{"id":330,"date":"2019-05-29T21:05:15","date_gmt":"2019-05-29T18:05:15","guid":{"rendered":"http:\/\/td_uid_50_5ce26dcbd6328"},"modified":"2023-12-12T18:49:41","modified_gmt":"2023-12-12T18:49:41","slug":"ururka-suxufiyiinta-soomaaliyeed-sjs-oo-amaanay-maxkamaddii-burisay-eedeymihii-loo-heystay-wariye-cali-aadan-muumin","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/ururka-suxufiyiinta-soomaaliyeed-sjs-oo-amaanay-maxkamaddii-burisay-eedeymihii-loo-heystay-wariye-cali-aadan-muumin\/","title":{"rendered":"Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) oo Amaanay Maxkamaddii Burisay Eedeymihii loo heystay Wariye Cali Aadan Muumin"},"content":{"rendered":"\n<p>MUQDISHO, Soomaaliya, 29 May, 2019 &#8211;  Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) ayaa ammaanay go&#8217;aanka  Maxkamadda Gobolka Banaadir ay ku tirtirtay dhammaan eedeymihii loo  heystay wariyaha Goobjoog Cali Aadan Muumin.<\/p>\n\n\n\n<p> Xeer Ilaalinta \nDowladda ayaa saaka oo Arbaco ah 29 May, 2019 hor keentay Maxkamadda \nGobolka Banaadir illaa shan eedeyn oo ku suntan Xeerka Ciqaabta \nSoomaaliyeed, kuwaasoo ku xusan Qodobadda 215, 219, 220, 267 iyo 268. \nQodobadan ayaa ka hadlaya eedeymo isugu jira aflagaado, dacaayad, \nxushmad dareyn iyo carqaladeyn hawl xafiis dadweyne.<\/p>\n\n\n\n<p> Garsooraha \nMaxkamadda Gobolka Banaadir ayaa gebi ahaan diiday eedeymaha ku xusan \nqodobadan, isagoo ku tilmaamay kuwo aan ku habooneyn eedeymaha la soo \njeediyay.<\/p>\n\n\n\n<p> Garsooraha ayaa faray booliska inay wariyaha siidaayaan\n marka uu dhammaado Imtixaanka Shahaadiga ee hadda socda kaasoo la \nsheegay in maalinta Khamiista ee berito 30 May, 2019 uu ku eg yahay.<\/p>\n\n\n\n<p> Qareenka wariyaha Cabdiraxmaan X. Cismaan oo metelayey wariyaha isagoo ka wakiil ah <a href=\"https:\/\/www.facebook.com\/sjsyndicate\/?__xts__%5B0%5D=68.ARA0sk9X9COttbNyh1_jlRVip8e-8QTJDv7oO7H20Kyj3yCUVvRY_83vqjtPtWoFLkVToG6PqF6G95_OubTEL2u5FPZ4r-JXyWJD_zXdLvH1SalWHxrvVi1Jf-No9j2NvqVaKNlQorzpniB55PlGRwRJ8f0z4XFlYStlr6kvTxuXhamEzJsaU3ghMvJVA-XYCnTqn0DkKI1OfiwNM_YwzHe2303gQoIRMgb4NCMcsA-KbS8cHsL6uSBhxXLL_786ZOWRjPbxplCsEg6xuUSi8zE37g3wp-RIWptIAwQJYQMdXVdE1Gew5tx4Z_BJ2fXLSTpnn47lQMHEqt6EEbsS61w&amp;__xts__%5B1%5D=68.ARDxvp_uL4d93R1Dfb5PRkfkf6Sf7wwp_he-foG08RK3hyCjlQls0aOwpKYONSZYP_XPlNus26FiWjGBTc_0JOBNHPre6QQrQYQ9LPCJ7PyHjhMAKunp4eYuTs9nkzYsYQxlk2R4Jb85SB8RZvsrjeAiLEugMsvoM0slV60LncDLHH6WGq8HMiKaWyj2dZrYQi7tCFUwsV1QE14CT4u6atajte97E6rIM7iLM5JU0Z6FKiZxP0XoqTDNSmv20Gy4z6TkCLP05rDFVEMUKN-8bwM73Tceay_01BuM2AaupUWbyE8APMaPdVa0N41ET1Hb_SfT6PkgJwlWe4sHAf9itZI&amp;__tn__=K-R&amp;eid=ARDs8OhXzhHDL2-BORgr2MdKjgIm9BXhYK1gbkiNJ-ophSE2HCxJcsvZzlIgw2IrUD1I2gSYMf2LV3LX&amp;fref=mentions\">Somali Journalists Syndicate &#8211; SJS<\/a>\n ayaa ku tilmaamay eedeymaha la soo oogay kuwo lala yaabo. Wuxuu \nqareenku ku sifeeyay sii xirnaanshaha wariye Cali Aadan Muumin mid \nsharciga hareer marsan, <\/p>\n\n\n\n<p> &#8220;Maadaama Maxkamad sharci ah ay fartay \nin la sii daayo wariyaha waxay ahayd in deg deg loo sii daayo wariye \nCali Aadan Muumin,&#8221; ayuu sii raaciyay Abuukaato Cabdiraxmaan hadalkiisa.<\/p>\n\n\n\n<p>\n Waxaa xusid mudan in warqadda u yeeridda ee wariyaha loo diray ay soo \nbaxday 25 May, 2019, halka eedeynta ah in wariyuhu wax ka qoray qishka \nimtixaanka la daabacay 26 May, 2019, taasoo muujineysa in xariiga wariye\n Cali Aadan Muumin uu ahaa mid horey u sii qorsheysnaa.<\/p>\n\n\n\n<p> Ilo saxaafadeed ayaa u sheegay <a href=\"https:\/\/www.facebook.com\/sjsyndicate\/?__xts__%5B0%5D=68.ARA0sk9X9COttbNyh1_jlRVip8e-8QTJDv7oO7H20Kyj3yCUVvRY_83vqjtPtWoFLkVToG6PqF6G95_OubTEL2u5FPZ4r-JXyWJD_zXdLvH1SalWHxrvVi1Jf-No9j2NvqVaKNlQorzpniB55PlGRwRJ8f0z4XFlYStlr6kvTxuXhamEzJsaU3ghMvJVA-XYCnTqn0DkKI1OfiwNM_YwzHe2303gQoIRMgb4NCMcsA-KbS8cHsL6uSBhxXLL_786ZOWRjPbxplCsEg6xuUSi8zE37g3wp-RIWptIAwQJYQMdXVdE1Gew5tx4Z_BJ2fXLSTpnn47lQMHEqt6EEbsS61w&amp;__xts__%5B1%5D=68.ARDxvp_uL4d93R1Dfb5PRkfkf6Sf7wwp_he-foG08RK3hyCjlQls0aOwpKYONSZYP_XPlNus26FiWjGBTc_0JOBNHPre6QQrQYQ9LPCJ7PyHjhMAKunp4eYuTs9nkzYsYQxlk2R4Jb85SB8RZvsrjeAiLEugMsvoM0slV60LncDLHH6WGq8HMiKaWyj2dZrYQi7tCFUwsV1QE14CT4u6atajte97E6rIM7iLM5JU0Z6FKiZxP0XoqTDNSmv20Gy4z6TkCLP05rDFVEMUKN-8bwM73Tceay_01BuM2AaupUWbyE8APMaPdVa0N41ET1Hb_SfT6PkgJwlWe4sHAf9itZI&amp;__tn__=K-R&amp;eid=ARBx1BKIi1dlDPNvjgvSF_hb6POOx6D2p9pEjXXwVcoTlyF6vw14A1GKcZ6FOTZ_MXhAfSPRtbOr_WHR&amp;fref=mentions\">Somali Journalists Syndicate &#8211; SJS<\/a>\n in xarigga wariyaha ay amartay Taliye ku Xigeenka Booliska, Gen. Zakiya\n Xuseen kaddib markii wariyuhu qoraal uu ku daabacay boggiisa Facebook \n22 May, 2019 uu ku sheegay in Gen. Zakiya aysan aqoonin af Soomaali \nwanaagsan.<\/p>\n\n\n\n<p> Agaasimaha Goobjoog, Xasan Maxamed Maxamuud oo <a href=\"https:\/\/www.facebook.com\/sjsyndicate\/?__xts__%5B0%5D=68.ARA0sk9X9COttbNyh1_jlRVip8e-8QTJDv7oO7H20Kyj3yCUVvRY_83vqjtPtWoFLkVToG6PqF6G95_OubTEL2u5FPZ4r-JXyWJD_zXdLvH1SalWHxrvVi1Jf-No9j2NvqVaKNlQorzpniB55PlGRwRJ8f0z4XFlYStlr6kvTxuXhamEzJsaU3ghMvJVA-XYCnTqn0DkKI1OfiwNM_YwzHe2303gQoIRMgb4NCMcsA-KbS8cHsL6uSBhxXLL_786ZOWRjPbxplCsEg6xuUSi8zE37g3wp-RIWptIAwQJYQMdXVdE1Gew5tx4Z_BJ2fXLSTpnn47lQMHEqt6EEbsS61w&amp;__xts__%5B1%5D=68.ARDxvp_uL4d93R1Dfb5PRkfkf6Sf7wwp_he-foG08RK3hyCjlQls0aOwpKYONSZYP_XPlNus26FiWjGBTc_0JOBNHPre6QQrQYQ9LPCJ7PyHjhMAKunp4eYuTs9nkzYsYQxlk2R4Jb85SB8RZvsrjeAiLEugMsvoM0slV60LncDLHH6WGq8HMiKaWyj2dZrYQi7tCFUwsV1QE14CT4u6atajte97E6rIM7iLM5JU0Z6FKiZxP0XoqTDNSmv20Gy4z6TkCLP05rDFVEMUKN-8bwM73Tceay_01BuM2AaupUWbyE8APMaPdVa0N41ET1Hb_SfT6PkgJwlWe4sHAf9itZI&amp;__tn__=K-R&amp;eid=ARAVAP1aV-qVeaU4rAIrTwdsvdDoud6JzVeuqHpvx-le1uqwbIE9AOuU3TkkyeP1q8gy6ymkSblPRK2V&amp;fref=mentions\">Somali Journalists Syndicate &#8211; SJS<\/a> la hadlay ayaa caddeeyay in Maxkamadda ay ka filayeen in deg deg loo siiyo wariyaha xorriyadiisa.<\/p>\n\n\n\n<p>\n &#8220;Waxaan filaynay in saaxiibkeen Cali Aadan Muumin uu heli doonno \nxorriyadiisa, maadaama sifaha lafu xiray aysan markii horeba sharci \nahayn,&#8221; ayuu sii raaciyay hadalkiisa agaasime Xasan.<\/p>\n\n\n\n<p> <a href=\"https:\/\/www.facebook.com\/sjsyndicate\/?__xts__%5B0%5D=68.ARA0sk9X9COttbNyh1_jlRVip8e-8QTJDv7oO7H20Kyj3yCUVvRY_83vqjtPtWoFLkVToG6PqF6G95_OubTEL2u5FPZ4r-JXyWJD_zXdLvH1SalWHxrvVi1Jf-No9j2NvqVaKNlQorzpniB55PlGRwRJ8f0z4XFlYStlr6kvTxuXhamEzJsaU3ghMvJVA-XYCnTqn0DkKI1OfiwNM_YwzHe2303gQoIRMgb4NCMcsA-KbS8cHsL6uSBhxXLL_786ZOWRjPbxplCsEg6xuUSi8zE37g3wp-RIWptIAwQJYQMdXVdE1Gew5tx4Z_BJ2fXLSTpnn47lQMHEqt6EEbsS61w&amp;__xts__%5B1%5D=68.ARDxvp_uL4d93R1Dfb5PRkfkf6Sf7wwp_he-foG08RK3hyCjlQls0aOwpKYONSZYP_XPlNus26FiWjGBTc_0JOBNHPre6QQrQYQ9LPCJ7PyHjhMAKunp4eYuTs9nkzYsYQxlk2R4Jb85SB8RZvsrjeAiLEugMsvoM0slV60LncDLHH6WGq8HMiKaWyj2dZrYQi7tCFUwsV1QE14CT4u6atajte97E6rIM7iLM5JU0Z6FKiZxP0XoqTDNSmv20Gy4z6TkCLP05rDFVEMUKN-8bwM73Tceay_01BuM2AaupUWbyE8APMaPdVa0N41ET1Hb_SfT6PkgJwlWe4sHAf9itZI&amp;__tn__=K-R&amp;eid=ARBq-84yn9Um7Q6sdK_immU4Olf59p1r_FoWOjYZ_C3VxL40Ge-fOubMz5SZq01YUNomQJ__XvIIXarN&amp;fref=mentions\">Somali Journalists Syndicate &#8211; SJS<\/a>\n waxay soo dhoweyneysaa go&#8217;aanka Maxkamadda ee baabi&#8217;inta eedeymaha, \nhase yeeshee waxaan ku baaqeynaa in deg deg loo sii daayo wariye Cali \nAadan Muumin.<\/p>\n\n\n\n<p> &#8220;Waa wax laga xumaado in eedeymo lagu soo oogo \nwariye qoray aragtidiisa oo kaliya.&#8221; ayaa lagu yiri war saxaafadeedka \nUrurka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS).<\/p>\n\n\n\n<p> <a href=\"https:\/\/www.facebook.com\/sjsyndicate\/?__xts__%5B0%5D=68.ARA0sk9X9COttbNyh1_jlRVip8e-8QTJDv7oO7H20Kyj3yCUVvRY_83vqjtPtWoFLkVToG6PqF6G95_OubTEL2u5FPZ4r-JXyWJD_zXdLvH1SalWHxrvVi1Jf-No9j2NvqVaKNlQorzpniB55PlGRwRJ8f0z4XFlYStlr6kvTxuXhamEzJsaU3ghMvJVA-XYCnTqn0DkKI1OfiwNM_YwzHe2303gQoIRMgb4NCMcsA-KbS8cHsL6uSBhxXLL_786ZOWRjPbxplCsEg6xuUSi8zE37g3wp-RIWptIAwQJYQMdXVdE1Gew5tx4Z_BJ2fXLSTpnn47lQMHEqt6EEbsS61w&amp;__xts__%5B1%5D=68.ARDxvp_uL4d93R1Dfb5PRkfkf6Sf7wwp_he-foG08RK3hyCjlQls0aOwpKYONSZYP_XPlNus26FiWjGBTc_0JOBNHPre6QQrQYQ9LPCJ7PyHjhMAKunp4eYuTs9nkzYsYQxlk2R4Jb85SB8RZvsrjeAiLEugMsvoM0slV60LncDLHH6WGq8HMiKaWyj2dZrYQi7tCFUwsV1QE14CT4u6atajte97E6rIM7iLM5JU0Z6FKiZxP0XoqTDNSmv20Gy4z6TkCLP05rDFVEMUKN-8bwM73Tceay_01BuM2AaupUWbyE8APMaPdVa0N41ET1Hb_SfT6PkgJwlWe4sHAf9itZI&amp;__tn__=K-R&amp;eid=ARASj-5yHOsqCzuE8GTonNlXiO_B5pJVeduOkoJAaVIE3hDp91A5icwcyQQicj3XFc6P9-9JZ8XuFqTW&amp;fref=mentions\">Somali Journalists Syndicate &#8211; SJS<\/a>\n waxay ugu baaqeysaa masuuliyiinta dowladda inay dulqaad u yeeshaan \ndhaliilaha, maadaama dadka haya xilalka dadweynaha aysan ka reebaneyn in\n la dhaliilo.<\/p>\n\n\n\n<p> &#8220;Ma&#8217;ahan in wariyaashu ka cabsadaan in ay dhibaato \nuga timaado haddii ay xitaas u&#8217;alo weydiiyaan ama ay dhaliilaan \nmasuuliyiinta- oo ay ku jiraan saraakiisha booliska oo ayna si adag u \nxisaabiyaan dhammaan masuuliyiinta dadweynaha,&#8221; ayuu sii raaciyay war \nsaxaafadeedka SJS.<\/p>\n\n    <div class=\"xs_social_share_widget xs_share_url after_content \t\tmain_content  wslu-style-1 wslu-share-box-shaped wslu-fill-colored wslu-none wslu-share-horizontal wslu-theme-font-no wslu-main_content\">\n\n\t\t\n        <ul>\n\t\t\t        <\/ul>\n    <\/div> \n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>MUQDISHO, Soomaaliya, 29 May, 2019 &#8211;  Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) ayaa ammaanay go&#8217;aanka  Maxkamadda Gobolka Banaadir ay ku tirtirtay dhammaan eedeymihii loo  heystay wariyaha Goobjoog Cali Aadan Muumin.<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":531,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[38,2,32,31,58,35,36],"tags":[],"class_list":{"0":"post-330","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-dhacdooyin","8":"category-featured","9":"category-in-the-news","10":"category-ololaha","11":"category-somali","12":"category-warbixinnada","13":"category-waxqabadka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/330","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=330"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/330\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":4398,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/330\/revisions\/4398"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/531"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=330"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=330"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=330"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}