{"id":3593,"date":"2023-09-28T20:04:59","date_gmt":"2023-09-28T17:04:59","guid":{"rendered":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/?p=3593"},"modified":"2023-12-12T18:49:38","modified_gmt":"2023-12-12T18:49:38","slug":"maalinta-caalamiga-ee-xog-helidda-ah-ayaa-bulbul-la-geeyay-xabsiga","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/maalinta-caalamiga-ee-xog-helidda-ah-ayaa-bulbul-la-geeyay-xabsiga\/","title":{"rendered":"Maalinta Caalamiga ee Xog-helidda ah ayaa Bulbul la geeyay xabsiga"},"content":{"rendered":"\n<p><strong>MUQDISHO, Soomaaliya 28 Sebtembar, 2023<\/strong> \u2013 Munaasabadda Maalinta Caalamiga ah ee Xog-helidda darteed, Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu ka walaacsan yahay tallaabadii qasabka ah ee saraakiisha booliska iyo kuwa nabsdsugidda ay ku wareejiyeen, Maxamed Ibraahim Bulbul, Xoghayaha Warfaafinta iyo Xuquuqda Aadanaha SJS oo laga qaaday Saldhigga Booliiska Xamar Jajab, loona wareejiyay Xabsiga Dhexe ee Muqdisho maanta oo Khamiis ah 28 Sebtember.<\/p>\n\n\n\n<p>Arrintaan murugada leh ayaa daba socota kadib markii garsooraha Maxkamadda Gobolka Banaadir uu Isniintii 25 Sebtembar <a href=\"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/2023\/09\/26\/sjs-urges-banadir-regional-court-to-dismiss-the-case-against-mohamed-bulbul-and-grant-his-freedom-following-rejection-of-charges\/\" target=\"_blank\" rel=\"noreferrer noopener\">diiday dhammaan eedeymihii 7-da ahaa<\/a> ee uu Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Qaranka ku soo oogay Bulbul kuwaasoo ku saleysnaa Xeerka Ciqaabta. Garsooraha, isagoo raacaya diidmo horudhac ah oo ay soo bandhigeen kooxda sharciga ee SJS, ayaa hoosta ka xarriiqay in saxaafaddu aysan ahayn dembi. Bulbul ayaa lagu hayay xabsi sharci darro ah oo aan loo ogoleyn wax xiriir ah tan iyo <a href=\"https:\/\/twitter.com\/sjs_Somalia\/status\/1692153301372928098\" target=\"_blank\" rel=\"noreferrer noopener\">17 Agoosto 2023<\/a> ka dib markii uu baahiyay warbixin daaha ka qaadday <a href=\"https:\/\/www.facebook.com\/watch\/?v=268742322538204\" target=\"_blank\" rel=\"noreferrer noopener\">eedeymo musuqmaasuq<\/a> oo ay ku lug leeyihiin booliska Soomaaliya ee ka qeyb qaadanayay tabobar ay taageeraysay hay&#8217;adda Midowga Yurub (EUCAP).<\/p>\n\n\n\n<p>Ka dib tuuristii eedeymaha, waxaanu filaynay in Bulbul la sii daayo; si kastaba ha ahaatee, waa wax laga xumaado ah in shakhsiyaad gaar ah ay si joogto ah ugu xadgudbayaan xuquuqda Bulbul.<\/p>\n\n\n\n<p>\u201cLaga soo bilaabo Isniintii, ka dib markii garsooraha maxkamadda uu meesha ka saaray eedeymihii uu soo jeediyay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud, ma jirto eedeymo rasmi ah oo ka dambeeyay. Waxaan filaynay in saaxiibkeen Bulbul la sii daayo. Waxa wax laga xumaado ah, iyadoo aan sharciga la tix-gelin, kuwa beegsanaya Bulbul waxay door bideen inay u geystaan hagardaamo, cagajugleyn iyo dhibaato,\u201d ayuu yiri Xoghayaha Guud ee SJS Abdalle Ahmed Mumin, \u201cHaddii ay wax macno ah leedahay, dhibaataynta Bulbul ee socota iyo u wareejintiisii maanta xabsiga ee lagu soo beegay Maalinta Caalamiga ah ee Helitaanka Macluumaadka waxay muujinaysaa mustaqbalka mugdiga ah ee xorriyadda saxaafadda ee Soomaaliya.&#8221;<\/p>\n\n\n\n<p>\u201cWaxaan si adag u cambaareyneynaa dhibaateynta joogtada ah iyo xarigga aan sharciga ahayn ee lagu hayo Maxamed Bulbul, kaasoo si gaar ah loogu bartilmaameedsaday shaqadiisa suxufinimo ee uu ku soo bandhigay musuqmaasuqa booliska darteed. Waxaanu dalbanaynaa in si degdeg ah oo shuruud la\u2019aan ah lagu sii daayo Bulbul,\u201d ayuu yiri Mr. Mumin.<\/p>\n\n\n\n<p>In kasta oo ay jiraan cadaadis iyo hanjabaad joogto ah, SJS waxa ay ku adkaysanaysaa sida ay uga go&#8217;an tahay difaacidda xorriyadda saxaafadda iyo xorriyadda hadalka, iyada oo u aqoonsanaysa inay yihiin qaybaha muhiimka ah ee xuquuqaha aadanaha ee bulshadeena.<\/p>\n\n    <div class=\"xs_social_share_widget xs_share_url after_content \t\tmain_content  wslu-style-1 wslu-share-box-shaped wslu-fill-colored wslu-none wslu-share-horizontal wslu-theme-font-no wslu-main_content\">\n\n\t\t\n        <ul>\n\t\t\t        <\/ul>\n    <\/div> \n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>MUQDISHO, Soomaaliya 28 Sebtembar, 2023 \u2013 Munaasabadda Maalinta Caalamiga ah ee Xog-helidda darteed, Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu ka walaacsan yahay tallaabadii qasabka ah ee saraakiisha booliska iyo kuwa nabsdsugidda ay ku wareejiyeen, Maxamed Ibraahim Bulbul, Xoghayaha Warfaafinta iyo Xuquuqda Aadanaha SJS oo laga qaaday Saldhigga Booliiska Xamar Jajab, loona wareejiyay Xabsiga Dhexe ee Muqdisho maanta oo Khamiis ah 28 Sebtember.<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":3558,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[38,2,32,31,58,35,36],"tags":[576],"class_list":{"0":"post-3593","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-dhacdooyin","8":"category-featured","9":"category-in-the-news","10":"category-ololaha","11":"category-somali","12":"category-warbixinnada","13":"category-waxqabadka","14":"tag-mohamed-bulbul"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/3593","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=3593"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/3593\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":4293,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/3593\/revisions\/4293"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/3558"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=3593"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=3593"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=3593"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}