{"id":1435,"date":"2020-04-21T20:18:54","date_gmt":"2020-04-21T17:18:54","guid":{"rendered":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/?p=1435"},"modified":"2023-12-12T18:49:40","modified_gmt":"2023-12-12T18:49:40","slug":"weriyaha-voa-oo-baydhabo-loogu-xiray-warbixin-ku-saabsan-gabar-kufsi-dartiis-u-geeriyootay","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/weriyaha-voa-oo-baydhabo-loogu-xiray-warbixin-ku-saabsan-gabar-kufsi-dartiis-u-geeriyootay\/","title":{"rendered":"Weriyaha VOA oo Baydhabo loogu xiray warbixin ku saabsan gabar kufsi dartiis u geeriyootay"},"content":{"rendered":"\n<p>MUQDISHO, Soomaaliya, 21 Abriil 2020 \u2013  Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu cambaareynayaa xarigga maamulka Koonfur Galbeed u geysteen weriye Mukhtaar Maxamed Catoosh oo ah wakiil wareedka Laanta Af-Soomaaliga ee Voice of America (VOA) maalinimadii Talaadada abaaro 5:30 galabnimo.<\/p>\n\n\n\n<p>Gaari ay saaran yihiin ciidamada Booliska Koonfur Galbeed ayaa weriye Catoosh ka qabtay bartamaha magaalada Baydhabo agagaarka Afar-Irdoodka, waxaana lagu xiray saldhiga ciidamada dembi baarista ee CID oo loo yaqaano \u201cBarta Dhexe\u201d sida warfidiyeeno ku sugan Baydhabo u sheegeen SJS. Suxufiga ayaa loo xiray warbixin uu ka sii daayay laanta Af-Soomaaliga ee VOA oo ka hadleysay <a rel=\"noreferrer noopener\" aria-label=\"gabar yar oo u geeriyootay kufsi (opens in a new tab)\" href=\"https:\/\/www.voasomali.com\/a\/5378510.html\" target=\"_blank\">gabar yar oo u geeriyootay kufsi<\/a> loogu geystay inta u dhexeysa Wadada Muqdisho iyo Baydhabo. Warbixintaas oo idaacadda ka baxday 19 Abriil 2020.<\/p>\n\n\n\n<p>Wasiirka Warfaafinta Koonfur Galbeed Soomaaliya, Ugaas Xasan Cabdi ayaa SJS u sheegay in Maxkamadda gobolka Baay maanta oo Talaado ah siisay  xabsi xalaaleyn u ogolaanaya inay xabsiga ku haayaan muddo aan la cayimin.<\/p>\n\n\n\n<p>Warqadda maxkamadda oo ay SJS aragtay, kana soo baxday Maxkamadda Gobolka Baay 21-ka Abriil 2020 ayaa ku eedeyneysa saxafiga qodobada 271, 328, 227 iyo 326 ee xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed oo, haddii lagu helo, keeni kara xarig hal sano illaa lix bilood u dhexeeya.<\/p>\n\n\n\n<p>Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) ayaa ugu baaqaya maamulka Koonfur Galbeed  inay si shuruud la\u2019aan ah xorriyadiisa u siiyaan Mukhtaar Maxamed Catoosh, kana joojiyaan eedeymaha ay ku soo oogayaan.<\/p>\n\n\n\n<p>\u201cSaxaafaddu dembi ma ahan, suxufiyiinta ma ahan in loo xiro tebinta arrimaha danta guud ee bulshada,\u201d Cabdalle Axmed Mumin, Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) ayaa yiri, isagoo cambaareeyay xarigga loo geystay weriye Mukhtaar Maxamed Catoosh, wuxuuna ugu baaqay maamulka Koonfur Galbeed in si deg deg ah loo sii daayo, lana joojiyo eedeymaha ka dhanka ah.<\/p>\n\n\n\n<p>SJS waxay aad uga walaacsan tahay handadaadda iyo caga-jugleynta lagu beegsaday suxufiyiintii dhowaan tebinayay soo xulista xildhibaanada baarlamaanka labaad ee  koonfur Galbeed.<\/p>\n\n\n\n<p>Dhanka kale, Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu cambaareynayaa <a href=\"https:\/\/www.radioshabelle.com\/ciidanka-haramcad-oo-jirdilay-wariyeyaal-ka-tirsan-shabelle\/\" target=\"_blank\" rel=\"noreferrer noopener\" aria-label=\"garaacista (opens in a new tab)\">garaacista<\/a> ay ciidamada booliska Muqdisho ugu geysteen saddex warfidiyeen oo u shaqeynayay idaacadda Shabelle habeenkii Axadda 19 Abriil 2020. Saddexda warfidiyeen ayaa kala ah: Cabdinaasir Cabdiraxmaan Maxamuud, Cabdikariim Ciise Cadaawe iyo Faadumo Cabdulqaadir Xasan xilli ay ka soo laabteen howl saxaafadeed, sida ay suxufiyiinta ay u sheegeen SJS.<\/p>\n\n\n\n<p>Ugu dambeyntii, Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) ayaa Dowladda Federaalka ah ugu baaqayaa in xorriyadiisa la siiyo tifaftiiraha Idaacadda Hiigsi, Maxamed Cabdiwahaab Nuur (Abuuja) oo <a href=\"https:\/\/www.flickr.com\/photos\/182231529@N08\/albums\/72157713981452801\" target=\"_blank\" rel=\"noreferrer noopener\" aria-label=\"xabsi go\u2019doon ah lagu hayo muddo 45 cisho ah (opens in a new tab)\">xabsi go\u2019doon ah lagu hayo muddo 45 cisho ah<\/a>.<\/p>\n\n    <div class=\"xs_social_share_widget xs_share_url after_content \t\tmain_content  wslu-style-1 wslu-share-box-shaped wslu-fill-colored wslu-none wslu-share-horizontal wslu-theme-font-no wslu-main_content\">\n\n\t\t\n        <ul>\n\t\t\t        <\/ul>\n    <\/div> \n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>MUQDISHO, Soomaaliya, 21 Abriil 2020 \u2013  Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu cambaareynayaa xarigga maamulka Koonfur Galbeed u geysteen weriye Mukhtaar Maxamed Catoosh oo ah wakiil wareedka Laanta Af-Soomaaliga ee Voice of America (VOA) maalinimadii Talaadada abaaro 5:30 galabnimo.<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":1436,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[38,2,32,31,58,35,36],"tags":[299,230,300,49,298],"class_list":{"0":"post-1435","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-dhacdooyin","8":"category-featured","9":"category-in-the-news","10":"category-ololaha","11":"category-somali","12":"category-warbixinnada","13":"category-waxqabadka","14":"tag-baydhabo","15":"tag-koonfur-galbeed","16":"tag-mukhtaar-catoosh","17":"tag-sjs","18":"tag-voa-somali"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1435","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=1435"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1435\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":4348,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1435\/revisions\/4348"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/1436"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=1435"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=1435"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=1435"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}