{"id":1369,"date":"2020-04-12T22:03:00","date_gmt":"2020-04-12T19:03:00","guid":{"rendered":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/?p=1369"},"modified":"2023-12-12T18:49:40","modified_gmt":"2023-12-12T18:49:40","slug":"sjs-oo-cambaareysay-goaanka-garoomada-ciyaaraha-looga-mamnuucay-goobjoog","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/sjs-oo-cambaareysay-goaanka-garoomada-ciyaaraha-looga-mamnuucay-goobjoog\/","title":{"rendered":"SJS oo cambaareysay go&#8217;aanka garoomada ciyaaraha looga mamnuucay Goobjoog"},"content":{"rendered":"\n<p>MUQDISHO, Soomaaliya, 12 Abriil 2020- Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) ayaa cambaareeyay go&#8217;aanka ay Wasaaradda Ciyaaraha iyo Dhallinyarada uga <a href=\"https:\/\/goobjoog.com\/english\/sports-minister-khadijos-orchestrated-vendetta-against-goobjoog-media-group-illegal-and-politically-motivated\/\" target=\"_blank\" rel=\"noreferrer noopener\" aria-label=\"mamnuucday Warbaahinta Goobjoog tebinta ciyaaraha (opens in a new tab)\">mamnuucday Warbaahinta Goobjoog tebinta ciyaaraha<\/a>, ayna dhaqangeliyeen Xiriirka Kubbadda Cagta ee Soomaaliyeed 9 Abriil 2020. Ammarka ayaa ka mamnuucaya warbaahinta Goobjoog iyo shaqaalaheeda tegista garoomada lagu ciyaaro.<\/p>\n\n\n\n<p>Wareegtada ka soo baxday wasaaradda Cayaaraha iyo Dhalinyarada, oo nuqul ka mid ahna ay heshay SJS ayaan lagu caddeynin sababta mamnuucista lagu soo rogay Warbaahinta Goobjoog. <a href=\"https:\/\/www.facebook.com\/zakariahussien.mahamud\/videos\/223576188859797\/\" target=\"_blank\" rel=\"noreferrer noopener\" aria-label=\"Shir jaraa\u2019id oo uu qabtay (opens in a new tab)\">Shir jaraa\u2019id oo uu qabtay<\/a> Guddoomiyaha Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliyeed Cabdiqani Siciid Carab, 9-kii bishan ayaa ku sheegay in Xiriirku uu u hoggaasanamayo ammarka Wasaaradda oo ay soo saartay Wasiirka Wasaaradda  Ciyaaraha iyo Dhallinyarada Khadiijo Maxamed Diiriye.<\/p>\n\n\n\n<p>Agaasimaha Warbaahinta Goobjoog, Xasan Maxamed Maxamuud ayaa SJS u sheegay in Xiriirka Kubbadda Cagta uu ku wargeliyay in warbaahinta Goobjoog iyo warfidiyeenadeedaba aan loo oggolaan doonin in ay soo galaan garoomada kubbadda, uuna ku tilmaamay ammarkaas mid lagu wiiqayo siyaasadooda tifaftireed. Go\u2019aankan ayaa Warbaahinta Goobjoog geliyay welwel iyo cabsi ay u baqayaan amniga warfidiyeenadooda.<\/p>\n\n\n\n<p>\u201cAmarka Wasiirka wuxuu soo sidoo kale faray saraakiisha hay\u2019adaha kale ee Dowladda iyo laamaha amniga inay dhaqan-geliyaan, taasina waxay keentay in aan awoodi weyno in aan shaqaaleheena u dirno goobahaasi sababo amnigooda la xiriira darteed. Waxaan kaloo ka cabsi qabnaa in amarkan uu saameeyo qeybaha kale ee hay&#8217;adaha dowladda,\u201d Xasan Maxamed Maxamuud, Agaasimaha Warbaahinta Goobjoog ayaa sidaa u sheegay SJS.<\/p>\n\n\n\n<p>Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee SJS waxa uu cambaareynaya go\u2019aanka Wasiirka Ciyaaraha iyo Dhallinyarada oo ah fal lagu doonayo in lagu wiiqo xorriyadda saxaafadda, laguna cabsi gelinaayo warbaahinta madaxa-bannaan, iyadoo lagu horjoogsanayo xaqa helista xogta oo ah mid dastuuri ah.<\/p>\n\n\n\n<p>\u201cAad ayaan uga wel-welsanahay ammarka Wasaaradda Ciyaaraha iyo Dhallinyarada ee lagu bartilmaameedsanayo Warbaahinta Goobjoog, kaasoo xadgudub weyn ku ah shaqada warbaahinta madaxa-bannaan, khatarna gelinaya amniga warfidiyeenada,\u201d Cabdalle Axmed Mumin, Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) ayaa yiri isagoo ugu baaqay Wasaaradda Ciyaaraha iyo Dhalinyarada in ay la noqoto mamnuucistan, una oggolaato Warbaahinta Goobjoog tebinta ciyaaraha si is-hor-taag la\u2019aan ah.<\/p>\n\n\n\n<p>29-kii Maarso ayay ahayd markii afar warfidiyeen oo u shaqeynayay Warbaahinta Goobjoog iyo darawalkooda, <a rel=\"noreferrer noopener\" aria-label=\"kuna jiray hawl saxaafadeed ay si kooban u xireen (opens in a new tab)\" href=\"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/2020\/03\/29\/four-journalists-on-assignment-briefly-arrested-in-mogadishu\/\" target=\"_blank\">kuna jiray hawl saxaafadeed ay si kooban u xireen<\/a> ciidamo ka tirsan Hay\u2019adda Sirdoonka Qaranka (NISA), iyagoo muddo kooban kadibna siidaayey iyagoon wax dembi ah lagu soo oogin.<\/p>\n\n    <div class=\"xs_social_share_widget xs_share_url after_content \t\tmain_content  wslu-style-1 wslu-share-box-shaped wslu-fill-colored wslu-none wslu-share-horizontal wslu-theme-font-no wslu-main_content\">\n\n\t\t\n        <ul>\n\t\t\t        <\/ul>\n    <\/div> \n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>MUQDISHO, Soomaaliya, 12 Abriil 2020- Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) ayaa cambaareeyay go&#8217;aanka ay Wasaaradda Ciyaaraha iyo Dhallinyarada uga mamnuucday Warbaahinta Goobjoog tebinta ciyaaraha, ayna dhaqangeliyeen Xiriirka Kubbadda Cagta ee Soomaaliyeed 9 Abriil 2020. Ammarka ayaa ka mamnuucaya warbaahinta Goobjoog iyo shaqaalaheeda tegista garoomada lagu ciyaaro.<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":1365,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[38,2,32,31,58,35,36],"tags":[274,159,49,42],"class_list":{"0":"post-1369","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-dhacdooyin","8":"category-featured","9":"category-in-the-news","10":"category-ololaha","11":"category-somali","12":"category-warbixinnada","13":"category-waxqabadka","14":"tag-goobjoog","15":"tag-muqdisho","16":"tag-sjs","17":"tag-somalia"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1369","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=1369"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1369\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":4352,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1369\/revisions\/4352"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/1365"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=1369"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=1369"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=1369"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}