{"id":3312,"date":"2023-01-31T19:54:34","date_gmt":"2023-01-31T16:54:34","guid":{"rendered":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/?p=3312"},"modified":"2023-12-12T18:49:38","modified_gmt":"2023-12-12T18:49:38","slug":"warbixinta-sannadlaha-ah-ee-sjs-xaaladda-xorriyadda-saxaafadda-ee-soomaaliya-2022","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/warbixinta-sannadlaha-ah-ee-sjs-xaaladda-xorriyadda-saxaafadda-ee-soomaaliya-2022\/","title":{"rendered":"Warbixinta Sannadlaha ah ee SJS: Xaaladda Xorriyadda Saxaafadda ee Soomaaliya 2022"},"content":{"rendered":"\n<p><strong>MUQDISHO, Soomaaliya, 31 Jannaayo 2023<\/strong> \u2013 Soomaaliya ayaa lagu tiriyaa in ay ka mid tahay waddamada ugu khatarta badan caalamka ee ay wariyayaashu ka howlgalaan, maadaama ay la kulmaan hanjabaadyo uga imaanaya dowladda iyo kooxaha xagjirka ah sida Al-Shabaab iyo maleeshiyo beeleedyo kooban. Waddanku waxa uu kaalinta koowaad ka galay liiska uu soo saaray Guddiga Caalamiga ah ee Difaaca Saxafiyiinta ee CPJ sannadkii siddeedaad oo isku xigta taas oo ka dhigaysa waddanka ugu khatarta badan ee saxafiyiinta ka hawlgalaan Afrika.<\/p>\n\n\n\n<p>Si ka daran sanadihii hore, adeegsiga garsoorka si loogu caga jugleeyo saxafiyiinta iyo madaxda ururada, hanjabaadaha lagu lamaaniyay amarada iyo go&#8217;aannada xaddidaya xorriyadda saxaafadda laguna soo rogayo saxafiyiinta iyo hay\u2019adaha warbaahinta si ay ugu sii  jiraan is faafreeb iyaga oo ka baqaya aargudasho dowladeed ayaa 2022-ka noqotay dhaqan caadi ah, taasina waxay horseedday in sheekoyin badan oo danta guud ah aanan la soo tebin.<\/p>\n\n\n\n<p>Amarka cusub ee lagu soo rogay warbaahinta 8-dii Oktoobar, 2022 ee ay soo saartay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa ka kooban xaddidaad ballaaran oo ku wajahan xorriyadda saxaafadda iyo xuquuqda ay saxafiyiinta u leeyihiin helista macluumaadka. Saxafiyiinta iyo hay&#8217;adaha warbaahintu waxay ka walaacsan yihiin in ereyada aan caddayn ee ku jira sharciga ay xaddidi karaan awoodda ay u leeyihiin inay si xor ah uga warbixiyaan hawlgallada socda ee ka dhanka ah kooxaha hubeysan, ayna xaddidi karto xorriyadda warbaahinta madaxa-bannaan.<\/p>\n\n\n\n<div class=\"wp-block-image\"><figure class=\"aligncenter size-large\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" width=\"960\" height=\"720\" src=\"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/FreeAbdalle.jpeg\" alt=\"Xoghayaha Guud ee SJS, Cabdalle Mumin, Agaasimaha Risaala Media Corporation Maxamed Cabduwahaab iyo Saxafi sare Yuusuf Cabdi Shire oo ka mid ah koox saxafiyiin oo ka qeybgalay kulan cabasho ah oo lagu dalabanayey xorriyadda Xoghaye Mumin 5 Disembar 2022. | Sawirka\/SJS.\" class=\"wp-image-3314\" srcset=\"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/FreeAbdalle.jpeg 960w, https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/FreeAbdalle-300x225.jpeg 300w, https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/FreeAbdalle-768x576.jpeg 768w, https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/FreeAbdalle-80x60.jpeg 80w, https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/FreeAbdalle-265x198.jpeg 265w, https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/FreeAbdalle-696x522.jpeg 696w, https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/FreeAbdalle-560x420.jpeg 560w\" sizes=\"auto, (max-width: 960px) 100vw, 960px\" \/><figcaption>Xoghayaha Guud ee SJS, Cabdalle Mumin, Agaasimaha Risaala Media Corporation Maxamed Cabduwahaab iyo Saxafi sare Yuusuf Cabdi Shire oo ka mid ah koox saxafiyiin oo ka qeybgalay kulan cabasho ah oo lagu dalabanayey xorriyadda Xoghaye Mumin 5 Disembar 2022. | Sawirka\/SJS.<\/figcaption><\/figure><\/div>\n\n\n\n<p>Weerarkii lagu qaaday xafiiska SJS 10-kii Oktoobar, Xarigga Xoghayaha Guud ee SJS Cabdalle Axmed Mumin 11-kii Oktoobar iyo beegsiga weli lagu hayo ayaa ah farriin kale oo dhiilo leh oo ku socota dhammaan bahda warbaahinta dalka. Weerarkii lagu qaaday xafiiska SJS ayaa waxaa fuliyay rag afka soo duubtay oo ku hubeysnaa qoryaha AK47 oo uu hogaaminayay taliyaha ciidanka nabadsugidda ee NISA ee degmada Howlwadaag &#8220;Shakiib&#8221; wax yar kadib markii SJS oo ka mid ah afar hay\u2019adood oo ah kuwa u dhaqdhaqaaqa xoriyadda saxaafadda ay si wadajir ah u qabteen shir jaraa\u2019id oo ay walaac kaga muujiyeen amarrada xannibaadda ah ee ay soo saartay wasaaradda warfaafinta.<\/p>\n\n\n\n<p>Kaddib ammaradii 8-dii Oktoobar ee wasaaradda warfaafinta, saraakiisha sirdoonka Jubbaland ayaa si sharci darro ah waxay 23-kii Oktoobar magaalada Kismaayo ugu xireen weriye ka tirsan Telefishinka Horn Cable TV ahna xiriiriyaha xorriyadda saxaafadda ee SJS, Cabdullahi Xuseen Kilaas, kaddib markii uu ka warbixiyay weerar lagu qaaday hoteel ku yaalla bartamaha magaalada Kismaayo maalintaas. Kilas ayaa la sii daayey gelinkii dambe ee maalinkaas ka dib markii Horn Cable TV uu boggiisa ka saaray warkii weriye Kilas. Sidaas oo kale, maamulka Hirshabeelle ayaa weeraray idaacadda Hiiraanweyn ee magaalada Beledweyne, waxaana ay xireen afar wariye oo idaacadda ka hawlgalayey 22-kii Disembar, kadib markii ay soo tebiyeen ka bixitaankii maleeshiyada Macawisley ee ku sugnaa tuulooyin ka tirsan gobolka Hiiraan sababo la xiriira mushaar la\u2019aan. Booliska Galmudug ee ku sugan Cadaado ayaa iyaguna xabsiga dhigay labo weriye oo ka ka hawlgala warbaahinta gudaha kuwaasi oo wareystay odayaal beeleed lagu eedeeyay in ay la kulmeen xubno ka tirsan Al-Shabaab 25-kii Disembar. Sidoo kale, waxaa lagu wargeliyay saxafiyiinta deegaanka in ay ka waantoobaan wararka la xiriira dhacdooyinka amniga oo ay ku jiraan weerarada kooxda Al-Shabaab.<\/p>\n\n\n\n<figure class=\"wp-block-image size-large is-resized\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" src=\"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/Trend-of-journalists-detention-over-the-past-four-years-1.png\" alt=\"Kororka tirada xarigga warfidiyeenka ee afartii sano ee lasoo dhaafay.\" class=\"wp-image-3315\" width=\"860\" height=\"516\" srcset=\"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/Trend-of-journalists-detention-over-the-past-four-years-1.png 1000w, https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/Trend-of-journalists-detention-over-the-past-four-years-1-300x180.png 300w, https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/Trend-of-journalists-detention-over-the-past-four-years-1-768x461.png 768w, https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/Trend-of-journalists-detention-over-the-past-four-years-1-696x418.png 696w, https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/Trend-of-journalists-detention-over-the-past-four-years-1-700x420.png 700w\" sizes=\"auto, (max-width: 860px) 100vw, 860px\" \/><figcaption>Kororka tirada xarigga warfidiyeenka ee afartii sano ee lasoo dhaafay.<\/figcaption><\/figure>\n\n\n\n<p>Sida ku cad diiwaanka SJS, xariga sharci darrada ah, isticmaalka handadaadda, xaddidaadda iyo xannibaadda helitaanka macluumaadka ayaa gaartay heer kale oo welwel leh sanadkii 2022-ka, halka dhanka kale maamulada heer federaalka iyo dowlad gobolleedyadu ay labo jibbaareen weerarrada ka dhanka ah suxufiyiinta ka warramaya dagaalka ay dawladdu ku dhawaaqday ee u dhexeeya ciidammada dawladda iyo Al-Shabaab ee ka socda gobollada dalka qaarkood. Intii lagu guda jiray sannadkii 2022, <strong>waxaa la dilay labo weriye<\/strong> oo caan ah; halka <strong>10 kalena la dhaawacay<\/strong>; <strong>84 weriye ayaa la xiray<\/strong>; <strong>toddoba xarumood iyo xafiisyo warbaahineed ayaa la weeraray<\/strong> oo albaabada loo laabay iyadoo la dhibsanayo warbixinadooda xasaasiga ah awgeed.<\/p>\n\n\n\n<div class=\"wp-block-image\"><figure class=\"aligncenter size-large\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" width=\"1000\" height=\"600\" src=\"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/Violations-against-journalists-by-type-2022-1.png\" alt=\"Tacadiyada ka dhanka ah xorriyadda saxaafadda ee dhacay sannadkii 2022.\" class=\"wp-image-3316\" srcset=\"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/Violations-against-journalists-by-type-2022-1.png 1000w, https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/Violations-against-journalists-by-type-2022-1-300x180.png 300w, https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/Violations-against-journalists-by-type-2022-1-768x461.png 768w, https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/Violations-against-journalists-by-type-2022-1-696x418.png 696w, https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/Violations-against-journalists-by-type-2022-1-700x420.png 700w\" sizes=\"auto, (max-width: 1000px) 100vw, 1000px\" \/><figcaption>Tacadiyada ka dhanka ah xorriyadda saxaafadda ee dhacay sannadkii 2022.<\/figcaption><\/figure><\/div>\n\n\n\n<p>SJS ayaa diiwaangelisay kororka tirada saxafiyiinta ee ka fakaneysa dalka taasoo ka dhalatay cabsi ay ka qabaan hanjabaado la xiriira shaqadooda warbaahineed darteed. In ka badan 10 saxafi (saddex ka mid ah ay ahaayeen haween) ayaa dalka uga qaxay dalal kala duwan oo ay ku jiraan Turkiga iyo Kenya. Saxafiyiintan ayaa sheegay in ay go\u2019aansadeen in ay u baxsadaan dalka dibaddiisa, iyadoo ay sii kordhayaan cadaadiska iyo hanjabaadaha ka imaanaya dhanka mas&#8217;uuliyiinta dowladda iyo caburinta ka dhanka ah saxaafadda xorta ah oo xaaladda ka dhigtay mid aan la xamili karin.<\/p>\n\n\n\n<p>Xayiraadaha helitaanka macluumaadka waxay abuurtay faafreebka warbaahinta dhexdeeda ay isku sameyso. Warfidiyeenka ku sugan Muqdisho, Hirshabeelle, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland ayaa SJS u sheegay in laga hor istaagay munaasabadaha waaweyn iyo goobaha ay ka dhacayeen dhacdooyinka wareed, sida goobihii ay Al-Shabaab weerartay, loona diiday in ay ka soo waramaan arrimaha saameynaya danta guud. Suxufiyiintu waxay si gaar ah uga xog-warameen falal faafreeb iyo caga-juglayn isugu jira oo looga gol-leeyahay in lagu joojiyo inay soo bandhigaan xad-gudubyo halis ah oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.<\/p>\n\n\n\n<div class=\"wp-block-image\"><figure class=\"aligncenter size-large\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" width=\"1000\" height=\"600\" src=\"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/Violations-against-the-media-by-state-1.png\" alt=\"Gobollada ay ka kala dheceen tacadiyada ka dhanka ah xorriyadda saxaafadda sanadkii 2022.\" class=\"wp-image-3317\" srcset=\"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/Violations-against-the-media-by-state-1.png 1000w, https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/Violations-against-the-media-by-state-1-300x180.png 300w, https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/Violations-against-the-media-by-state-1-768x461.png 768w, https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/Violations-against-the-media-by-state-1-696x418.png 696w, https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/Violations-against-the-media-by-state-1-700x420.png 700w\" sizes=\"auto, (max-width: 1000px) 100vw, 1000px\" \/><figcaption>Gobollada ay ka kala dheceen tacadiyada ka dhanka ah xorriyadda saxaafadda sanadkii 2022.<\/figcaption><\/figure><\/div>\n\n\n\n<p>Taliyeyaasha booliska, garsoorayaasha, saraakiisha dowladda, hogaamiyaasha beelaha iyo xubnaha Al-Shabaab ayaa lagu tilmaamay in ay yihiin kuwa ugu waaweyn ee geysta xadgudubyadan. Saxafiyiinta ku sugan Puntland ayaa SJS u sheegay in loo diiday in ay tabiyaan wararka muujinaya gabood-fallada booliiska iyo xadgudubyada dhanka galmada ah ee lagula kacay haweenka iyo gabdhaha. Maamulka Somaliland ayaa xayiraad adag ku soo rogay helitaanka macluumaadka oo ay ka mid yihiin in la jaro ama la xanibo internet-ka, xarigga warfidiyeenka, xayiraadda xarumaha warbaahinta iyo sidoo kale tallaabooyin cabsi gelin ah oo la doonayo in lagu aamusiyo war-tebinta dhacdooyinka xasaasiga ah ee saxafiyiinta gudaha ay soo gudbinayaan.<\/p>\n\n\n\n<p>Warfidiyeenka, gaar ahaan, kuwa soo tebiya arrimaha xuquuqul insaanka, ayaa u aaneeyay in caqabadda kale oo ay wajahayaan ay tahay dhibaatooyinka dhaqaale taasoo ah natiijada tooska ah ee ka dhalatay shaqadooda si ay u diiwaangeliyaan una baaraan xadgudubyada xuquuqda aadanaha. Dabeecadda cadawtinimada ku saleysan ee loo qabo saxafiyiinta ka waramaaya xadgudubyada xuquuqul insaanka iyo wacyi galinta bulshada guud ayaa sidoo kale qayb ka ah caqabadaha jira.<\/p>\n\n\n\n<p>Helitaanka macluumaadka guud waxay ka dhigan tahay in qof kastaa uu xaq u leeyahay inuu raadiyo, helo oo bixiyo macluumaadka. Warbaahintu waxa ay ciyaartaa door muhiim ah, gaar ahaan marka ay doonayso in ay ku wargeliso dadweynaha xogta muhiimka ah ee dalkooda iyo la socodka hawlaha dawladooda. Xaqa helitaanka xogta waa arrin kale oo ay ku xiran tahay xuquuqda xorriyadda saxaafadda. Nasiib darrose, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada xubnaha ka ah ayaan weli ku guuleysan in ay soo saaraan Hindise Sharciyeedka Helitaanka Xogta oo ah waajibaad Dastuuri ah sida uu qabo qodobka 32-aad ee Dastuurka KMG ah.<\/p>\n\n\n\n<p>Cadaadiska sii kordhaya ee ka dhanka ah saxafiyiinta Soomaaliyeed iyo helitaan la\u2019aanta xogta ayaa cirka ku shareertay walaaca jira. Marka saxafiyiinta la xannibo, loo hanjabo, loona diido inay helaan macluumaadka, waxay dhaqan gelin doontaa isla xisaabtan la&#8217;aan. Bixinta iyo u soo bandhigidda macluumaadka dadweynaha guud ahaan, gaar ahaan arrimaha daboolka ka qaadaya ku-xadgudubka xuquuqul insaanka waxay kor u qaadeysaa in dhibanayaasha tacadiyada xuquuqda aadanaha ay heleen xuquuqdooda ama in loo raadiyo caddaalad ka dhan ah denbiilayaasha iyada oo loo marayo tallaabo sharci ah.<\/p>\n\n\n\n<p>Waxaan ka walaacsanahay kor u kaca weerarada ka dhanka ah saxafiyiinta oo kaliya lagu bar tilmaameedsado warbixinada ay soo tebiyaan ee la xiriira weerarada ciidamada dowladda Soomaaliya ay ku qaadeen Al-Shabaab. Waxaa murugo leh, weerarradan ka dhanka ah saxaafadda xorta ah waxaa sabab u ah amarkii 8-dii Oktoobar ee wasaaradda warfaafinta ee lagu xaddidayay wararka warbaahinta ee howlgallada amniga ee socda.<\/p>\n\n\n\n<p>Anagoo si adag u cambaareynayna weerar kasta oo ka dhan ah saxafiyiinta, waxaan sidoo kale ku celineynaa baaqa ku socda Dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah federaalka in ay joojiyaan weerarada ka dhanka ah saxafiyiinta isla markaana ay u ogolaadaan warbaahinta madaxa-bannaan iyo saxafiyiinta in ay gudan karaan waajibaadkooda shaqo hanjabaad iyo xarig la&#8217;aan.<\/p>\n\n\n\n<p>Intaa waxaa dheer, xeerka saxaafadda Soomaaliya (wax ka beddelka 2020) waxaa ku jira qodobbo khatar ku ah xuquuqul insaanka, xorriyadda hadalka iyo xorriyadda saxaafadda isla markaana denbi ka dhigi karta tabinta warbaahinta, dawladdana siin kara awood ballaadhan iyo inay korjoogteyn ku sameyso shaqada warbaahinta xorta ah.<\/p>\n\n\n\n<p>Qodobada ku saabsan ciqaabta denbi ee ku jira xeerka saxaafadda ayaa ah kuwo aanan si cad loo qeexin waxayna siin karaan hay&#8217;adaha sharci fulinta awood ballaaran oo ay u fasirtaan si khaldan iyo ku xadgudub. Qodobada maldahan waxaa ka mid ah qodobka mamnuucaya ka warbixinta arrimaha ka soo horjeeda &#8220;danta qaranka&#8221;, &#8220;war been abuur ah&#8221;, &#8220;hurin colaad iyo qabiil&#8221; iyo &#8220;fidinta borobogaandada&#8221;.<\/p>\n\n\n\n<p>Waxaa intaa dheer, xeerku wuxuu ku soo rogayaa ganaax aan la cayimin weriyeyaasha ka hor yimaada qodobbada uu dhigayo, waxaana laga yaabaa in saxafiyiinta ay wajahaan dacwad ciqaab ah oo ku saabsan inay bixin waayeen ganaaxyada. Waxa kale oo ka mid ah qodob khatar gelinaya xuquuqda saxafiyiinta oo ah in ilo wareedyada qarsoon lagu qasbo warbaahinta inay sheegaan, iyo sidoo kale xayiraado maamul oo siinaya wasaaradda warfaafinta awood ballaaran oo ay ku maquuniso warbaahinta iyo hawl-wadeennada warbaahinta.<\/p>\n\n\n\n<p>Waxaa nasiib darro ah in saxafiyiintu ay hadda cabsi ku qabaan dalkooda gudihiisa iyagoo miciin bidaya inay is-faafreebaan ama ay dalka isaga baxaan. Waxaan ku boorineynaa maamullada maxalliga ah iyo kuwa Dowladda Federaalka inay joojiyaan xaddidaadda helitaanka macluumaadka haddii ay ahaan lahayd midda dowladeed iyo tan aan la xiriirin dowladda intuba.<\/p>\n\n\n\n<p>Dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah waa in ay abuuraan jawi nabdoon oo saxafiyiintu ay ku gudan karaan waajibaadkooda cabsi la\u2019aan iyo aargoosi la\u2019aan, ayna ogolaadaan in dib u eegis lagu sameeyo sharciga saxaafadda iyadoo lala tashanayo daneeyayaasha warbaahinta, ururada xarumaha warbaahinta iyo kuwa saxafiyiinta.<\/p>\n\n\n\n<p>Dawladda Federaalka ah iyo dawlad-goboleedyada \u2013 oo ay ku jirto Somaliland \u2013 waa in ay joojiyaan adeegsiga xeerka ciqaabta ee lagu qaado warfidiyeenka, oo ayna si degdeg ah u dhammaystiraan dib-u-eegis dhamaystiran oo lagu sameeyo xeerkan duugoobay iyo dhammaan shuruucda kale ee caqabadda ku ah xaqa xorriyadda hadalka iyo xorriyadda saxaafadda oo lagu daray xuquuqaha kale, lana waafajiyo Dastuurka Federaalka Soomaaliya iyo xeerarka caalamiga ah ee xuquuqul insaanka.<\/p>\n\n\n\n<p><em><strong>Maxamed Ibraahim Isaaq, <br><\/strong>Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS)<\/em><\/p>\n\n\n\n<p><a href=\"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/SJS-ANNUAL-REPORT-State-of-Press-Freedom-in-Somalia-2022-.pdf\" target=\"_blank\" rel=\"noreferrer noopener\" aria-label=\" (opens in a new tab)\"><strong>SOO DEGSO WARBIXIN SANNADEEDKA SJS 2022 OO DHAN<\/strong> (English)<\/a><\/p>\n\n    <div class=\"xs_social_share_widget xs_share_url after_content \t\tmain_content  wslu-style-1 wslu-share-box-shaped wslu-fill-colored wslu-none wslu-share-horizontal wslu-theme-font-no wslu-main_content\">\n\n\t\t\n        <ul>\n\t\t\t        <\/ul>\n    <\/div> \n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>MUQDISHO, Soomaaliya, 31 Jannaayo 2023 \u2013 Soomaaliya ayaa lagu tiriyaa in ay ka mid tahay waddamada ugu khatarta badan caalamka ee ay wariyayaashu ka howlgalaan, maadaama ay la kulmaan hanjabaadyo uga imaanaya dowladda iyo kooxaha xagjirka ah sida Al-Shabaab iyo maleeshiyo beeleedyo kooban. Waddanku waxa uu kaalinta koowaad ka galay liiska uu soo saaray Guddiga Caalamiga ah ee Difaaca Saxafiyiinta ee CPJ sannadkii siddeedaad oo isku xigta taas oo ka dhigaysa waddanka ugu khatarta badan ee saxafiyiinta ka hawlgalaan Afrika.<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":3313,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[38,2,32,31,58,35,36],"tags":[587,588],"class_list":{"0":"post-3312","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-dhacdooyin","8":"category-featured","9":"category-in-the-news","10":"category-ololaha","11":"category-somali","12":"category-warbixinnada","13":"category-waxqabadka","14":"tag-warbixinta-sannadlaha-ah-ee-sjs","15":"tag-xaaladda-xorriyadda-saxaafadda-ee-soomaaliya-2022"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/3312","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=3312"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/3312\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":4297,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/3312\/revisions\/4297"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/3313"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=3312"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=3312"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=3312"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}