{"id":3110,"date":"2022-10-10T10:41:15","date_gmt":"2022-10-10T07:41:15","guid":{"rendered":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/?p=3110"},"modified":"2023-12-12T18:49:38","modified_gmt":"2023-12-12T18:49:38","slug":"bahda-warbaahinta-soomaaliyeed-oo-walaac-ka-muujisay-amarka-dowladda-soomaaliya-ee-xaddidaya-xorriyadda-hadalka-iyo-tan-saxaafadda","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/bahda-warbaahinta-soomaaliyeed-oo-walaac-ka-muujisay-amarka-dowladda-soomaaliya-ee-xaddidaya-xorriyadda-hadalka-iyo-tan-saxaafadda\/","title":{"rendered":"Bahda warbaahinta Soomaaliyeed oo walaac ka muujisay amarka dowladda Soomaaliya ee xaddidaya xorriyadda hadalka iyo tan saxaafadda"},"content":{"rendered":"\n<p><strong>MUQDISHO, Soomaaliya, 10 Oktoobar 2022<\/strong> \u2013 Bahda saxaafadda Soomaaliyeed iyo ururrada saxafiyiinta* ayaa ka walaacsan awaamiirta cusub ee ay soo saartay dowladda federaalka Soomaaliya ee ku saleysan xayiraadda iyo joojinta waxa ay ugu yeertay dowladdu \u201cfidinta fikradaha xagjirnimada iyo argagixisada\u201d.<\/p>\n\n\n\n<p>Sabtidii 8da Oktoobar, Wasaaradda\nWarfaafinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay amar ay ku\nmamnuucday faafinta farriimaha \u201cafkaarta\nxagjirnimada ah ee laga sii daayo warbaahinta soo jireenka ah iyo baraha bulshada\u201d. Sidoo kale, Wasaaradda\nBoostada iyo Isgaarsiinta ayaa ku amartay shirkadaha bixiya adeegyada\nInternet-ka in ay joojiyaan in ka badan 40-mareeg oo online-ka ah, iyadoo aan\nla cadeynin cidda ay yihiin.<\/p>\n\n\n\n<p>Iyadoo aan ogsoonahay in dagaalka socda ee u dhexeeya ciidamada dowladda federaalka iyo Al-Shabaab laga yaabo inuu dhaliyay walaac joogto ah oo la xiriira isticmaalka baraha bulshada ee loo isticmaali karo dacaayadda, waxaan ka walaacsanahay talaabooyinka cusub ee ku jira wareegtadii dowladda, oo aan lagala tashan daneeyayaasha iyo saamileyda, waxaa laga yaabaa inay si aan macquul ahayn u xaddidaan xorriyadda saxaafadda ee sharciga ah ee dalka.<\/p>\n\n\n\n<figure class=\"wp-block-image size-large\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" width=\"1024\" height=\"639\" src=\"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/10\/press-conference_reporters-1024x639.jpg\" alt=\"Reporters cover a press conference by media leaders in Mogadishu on Monday October 10, 2022. | PHOTO\/SJS.\" class=\"wp-image-3114\" srcset=\"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/10\/press-conference_reporters-1024x639.jpg 1024w, https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/10\/press-conference_reporters-300x187.jpg 300w, https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/10\/press-conference_reporters-768x479.jpg 768w, https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/10\/press-conference_reporters-1536x959.jpg 1536w, https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/10\/press-conference_reporters-2048x1278.jpg 2048w, https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/10\/press-conference_reporters-696x434.jpg 696w, https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/10\/press-conference_reporters-1068x667.jpg 1068w, https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/10\/press-conference_reporters-673x420.jpg 673w\" sizes=\"auto, (max-width: 1024px) 100vw, 1024px\" \/><figcaption>Reporters cover a press conference by media leaders in Mogadishu on Monday October 10, 2022. | PHOTO\/SJS.<\/figcaption><\/figure>\n\n\n\n<p><strong>Ugu horreyn<\/strong>, wareegtada dowladda oo ay ku jireen ereyo aan qeexneyn waxa laga\nyaabaa in loo adeegsado in\nlagu xaddido awoodda saxafiyiinta ay u leeyihiin inay si xor ah u soo tebiyaan hawlgallada socda ee\nka dhanka ah kooxda hubaysan\nee al-Shabaab. Waxa kale oo laga yaabaa inay dadweynaha ka xaddiddo helitaanka\nmacluumaadka la xiriira hawlgallada amniga ee\nsocda. Tusaale ahaan, kaddib\namarkii Sabtidii ee Wasaaradda\nWarfaafinta ayaa horseeday in hay\u2019ado warbaahineed qaarkood lagu qasbay\ninay ka saaraan warbaahintooda\nfalcelinta al-Shabaab ee ku aaddan amarka dowladda ee baraha bulshada.\nDhowr wariye oo kale ayaa noo sheegay in aysan awoodin in ay xogta ay hayaan ay bulshada la\nwadaagaan cabsi ay ka qabaan dowladda\ndarteed.<\/p>\n\n\n\n<p><strong>Marka <\/strong><strong>xigta<\/strong>, ammarka xayiraadda ee jumlada ah ee lagu soo rogay\nxarumaha warbaahinta iyo baraha bulshada ee faafinta wararka la xiriira\nal-Shabaab waa mid welwel leh oona\nku saleysan hor istaag xorriyadda aragti is-dhaafsiga saliimka ah.\nTusaale ahaan, amarka\ndowladda ayaa ku jiray in la\nxirayo aaladda Telegram, oo\nah madal farrimo ammaan ah oo ay Soomaali\nbadan u adeegsan jireen wadaagista macluumaadka. Xiritaanka guud ee Telegram-ka\ndalka kuma koobna oo kaliya in ay saameyso dadweyne\nbadan oo Soomaali ah balse\nwaxa ay su&#8217;aal gelinaysaa ujeedada dhabta ah ee ay Wasaaradda Warfaafintu ka leedahay xannibaaddan.<\/p>\n\n\n\n<p><strong>Marka seddexaad,<\/strong> waxaan ka\nwalaacsanahay in amarka\ncusub loo adeegsado in lagu aamusiyo dhaliisha sharciga ah ee dowladda iyo ciidamadeeda amniga loo jeedinayo oo ay ku jiraan\ndhaliilaha ay soo tebiyaan saxafiyiinta,\ndifaacayaasha xuquuqul insaanka, cilmi-baarayaasha madaxa-bannaan, falanqeeyayaasha iyo dad kale. <\/p>\n\n\n\n<p><strong>Ugu dambeyn,<\/strong> waxaan aad uga walaacsanahay in amarka cusub uu\ndurba abuuray walaac amni iyadoo qaar ka mid ah saxafiyiinta iyo hay&#8217;adaha\nwarbaahinta ka howlgala ay hadda ka welwelayaan amnigooda, kaddib markii al-Shabaab\nay iyaguna soo saareen Axaddii hanjabaad kale oo ka dhan ah suxufiyiinta iyo hay\u2019adaha\nkale ee fuliya amarka dowladda.<\/p>\n\n\n\n<p>Qodobka 18-aad ee <strong>Dastuurka KMG ah ee\nFederaalka Soomaaliya ayaa dammaanad qaadaya xaqa Xorriyatul-qawlka iyo Ra\u2019yiga<\/strong>\nhalka qodobka 32-aad uu qeexayo Xuquuqda Xog-helidda. Dhanka kale, <strong>Qodobka\n38-aad ee Dastuurku waxa uu reebayaa in la xaddido xuquuqaha aas-aasiga ah oo\nay ku jirto xaqa xorriyadda hadalka<\/strong>, haddii aan si caqli-gal ah, xalaal ah,\nloo qaateen ah iyo cadaalad aan loo marin go\u2019aannada xayiraadda xorriyadaha.<\/p>\n\n\n\n<p>Sida uu dhigayo sharciga caalamiga ah, xaqa\nxorriyadda hadalka waxa lagu soo rogi karaa xaddidaadyo gaar ah, laakiin waa\nhaddii la helo shuruudo dhowr ah oo adag oo saddex qaybood ah: &nbsp;<\/p>\n\n\n\n<ol class=\"wp-block-list\"><li>Waa inay sharci ku fadhido. Sharcigaas waa inuu yahay mid markii horeba loo dejiyay hannnaan caddaalad ah oo u oggolaanaya in dadku ugu dhaqmaan si macquul ah oo ay kari karaan. <\/li><li>Xayiraaddu sharcigu oggol yahay waa inay tahay mid marka horeba isu dheeli-tiran, ahna lagama maarmaan. <\/li><li>Haddii ujeeddadu tahay ilaalinta danaha guud ee cayiman (amniga qaranka, nidaamka guud, ama caafimaadka guud ama anshaxa) ama xuquuqda ama sumcadda dadka kale, waa in ay jiraan habraacyo ka ilaalinaya xad-gudubka xayiraadaha, oo ay ku jiraan in la helo habraac looga dacwoon karo oo hay&#8217;ad madax-bannaani ay fulineyso oo leh nooc ka mid ah dib u eegis garsoor. <\/li><\/ol>\n\n\n\n<p>Xayiraad kasta oo aan soo marin qodobadan waxay\njebinayaan xoriryatul qawlka xitaa haddii aysan jirin wax ciqaab ah oo ka\ndhalaneysa. Waxayna ku xad-gudbeysaa oo keliya xuquuqda xorriyadda hadalka ee\ndadka xayiraadda lagu soo rogay. Waxayna tacaddi ku noqoneysaa xuquuqda dadweynaha\nay u leeyihiin inay helaan macluumaadka iyo fikradaha.<\/p>\n\n\n\n<p>Mabaadi&#8217;da Johannesburg ee Amniga Qaranka, Xorriyatul qawlka iyo Helitaanka Macluumaadka ee ay ansixiyeen koox khubaro ah oo ku takhasusay sharciga caalamiga ah, amniga qaranka, iyo xuquuqul insaanka 1 Oktoobar 1995, ayaa caddeeyay in mabaadi&#8217;da loogu talagalay in lagu xalliyo iska horimaadka u dhexeeya xuquuqda aragtida xorriyadda iyo amniga qaranka. Waxa uu dhigayaa in \u201cdowladuhu inay adeegsadaan habka ugu xaddidan ee ugu yar ee suurtagalka ah si ay u mamnuucaan hadalka ka horimaanaya danaha amniga qaranka ee sharciga ah; xaddidaadda la doonayo in lagu sababeeyo amniga qaranka ma ahan mid sharci ah haddii ujeeddadeeda dhabta ah ama saameynta muuqata ay tahay ilaalinta danaha aan la xiriirin amniga qaranka, oo ay ku jiraan, tusaale ahaan, in laga ilaaliyo dowladda ceebeyn iyo soo bandhigid khalad, ama in la qariyo gabood-fal ay dowladdu ku kacday ama la aamusiyo wararka ku saabsan macluumaadka ku saabsan siday u shaqeeyaan hay&#8217;addeeda dawliga ah, ama in la geliyo fikrad gaar ah.<\/p>\n\n\n\n<p>Waxaan ugu baaqaynaa Wasaaradda Warfaafinta ee\nDowladda Federaalka in ay dib u eegis ku sameyso awaamiirta ay soo saartay,\nisla markaana ay xaqiijiso in aan la xaddidin xuquuqda saxafiyiinta iyo xorriyadda\nsaxaafadda ee sharcigu oggol yahay.<\/p>\n\n\n\n<p>Waxaan ugu baaqaynaa xukuumadda inay xaqiijiso\nin la ixtiraamo, la ilaaliyo, lana horumariyo xorriyadda hadalka, xorriyadda\nsaxaafadda iyo xuquuqda suxufiyiinta Soomaaliyeed.<\/p>\n\n\n\n<p>Dawladdu waa in aanay dambi ka dhigin tabinta saxaafadda\nmadaxa-bannaan iyo shaqada suxufiyiinta. Taas beddelkeeda, waxaan ku\ndhiirigelinaynaa dowladda inay dib u eegto oo ay wax ka beddesho <strong>Sharciga Saxaafadda\nSoomaaliyeed ee 2020<\/strong> oo ay ku jiraan qodobbo denbi ka dhigaya oo xaddidaya\nshaqada suxufiyiinta, waana in loo ogolaadaa ururrada warbaahinta iyo\ndaneeyayaasha saxaafadeed inay ka qayb qaataan hannaanka dib u eegista sharciga\nsaxaafadda ee muranka badani ku jiro. <\/p>\n\n\n\n<p><strong>*Waxaa saxiixay:<\/strong><\/p>\n\n\n\n<p><em>1. Guddiga Badbaadada Saxafiyiinta Soomaaliya (SMSJ)<br>2. Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS)<br>3. Isutagga Saxafiyiinta Soomaaliyeed (FESOJ)<br>4. Dalladda Warbaahinta Soomaaliyeed (SOMA)<br>5. Dallada Xarumaha Warbaahinta Madaxa-Banaan ee Soomaaliyeed (SIMHA)<\/em><\/p>\n\n\n\n<p class=\"has-text-align-center\">&#8211; DHAMMAAD &#8211;<\/p>\n\n\n\n<p><strong><a href=\"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/10\/Joint-Statement-Somali-media-fraternity-expresses-concern-about-the-Somalia-government\u2019s-directive.pdf\" target=\"_blank\" rel=\"noreferrer noopener\" aria-label=\"AKHRI WAR SAXAAFADEEDKA DHAN PDF (opens in a new tab)\">AKHRI WAR SAXAAFADEEDKA DHAN PDF<\/a><\/strong><\/p>\n\n    <div class=\"xs_social_share_widget xs_share_url after_content \t\tmain_content  wslu-style-1 wslu-share-box-shaped wslu-fill-colored wslu-none wslu-share-horizontal wslu-theme-font-no wslu-main_content\">\n\n\t\t\n        <ul>\n\t\t\t        <\/ul>\n    <\/div> \n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>MUQDISHO, Soomaaliya, 10 Oktoobar 2022 \u2013 Bahda saxaafadda Soomaaliyeed iyo ururrada saxafiyiinta* ayaa ka walaacsan awaamiirta cusub ee ay soo saartay dowladda federaalka Soomaaliya ee ku saleysan xayiraadda iyo joojinta waxa ay ugu yeertay dowladdu \u201cfidinta fikradaha xagjirnimada iyo argagixisada\u201d.<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":3113,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[38,2,32,31,58,35,36],"tags":[568,215],"class_list":{"0":"post-3110","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-dhacdooyin","8":"category-featured","9":"category-in-the-news","10":"category-ololaha","11":"category-somali","12":"category-warbixinnada","13":"category-waxqabadka","14":"tag-media-restriction","15":"tag-press-freedom-somalia"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/3110","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=3110"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/3110\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":4299,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/3110\/revisions\/4299"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/3113"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=3110"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=3110"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=3110"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}