{"id":1383,"date":"2020-04-14T01:23:16","date_gmt":"2020-04-13T22:23:16","guid":{"rendered":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/?p=1383"},"modified":"2023-12-12T18:49:40","modified_gmt":"2023-12-12T18:49:40","slug":"jubbaland-oo-muddo-kooban-xirtay-weriye-aadan-kismaayo","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/jubbaland-oo-muddo-kooban-xirtay-weriye-aadan-kismaayo\/","title":{"rendered":"Jubbaland oo muddo kooban xirtay Weriye Aadan Kismaayo"},"content":{"rendered":"\n<p>MUQDISHO, Soomaaliya, 14 Abriil 2020 \u2013 Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu cambaareynayaa <a rel=\"noreferrer noopener\" aria-label=\"xarigga (opens in a new tab)\" href=\"https:\/\/www.facebook.com\/photo.php?fbid=10158362536104577\" target=\"_blank\">xarigga<\/a> weriyaha Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed (SNTV), Aadan Maxamed Salaad (Aadan Kismaayo) loogu geystay magaalada Kismaayo 13 Abriil, 2020.<\/p>\n\n\n\n<p>Weriye Aadan Maxamed Salaad ayaa ciidamada Booliska Jubbaland waxay ka qabteen xilli uu muuqaal ka duubayey xeebta xaafadda Calanley ee magaalada Kismaayo abbaare 12:00 duhurnimo xilli doon sidday Qaad ay ku soo xiratay halkaasi. Qaadka ayay Dowladda Soomaaliya dhowaan u <a href=\"https:\/\/www.aljazeera.com\/ajimpact\/khat-traders-farmers-hit-coronavirus-pandemic-200331064458024.html\" target=\"_blank\" rel=\"noreferrer noopener\" aria-label=\"mamnuucay (opens in a new tab)\">mamnuucay<\/a> arrimo la xiriira ka hortagga faafidda feyruska Korona. Weriye Aadan ayaa muddo labo saacadood ah lagu hayay saldhigga booliska, kadibna la sii daayay isagoon wax eed ah lagu soo oogin, sida SJS ka soo xigatay Weriye Aadan Kidmaayo iyo suxufiyiin kale.<\/p>\n\n\n\n<p>Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu xasuusinayaa Dowladda Federalka iyo maamuladda dalka in shaqada warfidiyeennadu u hayaan bulshada ay qeyb ka tahay badbaadinta nafta dadka inta lagu jiro xaaladda deg degga ah ee cudurka Korona, sidaas darteedna aanay ahayn in loo xiro, loo handado ama loogu xadgudbo tebinta wararka bulshadu u baahan tahay in ay ogaato.<\/p>\n\n\n\n<p>\u201cWaxaanu cambaareyneynaa dhammaan tacadiyada kala duwan ee ka dhanka ah warbaahinta ku howlan tebinta Feyruska Korona xilligan xaaladdan adag lagu jiro, tacaddiyaas oo uu ugu dambeeyay midkan lagula kacay weriye Aadan Maxamed Salaad,\u201d Cabdalle Axmed Mumin, Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) ayaa yiri, isagoo intaa ku daray in xilligan la joogo shacabka Soomaaliyeed ay wajahayaan xaalad adag oo ay kula tacaalayaan xakameynta cudurka Korona, warbaahintuna ay ka qaadaneyso door muhiim u ah sidii shacabka Soomaaliyeed ugu wargelin lahaayeen marxaladdan adag, isagoona ugu baaqay maamuladda inay siiyaan suxufiyiinta xogta lagama maarmaanka ah si shacabku u helo warqab joogto ah.<\/p>\n\n\n\n<p>Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu sidoo kale ka walaacsan yahay suxufiyiin dhowaan <a href=\"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/2020\/04\/03\/journalists-face-threats-of-intimidation-and-censorship-for-reporting-covid-19-in-mogadishu-and-hargeisa\/\" target=\"_blank\" rel=\"noreferrer noopener\" aria-label=\"xarig iyo handadaad (opens in a new tab)\">xarig iyo handadaad<\/a> loogu geystay magaalooyinka Muqdisho iyo Hargeysa iyagoo tebinayay cudurkan saf-marka ah eeka dhashay keeno Feyruska Korona.<\/p>\n\n\n\n<p>Ugu dambeyntii, Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu soo dhoweynayaa <a rel=\"noreferrer noopener\" aria-label=\"dhawaaqa (opens in a new tab)\" href=\"https:\/\/twitter.com\/SomaliPM\/status\/1249765330446176266\" target=\"_blank\">dhawaaqa<\/a> Ra&#8217;isul Wasaare Xasan Cali Kheyre uu Isniintii ku sheegay in warbaahinta iyo warfidiyeenada loo oggolaanayo in ay shaqeeyaan xiliga <a href=\"https:\/\/hornobserver.com\/articles\/287\/Somalia-Government-imposes-a-night-curfew-to-Mogadishu-City\" target=\"_blank\" rel=\"noreferrer noopener\" aria-label=\"bandowga (opens in a new tab)\">bandowga<\/a> ee uu Axaddii ku dhawaaqay Taliyaha Booliska, iyadoo dowladdu sheegtay inay warbaahinta u aqoonsaneyso inay ka mid tahay adeegayaasha aas-aasiga ah.<\/p>\n\n\n\n<p><\/p>\n\n    <div class=\"xs_social_share_widget xs_share_url after_content \t\tmain_content  wslu-style-1 wslu-share-box-shaped wslu-fill-colored wslu-none wslu-share-horizontal wslu-theme-font-no wslu-main_content\">\n\n\t\t\n        <ul>\n\t\t\t        <\/ul>\n    <\/div> \n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>MUQDISHO, Soomaaliya, 13 Abriil 2020 \u2013 Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee SJS ayaa waxa uu cambaareynayaa xarigga weriyaha Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed (SNTV), Aadan Maxamed Salaad (Aadan Kismaayo) loogu geystay magaalada Kismaayo 13 Abriil, 2020.<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":1372,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[38,2,32,31,58,35,36],"tags":[276,275,93,49,42],"class_list":{"0":"post-1383","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-dhacdooyin","8":"category-featured","9":"category-in-the-news","10":"category-ololaha","11":"category-somali","12":"category-warbixinnada","13":"category-waxqabadka","14":"tag-coronavirus","15":"tag-covid-19","16":"tag-jubbaland","17":"tag-sjs","18":"tag-somalia"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1383","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=1383"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1383\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":4351,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1383\/revisions\/4351"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/1372"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=1383"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=1383"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=1383"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}