{"id":1391,"date":"2020-04-14T23:21:59","date_gmt":"2020-04-14T20:21:59","guid":{"rendered":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/?p=1391"},"modified":"2023-12-12T18:49:40","modified_gmt":"2023-12-12T18:49:40","slug":"sjs-oo-ka-walaacsan-xarigga-agaasime-ku-xigeenka-goobjoog-media","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/sjs-oo-ka-walaacsan-xarigga-agaasime-ku-xigeenka-goobjoog-media\/","title":{"rendered":"SJS oo ka walaacsan xarigga Agaasime ku Xigeenka Goobjoog Media"},"content":{"rendered":"\n<p>MUQDISHO, Soomaaliya, 14 Abriil 2020 \u2013 Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu ka walaacsan yahay xarigga maanta 14 Abriil, 2020 loogu geystay magaalada Muqdisho Agaasime ku Xigeenka Warbaahinta Goobjoog, Cabdicasiis Axmed Gurbiye, wuxuuna dalbanayaa in si deg deg ah loo sii daayo.<\/p>\n\n\n\n<p>Agaasimaha Idaacadda Goobjoog, Xasan Maxamed Maxamuud ayaa SJS u sheegay in booliisku ay Gurbiye maanta oo Talaado ah, abaaro 9:00 subaxnimo, ugu yeereen saldhigga Booliska Degmada Hodan, markii uu tegayna <a href=\"http:\/\/goobjoog.com\/english\/goobjoog-media-group-deputy-director-abdiaziz-ahmed-gurbiye-arrests-in-mogadishu\/\" target=\"_blank\" rel=\"noreferrer noopener\" aria-label=\"loo sheegay in uu xiran yahay (opens in a new tab)\">loo sheegay in uu xiran yahay<\/a>.<\/p>\n\n\n\n<p>Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) ayaa helay nuqulka warqad ka soo baxday Maxkamadda Gobolka Banaadir, kuna taariikheysneyd 14 Abriil, ujeeddadeeduna ahayd \u201cammar soo qabasho iyo horkeenid maxkamadeed\u201d kadib codsi uga yimid xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.  Cabdicasiis Gurbiye ayaa lagu soo eedeeyay qodobka 220 ee Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed.<\/p>\n\n\n\n<p>Agaasimaha Goobjoog Xasan Maxamed Maxamuud ayaa u sheegay SJS in aan lagu wargelinin sababta xarigga agaasime ku xigeenka Goobjoog.<\/p>\n\n\n\n<p>Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) ayaa u arka xarigga agaasime ku xigeenka Warbaahinta Goobjoog mid khatar ku ah xuquuqaadka dastuuriga ah isla markaana wiiqaya helista xogaha muhiimka ah oo ay dadweynuhu u baahan yihiin kuwaa oo ay ku jiraan xogta ku saabsan la tacaalidda iyo xakameynta cudurka saf-marka ee Korona.<\/p>\n\n\n\n<p>\u201cWaxaan aad uga walaacsanahay xarigga agaasime ku xigeenka Goobjoog Media Cabdicasiis Axmed Gurbiye, xilli warbaahinta iyo warfidiyeenadu ay safka hore kaga jiraan la dagaalanka cudurka Korona,\u201d Cabdalle Axmed Mumin, Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) ayaa yiri, isagoo ka codsaday dowladda in si deg deg ah xorriyaddiisa loo siiyo.<\/p>\n\n\n\n<p>Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay dowladda in ay joojiso <a rel=\"noreferrer noopener\" aria-label=\"xayiraadda (opens in a new tab)\" href=\"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/2020\/04\/12\/sjs-condemns-order-by-somalia-minister-of-sports-to-bar-goobjoog-media-from-sports-facilities\/\" target=\"_blank\">xayiraadda<\/a> ay Wasaaradda Ciyaaraha iyo Dhallinyarada ku soo rogtay Warbaahinta Goobjoog, taas oo looga mamnuucay tegista garoomada ciyaaraha iyo tebintooda, amarkaas oo uu dhaqan-geliyay Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed (SFF) 9-kii bishan Abriil.<\/p>\n\n    <div class=\"xs_social_share_widget xs_share_url after_content \t\tmain_content  wslu-style-1 wslu-share-box-shaped wslu-fill-colored wslu-none wslu-share-horizontal wslu-theme-font-no wslu-main_content\">\n\n\t\t\n        <ul>\n\t\t\t        <\/ul>\n    <\/div> \n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>MUQDISHO, Soomaaliya, 14 Abriil 2020 \u2013 Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu ka walaacsan yahay xarigga maanta 14 Abriil, 2020 loogu geystay magaalada Muqdisho Agaasime ku Xigeenka Warbaahinta Goobjoog, Cabdicasiis Axmed Gurbiye, wuxuuna dalbanayaa in si deg deg ah loo sii daayo.<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":1388,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[38,2,32,31,58,35,36],"tags":[274,284,159,49,42],"class_list":{"0":"post-1391","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-dhacdooyin","8":"category-featured","9":"category-in-the-news","10":"category-ololaha","11":"category-somali","12":"category-warbixinnada","13":"category-waxqabadka","14":"tag-goobjoog","15":"tag-gurbiye","16":"tag-muqdisho","17":"tag-sjs","18":"tag-somalia"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1391","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=1391"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1391\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":4350,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1391\/revisions\/4350"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/1388"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=1391"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=1391"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=1391"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}