/a> oo tababarka soo xiray ayaa bogaadiyay Machadka SODMA iyo macallimiinta dedaalkii dheeraa ee ay bixiyeen muddadii uu socday tababarkan. Wuxuuna sheegay in Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) uu u taagan yahay kor u qaadista aqoonta suxufiyiinta, u doodista xuquuqdooda iyo ka caawinta waxkasta oo ku saabsan horumarinta mihnadda saxaafadda.<\/p>\n\n\n\n<figure class=\"wp-block-image\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" width=\"1024\" height=\"683\" src=\"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Somali-Journalists-Syndicate-SJS-in-partnership-with-Somali-Digital-Media-Academy-SODMA-on-Thursday-8-August-2019-concluded-a-two-week-co-55-1024x683.jpeg\" alt=\"Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (Somali Journalists Syndicate - SJS) iyo Machadka Somali Digital Media Academy (SODMA) ayaa Khamiista 8 Agoosto, 2019, soo gabagabeeyay tababar lagu baranayey habka sameynta iyo tifaftirka dukumintariga (Documentary Video Storytelling) oo muddo labo toddobaad ah ka socday Magaalada Muqdisho.\" class=\"wp-image-840\" srcset=\"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Somali-Journalists-Syndicate-SJS-in-partnership-with-Somali-Digital-Media-Academy-SODMA-on-Thursday-8-August-2019-concluded-a-two-week-co-55-1024x683.jpeg 1024w, https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Somali-Journalists-Syndicate-SJS-in-partnership-with-Somali-Digital-Media-Academy-SODMA-on-Thursday-8-August-2019-concluded-a-two-week-co-55-300x200.jpeg 300w, https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Somali-Journalists-Syndicate-SJS-in-partnership-with-Somali-Digital-Media-Academy-SODMA-on-Thursday-8-August-2019-concluded-a-two-week-co-55-768x512.jpeg 768w, https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Somali-Journalists-Syndicate-SJS-in-partnership-with-Somali-Digital-Media-Academy-SODMA-on-Thursday-8-August-2019-concluded-a-two-week-co-55-696x464.jpeg 696w, https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Somali-Journalists-Syndicate-SJS-in-partnership-with-Somali-Digital-Media-Academy-SODMA-on-Thursday-8-August-2019-concluded-a-two-week-co-55-1068x712.jpeg 1068w, https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Somali-Journalists-Syndicate-SJS-in-partnership-with-Somali-Digital-Media-Academy-SODMA-on-Thursday-8-August-2019-concluded-a-two-week-co-55-630x420.jpeg 630w, https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Somali-Journalists-Syndicate-SJS-in-partnership-with-Somali-Digital-Media-Academy-SODMA-on-Thursday-8-August-2019-concluded-a-two-week-co-55.jpeg 1080w\" sizes=\"auto, (max-width: 1024px) 100vw, 1024px\" \/><figcaption> Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (Somali Journalists Syndicate &#8211; SJS) iyo Machadka Somali Digital Media Academy (SODMA) ayaa Khamiista 8 Agoosto, 2019, soo gabagabeeyay tababar lagu baranayey habka sameynta iyo tifaftirka dukumintariga (Documentary Video Storytelling) oo muddo labo toddobaad ah ka socday Magaalada Muqdisho. <\/figcaption><\/figure>\n\n\n\n<p>&#8220;Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu qorsheynayaa dhowaan tababaro kale oo ka tarjumaya baahida suxufiyiinta- haddey yihiin suxufiyiinta xubnaha naga ah iyo kuwa kalaba. Way naga go&#8217;an tahay horumarinta saxaafadda Soomaaliyeed,&#8221; ayuu sii raaciyay hadalkiisa Mudane Mumin.<\/p>\n\n\n\n<p>Xoghayaha Guud SJS mudane Mumin iyo Agaasimaha SODMA mudane Cabdiraxmaan Bukhaari ayaa shahaadooyin guddoonsiiyay dhammaan ka qeybgalayaasha tababarkan. Sidoo kale waxaa shahaado sharaf la guddoonsiiyay macallinka tababarka Ustaad Cabdulqaadir Xaaji Xasan (Zubeyr) iyo Machadka SODMA.<\/p>\n\n\n\n<p><em>-Sawirro badan oo ku saabsan tababarkan <strong><a href=\"https:\/\/www.flickr.com\/photos\/182231529@N08\/albums\/72157710201744757\" target=\"_blank\" rel=\"noreferrer noopener\" aria-label=\"ka daawo Flickr (opens in a new tab)\">ka daawo Flickr<\/a><\/strong><\/em><\/p>\n\n    <div class=\"xs_social_share_widget xs_share_url after_content \t\tmain_content  wslu-style-1 wslu-share-box-shaped wslu-fill-colored wslu-none wslu-share-horizontal wslu-theme-font-no wslu-main_content\">\n\n\t\t\n        <ul>\n\t\t\t        <\/ul>\n    <\/div> \n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>MUQDISHO, Soomaaliya, 9 Luulyo, 2019 &#8211; Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (Somali Journalists Syndicate &#8211; SJS) iyo Machadka Somali Digital Media Academy (SODMA) ayaa Khamiista 8 Luulyo, 2019, soo gabagabeeyay tababar lagu baranayey habka sameynta iyo tifaftirka dukumintariga (Documentary Video Storytelling) oo muddo labo toddobaad ah ka socday Magaalada Muqdisho.<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":836,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[38,2,32,31,58,35,36],"tags":[103,115,56,49,116,42],"class_list":{"0":"post-835","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-dhacdooyin","8":"category-featured","9":"category-in-the-news","10":"category-ololaha","11":"category-somali","12":"category-warbixinnada","13":"category-waxqabadka","14":"tag-documentary-video-storytelling","15":"tag-journalists-training","16":"tag-mogadishu","17":"tag-sjs","18":"tag-sodma","19":"tag-somalia"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/835","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=835"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/835\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":4392,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/835\/revisions\/4392"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/836"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=835"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=835"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=835"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}