{"id":2167,"date":"2021-05-16T23:40:35","date_gmt":"2021-05-16T20:40:35","guid":{"rendered":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/?p=2167"},"modified":"2023-12-12T18:49:39","modified_gmt":"2023-12-12T18:49:39","slug":"booliska-iyo-nisa-oo-muqdisho-ku-weeraray-suxufiyiin-tebinayey-dibaxbax-iyagoo-garaacay-gabar-weriye-ah-kana-qaatay-qalab","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/booliska-iyo-nisa-oo-muqdisho-ku-weeraray-suxufiyiin-tebinayey-dibaxbax-iyagoo-garaacay-gabar-weriye-ah-kana-qaatay-qalab\/","title":{"rendered":"Booliska iyo NISA oo Muqdisho ku weeraray suxufiyiin tebinayey dibaxbax, iyagoo garaacay gabar weriye ah, kana qaatay qalab"},"content":{"rendered":"\n<p>MUQDISHO, Soomaaliya 16 May 2021 &#8211; Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed <a href=\"https:\/\/www.facebook.com\/sjsyndicate\/?__cft__[0]=AZX9O_rtFCqCr7PDzwUz0ncq2rjcEnhS-gZS_MeeS7A7pWpEqdz-Q_pwJ_R2bT-jUI6ygm5Sp27hucyxLXryh_GXyGqEA54EaZKz8O5hzClDDW1lzNCDlLD-uL_LdqUcikPQl35i6ULm5KTDtG2he5Hy&amp;__tn__=kK-R\">Somali Journalists Syndicate &#8211; SJS<\/a> wuxuu si adag u cambaareynayaa weerarka, handadaada iyo hor joogsiga ay maanta ciidan isugu jiray booliska Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Nabadsugidda iyo Sirdoonka (NISA) u geysteen koox suxufiyiin ah oo kasoo waramayey Taalada Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho, halkaas oo waalidiin ka cabanayey \u201c<a href=\"https:\/\/www.facebook.com\/nationfmradio\/posts\/145970530879756\" target=\"_blank\" rel=\"noreferrer noopener\" aria-label=\"carruur ay sheegeen inay ka maqan yihiin (opens in a new tab)\">carruur ay sheegeen inay ka maqan yihiin<\/a>\u201d ay ku dhigayeen dibadbax.<\/p>\n\n\n\n<p>Ciidanka ayaa ku amray suxufiyiinta oo ka kala socday dhowr xarun warbaahineed inay goobta ka tagaan, oo ay joojiyaan shaqadooda. Qaar ka mid ah warfdiyeennada oo SJS la hadlay ayaa sheegay in askarta ay ugu hanjabeen inay xiri doonaan, qalabkana ka qaadan doonaan haddii aysan joojin shaqada ay suxufiyiinta ku guda jireen.<\/p>\n\n\n\n<p>Taliyaha Booliska Degmada Xamar Weyne, Gaashaanle Sharma\u2019arke Xasan Maxamuud iyo askari la socday ayaa u gacanqaaday weriye Fardowso Maxamuud Sahal oo ka tirsan Radio Kulmiye. <\/p>\n\n\n\n<p>Sida ay SJS u sheegtay Fardowso waxay ku guda jirtay <a href=\"https:\/\/www.facebook.com\/fardowso.maxamudsahal\/videos\/1454277224920144\" target=\"_blank\" rel=\"noreferrer noopener\" aria-label=\"wareysiyo ay la yeelaneysay (opens in a new tab)\">wareysiyo ay la yeelaneysay<\/a> waalidiinta dibadbaxayey markii askarta ay ku billaabeen gacanqaad sababay inay dhulka ku dhacdo.  Waxaa hadda Fardowso ka maqan agabkii iyo telefoonkii ay ku shaqeyneysay oo Taliyaha Booliska Xamar Weyne iyo askartiisu qaateen.<\/p>\n\n\n\n<p>SJS waxay cambaareyneysaa weerarka ciidanka booliska iyo NISA lagu qaaday suxufiyiinta kasoo warameysay dibadbaxa Daljirka Dahsoon maanta. Waxaan si adag u cambaareynaynaa sida dhaqan-xumada ah ee uu ku kacay Taliyaha Booliska Degmada Xamar Weyne, Gaashaanle Sharma\u2019arke Xasan Maxamuud.  In loo gacanqaado oo la waxyeeleeyo suxufi \u2013 weliba gabar- waxay ka ka hor imaaneysaa dhammaan xeerarka iyo shuruucda dalka ee dhowrista xuquuqda muwaadinka iyo tan suxufiga. <\/p>\n\n\n\n<p>\u201cTaliyaha falkan geystay iyo askartiisu ma mudna inay booliska Soomaaliyeed ka sii tirsanaadaan. Waa in tallaabo deg deg ah laga qaado, lana marsiiyo anshaxmarin la eg dhaqankiisa cadowtinimada leh ee uu booliska Soomaaliyeed kula dhex jiro,\u201d ayuu yiri Xoghayaha Guud ee Ururka SJS, <a href=\"https:\/\/www.facebook.com\/AbdalleMumin?__cft__[0]=AZX9O_rtFCqCr7PDzwUz0ncq2rjcEnhS-gZS_MeeS7A7pWpEqdz-Q_pwJ_R2bT-jUI6ygm5Sp27hucyxLXryh_GXyGqEA54EaZKz8O5hzClDDW1lzNCDlLD-uL_LdqUcikPQl35i6ULm5KTDtG2he5Hy&amp;__tn__=-]K-R\">Abdalle Ahmed Mumin<\/a>.<\/p>\n\n\n\n<p>&#8220;Ma jirto sabab askarta u ogollaaneysa inay beegsadaan suxufiyiin shaqadooda si caadi ah u gudaneysa. Waa inay joogsataa aragtida gurracan ee ciidamada amaanka loo adeegsanayo hor istaagidda suxufiyiinta. Saxaafaddu ma aha denbi,&#8221; ayuu sii raaciyey Xoghaye Mumin.<\/p>\n\n    <div class=\"xs_social_share_widget xs_share_url after_content \t\tmain_content  wslu-style-1 wslu-share-box-shaped wslu-fill-colored wslu-none wslu-share-horizontal wslu-theme-font-no wslu-main_content\">\n\n\t\t\n        <ul>\n\t\t\t        <\/ul>\n    <\/div> \n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>MUQDISHO, Soomaaliya 16 May 2021 &#8211; Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed Somali Journalists Syndicate &#8211; SJS wuxuu si adag u cambaareynayaa weerarka, handadaada iyo hor joogsiga ay maanta ciidan isugu jiray booliska Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Nabadsugidda iyo Sirdoonka (NISA) u geysteen koox suxufiyiin ah oo kasoo waramayey Taalada Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho, halkaas oo waalidiin ka cabanayey \u201ccarruur ay sheegeen inay ka maqan yihiin\u201d ay ku dhigayeen dibadbax.<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":2168,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[38,2,32,31,58,35,36],"tags":[450,449,159,179],"class_list":{"0":"post-2167","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-dhacdooyin","8":"category-featured","9":"category-in-the-news","10":"category-ololaha","11":"category-somali","12":"category-warbixinnada","13":"category-waxqabadka","14":"tag-booliska","15":"tag-daljirka-dahson","16":"tag-muqdisho","17":"tag-nisa"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/2167","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=2167"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/2167\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":4313,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/2167\/revisions\/4313"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/2168"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=2167"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=2167"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=2167"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}