{"id":1889,"date":"2021-01-15T17:22:49","date_gmt":"2021-01-15T14:22:49","guid":{"rendered":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/?p=1889"},"modified":"2023-12-12T18:49:39","modified_gmt":"2023-12-12T18:49:39","slug":"kaddib-labo-toddobaad-oo-lagu-hayey-xabsi-qarsoodi-ah-ayey-puntland-ku-eedeysay-weriye-kilwe-isku-day-dil","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/kaddib-labo-toddobaad-oo-lagu-hayey-xabsi-qarsoodi-ah-ayey-puntland-ku-eedeysay-weriye-kilwe-isku-day-dil\/","title":{"rendered":"Kaddib labo toddobaad oo lagu hayey xabsi qarsoodi ah ayey Puntland ku eedeysay weriye Kilwe &#8216;isku day dil&#8217;"},"content":{"rendered":"\n<p>MUQDISHO, Soomaaliya 15 Jannaayo,  2021 \u2013 Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu si weyn uga walaacsan yahay eedeynta siyaasadeysan ee ah <a href=\"https:\/\/radiorisaala.com\/220906-2\/\" target=\"_blank\" rel=\"noreferrer noopener\" aria-label=\"'isku day dil' (opens in a new tab)\">&#8216;isku day dil&#8217;<\/a> ee Maxkamadda militariga Puntland ku soo oogay weriye madax-bannaan Kilwe Aadan Faarax oo lagu hayey xabsi qarsoodi ah oo ku yaalla magaalada Garowe, tan iyo 27kii Disembar 2020.<\/p>\n\n\n\n<p>Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee SJS wuxuu kaloo ka welwelsan yahay xaaladda jir ahaaneed iyo midda maskaxeed ee weriye Kilwe sababo la xiriira wararka sheegaya in jirdil loogu geystay xabsiga hay\u2019adda Sirdoonka Puntland ee PISA laga soo bilaabo 27 Disembar ilaa 11 Janaayo.<\/p>\n\n\n\n<p>Ciidmada Nabadsugidda Puntland ee PISA ayaa <a href=\"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/2020\/12\/31\/puntland-police-detain-freelance-journalist-in-undisclosed-location-two-others-released-in-jowhar-and-garowe\/\" target=\"_blank\" rel=\"noreferrer noopener\" aria-label=\"weriye Kilwe ku xiray (opens in a new tab)\">weriye Kilwe ku xiray<\/a> magaalada Garowe 27kii Disembar, kaddib markii uu ku faafiyay warbaahin dhanka facebook-ga ah oo lagu magacaabo Kilwe Media Inc, mudaaharaad ay dadweynaha ka sameeyeen magaalada Garowe oo looga cabanayey sicir bararka.  Weriye Kilwe ayaa ku xirnaa goob aan la garaneyn, loona diiday qareenadiisa iyo qoyskiisa inay booqdaan, sida ay qaar ka mid ah eheladiisa u sheegeen SJS.<\/p>\n\n\n\n<p>Iyadoon cid ka warqabtaa jirin ayaa Isniintii 11 Janaayo 2021, ayaa weriye Kilwe loo wareejiyay xabsiga dhexe ee magaalada Garowe, iyadoo lagu soo oogay &#8220;isku day dil&#8221;. Qoyska Kilwe waxay sheegeen inaysan helin warqadda eedeynta, balse uu u akhriyay oo keliya sarkaal ka socda maxkamadda ciidamada militariga Puntland.<\/p>\n\n\n\n<p>Sarkaal ka tirsan xafiiska Xeer Ilaalinta Puntland ayaa SJS u sheegay in \u201cQodobka 87aad ee Dastuurka Puntland uu mamnuucayo in dadka shacabka ah dacwadooda lagu qaado maxkamad militeri, sidoo kalena qodobka 27aad ee Dastuurka Puntland wuxuu mamnuucayaa in muwaadiniinta lagu xiro goob aan sharci ahayn\u201d Sidaasi awgeedna xarigga Kilwe uu yahay mid aan waafaqsaneyn  sharciga dalka iyo shuruucda kale ee xuquuqda aadanaha ee heer caalami.<\/p>\n\n\n\n<p>Labo ka mid ah difaacayaasha xuquuqda aadanaha oo  SJS la hadlay, magacyadooda loo qariyay amnigooda awgiis,  ayaa sheegay inay aaminsan yihiin in Kilwe uu u xiran yahay tebintii mudaaharaadkii 26 Disembar ka dhacay Garowe kaasoo uu dhibsaday madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullahi Deni.  Sidoo kale suxufiyiinta ayaa aaminsan in eedeynta isku day dil ee ka dhanka ah weriye Kilwe ay tahay tallaabo la doonayo in lagu cabsi geliyo, laguna aamusiyo saxaafadda xorta ah.<\/p>\n\n\n\n<p>\u201cWaxaan si xooggan uga walaacsanahay eedeynta been abuurka ah ee siyaasadeysan ee Puntland ay ku soo oogtay saaxiibkeen weriye Kilwe Aadan Faarax. Waxaa cad in eedeymahan oo yimid kaddib xariggiisa iyo kaddib markii ay soo bexeen wararka sheegaya in la jirdilay Kilwe,ay yihiin kuwo ka dhan ah shaqadiisa weriyanimo,\u201d Xoghayaha Guud ee SJS, Cabdalle Axmed Mumin ayaa yiri.<\/p>\n\n\n\n<p>\u201cWaxaan ugu baaqeynaa maamulka inay si deg deg oo shuruud la&#8217;aan ah ku siidaayaan weriye Kilwe, una oggolaadaan inuu dib ula midoobo qoyskiisa, uuna sii wato shaqadiisa weriyanimo si welwel la&#8217;aan iyo cabsi gelin la&#8217;aan ah. Sidoo kale saraakiisha dowladda waa inay si daacadnimo leh oo dhameystiran u baaraan wararka  jirdilka lagu sameeyay weriye Kilwe, lana keeno maxkamadda kuwii geystay falkaasi.&#8221; ayuu sii raaciyey Xoghaye Mumin.<\/p>\n\n    <div class=\"xs_social_share_widget xs_share_url after_content \t\tmain_content  wslu-style-1 wslu-share-box-shaped wslu-fill-colored wslu-none wslu-share-horizontal wslu-theme-font-no wslu-main_content\">\n\n\t\t\n        <ul>\n\t\t\t        <\/ul>\n    <\/div> \n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>MUQDISHO, Soomaaliya 15 Jannaayo,  2021 \u2013 Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu si weyn uga walaacsan yahay eedeynta siyaasadeysan ee ah &#8216;isku day dil&#8217; ee Maxkamadda militariga Puntland ku soo oogay weriye madax-bannaan Kilwe Aadan Faarax oo lagu hayey xabsi qarsoodi ah oo ku yaalla magaalada Garowe, tan iyo 27kii Disembar 2020.<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":1890,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[38,2,32,31,58,35,36],"tags":[404,405,98,49,42],"class_list":{"0":"post-1889","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-dhacdooyin","8":"category-featured","9":"category-in-the-news","10":"category-ololaha","11":"category-somali","12":"category-warbixinnada","13":"category-waxqabadka","14":"tag-kilwe-adan","15":"tag-pisa","16":"tag-puntland","17":"tag-sjs","18":"tag-somalia"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1889","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=1889"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1889\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":4322,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1889\/revisions\/4322"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/1890"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=1889"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=1889"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=1889"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}