{"id":3557,"date":"2023-08-31T13:12:24","date_gmt":"2023-08-31T10:12:24","guid":{"rendered":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/?p=3557"},"modified":"2023-12-12T18:49:38","modified_gmt":"2023-12-12T18:49:38","slug":"war-saxaafadeed-ka-jawaabista-warka-been-abuurka-ee-booliska","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/war-saxaafadeed-ka-jawaabista-warka-been-abuurka-ee-booliska\/","title":{"rendered":"War Saxaafadeed: Ka Jawaabista Warka Been Abuurka ee Booliska"},"content":{"rendered":"\n<p><strong>MUQDISHO, Soomaaliya, 31 August 2023 \u2013<\/strong> Xoghayaha Warfaafinta iyo Xuquuqda Aadanaha Somali Journalists Syndicate (SJS), Maxamed Ibraahim Bulbul wuxuu sifo sharci darro ah ku xiran yahay maalinkii 15aad.<\/p>\n\n\n\n<p>Bulbul waxaa lagula kacay tacaddiyo ay ka mid yihiin jirdil, handadaad, su\u2019aalo qasab ah oo sharciga ka baxsan (oo uu iska diiday), cuntada oo loo diiday, booqashada ehelka, qoyska, saaxiibada iyo xitaa qareennada oo loo diiday.<\/p>\n\n\n\n<p>Ma jirto wax eedeyn ah oo lagu soo oogay illaa hadda. Sidaasi darteedna ma ahan eedeysane.<\/p>\n\n\n\n<p>SJS waxay cambaareyneysaa war saxaafadeed shalay 30 Augusto 2023 lagu faafiyay barta Ciidanka Booliska Soomaaliya kaasoo ay ka buuxeen ereyo sharciga ku xadgudbaya, looguna been abuuranayo Maxamed Ibraahim Bulbul.<\/p>\n\n\n\n<p>Sida uu sheegayo Qodobka 35aad ee Dastuurka Dalka KMG, qofkasta waa bilaa dembi illaa &#8220;Maxkamad sharci&#8221; ah ku hesho dembi, halka Qodobka 70aad ee XHC uu sheegayo in mas\u2019uuliyadda oogista eedda uu leeyahay Xafiiska Xeer Ilaalinta. Waa yaab e goorma ayuu boolisku noqday Xeer Ilaalin?<\/p>\n\n\n\n<p>Somali Journalists Syndicate (SJS) waxay cambaareyneysaa falalka handadaada ah iyo isku dayga su\u2019aalo weydiinta qasabka ah ee lagu hayo Maxamed Bulbul. Waxaana ku baaqeynaa in la joojiyo, lana siiyo xorriyaddiisa si deg deh ah. Waa in lala xisaabtamaa kuwii weeraray ee afduubay Bulbul.<\/p>\n\n\n\n<p>Boolisku waa inay baaritaan ku sameeyaan, sharcigana horgeeyaan kuwa musuqmaasuqa lagu eedeeyay. Waa in la joojiyaa beegsiga lagu hayo suxufiyiinta soo baarta ama ka hadasha eedeymaha musuqmaasuqa baahsan ee halakeeyay dalka Soomaaliya.<\/p>\n\n    <div class=\"xs_social_share_widget xs_share_url after_content \t\tmain_content  wslu-style-1 wslu-share-box-shaped wslu-fill-colored wslu-none wslu-share-horizontal wslu-theme-font-no wslu-main_content\">\n\n\t\t\n        <ul>\n\t\t\t        <\/ul>\n    <\/div> \n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>MUQDISHO, Soomaaliya, 31 August 2023 \u2013 Xoghayaha Warfaafinta iyo Xuquuqda Aadanaha Somali Journalists Syndicate (SJS), Maxamed Ibraahim Bulbul wuxuu sifo sharci darro ah ku xiran yahay maalinkii 15aad.<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":3558,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[38,2,32,31,58,35,36],"tags":[576],"class_list":{"0":"post-3557","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-dhacdooyin","8":"category-featured","9":"category-in-the-news","10":"category-ololaha","11":"category-somali","12":"category-warbixinnada","13":"category-waxqabadka","14":"tag-mohamed-bulbul"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/3557","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=3557"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/3557\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":4294,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/3557\/revisions\/4294"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/3558"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=3557"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=3557"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=3557"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}