{"id":823,"date":"2019-07-29T23:32:29","date_gmt":"2019-07-29T20:32:29","guid":{"rendered":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/?p=823"},"modified":"2023-12-12T18:49:41","modified_gmt":"2023-12-12T18:49:41","slug":"maxkamadda-gobolka-nugaal-oo-xabsiga-ka-sii-deysay-weriye-maxamed-saciid-yusuf","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/maxkamadda-gobolka-nugaal-oo-xabsiga-ka-sii-deysay-weriye-maxamed-saciid-yusuf\/","title":{"rendered":"Maxkamadda Gobolka Nugaal oo xabsiga ka siideysay weriye Maxamed Siciid Yusuf"},"content":{"rendered":"\n<p>MUQDISHO, Soomaaliya, 29 Luulyo, 2019 &#8211; Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) ayaa soo dhoweeyay go\u2019aanka Maxkamada Gobolka Nugaal ay xabsiga kaga siideysay weriye <strong><a href=\"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/2019\/07\/23\/somali-journalists-syndicate-calls-for-puntland-authorities-to-respect-press-freedom-and-set-free-detained-journalist\/\" target=\"_blank\" rel=\"noreferrer noopener\" aria-label=\"Maxamed Siciid Yuusuf (opens in a new tab)\">Maxamed Siciid Yuusuf<\/a><\/strong> oo ciidamada Booliska ee Garowe ay xireen 13 Luulyo, 2019.<\/p>\n\n\n\n<p>Xarigga weriyaha ayaa ka dambeeyay <strong><a rel=\"noreferrer noopener\" aria-label=\"wareysi uu ka qaaday oday dhaqameed (opens in a new tab)\" href=\"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/2019\/07\/14\/puntland-police-arrest-freelance-journalist-over-critical-interview-in-garowe\/\" target=\"_blank\">wareysi uu ka qaaday oday dhaqameed<\/a><\/strong> dhaliil u soo jeediyay Dowladda Puntland.&nbsp; Oday dhaqameedka, oo isaguna lala xiray weriyaha, ayaa la siidaayey Sabtidii 27 Luulyo, 2019.<\/p>\n\n\n\n<p>Maalinimadii Isniinta\nayaa Maxkamadda Gobolka Nugaal ay siideysay weriye Maxamed Siciid Yuusuf,\niyadoo maxkamaddu baabi\u2019isay dhammaan eedeymihii loo heystay weriyaha, isagoo\nxorriyadiisa dib u helay.<\/p>\n\n\n\n<p>\u201cAlle ayaa ku mahadsan\noo xorriyadeydi dib iigu soo celiyay\u201d Weriye Maxamed Siciid Yuusuf ayaa sidaa u\nsheegay Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed waxyar uun kadib markii uu\nxorriyadiisa dib u helay, isagoo u mahadceliyay dhamaan intii gacanta ka\ngeysatay sii deyntiisii.<\/p>\n\n\n\n<p>Hay\u2019adda dhinaca sharciyada ka difaacda suxufiyiinta ee <em>Media Legal Defense Initiative &#8211; MLDI <\/em>ayaa ka taageertay Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) dhinaca kharashka difaaca weriyaha.<\/p>\n\n\n\n<p>Ururka Suxufiyiinta\nSoomaaliyeed ayaa soo dhoweeyay go\u2019aanka Maxkamadda Gobolka Nugaal ay xorriyaddiisa\ndib ugu soo celisay weriye Maxamed Siciid Yusuf.<\/p>\n\n\n\n<p>\u201cWaanu ku faraxsanahay\nin saaxiibkeen Maxamed Siciid Yuusuf uu xoriyaddiisii dib u helay,\u201d Cabdalle\nAxmed Muumin, Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) ayaa\nyiri isagoo u mahadceliyay qareenkii weriyaha oo dadaal dheeri muujiyay iyo\ntaageerada dhinaca sharciga ee ay hay\u2019adda MLDI u fudisay ururka.<\/p>\n\n\n\n<p>Ururka Suxufiyiinta\nSoomaaliyeed waxa uu ku boorinayaa Puntland inay xurmeeyaan, una ogolaadaan suxufiyiinta\ninay shaqadooda wargelinta dadweynahau gutaan si xor ah, isla markaasna\nwaafaqsan dastuurka Puntland, Xeerka Saxaafadda Puntland iyo Dastuurka Federalka\nee Soomaaliyeed, kuwaasoo dhammaantood dammaanad qaadaya xorriyadda saxaafadda\niyo midda hadalka.<\/p>\n\n    <div class=\"xs_social_share_widget xs_share_url after_content \t\tmain_content  wslu-style-1 wslu-share-box-shaped wslu-fill-colored wslu-none wslu-share-horizontal wslu-theme-font-no wslu-main_content\">\n\n\t\t\n        <ul>\n\t\t\t        <\/ul>\n    <\/div> \n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>MUQDISHO, Soomaaliya, 29 Luulyo, 2019 &#8211; Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) ayaa soo dhoweeyay go\u2019aanka Maxkamada Gobolka Nugaal ay xabsiga kaga siideysay weriye Maxamed Siciid Yuusuf oo ciidamada Booliska ee Garowe ay xireen 13 Luulyo, 2019.<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":818,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[38,2,32,31,58,35,36],"tags":[105,111,98,49,69],"class_list":{"0":"post-823","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-dhacdooyin","8":"category-featured","9":"category-in-the-news","10":"category-ololaha","11":"category-somali","12":"category-warbixinnada","14":"tag-garowe","15":"tag-mldi","16":"tag-puntland","17":"tag-sjs","18":"tag-ururka-suxufiyiinta-soomaaliyeed"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/823","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=823"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/823\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":4394,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/823\/revisions\/4394"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/818"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=823"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=823"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=823"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}