{"id":1474,"date":"2020-05-03T07:28:41","date_gmt":"2020-05-03T04:28:41","guid":{"rendered":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/?p=1474"},"modified":"2023-12-12T18:49:39","modified_gmt":"2023-12-12T18:49:39","slug":"war-murtiyeed-wadajir-ah-munaasabadda-maalinta-xorriyadda-saxaafadda-2020","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/war-murtiyeed-wadajir-ah-munaasabadda-maalinta-xorriyadda-saxaafadda-2020\/","title":{"rendered":"WAR-MURTIYEED WADAJIR AH: MUNAASABADDA MAALINTA XORRIYADDA SAXAAFADDA 2020"},"content":{"rendered":"\n<p><strong><em>\u201cSaxaafadda Soomaaliya oo Weerar Wajeheysa\u201d<\/em><\/strong><\/p>\n\n\n\n<p>MUQDISHO, Soomaaliya 03 May, 2020 \u2013 &nbsp;Munaasabadda Maalinta Caalamiga ah ee\nXorriyadda Saxaafadda Adduunka, Anagoo ah hay\u2019adaha hoos ku saxiixan ahna\nwakiilada suxufiyiinta iyo warbaahinta madaxa-bannaan, waxaan aad uga\nwalaacsanahay handadaadaha, weerarada, iyo cagajugleynta ka dhanka ah\nwarfidiyeenada iyo warbaahinta madaxa banaan. <\/p>\n\n\n\n<p>Sanadkii tegay ee 2019 waxa uu u ahaa warbaahinta iyo warfidiyeennada Soomaaliyeed mid cabsi badan, waxaa weeraro <a href=\"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/2020\/01\/05\/state-of-press-freedom-in-somalia-in-2019-working-under-pressure-and-targeted-attacks\/\" target=\"_blank\" rel=\"noreferrer noopener\" aria-label=\"bartilmaameedsi ah lagu beegsaday 81 suxufi (opens in a new tab)\">bartilmaameedsi ah lagu beegsaday 81 suxufi<\/a>, 53 xabsiga ayaa loo taxaabay, 2 suxufi waa la dilay, 12 suxufina dalka ayay ka carareen kadib hanjabaado dil ah ay ku beegsadeen jilayaal kala duwan, waxaa la xiray 7 xarumo warbaahineed, in ka badan 15 goorna waxaa hor istaag lagu xaqa helista xogta iyo sharciga saxaafadda oo aan u daneyneyn saxaafadda, dhamaan qodobada kor ku xusan waxa ay yihiin kuwo xadgudub ku ah xuquuqaad dastuuri ah oo ay ahayd in mawaadiniintu xaq u leeyihiin inay helaan.<\/p>\n\n\n\n<p>Sanadkan keli ah, weriye Cabdiweli Xasan Cali (Online) oo ah suxufi madax banaan, ayaa 16 Febraayo ee sanadkan dabley hubeysan ku toogteen degmada Afgooye, 19 warfidiyeen <a href=\"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/category\/alerts\/\" target=\"_blank\" rel=\"noreferrer noopener\" aria-label=\"xabsiga ayaa loo taxaabay (opens in a new tab)\">xabsiga ayaa loo taxaabay<\/a>, oo qaarkood laga tirtiray agabkoodii laga tirtiray shaqooyinkii ay soo qabteen, 4 suxufi waa la garaacay, labo warbaahin waa la mamnuucay iyo horjoogsi xaqa helista xogta oo saxafiyiin badan lagu sameeyay iyo handadaad lagu bartilmaameedsanayo suxufiyiinta wax-ku-oolka ah waxa ay muujineysaa sida dowladda Soomaaliyeed ay uga go\u2019an tahay dagaalka ay kula jirto warbaahinta madaxa banaan. <\/p>\n\n\n\n<p>Hay\u2019adaha metela warbaahinta madaxa banaan\niyo suxufiyiinta waxa ay aad uga walaacsan yihiin tallaabooyinka qallafsan oo\nay ku dowladdu ku dooneyso inay ku caburiso warbaahinta iyo suxufiyiinta safka\nhore kaga jirto tebinta cudurka saf-marka ah ee Coronavirus, iyadoona hor\nistaag ku sameyneysa qulqulka iyo helista xogta. Waxaan aaminsanahay in doorka\nwarfidiyeenada iyo suxufiyiinta oo lagu qeexay dastuurka Federalka KMG ah uu\nyahay inay ku wargeliyaan shacabka xogaha daruuriga ah ee saameynta ku leh\nnoloshooda oo ay ku jirto helista xogta iyo baahinta wararka la xiriira cudurka\nKorona.<\/p>\n\n\n\n<p>Anagoo ugu baaqeynaa dowladda Federalka ah\niyo dowlad goboleedyada xubnaha ka ah inay si deg deg ah u joojiyaan dhamaan\nhanjabaadaha, cagajugleynta, xarigga iyo gabood-falkada ka dhanka ah &nbsp;warfidiyeenada, ayaan haddana, anagoo mareyna\nqareenkeena waxaan warqad cabasho oo rasmi ah oo qeexeysa tacadiyada ka dhanka\nah warbaahinta iyo suxufiyiinta xafiiska madaxweynaha Jamhuuriyada Federalka\nSoomaaliyeed Md. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra\u2019isul Wasaare Md. Xasan Cali\nKheyre iyo Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Md.&nbsp;\nMaxamed Cabdi Xayir Maareeye. Haddii dowladdu dhegaha ka fureysato\ncabashadeena, ma jiro doono waddo kale oo noo furan oo aan ahayn in aan\ncabashadeena u gudbino Maxkamadaha awoodda u leh.<\/p>\n\n    <div class=\"xs_social_share_widget xs_share_url after_content \t\tmain_content  wslu-style-1 wslu-share-box-shaped wslu-fill-colored wslu-none wslu-share-horizontal wslu-theme-font-no wslu-main_content\">\n\n\t\t\n        <ul>\n\t\t\t        <\/ul>\n    <\/div> \n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>MUQDISHO, Soomaaliya 03 May, 2020 \u2013  Munaasabadda Maalinta Caalamiga ah ee Xorriyadda Saxaafadda Adduunka, Anagoo ah hay\u2019adaha hoos ku saxiixan ahna wakiilada suxufiyiinta iyo warbaahinta madaxa-bannaan, waxaan aad uga walaacsanahay handadaadaha, weerarada, iyo cagajugleynta ka dhanka ah warfidiyeenada iyo warbaahinta madaxa banaan. <\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":1479,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[38,2,32,31,58,35,36],"tags":[42,311,210],"class_list":{"0":"post-1474","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-dhacdooyin","8":"category-featured","9":"category-in-the-news","10":"category-ololaha","11":"category-somali","12":"category-warbixinnada","13":"category-waxqabadka","14":"tag-somalia","15":"tag-wpfd20","16":"tag-xorriyadda-saxaafadda-soomaaliya"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1474","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=1474"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1474\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":4343,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1474\/revisions\/4343"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/1479"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=1474"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=1474"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=1474"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}