{"id":1731,"date":"2020-11-05T14:46:08","date_gmt":"2020-11-05T11:46:08","guid":{"rendered":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/?p=1731"},"modified":"2023-12-12T18:49:39","modified_gmt":"2023-12-12T18:49:39","slug":"sjs-soma-oo-ugu-baaqay-somaliland-inay-ka-laabato-goaanka-siyaasadeysan-ee-caddaaladda-darrada-ee-ka-dhanka-maamulaha-astaan-tv","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/sjs-soma-oo-ugu-baaqay-somaliland-inay-ka-laabato-goaanka-siyaasadeysan-ee-caddaaladda-darrada-ee-ka-dhanka-maamulaha-astaan-tv\/","title":{"rendered":"SJS &#038; SOMA oo ugu baaqay Somaliland inay ka laabato go&#8217;aanka siyaasadeysan ee caddaaladda darrada ee ka dhanka maamulaha Astaan  TV"},"content":{"rendered":"\n<p>MUQDISHO, Soomaaliya, 5 Nofembar 2020 \u2013 Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) iyo Dalladda Warbaahinta Madaxa-bannaan ee Soomaaliyeed (SOMA) waxay si xooggan u cambaareynayaan go&#8217;aanka siyaasadedsan ee xaq-darrada ah ee ay Maxkamadda  Gobolka Maroodi-Jeex ku ridday Maamulaha  Guud ee Astaan  TV, Cabdimanaan Yuusuf go&#8217;aankaasi oo dhacay Arbacadii 4 Nofembar 2020.<\/p>\n\n\n\n<p>Sida uu sheegay qareenka u doodayey Cabdimanaan oo lagu magacaabo Maxamed  Axmed Abokor, waxay Maxkamaddu ku <a rel=\"noreferrer noopener\" aria-label=\"xukuntay (opens in a new tab)\" href=\"https:\/\/www.facebook.com\/saabtv\/videos\/828106711257648\" target=\"_blank\">xukuntay<\/a> Cabdimanaan shan sano oo xarig ah iyo ganaax lacageed oo dhan labo milyan Shillin (oo u dhiganta $250).\u00a0 Maxkamaddu waxay kaloo xayiraad ku rogtay shaqadii Astaan TV ee gudaha Somaliland.  <\/p>\n\n\n\n<p>Maxkamaddu ma sheegin waxay u cuskatay xukunkanay ridday Arbacadii.<\/p>\n\n\n\n<p>Cabdimanaan waxay Somaliland xirtay 17 Luulyo 2020, waxaana lagu hayey xabsiga tan iyo markaasi wixii ka dambeeyay isagoo sida la sheegay aan loo oggolaan inuu la kulmo qareenadiisa iyo qoyskiisa.<\/p>\n\n\n\n<p>Tan iyo markii la xiray, Cabdimanaan waxaa dhowr jeer la horgeeyay maxkamad, oo mid ka mid ah oo ku beegneyd 26 July 2020, lagu soo oogay eedeymo kala ah basaasid iyo hawlgelin telefishan aan shati heysan. Hase yeeshee eedeymahaasi looma helin wax caddeyn ah.<\/p>\n\n\n\n<p>Garsooraha Maxkamadda Maroodi-Jeex, Xasan Mataan iyo ku Xigeenka Xeer Ilaaliyaha Somaliland, Farxaan Mire Cismaan kama soo jawaabin markii aan weydiinay faahfaahinta waxa dhab ahaan lagu heley Cabdimanaan ee loo cuskaday xukunka ay Maxkamaddu gaartay Arbacadii.\u00a0\u00a0 <\/p>\n\n\n\n<p>\u201cWaxaan cambaareynaynaa go&#8217;aanka siyaasadeysan ee ka fog caddaaladda ee  ay Maxkamadda Gobolka Maroodi-Jeex ku riday maamulaha Astaan TV, Cabdimanaan Yuusuf, kaasoo sida muuqata yimid afar bilood kaddib  markii si sharci darro ah loo xiray,&#8221; ayuu yiri Xoghayaha Guud ee  SJS, Cabdalle Axmed Mumin. <\/p>\n\n\n\n<p>&#8220;Waxaan ugu baaqeynaa masuuliyiinta Somaliland inay dhowraan xorriyadda shakhsiga oo ay si deg deg ah ku sii daayaan Cabdimanaan. Waana in sidoo kale xayiraadda laga qaadaa Astaan TV,&#8221; ayuu sii raaciyay hadalkiisa Xoghaye Mumin oo sheegay in  Dastuurka Somaliland uu si cad u dammaanad qaadayo xorriyadda ra&#8217;yiga oo ay ku jirto furashada warbaahinta.<\/p>\n\n\n\n<p>\u201cGo&#8217;aanka xaq darrada ah ee ay Maxkamadda Maroodi-Jeex ku ridday Cabdimanaan  Yuusuf waxay sharaf dhac ku tahay dimuqraadiyadda Somaliland. Waxaana dalbaneynaa in dhakhso leh loo sii daayo,&#8221; sidaasi waxaa yiri Maxamed Cabduwahaab Cabdullaahi, Xoghayaha Guud ee SOMA oo xusuusiyay Somaliland inay ogaato in bulsho dimuqraadi ah aysan jiri karin xorriyadda aragtida la&#8217;aanteeda.<\/p>\n\n\n\n<figure class=\"wp-block-image size-large\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" width=\"1024\" height=\"576\" src=\"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/Ahmed-Omar-Salihi-and-Yahye-Abdirisak-Sofe_Radio-Markabley-1-1024x576.jpg\" alt=\"Agaasimaha Radio Markabley, Axmed Cumar Saalixi (bidix) iyo tifaftire Yaxye Cabdirisaaq Soofe (midig) oo Isniintii 2 Nofembar lagu xiray magaalada Baardheere ee gobolka Gedo.\" class=\"wp-image-1732\" srcset=\"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/Ahmed-Omar-Salihi-and-Yahye-Abdirisak-Sofe_Radio-Markabley-1-1024x576.jpg 1024w, https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/Ahmed-Omar-Salihi-and-Yahye-Abdirisak-Sofe_Radio-Markabley-1-300x169.jpg 300w, https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/Ahmed-Omar-Salihi-and-Yahye-Abdirisak-Sofe_Radio-Markabley-1-768x432.jpg 768w, https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/Ahmed-Omar-Salihi-and-Yahye-Abdirisak-Sofe_Radio-Markabley-1-696x392.jpg 696w, https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/Ahmed-Omar-Salihi-and-Yahye-Abdirisak-Sofe_Radio-Markabley-1-1068x601.jpg 1068w, https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/Ahmed-Omar-Salihi-and-Yahye-Abdirisak-Sofe_Radio-Markabley-1-747x420.jpg 747w, https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/Ahmed-Omar-Salihi-and-Yahye-Abdirisak-Sofe_Radio-Markabley-1.jpg 1280w\" sizes=\"auto, (max-width: 1024px) 100vw, 1024px\" \/><figcaption>Agaasimaha Radio Markabley, Axmed Cumar Saalixi (bidix) iyo tifaftire Yaxye Cabdirisaaq Soofe (midig) oo Isniintii 2 Nofembar lagu xiray magaalada Baardheere ee gobolka Gedo.<\/figcaption><\/figure>\n\n\n\n<p>Dhinaca kale, SJS iyo SOMA waxay si wadajir ah u cambaareynayaan xarigga muddada kooban ee ciidanka Nabadsugida iyo Sirdoonka Soomaaliyeed (NISA) ay kula keceen agaasimaha Radio Markabley, Axmed Cumar Saalixi iyo tifaftire Yaxye Cabdirisaaq Soofe oo Isniintii 2 Nofembar lagu xiray magaalada Baardheere ee gobolka Gedo.  Labada suxufi ayaa la xiray kaddib markii idaacaddooda ay baahisay war la xiriira <a href=\"https:\/\/radiomarkabley.com\/2020\/10\/31\/mid-ka-mid-ah-beesha-sade-oo-ku-shirtey-baardheere-oo-eedeyn-iyo-dhaliil-u-jeedisey-madaxweyne-farmaajo\/\" target=\"_blank\" rel=\"noreferrer noopener\" aria-label=\"odayaal beeleed ka cabanayey Madaxweynaha Soomaaliya (opens in a new tab)\">odayaal beeleed ka cabanayey Madaxweynaha Soomaaliya<\/a>, Maxamed Cabdullaahi  Farmaajo.<\/p>\n\n\n\n<p>Labada weriye ayaa la siidaayey isla maalinkii  Isniinta ee 2 Nofembar.<\/p>\n\n    <div class=\"xs_social_share_widget xs_share_url after_content \t\tmain_content  wslu-style-1 wslu-share-box-shaped wslu-fill-colored wslu-none wslu-share-horizontal wslu-theme-font-no wslu-main_content\">\n\n\t\t\n        <ul>\n\t\t\t        <\/ul>\n    <\/div> \n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>MUQDISHO, Soomaaliya, 5 Nofembar 2020 \u2013 Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) iyo Dalladda Warbaahinta Madaxa-bannaan ee Soomaaliyeed (SOMA) waxay si xooggan u cambaareynayaan go&#8217;aanka siyaasadedsan ee xaq-darrada ah ee ay Maxkamadda  Gobolka Maroodi-Jeex ku ridday Maamulaha  Guud ee Astaan  TV, Cabdimanaan Yuusuf go&#8217;aankaasi oo dhacay Arbacadii 4 Nofembar 2020.<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":1733,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[38,2,32,31,58,35,36],"tags":[382,179,381,49,327,55],"class_list":{"0":"post-1731","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-dhacdooyin","8":"category-featured","9":"category-in-the-news","10":"category-ololaha","11":"category-somali","12":"category-warbixinnada","13":"category-waxqabadka","14":"tag-astaan-tv","15":"tag-nisa","16":"tag-radio-markabley","17":"tag-sjs","18":"tag-soma","19":"tag-somaliland"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1731","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=1731"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1731\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":4331,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1731\/revisions\/4331"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/1733"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=1731"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=1731"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=1731"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}