{"id":2571,"date":"2022-01-22T11:31:01","date_gmt":"2022-01-22T08:31:01","guid":{"rendered":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/?p=2571"},"modified":"2023-12-12T18:49:38","modified_gmt":"2023-12-12T18:49:38","slug":"booliska-hirshabeelle-ayaa-weeraray-kaddibna-demiyay-radio-hiiraan-iyagoona-xiray-toddobo-weriye-oo-ka-tirsan-idaacadda","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/booliska-hirshabeelle-ayaa-weeraray-kaddibna-demiyay-radio-hiiraan-iyagoona-xiray-toddobo-weriye-oo-ka-tirsan-idaacadda\/","title":{"rendered":"Booliska Hirshabeelle ayaa weeraray kaddibna demiyay Radio Hiiraan iyagoona xiray toddobo weriye oo ka tirsan idaacadda"},"content":{"rendered":"\n<p>MUQDISHO, Soomaaliya, 22 Janaayo, 2022 \u2013 Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) iyo bahwadaagteeda Dalladda Warbaahinta Soomaaliyeed (SOMA) waxay cambaareenayaan <a href=\"https:\/\/www.facebook.com\/Hiiraanweynmedia\/posts\/128056756379133\" target=\"_blank\" rel=\"noreferrer noopener\" aria-label=\"weerarka (opens in a new tab)\">weerarka<\/a> booliska Hirshabeelle ku qaadeen xarunta idaacadda madaxa bannaan ee Radio Hiiraan Weyn ee magaalada Beledweyne, deminta idaacadda iyo xarigga toddobo suxufi oo ka howlgala idaacadda. Falkaasi ayaa dhacay Jimcihii 21-ka Janaayo kaddib wareysiyo lala yeeshay dad deegaanka ah oo ka soo horjeeda maamulka Hirshabeelle.<\/p>\n\n\n\n<p>Sida ku cad muuqaallada ay duubtay kaamirada CCTV iyo wareysiyo lala yeeshay suxufiyiinta, abaare 2:58pm Jimcihii ayay ciidan aad u hubeysan oo uu horkacayo taliyaha booliiska Beledweyne Maxamed Xuseen Maxamuud (Duur-dage) <a rel=\"noreferrer noopener\" aria-label=\"weerar (opens in a new tab)\" href=\"https:\/\/www.facebook.com\/Hiiraanweynmedia\/posts\/128032693048206\" target=\"_blank\">weerar<\/a> ku qaadeen xarunta Idaacadda Hiiraan Weyn, iyagoona hawada ka saaray baahinta idaacadda ka hor inta aan la xirin todobado wariye ee shaqada ku jiray. Toddobada wariye ee kala ah \u2013  Yaasiin Cali Axmed (Tafatiraha guud), Cabdullaahi Cali Abuukar, Maxamed Ibraahim Axmed, Maxamed Cismaan Maxamuud, Cabdisamad Cilmi Cabdi, Cabdimajiid Daahir iyo Mustaf Cali Caddow \u2013  ayaa lagu qaaday gaari booliis oo dusha ka furan, waxaana lagu xiray saldhigga booliiska magaalada Beledweyne, iyaga oo aan la kulmin qoysaskooda iyo qareennadooda. Waxaa halkaa lagu hayey illaa saqdii dhexe habeennimada Jimcaha markaas oo dhamaantood la sii daayay iyada oo aan wax dacwad ah lagu soo oogin.<\/p>\n\n\n\n<figure class=\"wp-block-image size-large\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" width=\"720\" height=\"540\" src=\"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/01\/Seven-journalists-held-in-detention-in-Beledweyne-on-Friday-1.jpeg\" alt=\"Toddobada wariye ee kala ah \u2013  Yaasiin Cali Axmed (Tafatiraha guud), Cabdullaahi Cali Abuukar, Maxamed Ibraahim Axmed, Maxamed Cismaan Maxamuud, Cabdisamad Cilmi Cabdi, Cabdimajiid Daahir iyo Mustaf Cali Caddow \u2013  ayaa lagu qaaday gaari booliis oo dusha ka furan, waxaana lagu xiray saldhigga booliiska magaalada Beledweyne, iyaga oo aan la kulmin qoysaskooda iyo qareennadooda. | SAWIRKA\/SJS.\" class=\"wp-image-2573\" srcset=\"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/01\/Seven-journalists-held-in-detention-in-Beledweyne-on-Friday-1.jpeg 720w, https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/01\/Seven-journalists-held-in-detention-in-Beledweyne-on-Friday-1-300x225.jpeg 300w, https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/01\/Seven-journalists-held-in-detention-in-Beledweyne-on-Friday-1-80x60.jpeg 80w, https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/01\/Seven-journalists-held-in-detention-in-Beledweyne-on-Friday-1-265x198.jpeg 265w, https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/01\/Seven-journalists-held-in-detention-in-Beledweyne-on-Friday-1-696x522.jpeg 696w, https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/01\/Seven-journalists-held-in-detention-in-Beledweyne-on-Friday-1-560x420.jpeg 560w\" sizes=\"auto, (max-width: 720px) 100vw, 720px\" \/><figcaption>Toddobada wariye ee kala ah \u2013  Yaasiin Cali Axmed (Tafatiraha guud), Cabdullaahi Cali Abuukar, Maxamed Ibraahim Axmed, Maxamed Cismaan Maxamuud, Cabdisamad Cilmi Cabdi, Cabdimajiid Daahir iyo Mustaf Cali Caddow \u2013  ayaa lagu qaaday gaari booliis oo dusha ka furan, waxaana lagu xiray saldhigga booliiska magaalada Beledweyne, iyaga oo aan la kulmin qoysaskooda iyo qareennadooda. | SAWIRKA\/SJS.<\/figcaption><\/figure>\n\n\n\n<p>Sida ay wariyayaashu sheegeen, waxaa markii dambe la geeyay guri gaar ah oo ay ku sugnaayeen Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle, Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed), Taliyaha Booliska Hirshabeelle, Gaashaanle Sare Xasan Dhicisow iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, Gaashaanle Sare Maxamuud Xasan Ibraahim. Mas\u2019uuliyiintan ayaa ugu hanjabay wariyeyaasha in cawaaqib xumo ay la kulmi doonaan haddii ay soo gudbiyaan dhaliil ku ah maamulka Hirshabeelle.<\/p>\n\n\n\n<p>Baahinta idaacadda ayaa dib u bilaabatay subaxnimadii Sabtida.<\/p>\n\n\n\n<p>SJS iyo SOMA waxay ka walaacsan yihiin hanjabaadaha illaa hadda lagu hayo shaqaalaha Radio Hiiraan Weyn, gaar ahaan hanjabaadda \u2018dhimasho iyo in la waayi doono\u2019 ee uu weriyayaasha ugu hanjabay taliyaha booliiska Hirshabeelle, Gaashaanle Sare Xasan Dhicisow.<\/p>\n\n\n\n<p>SJS iyo SOMA waxa kale oo ay ka walaacsan yihiin in askarta booliska ee xadgudubkan bareerka ah geystay iyo taliyayaashooda ay tababar iyo qalabeyn ka heleen lacag tabarucaad ah oo ay bixiyeen dawladaha Ingiriiska iyo Jarmalku iyada oo loo marayo Barnaamij Wadajirka ee Booliiska (<a href=\"https:\/\/mptf.undp.org\/document\/download\/21406\">Joint Police Program<\/a>) kaasoo aan lahayn hab isla xisaabtan iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha oo ay ku jirto dhowrista xuquuqda xoriyatul qawlka.<\/p>\n\n\n\n<p>\u201cWaxaan si adag u cambaareyneynaa weerarkii hubeysnaa ee lagu xiray Idaacadda Hiiraan Weyn ee magaalada Beledweyne Jimcihii iyo xarigga toddobo weriye oo ka tirsan idaacadda. Anagoo ku faraxsannahay in dhammaan todobada weriye ay xorriyadooda dib u helaan, idaacadduna ay saaka oo Sabti ah shaqadeeda dib u billowday, waxaan sidoo kale cambaaraynaynaa hanjabaadda iyo cadaadiska sii socda ah ee lagu hayo suxufiyiinta iyo shaqaalaha ka hawl-gala Idaacadda Hiiraanweyn,\u201d ayuu yiri Cabdalle Axmed Mumin, Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee SJS.<\/p>\n\n\n\n<p>\u201cWaxaan xasuusineynaa maamulka Hirshabeelle, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo saaxiibadooda caalamiga ah inay mas\u2019uuliyad ka saaran tahay in sarkaal kasta oo weerarka Idaacadda Hiiraan Weyn ku lug lahaa, oo xiray suxufiyiinta, una hanjabay in baaritaanno lagu sameeyo, lagulana xisaabtamo,\u201d ayuu sii raaciyay hadalkiisa Mr. Mumin.<\/p>\n\n\n\n<p>\u201cWaxaan cambaareyneynaa weerarkii lagu qaaday Radio Hiiraan Weyn iyo xarigga toddobada weriye sida ugu xooggan. In kastoo suxufiyiinta laga sii daayay xabsiga, haddana hanjabaaddu weli ma joogsan. Waxaan ugu baaqaynaa in booliiska Hirshabeelle ay joojiyaan hanjabaadahaas, ayna u oggolaadaan warbaahinta madaxa bannaan ee ka howlgasha magaalada Beledweyne, ayna suxufiyiintu ku shaqeeyaan si madax-bannaani buuxda ah,\u201d ayuu yiri Maxamed Cismaan Makaraan, xoghayaha guud ee ururka warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA.<\/p>\n\n    <div class=\"xs_social_share_widget xs_share_url after_content \t\tmain_content  wslu-style-1 wslu-share-box-shaped wslu-fill-colored wslu-none wslu-share-horizontal wslu-theme-font-no wslu-main_content\">\n\n\t\t\n        <ul>\n\t\t\t        <\/ul>\n    <\/div> \n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>MUQDISHO, Soomaaliya, 22 Janaayo, 2022 \u2013 Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) iyo bahwadaagteeda Dalladda Warbaahinta Soomaaliyeed (SOMA) waxay cambaareenayaan weerarka booliska Hirshabeelle ku qaadeen xarunta idaacadda madaxa bannaan ee Radio Hiiraan Weyn ee magaalada Beledweyne, deminta idaacadda iyo xarigga toddobo suxufi oo ka howlgala idaacadda. Falkaasi ayaa dhacay Jimcihii 21-ka Janaayo kaddib wareysiyo lala yeeshay dad deegaanka ah oo ka soo horjeeda maamulka Hirshabeelle.<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":2572,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[38,2,32,31,58,35,36],"tags":[152,499,42],"class_list":{"0":"post-2571","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-dhacdooyin","8":"category-featured","9":"category-in-the-news","10":"category-ololaha","11":"category-somali","12":"category-warbixinnada","13":"category-waxqabadka","14":"tag-hirshabelle","15":"tag-joint-police-programme","16":"tag-somalia"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/2571","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=2571"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/2571\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":4305,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/2571\/revisions\/4305"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/2572"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=2571"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=2571"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=2571"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}