{"id":1542,"date":"2020-06-06T20:52:59","date_gmt":"2020-06-06T17:52:59","guid":{"rendered":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/?p=1542"},"modified":"2023-12-12T18:49:39","modified_gmt":"2023-12-12T18:49:39","slug":"weriye-coldoon-oo-la-siidaayey-kaddib-1-sano-iyo-49-maalmood-oo-uu-xabsi-ku-jiray","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/weriye-coldoon-oo-la-siidaayey-kaddib-1-sano-iyo-49-maalmood-oo-uu-xabsi-ku-jiray\/","title":{"rendered":"Weriye Coldoon oo la siidaayey kaddib 1 sano iyo 49 maalmood oo uu xabsi ku jiray"},"content":{"rendered":"\n<p>MUQDISHO, Soomaaliya 06 Juun 2020-  Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu soo dhoweeynayaa xorriyad-siinta weriye Cabdimaalik Muuse Coldoon Sabtida maanta 6-da bisha Juun, 2020. Coldoon ayaa muddo hal sano iyo 49 cisho ku jiray xabsi ku yaalla magaalada Hargeysa.<\/p>\n\n\n\n<p>Booliska magaalada Burco ee Somaliland ayaa xabsiga u <a href=\"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/2019\/05\/21\/somali-journalists-syndicate-calls-for-the-unconditional-release-of-journalist-abdimalik-muse-oldon\/\" target=\"_blank\" rel=\"noreferrer noopener\" aria-label=\"taxaabay (opens in a new tab)\">taxaabay<\/a> weriye Cabdimaalik Muuse Coldoon 17 Abriil, 2019 kaddib warbixino dhaliil ahaa uu ku qoray bartiisa Facebook. 6dii Juun, 2019 ayaa xeer ilaalintu ku soo <a href=\"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/06\/Oldon-charges-brought-before-the-Hargeisa-Court.pdf\" target=\"_blank\" rel=\"noreferrer noopener\" aria-label=\"eedeysay (opens in a new tab)\">eedeysay<\/a> \u201cFaafinta warar liddi ku ah Somaliland\u201d iyo \u201cbaahinta warar been abuur ah\u201d. 8dii Luulyo, 2019 ayaa Maxkamadda Gobolka Maroodi Jeex ee Hargeysa <a href=\"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/2019\/07\/08\/somali-journalists-syndicate-protests-against-the-unfair-and-unjust-3-5-jail-term-for-journalist-abdimalik-muse-oldon-in-somaliland\/\" target=\"_blank\" rel=\"noreferrer noopener\" aria-label=\"ku xukuntay (opens in a new tab)\">ku xukuntay<\/a> saddex sano iyo bar xabsi ah.<\/p>\n\n\n\n<p>Isagoo ka hadlayay <a href=\"https:\/\/www.facebook.com\/somalinewstv\/videos\/302258974506183\/\" target=\"_blank\" rel=\"noreferrer noopener\" aria-label=\"shir saxaafadeed (opens in a new tab)\">shir saxaafadeed<\/a> uu ku qabtay maanta magaalada Hargeysa, weriye Cabdimaalik Muuse Coldoon ayaa xaqiijiyay in lagu soo daayay cafis madaxweyne.<\/p>\n\n\n\n<p>\u201cMaanta waxaan ahay xor. Alle ayaa mahadda iska leh. Waxaan u mahadcelinayaa dhammaan intii ka qeyb qaadatay xorriyadeyda. Waxaan idin leeyahay dhammaantiin mahadsanidiin anigoon halkan qof qof uga sheegi karin,\u201d Weriye Coldoon ayaa warfidiyeenada u sheegay.<\/p>\n\n\n\n<p>SJS waxay soo dhoweyneysaa in Cabdimaalik uu xorriyadiisa dib u helo, waxaana ugu baaqeynaa in madaxda Somaliland inay joojiyaan xarigga warfidiyeennada.<\/p>\n\n\n\n<p>\u201cSJS waxay ku faraxday warka sii-deynta weriye Cabdimaalik Muuse Coldoon, annagoo aamisan in markii horeba aanay ahayn la xiro,\u201d Cabdalle Axmed Mumin, Xoghayaha Guud ee SJS ayaa yiri, isagoo ku daray, \u201cWaxaanu xasuusineynaa madaxda Somaliland in ay ka joojiyaan xarigga warfidiyeennada u adeegaya bulshada iyagoo adeegsanaya xaqooda dastuuriga ah.\u201d<\/p>\n\n\n\n<p>Dhanka kale, SJS waxay aad uga xun tahay xabsiga go&#8217;doominta ah ee lagu hayo tifaftiraha Idaacadda Hiigsi, <a href=\"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/2020\/04\/22\/to-crack-down-on-free-press-somalia-accuses-a-radio-journalist-of-being-member-of-terror-group\/\" target=\"_blank\" rel=\"noreferrer noopener\" aria-label=\"Maxamed Cabdiwahaab Nuur (opens in a new tab)\">Maxamed Cabdiwahaab Nuur<\/a> (Abuuja) oo lagu hayo meel aan la garaneyn illaa iyo <a href=\"https:\/\/hornobserver.com\/articles\/235\/Somalia-NISA-again-detains-Editor-of-Radio-Hiigsi-in-Mogadishu\" target=\"_blank\" rel=\"noreferrer noopener\" aria-label=\"7dii Maarso 2020 (opens in a new tab)\">7dii Maarso 2020<\/a>, isagoo aan loo ogoleyn qareen isla markaana aanay arki karin qoyskiisa.<\/p>\n\n\n\n<p>\u201cWaxaan aad uga walaacsannahay xaaladda weriye Maxamed Cabduwahaab Abuuja oo aan la garaneyn halka lagu hayo tan iyo 7dii bishii Maarso ee sanadkan, loona diiday booqasho iyo qareen u dooda toona. Waana in la sii daayaa ama sida ugu dhakhsiyaha badan lagu horkeenaa maxkamad caddaalad, loona ogolaadaa qareen ku difaaca sharciga hortiisa.\u201d Md. Mumin ayaa intaa ku daray.<\/p>\n\n    <div class=\"xs_social_share_widget xs_share_url after_content \t\tmain_content  wslu-style-1 wslu-share-box-shaped wslu-fill-colored wslu-none wslu-share-horizontal wslu-theme-font-no wslu-main_content\">\n\n\t\t\n        <ul>\n\t\t\t        <\/ul>\n    <\/div> \n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>MUQDISHO, Soomaaliya 06 Juun 2020-  Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu soo dhoweeynayaa xorriyad-siinta weriye Cabdimaalik Muuse Coldoon Sabtida maanta 6-da bisha Juun, 2020. Coldoon ayaa muddo hal sano iyo 49 cisho ku jiray xabsi ku yaalla magaalada Hargeysa.<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":1543,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[38,2,32,31,58,35,36],"tags":[302,321,179,49,55,336],"class_list":{"0":"post-1542","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-dhacdooyin","8":"category-featured","9":"category-in-the-news","10":"category-ololaha","11":"category-somali","12":"category-warbixinnada","13":"category-waxqabadka","14":"tag-abuuja","15":"tag-coldoon","16":"tag-nisa","17":"tag-sjs","18":"tag-somaliland","19":"tag-xabsiga-hargeysa"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1542","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=1542"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1542\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":4338,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1542\/revisions\/4338"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/1543"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=1542"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=1542"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=1542"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}