{"id":4499,"date":"2025-06-16T13:17:30","date_gmt":"2025-06-16T13:17:30","guid":{"rendered":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/?p=4499"},"modified":"2025-06-16T13:17:30","modified_gmt":"2025-06-16T13:17:30","slug":"soo-noqoshada-mahad-salaad-ee-nisa-waxay-calaamad-u-tahay-halista-soo-foodsaartay-saxaafadda-soomaaliya-markale","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/soo-noqoshada-mahad-salaad-ee-nisa-waxay-calaamad-u-tahay-halista-soo-foodsaartay-saxaafadda-soomaaliya-markale\/","title":{"rendered":"Soo-noqoshada Mahad Salaad ee NISA waxay calaamad u tahay halista soo foodsaartay saxaafadda Soomaaliya markale"},"content":{"rendered":"<p><strong>MUQDISHO, Soomaaliya \u2013 16 Juun 2025<\/strong> \u2013 Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu muujinayaa walaac aad u xooggan oo ku aaddan magacaabista Mahad Maxamed Salaad mar kale loogu magacaabay Agaasimaha Hay\u2019adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), tallaabadaas oo aan u aragno in lagu abaalmariayay dembiyadii baaxadda lahaa ee sida weyn loo diiwaangeliyey oo uu u geystay suxufiyiinta madaxbannaan, hay\u2019adaha warbaahinta, iyo bulshooyinka nugul\u2014kuwaas oo inta badan loo adeegsaday hanjabaad, cabsi gelin, iyo falal rabshado wata.<\/p>\n<p>Mahad Salaad markii ugu horreysay waxaa loo magacaabay Agaasimaha NISA 26 May 2022, balse waxaa xilka laga ceyriyay 4 Abriil 2024 kadib eedeymo culus oo la xiriiray weerarro lala beegsaday hay\u2019adaha warbaahinta, ururada bulshada rayidka ah, iyo beelaha laga tirada badan yahay, sida ay weriyeen warbaahinta.<\/p>\n<p>Nasiib darro, wax baaritaan ah laguma samayn dambiyadiisa. Waxaase dib loo magacaabay 1 Juun 2025, isaga oo si rasmi ah xafiiska ula wareegay Sabtidii, 14 Juun.<\/p>\n<p data-pm-slice=\"0 0 []\">Intii uu Mahad Salad xilka hayay, suxufiyiinta ku sugan Muqdisho iyo meelo kale ayaa lala beegsaday weeraro uu isagu abaabulay, fuliyay ama amray. Weeraradaas waxaa ka mid ahaa weerarkii arxan darrada ahaa ee Xafiiska SJS, afduubkii Xoghayaha SJS, Abdalle Mumin, afduubkii Xoghayaha Warfaafinta SJS, Maxamed Bulbul.<\/p>\n<p data-pm-slice=\"0 0 []\">Waxaa sidoo kale uu Mahad Salaad abaabulay weeraro lagu beegsaday bulshada rayidka ee nugul oo ay ku jiraan dhallinyaro, ganacsato iyo noocyada kala duwan ee dadweynaha.<\/p>\n<p data-pm-slice=\"0 0 []\">SJS waxay diiwaangelisay dhacdooyinkaasi.<\/p>\n<p>SJS waxay mar kale xustay in la xisaabtanka Mahad Maxamed Salaad oo lagula xisaabtamo dambiyadiisii ay noqon karto tallaabo muhiim ah oo lagu soo afjari karo dhaqanka isla xisaabtan la&#8217;aanta ee sida qotoda dheer ugu baahay dalka\u2014 oo aan kaliya ku ekeyn weerarada loo geystay suxufiyiinta, balse sidoo kale xadgudubyada ballaaran ee lagu beegsaday bulshada Soomaaliyeed ee ugu nugul muddadii uu xilka hayey\u2014taasoo gacan ka geysan karta nabad waarta, xasillooni siyaasadeed, iyo soo celinta sharciga iyo kala dambeynta dalka.<\/p>\n<p>\u201cIntii la geyn lahaa maxkamad laguna qaadi lahaa oo lala xisaabtami lahaa, dowladda Soomaaliyeed waxay ku abaal marin u siisay Mahad Maxamed Salaad dambiyadiisa, taasoo sii xoojinaysa xadgudubyada ka dhanka ah suxufiyiinta iyo bulshooyinka laga tirada badan yahay,\u201d ayuu yiri Guddoomiyaha SJS, Maxamed Ibraahim. \u201cWaxaan ugu baaqaynaa dowladda Soomaaliyeed inay si degdeg ah dib ugu eegto go\u2019aankan, Mahad Salaad xilka laga qaado, lana hor keeno cadaaladda. Dadkii uu tacaddiyada u geystay waxay mudan yihiin caddaalad iyo ilaalin. Waa in aan mar kale la siinin fursad uu ku geysto dembiyo kale oo cabsi iyo arxan darro wata.\u201d<\/p>\n<p>\u201cWaxaan sidoo kale ugu baaqaynaa beesha caalamka\u2014gaar ahaan ururrada u dooda xorriyadda saxaafadda iyo xuquuqul insaanka\u2014inay codkooda ku biiriyaan una istaagaan in la helo caddaalad. Dhibbanayaashii ay tacaddiyadiisu saameeyeen wali waxay sugayaan caddaalad,\u201d ayuu sii raaciyay Mr. Ibraahim.<\/p>\n<p><strong><a href=\"https:\/\/sjsyndicate.org\/2025\/06\/16\/mahad-salads-return-to-nisa-signals-a-dark-turn-for-press-freedom-in-somalia\/\" target=\"_blank\" rel=\"noopener\">Halka ka akhri war saxaafadeed<\/a> ay ku jiraan kiisaskii ay diiwaangalisay SJS<\/strong><\/p>\n\n    <div class=\"xs_social_share_widget xs_share_url after_content \t\tmain_content  wslu-style-1 wslu-share-box-shaped wslu-fill-colored wslu-none wslu-share-horizontal wslu-theme-font-no wslu-main_content\">\n\n\t\t\n        <ul>\n\t\t\t        <\/ul>\n    <\/div> \n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>MUQDISHO, Soomaaliya \u2013 16 Juun 2025 \u2013 Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu muujinayaa walaac aad u xooggan oo ku aaddan magacaabista Mahad Maxamed Salaad mar kale loogu magacaabay Agaasimaha Hay\u2019adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), tallaabadaas oo aan u aragno in lagu abaalmariayay dembiyadii baaxadda lahaa ee sida weyn loo diiwaangeliyey oo uu u geystay [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":4501,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[38,31],"tags":[211,610,576,179,42],"class_list":{"0":"post-4499","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-dhacdooyin","8":"category-ololaha","9":"tag-abdalle-mumin","10":"tag-mahad-salad","11":"tag-mohamed-bulbul","12":"tag-nisa","13":"tag-somalia"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/4499","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=4499"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/4499\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":4502,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/4499\/revisions\/4502"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/4501"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=4499"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=4499"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=4499"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}