{"id":2943,"date":"2022-07-27T23:03:14","date_gmt":"2022-07-27T20:03:14","guid":{"rendered":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/?p=2943"},"modified":"2023-12-12T18:49:38","modified_gmt":"2023-12-12T18:49:38","slug":"danjiraha-mareykanka-oo-sjs-kala-qeybgalay-shahaado-guddoonsiinta-26-saxafi-oo-lagu-tabaray-xurfadeynta-warbaahinta-soomaaliyeed","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/danjiraha-mareykanka-oo-sjs-kala-qeybgalay-shahaado-guddoonsiinta-26-saxafi-oo-lagu-tabaray-xurfadeynta-warbaahinta-soomaaliyeed\/","title":{"rendered":"Danjiraha Mareykanka oo SJS kala qeybgalay shahaado guddoonsiinta 26 saxafi oo lagu tabaray xurfadeynta warbaahinta Soomaaliyeed"},"content":{"rendered":"\n<p><strong>MUQDISHO, Somalia 27 July, 2022<\/strong> \u2013 Danjiraha U.S ee Soomaaliya Larry Andr\u00e9 ayaa kala qeybgalay team ka SJS bixinta shahaadooyinka saxafiyiinta dhameystay tababarka xirfad dhisidda saxafiyiinta oo muddo saddex maalin (25 \u2013 27 Luulyo, 2022) kasocday magaalada Muqdisho. <\/p>\n\n\n\n<p>Tababarkan\noo ay taageertay Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa diiradda lagu saaray\nafar qeybood oo waaweyn: Xorriyatul qowlka iyo xorriyadda warbaahinta oo ay ku\nlamaansan tahay xaddidaada iyo mas\u2019uuliyadaha saxafiyiinta; xeerka anshaxa\nsaxafiyiinta iyo shuruucda warbaahinta; hababka hubinta xaqiiqooyinka iyo xogta\niyo ka hortagga wararka been abuurka; iyo habka kasoo waramidda goobaha\ncolaadaha.&nbsp; Waxaana tababarkan ka faa\u2019ideystay\n26 wariye oo ka kala yimid gobollada dalka. Barnaamijkan ayaa qeyb ka ah mashruuc\ncusub oo tababarro ah oo ay SJS qorsheyneyso inay ku tababarto illaa 50 saxafi\noo ku kala sugan gobollada dalka.<\/p>\n\n\n\n<p>Tababarku\nwuxuu diiradda saaray baahida loo qabo in saxafiyiinta la tababaray ay bulshada\nu soo gudbiyaan xog dhab ah, dheeli tiran oo la hubo si ay dadweynaha ugu go\u2019aan\nqaataan arrimaha khuseeya noloshooda, bulshadooda iyo dawladnimadooda.\nSaxafiyiinta xirfadleyda ahi waxay u baahan yihiin inay ku dhaqmaan anshax\nxaqiiqo raadin iyo xaqiijinta RUNTA. Muddadii uu tababarku socday waxay SJS ay\nsiisay ka qeybgalayaasha buuggaag ku qoran luuqadda Soomaaliga oo lagama\nmaarmaan u ah fahamka aqoonta iyo macluumaadka uu xambaarsanaa tababarkan.<\/p>\n\n\n\n<p>SJS\nwaxay kaloo sameysay qiimayn ku saabsan tababarka iyadoo su\u2019aalo qoraal ah la\nsiiyay ka qeybgalayaasha si loo qiimeeyo in ujeedooyinkii tababarka la fuliyay\niyo in kale taasoo muujineysa in tababarka saddexda maalin la gaaray wax ka\nbadan intii la filayey.<\/p>\n\n\n\n<p>Xilligan\noo ay dunida oo dhan ciriiri ku jirto isgaarsiinta, waxa muhiim ah in la kala\nsaaro shaqada wartebinta ee saxafiyiinta iyo noocyada kale ee isgaarsiinta.\nTababarkani waxa uu hagay oo awood siiyay saxafi kasta oo ka qeybgalay xirfado\nlagama maarmaan u ah shaqada war-tebinta. Waxaa ka sii muhiimsan, tababarku\nwuxuu bixiyay meel ammaan ah oo lagu wadaago fikradaha iyo waayo aragnimada ku\nsaabsan xadgudubyada iyo caqabadaha ay la kulmaan saxafiyiinta Soomaaliya. <\/p>\n\n\n\n<p>Gabagabadii\ntababarka Xoghayaha Guud ee SJS, Abdalle Ahmed Mumin ayaa u mahadceliyay safaaradda\nMareykanka oo taageertay mashruuca tababarkan, isagoo in loo baahan yahay in la\nhelo habab cusub oo lagu xoojin karo warbaahinta madaxa-bannaan si loola\ndagaallamo dhaqanka \u2018Sharuurka\u2019. \u201cWaxqabadyada noocaan ah waxaa ka mid noqon\nkara taageero lacageed oo ay bixiso hay\u2019adaha caalamiga si ay u xorowdo warbaahinta\nhadda ay afduubka u haystaan siyaasiyiin musuq ku shaqeysta ee xukunka kaliya u\nooman iyo \u200b\u200bganacsatada aan daacadda ahayn,\u201d ayuu yiri Xoghayaha Guud ee SJS,\nAbdalle Ahmed Mumin.<\/p>\n\n\n\n<p>\u201cWaxaan\nkaloo ogaannay inay jirto baahi loo qabo tababar gooni u ah kor u qaadida\ntayada saxafiyiinta dumarka ah ee la kulma caqabado gaar ah, tababarrida milkiilayaasha\nwarbaahinta iyo agaasimayaasha iyo dhiirigelinta saxaafadda wax-baarta si ay\nula xisaabtanto mas\u2019uuliyinta dowladda iyo inay taageerto hannaanka dowladnimo\nloo dhan yahay,\u201d ayuu sii raaciyey Xoghaye Mumin hadalkiisa.<\/p>\n\n\n\n<p>Abdullahi\nHussein Kilas oo ka yimid Jubbaland iyo Amina Abdirahman oo ka timid Koonfur Galbeed,\noo ka mid ahaa ka qeybgalayaasha ayaa munaasabadda gabagabada tababarka ka\nsheegay inay xirfado muhiim ah ku barteen tababarka, ayna rajeynayaan inay wax\nweyn iska beddeli doonaan shaqadooda saxafinnimo. Waxay labaduba u mahadceliyeen\nSJS iyo Safaaradda Mareykanka dadaalka ay ku bixiyeen qabashada tababarkan.<\/p>\n\n\n\n<p>Danjiraha Mareykanka, Larry Andr\u00e9 oo saxafiyiinta la\nhadlay kahor intaan shahaadooyinka la guddoonsiin ayaa sheegay inuu xushmad\nweyn u hayo shaqada saxafiyiinta iyo warbaahinta Soomaaliyeed, isagoo xusay in\nSafaaradda Mareykanka ay sii wadeyso inay kala hadasho madaxda dowladda\nSoomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada tacaddiyada loo geysto saxafiyiinta.<\/p>\n\n\n\n<p>Danjire Larry Andr\u00e9 oo la hadlay ka soo qeyb\ngalayaasha wax yar ka hor inta aan la guddoonsiin shahaadooyinka ayaa sheegay\nin uu si weyn u ixtiraamayo shaqada ay hayaan suxufiyiinta Soomaaliyeed isagoo\nxusay in safaaradda Mareykanka ay sii wadayaan in ay miiska soo saaraan\narrimaha ilaalinta suxufiyiinta iyo xoriyadda warbaahinta. wada hadalka madaxda\nfederaalka Soomaaliya iyo maamulada ka jira dowlad goboleedyada.<\/p>\n\n\n\n<p>&#8220;Tababarka saxafiyiinta wuxuu sharxayaa waxa ay\nyihiin heerarka xirfadeed ee ugu sarreeya ee aad haysato iyo inay tahay xirfad\nnololeed oo aad dib u eegis ku sameyn karto noloshaada. Tababarkan waxa aan\nbahwadaag kula nahay Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee SJS, iyadoo qorshuhu\nyahay in la gaaro illaa 50 Suxufi oo ku kala sugan laba gobol oo kala duwan oo\nSoomaaliya ka mid ah, si aan u dhisno xirfadahooda shaqo iyo halbeeg la\njaanqaadi kara xorriyadda saxaafadda iyo waajibaadka shaqo ee ay leeyihiin,\u201d\nayuu yiri danjire Andr\u00e9 \u201cSi loo helo soo kabashada Soomaaliya, waxaa lagama\nmaarmaan ah in la helo saxaafad xor ah oo firfircoon. Waxaan la socdaa\ndhibaatooyinka ay la kulmaan dhammaan saxafiyiinta Soomaaliya iyo\ndhibaatooyinka dheeraadka ah ee ay la kulmaan haweenka saxafiyiinta ah,\u201d ayuu\nyiri danjire Andr\u00e9.<\/p>\n\n    <div class=\"xs_social_share_widget xs_share_url after_content \t\tmain_content  wslu-style-1 wslu-share-box-shaped wslu-fill-colored wslu-none wslu-share-horizontal wslu-theme-font-no wslu-main_content\">\n\n\t\t\n        <ul>\n\t\t\t        <\/ul>\n    <\/div> \n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>MUQDISHO, Somalia 27 July, 2022 \u2013 Danjiraha U.S ee Soomaaliya Larry Andr\u00e9 ayaa kala qeybgalay team ka SJS bixinta shahaadooyinka saxafiyiinta dhameystay tababarka xirfad dhisidda saxafiyiinta oo muddo saddex maalin (25 \u2013 27 Luulyo, 2022) kasocday magaalada Muqdisho. <\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":2944,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[38,2,32,31,58,35,36],"tags":[552,49,551],"class_list":{"0":"post-2943","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-dhacdooyin","8":"category-featured","9":"category-in-the-news","10":"category-ololaha","11":"category-somali","12":"category-warbixinnada","13":"category-waxqabadka","14":"tag-professional-training","15":"tag-sjs","16":"tag-u-s-embassy"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/2943","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=2943"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/2943\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":4301,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/2943\/revisions\/4301"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/2944"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=2943"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=2943"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=2943"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}