{"id":1438,"date":"2020-04-21T20:54:38","date_gmt":"2020-04-21T17:54:38","guid":{"rendered":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/?p=1438"},"modified":"2023-12-12T18:49:39","modified_gmt":"2023-12-12T18:49:39","slug":"idaacadda-baraawe-oo-laga-mamnuucay-inay-ku-hadasho-lahjadda-barawaaniga","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/idaacadda-baraawe-oo-laga-mamnuucay-inay-ku-hadasho-lahjadda-barawaaniga\/","title":{"rendered":"Idaacadda Baraawe oo laga mamnuucay inay ku hadasho lahjadda Barawaaniga"},"content":{"rendered":"\n<p>MUQDISHO, Soomaaliya, 21 Abiril 2020 \u2013 Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu cambaareynayaa <a href=\"https:\/\/www.facebook.com\/watch\/?v=270495240631492\" target=\"_blank\" rel=\"noreferrer noopener\" aria-label=\"ammarka mamnuucista (opens in a new tab)\">ammarka mamnuucista<\/a> baahinta lahjadda Barawaaniga ee lagu soo rogay idaacadda Radio Baraawe ee degmada Baraawe, Gobolka Shabeelaha Hoose oo ay soo rogeen maamulka Koonfur Galbeed maalinimadii Isniinta 20 Abriil 2020.<\/p>\n\n\n\n<p>Tifaftiraha guud ee Radio Baraawe, Fu\u2019aad Shooble Kafe ayaa sheegay in guddoomiyaha degmada Baraawe, Cumar Sheekh Cabdi ayaa yimid idaacadda, kuna amray in la joojiyo dhammaan barnaamijyada ku baxa lahjadda Barawaaniga, kuna tilmaamay in ay tahay \u201cSharci darro in lahjadda laga baahiyo idaacadda\u201d isagoon wax caddeyn ama sababeyn ah raacin.<\/p>\n\n\n\n<p>SJS oo la xiriitay guddoomiyaha degmada Baraawe, Cumar Sheekh Cabdi iyo wasiirka warfaafinta koonfur Galbeed Ugaas Xasan Cabdi ayaa labadaba yiri, \u201cMaay iyo Maxaa tiri\u201d ayaa ah lahjadaha laga ogol yahay in laga baahiyo warbaahinta hoostimaada maamulka Koonfur Galbeed.<\/p>\n\n\n\n<p><a href=\"https:\/\/www.facebook.com\/Radio-Baraawe-883-mhz-107247783994714\/\" target=\"_blank\" rel=\"noreferrer noopener\" aria-label=\"Idaacadda Baraawe (opens in a new tab)\">Idaacadda Baraawe<\/a>, oo ah idaacad bulsho, waxay baahisaa warar, barnaamijyo iyo muusik ku baxa lahjadda Barawaaniga.<\/p>\n\n\n\n<p>SJS waxa ay ugu baaqeysaa maamulka Koonfur Galbeed iyo kan Degmada Baraawe inay si deg deg ah ula noqdaan go\u2019aankan siyaasadeysan ee ka dhanka ah idaacadda Baraawe oo ay ku mamnuuceen baahinta lahjadda Barawaaniga.<\/p>\n\n\n\n<p>\u201cInkastoo aanay maamulka magaalada Baraawe uusan gebi ahaanba xirin idaacadda, haddana waa arrin lala yaabo in la mamnuuco lahjadda Barawaaniga. Arrintan waa xadgudub xuquuqaadka aas-aasiga ah iyo hor-istaagis lagu sameynayo xoriyadda hadalka,\u201d Cabdalle Axmed Mumin, Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) ayaa sidaa yiri, isagoo ugu baaqay maamulka degmada Baraawe iyo kan Koonfur Galbeed inay la noqdaan ammarka joojinta lahjadda Barawaaniga, taasoo ah idaacadda keliya ee ka howlgasha magaalada Baraawe.<\/p>\n\n\n\n<p>Dhanka kale, Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu Dowladda Federaalka ah ka dalbanayaa in si shuruud la\u2019aan xorriyadiisa loo siiyo weriye Maxamed Cabdiwahaab Nuur (Abuuja) oo <a href=\"https:\/\/www.flickr.com\/photos\/182231529@N08\/albums\/72157713981452801\" target=\"_blank\" rel=\"noreferrer noopener\" aria-label=\"xabsi go\u2019doon ah lagu hayo (opens in a new tab)\">xabsi go\u2019doon ah lagu hayo<\/a> tan maalintii la xiray ee 7 Maarso.<\/p>\n\n    <div class=\"xs_social_share_widget xs_share_url after_content \t\tmain_content  wslu-style-1 wslu-share-box-shaped wslu-fill-colored wslu-none wslu-share-horizontal wslu-theme-font-no wslu-main_content\">\n\n\t\t\n        <ul>\n\t\t\t        <\/ul>\n    <\/div> \n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>MUQDISHO, Soomaaliya, 21 Abiril 2020 \u2013 Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu cambaareynayaa ammarka mamnuucista baahinta lahjadda Barawaaniga ee lagu soo rogay idaacadda Radio Baraawe ee degmada Baraawe, Gobolka Shabeelaha Hoose oo ay soo rogeen maamulka Koonfur Galbeed maalinimadii Isniinta 20 Abriil 2020.<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":1420,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[38,2,32,31,58,35,36],"tags":[230,301,49,156],"class_list":{"0":"post-1438","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-dhacdooyin","8":"category-featured","9":"category-in-the-news","10":"category-ololaha","11":"category-somali","12":"category-warbixinnada","13":"category-waxqabadka","14":"tag-koonfur-galbeed","15":"tag-radio-baraawe","16":"tag-sjs","17":"tag-soomaaliya"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1438","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=1438"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1438\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":4347,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1438\/revisions\/4347"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/1420"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=1438"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=1438"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=1438"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}