{"id":4479,"date":"2024-11-02T00:08:05","date_gmt":"2024-11-02T00:08:05","guid":{"rendered":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/?p=4479"},"modified":"2024-11-02T11:50:23","modified_gmt":"2024-11-02T11:50:23","slug":"maalinta-dhameynta-isla-xisaabtan-laaanta-sjs-iyo-saxafiyiinta-gaalkacyo-oo-xusay-suxufiyiintii-la-dilay-kuna-baaqay-caddaalad","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/maalinta-dhameynta-isla-xisaabtan-laaanta-sjs-iyo-saxafiyiinta-gaalkacyo-oo-xusay-suxufiyiintii-la-dilay-kuna-baaqay-caddaalad\/","title":{"rendered":"Maalinta Dhameynta Isla Xisaabtan La&#8217;aanta: SJS iyo saxafiyiinta Gaalkacyo oo xusay suxufiyiintii la dilay, kuna baaqay caddaalad"},"content":{"rendered":"<p data-pm-slice=\"0 0 []\"><strong>MUQDISHO, Soomaaliya 2 November 2024<\/strong> <strong>\u2013<\/strong> Munaasabadda Maalinta Caalamiga ee Dhameynta Tacaddiyada ka Dhanka Warfidiyeenka darteed, Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu mar kale ku baaqayaa in cadaaladda la horkeeno kuwa dilay suxufiyiinta Soomaaliyeed.<\/p>\n<p data-pm-slice=\"0 0 []\">SJS waxay si gaar ah ugu baaqeysaa in baaritaan madax-bannaan oo daacad ah lagu sameeyo kiisaska la xiriira dilalka suxufiyiinta, iyada oo ujeeddadu tahay joojinta isla xisaabtan la\u2019aanta.<\/p>\n<p>Tan iyo sannadkii 2019, marka SJS ay bilaawday diiwaangalinta kiisaska dilka suxufiyiinta, waxaa Soomaaliya lagu dilay 12 saxafi (labo dumar ah iyo toban rag ah), kuwaas oo loo dilay xirfadooda saxaafadeed. Maanta, waxaa la xusuusanayaa suxufiyiintaas oo naftooda ku waayey howlahooda, taas oo xusuusinaysa muhiimadda ay leedahay in la helo xal waara oo la xiriira amniga suxufiyiinta iyo in la joojiyo falalka ciqaab la&#8217;aanta ah ee ay ku suntan tahay Soomaaliya.<\/p>\n<ol>\n<li data-pm-slice=\"0 0 []\">\n<h6><strong>Maxamed Cumar Sahal<\/strong> \u2013 oo lagu dilay magaalada Kismaayo, 12-kii July 2019<\/h6>\n<\/li>\n<li>\n<h6><strong>Hodan Naaleeye<\/strong> \u2013 Waxaa lagu dilay Kismaayo, 12 Luulyo 2019<\/h6>\n<\/li>\n<li>\n<h6><strong>Cabdinaasir Cabdulle Gacal<\/strong> \u2013 oo lagu dilay Awdheegle, 14 Ogosto 2019<\/h6>\n<\/li>\n<li>\n<h6><strong>Saciid Yuusuf Cali<\/strong> \u2013 Waxaa lagu dilay Muqdisho, May 4, 2020<\/h6>\n<\/li>\n<li>\n<h6><strong>Cabdiwali Cali Xasan (Cabdiwali Online)<\/strong> \u2013 Waxaa lagu dilay Afgooye, 16-kii February 2020<\/h6>\n<\/li>\n<li>\n<h6><strong>Cabdicasiis Maxamuud Guuleed<\/strong> \u2013 Waxaa lagu dilay Muqdisho, 20 Noofambar 2021<\/h6>\n<\/li>\n<li>\n<h6><strong>Jamaal Faarax Aadan<\/strong> \u2013 Waxaa lagu dilay Gaalkacyo, 1-da Maarso 2021<\/h6>\n<\/li>\n<li>\n<h6><strong>Maxamed Ciise Koonaa<\/strong> \u2013 Waxaa lagu dilay Muqdisho, 29 Oktoobar 2022<\/h6>\n<\/li>\n<li>\n<h6><strong>Axmed Maxamed Shakuur<\/strong> \u2013 Waxaa lagu dilay Basra (Shabeelada Dhexe), 30kii Sebtembar 2022<\/h6>\n<\/li>\n<li>\n<h6><strong>Cabdifitaax Macallin Nuur (Qeys)<\/strong> \u2013 Waxaa lagu dilay Muqdisho, 16-kii Oktoobar 2023<\/h6>\n<\/li>\n<li>\n<h6><strong>Cabdikariin Axmed Bulxan<\/strong> \u2013 Waxaa lagu dilay Caabudwaaq, 14-kii Maarso 2024<\/h6>\n<\/li>\n<li>\n<h6><strong>Amuun Cabdullaahi Maxamed<\/strong> \u2013 Waxaa lagu dilay meel u dhow Afgooye, 18-kii Oktoobar 2024<\/h6>\n<\/li>\n<\/ol>\n<figure id=\"attachment_4483\" aria-describedby=\"caption-attachment-4483\" style=\"width: 2868px\" class=\"wp-caption aligncenter\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"wp-image-4483 size-full\" title=\"Journalists in central Somalia town of Galkayo. | PHOTO\/SJS.\" src=\"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/11\/Journalists-in-Galkayo.png\" alt=\"Journalists in central Somalia town of Galkayo. | PHOTO\/SJS.\" width=\"2868\" height=\"1602\" srcset=\"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/11\/Journalists-in-Galkayo.png 2868w, https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/11\/Journalists-in-Galkayo-300x168.png 300w, https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/11\/Journalists-in-Galkayo-1024x572.png 1024w, https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/11\/Journalists-in-Galkayo-768x429.png 768w, https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/11\/Journalists-in-Galkayo-1536x858.png 1536w, https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/11\/Journalists-in-Galkayo-2048x1144.png 2048w, https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/11\/Journalists-in-Galkayo-150x84.png 150w, https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/11\/Journalists-in-Galkayo-696x389.png 696w, https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/11\/Journalists-in-Galkayo-1068x597.png 1068w, https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/11\/Journalists-in-Galkayo-1920x1072.png 1920w\" sizes=\"auto, (max-width: 2868px) 100vw, 2868px\" \/><figcaption id=\"caption-attachment-4483\" class=\"wp-caption-text\">Suxufiyiinta magaalada Gaalkacyo. | PHOTO\/SJS.<\/figcaption><\/figure>\n<p>Nasiib darrose, in ka badan 85 suxufi \u2013 oo isugu jira saxafiyiin gudaha iyo dibadda ah \u2013 ayaa lagu dilay Soomaaliya tan iyo 1992-kii, iyadoo inta badan kiisaska aan la xallin, taasoo qoysaska wariyaasha la dilay ku beertay murugo dheer. Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya iyo xarunta dowladda federaalka ayaa 85% ah halka ay ka dheceen dilalkan, waxaana ku xiga magaalada Gaalkacyo oo ah magaalo u kala qeybsan maamullada Puntland iyo Galmudug ee gobolka Mudug.<\/p>\n<p>Maanta, iyadoo lala kaashanayo bahda warbaahinta gudaha, SJS waxay ku biirtay saxafiyiinta iyo qoysaska saaxiibadii ku dhintay Gaalkacyo si ay u xusuustaan saxiibadii la dilay, iyo in la xoojiyo baaqa ah joojinta isla xisaabtan la&#8217;aanta. Isku soo wada duuboo, SJS ayaa soo saartay barnaamij dukumintari ah oo muujinaya xannuunka joogtada ah ee suxufiinta Gaalkacyo, iyadoo wariyaasha iyo qoysaskooda ay sii wadaan la tacaalida murugada.<\/p>\n<p data-pm-slice=\"0 0 []\">Xuseen Cabdi Jimcaale Madar, oo ah wariye ka tirsan Radio Daljir, ayaa ka warramay dhibka iyo xanuunka uu dareemayo ee ka dhashay dilkii saddex wariye oo saaxiibbadiis ahaa.<\/p>\n<figure id=\"attachment_4487\" aria-describedby=\"caption-attachment-4487\" style=\"width: 1200px\" class=\"wp-caption aligncenter\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"wp-image-4487 size-full\" title=\"Xuseen Cabdi Jimcaale Madar, oo ah wariye ka tirsan Radio Daljir. | PHOTO\/SJS.\" src=\"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/11\/Xuseen-Madar-3.png\" alt=\"Xuseen Cabdi Jimcaale Madar, oo ah wariye ka tirsan Radio Daljir. | PHOTO\/SJS.\" width=\"1200\" height=\"677\" srcset=\"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/11\/Xuseen-Madar-3.png 1200w, https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/11\/Xuseen-Madar-3-300x169.png 300w, https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/11\/Xuseen-Madar-3-1024x578.png 1024w, https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/11\/Xuseen-Madar-3-768x433.png 768w, https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/11\/Xuseen-Madar-3-150x85.png 150w, https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/11\/Xuseen-Madar-3-696x393.png 696w, https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/11\/Xuseen-Madar-3-1068x603.png 1068w\" sizes=\"auto, (max-width: 1200px) 100vw, 1200px\" \/><figcaption id=\"caption-attachment-4487\" class=\"wp-caption-text\">Xuseen Cabdi Jimcaale Madar, oo ah wariye ka tirsan Radio Daljir. | PHOTO\/SJS.<\/figcaption><\/figure>\n<p>&#8220;Weli waxaan dareemaa dareen damqasho leh. Aniga saddex qof oo saaxiibaday ahaa ayaa la dilay. Aniga ahaan waxaa jirtay xataa mar\u00a0 in aan ku dhawaaday inaan shaqada ka tago, laakiin markii dambe waxaan go&#8217;aansaday inaan sii wato. Waxaan rabaa inaan ugu baaqo xukuumadda inay diiwaan geliso dhammaan suxufiyiinta la dilay oo ay daryeel siiso qoysaskooda,\u201d ayuu yiri Xuseen Madar.<\/p>\n<p>Taliyaha howl-gallada Booliska Gaalkacyo, Dhamme Carab Cabdirisaaq Axmed, ayaa SJS u sheegay in inkastoo aan la ciqaabin, haddana saxafiyiinta Gaalkacyo waxay dareemayaan ammaan ka badan sidii ay ahaayeen toban sano ka hor.<\/p>\n<p>\u201cSuxufiyiinta waa la dilay, sidoo kale madax dowladda ayaa la dilay. Qaar ka mid ah gacan ku dhiiglayaasha oo ka tirsanaa Al-Shabaab ayaa la soo qabtay, laguna xukumay, qaarna la toogtay. Si kastaba ha ahaatee, haddana waxaan dhihi karaa way ka wanaagsan tahay sidii ay ahayd toban sano ka hor,\u201d ayuu yiri Dhamme Carab, isagoo xusay in wada-shaqeyn dhow ay dhexmarto booliiska Puntland ee Gaalkacyo iyo hay\u2019adaha warbaahinta gudaha iyo warfidiyeenka.<\/p>\n<figure id=\"attachment_4488\" aria-describedby=\"caption-attachment-4488\" style=\"width: 1600px\" class=\"wp-caption aligncenter\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"wp-image-4488 size-full\" title=\"Taliyaha howl-gallada Booliska Gaalkacyo, Dhamme Carab Cabdirisaaq Axmed. | PHOTO\/SJS.\" src=\"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/11\/Capt-police-Arab-Abdirisaq.png\" alt=\"Taliyaha howl-gallada Booliska Gaalkacyo, Dhamme Carab Cabdirisaaq Axmed\" width=\"1600\" height=\"892\" srcset=\"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/11\/Capt-police-Arab-Abdirisaq.png 1600w, https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/11\/Capt-police-Arab-Abdirisaq-300x167.png 300w, https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/11\/Capt-police-Arab-Abdirisaq-1024x571.png 1024w, https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/11\/Capt-police-Arab-Abdirisaq-768x428.png 768w, https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/11\/Capt-police-Arab-Abdirisaq-1536x856.png 1536w, https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/11\/Capt-police-Arab-Abdirisaq-150x84.png 150w, https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/11\/Capt-police-Arab-Abdirisaq-696x388.png 696w, https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/11\/Capt-police-Arab-Abdirisaq-1068x595.png 1068w\" sizes=\"auto, (max-width: 1600px) 100vw, 1600px\" \/><figcaption id=\"caption-attachment-4488\" class=\"wp-caption-text\">Taliyaha howl-gallada Booliska Gaalkacyo, Dhamme Carab Cabdirisaaq Axmed. | PHOTO\/SJS.<\/figcaption><\/figure>\n<p>Waxa uu sheegay in boolisku ay hadda ka jawaabaan warbixin kasta oo ku saabsan hanjabaadaha ka dhanka ah suxufiyiinta, inkastoo ay xaddidan tahay awoodda booliska.<\/p>\n<p data-pm-slice=\"0 0 []\">Tan iyo 2021, SJS waxa ay bixisay tababaro xirfadeed oo joogto ah si kor loogu qaado badbaadada iyo amniga saxafiyiinta maxaliga ah, rag iyo dumarba, labada dhinac ee Gaalkacyo. SJS waxa ay ku faraxsantahay in tababaradani ay ka qayb muhiim ah ku kordhiyeen kor u qaadida badbaadada shaqaalaha warbaahinta.<\/p>\n<p>\u201cLix sano ka dib markii aan bilownay diiwaan gelinta weerarrada ka dhanka ah suxufiyiinta Soomaaliya, waxaan ku laabaneynaa Gaalkacyo\u2014magaaladaas oo caan ku ah in ay tahay magaalada labaad ee ugu dhimashada badan marka laga reebo Muqdisho. Wareysiyo iyo booqashooyin aan ku tagnay xarumaha warbaahineed ee ay wariyaashani mar ka shaqeynayeen, waxaan ku soo aragnay xanuunka iyo murugada joogtada ah ee soo wajahday asxaabtooda iyo qoysaskooda,\u201d ayuu yiri Xoghayaha Guud ee SJS Cabdalle Muumin.<\/p>\n<p>\u201cMaalintan, waxaan hoosta ka xarriiqaynaa baaqeena ah inay dhammaato isla xisaabtan la\u2019aanta dhammaan suxufiyiinta lagu dilay Soomaaliya iyo inaan u oggolaanno qoysaska dhibanayaasha cadaaladda ay mudan yihiin. Suxufi kasta oo la dilay waxa uu mudan yahay in si dhab ah oo madax-bannaan ah loo baaro, iyada oo aan loo eegin cidda ku lugta leh, sida saraakiisha dawladda, Al-Shabaab iyo dembiilayaasha kale,\u201d ayuu hadalkiisa ku daray Mudane Muumin.<\/p>\n<div class=\"youtube-embed\" data-video_id=\"VvtJvWH-yZ0\"><iframe loading=\"lazy\" title=\"IDEI 2024: Remembering killed journalists in Somalia #End Impunity\" width=\"696\" height=\"392\" src=\"https:\/\/www.youtube.com\/embed\/VvtJvWH-yZ0?feature=oembed&#038;enablejsapi=1\" frameborder=\"0\" allow=\"accelerometer; autoplay; clipboard-write; encrypted-media; gyroscope; picture-in-picture; web-share\" referrerpolicy=\"strict-origin-when-cross-origin\" allowfullscreen><\/iframe><\/div>\n<h6><strong>Fiiro gaar ah:<\/strong> Kadib lix sano oo dukumeenti buug iyo qalin ah, SJS waxay uga mahadcelinaysaa taageerada ay ka heshay National Endowment for Democracy (NED), taas oo SJS u sahashay in ay u guurto habka xog-ururin online ah oo lagu diiwaangeliyo, laguna keydinayo xogta xad-gudubyada xorriyadda saxaafadda ee Soomaaliya iyo Somaliland.\u00a0 Booqo <strong><a href=\"https:\/\/data.sjsyndicate.org\/\" target=\"_blank\" rel=\"noopener\">data.sjsyndicate.org.<\/a><\/strong><\/h6>\n\n    <div class=\"xs_social_share_widget xs_share_url after_content \t\tmain_content  wslu-style-1 wslu-share-box-shaped wslu-fill-colored wslu-none wslu-share-horizontal wslu-theme-font-no wslu-main_content\">\n\n\t\t\n        <ul>\n\t\t\t        <\/ul>\n    <\/div> \n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>MUQDISHO, Soomaaliya 2 November 2024 \u2013 Munaasabadda Maalinta Caalamiga ee Dhameynta Tacaddiyada ka Dhanka Warfidiyeenka darteed, Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu mar kale ku baaqayaa in cadaaladda la horkeeno kuwa dilay suxufiyiinta Soomaaliyeed. SJS waxay si gaar ah ugu baaqeysaa in baaritaan madax-bannaan oo daacad ah lagu sameeyo kiisaska la xiriira dilalka suxufiyiinta, iyada oo [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":4480,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[38,31],"tags":[607,608],"class_list":{"0":"post-4479","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-dhacdooyin","8":"category-ololaha","9":"tag-idei-2024","10":"tag-maalinta-caalamiga-ee-dhameynta-tacaddiyada"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/4479","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=4479"}],"version-history":[{"count":4,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/4479\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":4490,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/4479\/revisions\/4490"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/4480"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=4479"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=4479"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=4479"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}