{"id":1754,"date":"2020-11-17T21:12:40","date_gmt":"2020-11-17T18:12:40","guid":{"rendered":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/?p=1754"},"modified":"2023-12-12T18:49:39","modified_gmt":"2023-12-12T18:49:39","slug":"kahor-doorashooyinka-waa-muhiim-badbaadinta-xorriyadda-warbaahinta-soomaaliya","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/kahor-doorashooyinka-waa-muhiim-badbaadinta-xorriyadda-warbaahinta-soomaaliya\/","title":{"rendered":"Kahor doorashooyinka, waa muhiim badbaadinta xorriyadda warbaahinta Soomaaliya"},"content":{"rendered":"\n<p>MUQDISHO, Soomaaliya, 17 November 2020 &#8211; Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS), Daladda Warbaahinta Madaxa-Bannaan (SOMA), ururka wariyaasha baahiyaha gaarka qaba,Dallada Warfidiyeenka Shabeellaha Hoose, agaasimayaasha in ka badan 30 xarun warbaahinta oo madax-bannaan ayaa maanta kulan wadajir ah oo looga tashanayey xorriyadda warbaahinta, xeerka warbaahinta iyo badqabka weriyayaasha xilliga doorashoyinka isugu yimid magaalada Muqdisho.<\/p>\n\n\n\n<p>Madaxda ururrada warfidiyeenka, kuwa warbaahinta iyo agaasimayaasha warbaahinta madaxa-bannaan ayaa si wadajir ah walaac uga muujiyay bayaan uu dhowaan soo saaray Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cisman Abokor Dubbe u diray xubnaha beesha caalamka isagoo ku weydiistay taageero ku aadan dhaqan-gelinta Xeerka Warbaahinta ee caburinta iyo faafreeb ku soo rogaya warbaahinta iyo weriyayaasha Soomaaliya. Waxay cambaareeyeen isku dayada masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Warfaafinta ee lagu doonayo in lagu wiiqo shaqada saxaafadda madaxa-bannaan xilliga doorashooyinka.<\/p>\n\n\n\n<p>Cabdalle Axmed Mumin, Xoghayaha Guud ee SJS ayaa caddeeyay in xorriyadda hadalka iyo tan saxaafadda ee dalka ay hadda mareyso meel adag, ayna weriyeyaashu wajahayaan faafreeb ku saleysan handadaad. Mr. Mumin ayaa sheegay in weerarkii ciidamada amniga ku qaadeen weriye\u00a0 Cabdullaahi\u00a0 Kulmiye Caddow oo ka tirsan\u00a0 Radio Kulmiye uu ahaa weerar qorsheysan oo ka dhan ah warfiyeennada Soomaaliyeed oo dhan.<\/p>\n\n\n\n<p>&#8220;Nasiib darro, halkii\naan ka fileynay inay wax isbeddellaan, Dowlada Soomaaliya iyo saraakiisheeda\namniga waxay sii wadaan beegsiga warfidiyeenka madaxa-bannaan si maalinle ah.\nMa garanayo sida warbaahintu u awoodi doonto warar&nbsp; xaqiiq ah oo dhex-dhexaad ah ay dadweynaha\nugu gudbin karaan haddii aysan weriyayaashu helin badbaado,&#8221;&nbsp; ayuu yiri Mr.&nbsp;\nMumin.<\/p>\n\n\n\n<p>Mar uu ka hadlay qoraalka uu Wasiirka Warfaafintu u qeybiyay hay&#8217;adaha taageera saxaafadda iyo safaaradaha beesha caalamka qaarkood, wuxuu Mr. Mumin ku baaqay in Wasaaradda Warfaafintu joojiso dhaqangelinta Xeerka Warbaahinta ee caburinta ku ah warbaahinta xilligan doorashada lagu jiro. <\/p>\n\n\n\n<p>&#8220;Waxaan ku baaqeynaa in wadatashi iyo dib u eegis\u00a0 dhameystiran oo daacad ah lagu sameeyo\u00a0 Xeerka Warbaahinta. Anagu waxaan diyaar u nahay inaan talo ku biirino sidii Xeerkan looga saari lahaa qodobada halista ku ah warbaahinta,&#8221; ayuu sii raaciyay Mr. Mumin.<\/p>\n\n\n\n<figure class=\"wp-block-image size-large\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" width=\"1024\" height=\"683\" src=\"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/22-1-1024x683.jpg\" alt=\"Agaasimaha SOM News TV, Xasan Kaahiye oo ka hadlay kulanka wadatashiga saxaafadda. Talaado 17 November, 2020. | PHOTO\/SJS.\" class=\"wp-image-1763\" srcset=\"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/22-1-1024x683.jpg 1024w, https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/22-1-300x200.jpg 300w, https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/22-1-768x512.jpg 768w, https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/22-1-1536x1024.jpg 1536w, https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/22-1-696x464.jpg 696w, https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/22-1-1068x712.jpg 1068w, https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/22-1-630x420.jpg 630w, https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/22-1.jpg 1680w\" sizes=\"auto, (max-width: 1024px) 100vw, 1024px\" \/><figcaption>Agaasimaha SOM News TV, Xasan Kaahiye oo ka hadlay kulanka wadatashiga saxaafadda. Talaado 17 November, 2020. | PHOTO\/SJS.<\/figcaption><\/figure>\n\n\n\n<p>Maxamed Cabduwahaab Cabdullaahi, Xoghayaha Guud ee (SOMA) ayaa tilmaamay muhimadda midnimada iyo is-garab taagga ee warbaahinta Soomaaliyeed billaabeen xilligan xasaasiga ah. <\/p>\n\n\n\n<p>&#8220;Amniga saxafiyiinta ayaa ah midka ugu muhimsan waqtigan adag ee dalku ku jiro. Xeerka Warbaahinta waa halista ugu weyn ee aan maanta wajaheyno. Waxaan dalbaneynaa in la joojiyo oo laga furo dib u eegis,&#8221; ayuu sii raaciyay Maxamed Cabduwahaab &#8220;Midnimo ayaan ku wajaheynaa sidii aan u difaaci lahayn xuquuqdeena.&#8221;<\/p>\n\n\n\n<p>Mowliid Maxamed Urur,\nAgaasimaha Kalsan TV, oo ah telefishan madax-bannaan oo labo weriye laga dilay\nafartii sano ee u dambeysay, ayaa muujiyay walaac weyn oo uu ka qabo amniga iyo\nbadqabka wariyaasha iyadoo aysan Dowladda rabin inay difaacdo saxaafadda, balse\ndhanka kale dooneysa inay xeerar qalafsan u adeegsato caburinta wartebinta\nwarbaahinta.<\/p>\n\n\n\n<p>&#8220;Ma jiri doonto\nwarbaahin madax-bannaan iyo weriyayaal xor ah haddii Xeerka Warbaahinta sidiisa\nlagu dhaqangeliyo,&#8221; ayuu sii raaciyay.<\/p>\n\n\n\n<p>Cabdifataax Xasan Axmed, Guddoomiyaha Ururka Weriyayaasha Baahiyaha Gaarka Qaba ayaa muujiyay sida uu ugu niyad-jabay tacadiyada aan la isu xisaabin ee lagu hayo warfidiyeenka guud ahaan.<\/p>\n\n\n\n<p>&#8220;Dhaqanka laaluushka\niyo hanjabaadaha ee ka dhanka ah saxaafadda ayaa sii socda. Waxaan soo\njedinaynaa in la joojiyo si deg deg ah,&#8221; ayuu yiri Abdifatah.<\/p>\n\n\n\n<p>Burhan Diini Faarax,\nagaasimaha Radio Kulmiye ayaa sheegay in faafreebka lagu hayo warbaahinta uu soo\nbatay maadaama waqtiga doorashada loo sii dhowaaday, taasina ay culeys amni oo\nrun ah ay saartayweriyayaasha. Wuxuuna ku taliyey in xarumaha warbaahinta iyo\nururrada ay si dhow uga wada-shaqeeyaan difaacidda xorriyada hadalka.<\/p>\n\n\n\n<p>Xasan Maxamuud, agaasimaha\nGoobjoog Media ayaa ku taliyey in warbaahinta ay adkeysi muujiyaan iyadoo\ndhanka kalena lasii wadayo halganka loogu jiro difaaca xorriyadda saxaafadda.<\/p>\n\n\n\n<p>Xasan Kaahiye, agaasimaha\nSOM News TV ayaa isaguna caddeeyay baahida loo qabo saxaafad runta abbaarta\nxilligan oo kale, kana shaqeysa danta dadweynaha.<\/p>\n\n\n\n<p>\u201cWarbaahinta dadweynaha ee maanta ka jirta Soomaaliya waa warbaahinta gaarka ah. Caburinta ka dhanka\u00a0 ah warbaahinta gaarka ah waxay halis ku tahay baahida dadweynaha ay u qabaan inay helaan warar dhex-dhexaad ah oo xaqiiqada ku saleysan,\u201d ayuu yiri Mr. Kaahiye.<\/p>\n\n\n\n<p><strong>Ka qeybgalayaasha ayaa kulankan ku soo gaba-gabeeyay shir jaraa\u2019id oo lagu shaaciyay qodobada soo socda:<\/strong><\/p>\n\n\n\n<ul class=\"wp-block-list\"><li>Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamul Gobolleedyada waa inay joojiyaan beegsiga ay ku hayaan warfidiyeenka oo ay ka mid tahay xarigga, isla markaana loo ogolaado warbaahinta inay helaan helista xogta muhiimka u ah dadweynaha.<\/li><\/ul>\n\n\n\n<ul class=\"wp-block-list\"><li>Dowladda Soomaaliya waa inay furtaa dib u eegis Xeerka Warbaahinta, isla markaana la hakiyo dhaqan-gelinta qodobada caqabadda ku ah xorriyadda warbaahinta iyo tan weriyayaasha eek u jira Xeerkan waqtiga doorashooyinka si saxaafadda shaqadeeda u gudato.<\/li><\/ul>\n\n\n\n<ul class=\"wp-block-list\"><li>Waa in hay\u2019adaha dowladda iyo madaxda sare qaadaan tallaabooyin deg deg ah oo lagu dhowrayo badqabka warfidiyeenka, digniinna loogu dirayo kuwa dhibaateeynaya weriyayaasha. Waana in baaritaan lagu sameeyo dhammaan weerarada lagu qaaday weriyayaasha oo ay ku jiraan dilalka.<\/li><\/ul>\n\n\n\n<ul class=\"wp-block-list\"><li>Beesha caalamka waa inay taageerto badbaadinta xorriyadda hadalka, ayna ku cadaadiso Dowladda Soomaaliya iyo hay&#8217;adeheeda amniga inay ka fogaadaan caburinta warbaahinta madaxa-bannaan.<\/li><\/ul>\n\n\n\n<ul class=\"wp-block-list\"><li>Beesha caalamka waa inaysan taageerin tallaabooyinka lagu dhibaateynayo xorriyadda hadalka oo\u00a0ay ku jirto tallaabooyinka uu dhowaan\u00a0billaabay Wasiirka Warfaafinta ee ku saleysan caburinta, handadaadda iyo faafreebka.<\/li><\/ul>\n\n\n\n<ul class=\"wp-block-list\"><li>Beesha caalamka waa inay taageerto kor u qaadista xorriyadda hadalka iyo amniga weriyayaasha ka hor iyo kaddib waqtiga doorashooyinka.<\/li><\/ul>\n\n\n\n<ul class=\"wp-block-list\"><li>Waa in dhammaan qeybaha siyaasadda iyo bulshada u aragto shaqada warbaahinta madaxa-bannaan mid muhiim u ah hannaanka\u00a0 dowlad dhisidda dal sida Soomaaliya oo kale ah oo kasoo kabanaya colaad dheeraatay.<\/li><\/ul>\n\n    <div class=\"xs_social_share_widget xs_share_url after_content \t\tmain_content  wslu-style-1 wslu-share-box-shaped wslu-fill-colored wslu-none wslu-share-horizontal wslu-theme-font-no wslu-main_content\">\n\n\t\t\n        <ul>\n\t\t\t        <\/ul>\n    <\/div> \n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>MUQDISHO, Soomaaliya, 17 November 2020 &#8211; Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS), Daladda Warbaahinta Madaxa-Bannaan (SOMA), ururka wariyaasha baahiyaha gaarka qaba,Dallada Warfidiyeenka Shabeellaha Hoose, agaasimayaasha in ka badan 30 xarun warbaahinta oo madax-bannaan ayaa maanta kulan wadajir ah oo looga tashanayey xorriyadda warbaahinta, xeerka warbaahinta iyo badqabka weriyayaasha xilliga doorashoyinka isugu yimid magaalada Muqdisho.<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":1762,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[38,2,32,31,58,35,36],"tags":[49,327,42,384,165],"class_list":{"0":"post-1754","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-dhacdooyin","8":"category-featured","9":"category-in-the-news","10":"category-ololaha","11":"category-somali","12":"category-warbixinnada","13":"category-waxqabadka","14":"tag-sjs","15":"tag-soma","16":"tag-somalia","17":"tag-xeerka-warbaahinta","18":"tag-xorriyadda-saxaafadda"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1754","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=1754"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1754\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":4330,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1754\/revisions\/4330"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/1762"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=1754"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=1754"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=1754"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}