{"id":1522,"date":"2020-05-26T23:30:58","date_gmt":"2020-05-26T20:30:58","guid":{"rendered":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/?p=1522"},"modified":"2023-12-12T18:49:39","modified_gmt":"2023-12-12T18:49:39","slug":"ururrada-sjs-soma-iyo-simha-oo-ka-walwalsan-adeegsiga-sharci-darrada-ah-ee-telefoonka-wariye-abuuja","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/ururrada-sjs-soma-iyo-simha-oo-ka-walwalsan-adeegsiga-sharci-darrada-ah-ee-telefoonka-wariye-abuuja\/","title":{"rendered":"Ururrada SJS, SOMA iyo SIMHA oo ka walwalsan adeegsiga sharci darrada ah ee telefoonka wariye Abuuja"},"content":{"rendered":"\n<p>MUQDISHO, Soomaaliya, 26 May, 2020 \u2013 Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS), Dalladda Warbaahinta Soomaaliyeed (SOMA) iyo Dalladda Xarumaha Warbaahinta ee SIMHA waxay si weyn uga walwalsan yihiin isticmaalka telefoonka gaarka ah ee tifaftiraha Idaacadda Hiigsi, <a href=\"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/2020\/04\/22\/to-crack-down-on-free-press-somalia-accuses-a-radio-journalist-of-being-member-of-terror-group\/\" target=\"_blank\" rel=\"noreferrer noopener\" aria-label=\"Maxamed Cabduwahaab Nuur (Abuuja) (opens in a new tab)\">Maxamed Cabduwahaab Nuur (Abuuja)<\/a> oo ku jira xabsi go\u2019doomin ah tan iyo 7dii Maarso.<\/p>\n\n\n\n<p>Maalinimadii Axaddii 24ka May, 2020, abbaare 3:06p.m ayaa\ntelefoonka wariye Abuuja lagu diiwaangaliyay aaladda wada-xiriirka bulshada ee\nIMO, iyadoo farriimo sheegaya in wariye Abuuja uu khadka internetka\nisticmaalayo loo diray dad ka mid ah qoyskiisa. Markii xubno ka mid ah qoyska\nay dib u weceenna lagama jawaabin wicitaankooda.<\/p>\n\n\n\n<p>Wariye Maxamed Abuuja waxaa markii ugu horreysay xiray saraakiil ka tirsan Hay\u2019adda Nabadsugida iyo Sirdoonka (NISA) <a href=\"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/2020\/03\/01\/somali-intelligence-officers-detain-radio-editor-in-mogadishu\/\" target=\"_blank\" rel=\"noreferrer noopener\" aria-label=\"29kii Febraayo 2020 (opens in a new tab)\">29kii Febraayo 2020<\/a> kaddib markuu daabacay qormo uu ku dhaliilay ciidamada ammaanka. Waxaa <a href=\"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/2020\/03\/02\/radio-hiigsi-editor-released-without-charge\/\" target=\"_blank\" rel=\"noreferrer noopener\" aria-label=\"la siidaayey (opens in a new tab)\">la siidaayey<\/a> 2da Maarso 2020 isagoo wax dembi ah aanan lagu oogin.\u00a0 Markale ayey saraakiil NISA xireen <a href=\"https:\/\/hornobserver.com\/articles\/235\/Somalia-NISA-again-detains-Editor-of-Radio-Hiigsi-in-Mogadishu\" target=\"_blank\" rel=\"noreferrer noopener\" aria-label=\"7dii Maarso (opens in a new tab)\">7dii Maarso<\/a>, 2020, waxaana tan iyo xilligaas lagu hayey xabsi go\u2019doomin ah oo aan la ogeyn halka uu ku yaallo. Loomana oggolaanin inuu helo qareen iyo in qoyskiisu arkaan illaa waqtigan.<\/p>\n\n\n\n<p>Sida uu xaqiijiyay Cabduwahaab Nuur Mahdi, oo ah wariyaha\naabihiis, waxaa wariyaha laga qaatay telefoonkiisa maalinkii la xiray. Sidoo\nkale saraakiil NISA ka tirsan ayaa booqday guriga wariye Abuuja iyagoo kasoo\nqaatay kombuyuutarkiisa gaarka ah.<\/p>\n\n\n\n<p>Annagoo ka walaacsan in xuquuqdiisa xafidnaanta xogtiisa\ngaarka ah lagu xadgudbay, ayaan sidoo kale waxaan si weyn uga walwalsanahay\nujeeddada ka dambeysa falkan lagu isticmaalayo telefoonka wariye Abuuja. Waxaan\nrumeysanahay in wariye Abuuja uusan xor ahayn sidaa darteedna ma isticmaali\nkaro telefoonkiisa.<\/p>\n\n\n\n<p>Ururrada SJS, SOMA iyo SIMHA waxay dalbanayaan in deg deg\nloo sii daayo wariye Abuuja ama loo oggolaado maxkamad caddaalad ah iyo qareen.<\/p>\n\n\n\n<p>Waxaan sidoo kale uga digeynaa suxufiyiinta, saaxiibada iyo\nxubnaha qoyska wariye Abuuja inay ka digtoonaadaan wax kasta oo xiriir ah oo lagala\nsoo sameeyo telefoonka wariye Abuuja ama barihiisa bushada maadaama hadda uusan\nxor ahayn. <\/p>\n\n\n\n<p>Waxaan sidoo kale ku baaqeynaa in qolooyinkii xiray wariye\nAbuuja ay hadlaan oo ay deg deg caddeeyaan cidda furatay telefoonka iyo barta\nIMO ee magaca wariye Abuuja ku qoran iyo ujeeddada laga leeyahay.<\/p>\n\n    <div class=\"xs_social_share_widget xs_share_url after_content \t\tmain_content  wslu-style-1 wslu-share-box-shaped wslu-fill-colored wslu-none wslu-share-horizontal wslu-theme-font-no wslu-main_content\">\n\n\t\t\n        <ul>\n\t\t\t        <\/ul>\n    <\/div> \n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>MUQDISHO, Soomaaliya, 26 May, 2020 \u2013 Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS), Dalladda Warbaahinta Soomaaliyeed (SOMA) iyo Dalladda Xarumaha Warbaahinta ee SIMHA waxay si weyn uga walwalsan yihiin isticmaalka telefoonka gaarka ah ee tifaftiraha Idaacadda Hiigsi, Maxamed Cabduwahaab Nuur (Abuuja) oo ku jira xabsi go\u2019doomin ah tan iyo 7dii Maarso.<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":1523,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[38,2,32,31,58,35,36],"tags":[330,179,328,49,327,329],"class_list":{"0":"post-1522","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-dhacdooyin","8":"category-featured","9":"category-in-the-news","10":"category-ololaha","11":"category-somali","12":"category-warbixinnada","13":"category-waxqabadka","14":"tag-muwdisho","15":"tag-nisa","16":"tag-simha","17":"tag-sjs","18":"tag-soma","19":"tag-wariye-abuuja"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1522","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=1522"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1522\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":4340,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1522\/revisions\/4340"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/1523"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=1522"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=1522"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=1522"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}