{"id":1452,"date":"2020-04-22T19:07:07","date_gmt":"2020-04-22T16:07:07","guid":{"rendered":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/?p=1452"},"modified":"2023-12-12T18:49:39","modified_gmt":"2023-12-12T18:49:39","slug":"si-loo-caburiyo-saxaafadda-madaxa-bannaan-dowladda-soomaaliya-oo-eedeyn-argagixisanimo-u-jeedisay-weriye-abuuja","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/si-loo-caburiyo-saxaafadda-madaxa-bannaan-dowladda-soomaaliya-oo-eedeyn-argagixisanimo-u-jeedisay-weriye-abuuja\/","title":{"rendered":"Si loo caburiyo saxaafadda madaxa-bannaan, Dowladda Soomaaliya oo eedeyn &#8216;argagixisanimo&#8217; u jeedisay weriye Abuuja"},"content":{"rendered":"\n<p>MUQDISHO, Soomaaliya, 22 Abriil, 2020-  Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu si adag uga soo horjeestay eedeymaha bilaa-caddeynta ah ee la dhoodhoobay ee ay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya u soo jeedisay weriye Maxamed Cabduwahaab Nuur (Abuuja) oo xabsi go\u2019doomin ah lagu hayay tan iyo markii la xiray 7-dii Maarso.<\/p>\n\n\n\n<p><a rel=\"noreferrer noopener\" aria-label=\"Qoraal ay soo saartay (opens in a new tab)\" href=\"https:\/\/www.facebook.com\/1654037554838790\/posts\/2590855241157012\/\" target=\"_blank\">Qoraal ay soo saartay<\/a> Wasaaradda Warfaafinta Arbacada 22 Abriil, ayay si la yaab leh, ugu sheegtay in weriye Abuuja ka tirsan yahay Al-Shabaab. War-saxaafadeedkaas laguma sheegin wax caddeyn ah oo kabaya eedeynta Wasaaradda. Eedeynta Wasaaradda ayaa timid kadib markii Ururada u doodda xuquuqda warfidiyeennada oo ay SJS ka mid ahayd ay <a href=\"https:\/\/www.flickr.com\/photos\/182231529@N08\/albums\/72157713981452801\" target=\"_blank\" rel=\"noreferrer noopener\" aria-label=\"Muqdisho ku qabteen dibad-bax (opens in a new tab)\">Muqdisho ku qabteen dibad-bax<\/a> ay ku diiddan yihiin xarigga weriyaha, iyadoo wasaaraddu horey u sheegtay in aanay ka warqabin xariggiisa.<\/p>\n\n\n\n<p>\u201cTallaabadan u dambeysay ee ay Wasaaraddu ku eedeyneyso weriye Maxamed Abuuja waa tallaabo halis ah, aadna looga baaraan-degay una direysa farriin aargoosi ah suxufiyiinta iyo kuwa dhaliila dowladda in Dowladdu aanay u dulqaadan doonin dhaliil dambe,\u201d Cabdalle Axmed Mumin, Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) ayaa yiri, isagoo ku daray in handadaadahan dambe ay dowladda iyo laamaheeda amniga waxay wiiqayaan xorriyadda saxaafadda.<\/p>\n\n\n\n<p>Maxamed Abuuja wuxuu howsha saxaafadda ku jiray <a rel=\"noreferrer noopener\" aria-label=\"in ka badan 7 sano (opens in a new tab)\" href=\"https:\/\/www.facebook.com\/mohammed.fiyoore\/posts\/3128760360481842\" target=\"_blank\">in ka badan 7 sano<\/a>, waxa uuna leeyahay taariikh mihnad suxufinimo. Saraakiisha ciidamada Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka ayaa si sharci darro ah <a rel=\"noreferrer noopener\" aria-label=\"xabsiga ugu taxaabay (opens in a new tab)\" href=\"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/2020\/03\/01\/somali-intelligence-officers-detain-radio-editor-in-mogadishu\/\" target=\"_blank\">xabsiga ugu taxaabay<\/a> weriye Abuuja 29 February 2020, saddex beri kadib markii uu baahiyay <a rel=\"noreferrer noopener\" aria-label=\"qormo (opens in a new tab)\" href=\"https:\/\/www.facebook.com\/RadioHiigsi\/posts\/135363977977464\" target=\"_blank\">qormo<\/a> lagu dhaliilayo anshaxa ciidamada. Waxaa l<a rel=\"noreferrer noopener\" aria-label=\"a sii daayay (opens in a new tab)\" href=\"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/2020\/03\/02\/radio-hiigsi-editor-released-without-charge\/\" target=\"_blank\">a sii daayay<\/a> 2 Maarso, 2020. Sii deyntiisa kaddib, wuxuu SJS u sheegay in lagu jirdilay xabsiga dhexdiisa.<\/p>\n\n\n\n<p>Mar labaad ayaa saraakiil ka socota NISA ayaa <a rel=\"noreferrer noopener\" aria-label=\"xabsiga u taxaabeen (opens in a new tab)\" href=\"https:\/\/hornobserver.com\/articles\/235\/Somalia-NISA-again-detains-Editor-of-Radio-Hiigsi-in-Mogadishu\" target=\"_blank\">xabsiga u taxaabeen<\/a> weriye Maxamed Abuuja 7 Maarso oo illaa iyo haddana ku haya <a href=\"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/2020\/04\/18\/goobjoog-deputy-director-released-on-bail-as-radio-hiigsi-editor-held-incommunicado\/\" target=\"_blank\" rel=\"noreferrer noopener\" aria-label=\"xabsi go\u2019doomin ah (opens in a new tab)\">xabsi go\u2019doomin ah<\/a> oo aan xitaa qoyskiisa laga go\u2019doomiyay.<\/p>\n\n\n\n<p>\u201cWaxaan ugu baaqeynaa dowladda inay joojiso handadaadahan ka dhanka saxaafadda, xorriyaddiisana u soo celiyaan tifatiraha Radio Hiigsi Maxamed Abuuja, loona ogolaadaa in uu qabsado qareen, arkana qoyskiisa. Waana in la sii daayaa ama la horkeeno maxkamad madani ah caddaalad ah oo dhegeysata dacwadiisa,\u201d Xoghayaha Guud ee SJS, Md. Muumin ayaa intaa ku daray.<\/p>\n\n\n\n<p>Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu aad uga welwelsan yahay mu\u2019aamaradaha cusub ee ay Dowladda Soomaaliya u adeegsaneyso inay ku caburiso xorriyadda saxaafadda iyo midda hadalka. Bishii Abriil 2-deedii, hay\u2019adda NISA ayaa ugu <a rel=\"noreferrer noopener\" aria-label=\"hanjabtay weriye Haaruun Macruuf (opens in a new tab)\" href=\"https:\/\/twitter.com\/HSNQ_NISA\/status\/1245809654216699912\" target=\"_blank\">hanjabtay weriye Haaruun Macruuf<\/a> oo u shaqeeya VOA inay tallaabo sharci ka qaadeyso waxa ay ku sheegtay in uu leeyahay xiriiro qatar ku ah ammaanka Qaranka. Wasiirka Warfaafinta ee Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa bishii Oktoobar ee sanadkii tegay si hajabaad ku jirto ugu tilmaamay warbaahinta gudaha iyo suxufiyiintooda &#8220;inay la shaqeeyaan Al-Shabaab&#8221; sababo la xiriira tebinta wararka ammaanka la xiriira awgood.<\/p>\n\n    <div class=\"xs_social_share_widget xs_share_url after_content \t\tmain_content  wslu-style-1 wslu-share-box-shaped wslu-fill-colored wslu-none wslu-share-horizontal wslu-theme-font-no wslu-main_content\">\n\n\t\t\n        <ul>\n\t\t\t        <\/ul>\n    <\/div> \n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>MUQDISHO, Soomaaliya, 22 Abriil, 2020-  Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu si adag uga soo horjeestay eedeymaha bilaa-caddeynta ah ee la dhoodhoobay ee ay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya u soo jeedisay weriye Maxamed Cabduwahaab Nuur (Abuuja) oo xabsi go\u2019doomin ah lagu hayay tan iyo markii la xiray 7-dii Maarso.<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":1453,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[38,2,32,31,58,35,36],"tags":[302,303,49,69],"class_list":{"0":"post-1452","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-dhacdooyin","8":"category-featured","9":"category-in-the-news","10":"category-ololaha","11":"category-somali","12":"category-warbixinnada","13":"category-waxqabadka","14":"tag-abuuja","15":"tag-maareeye","16":"tag-sjs","17":"tag-ururka-suxufiyiinta-soomaaliyeed"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1452","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=1452"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1452\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":4346,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1452\/revisions\/4346"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/1453"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=1452"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=1452"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=1452"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}