{"id":1360,"date":"2020-04-03T18:28:26","date_gmt":"2020-04-03T15:28:26","guid":{"rendered":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/?p=1360"},"modified":"2023-12-12T18:49:40","modified_gmt":"2023-12-12T18:49:40","slug":"warfidiyeennada-muqdisho-iyo-hargeysa-ee-soo-tebinaya-caabuqa-covid-19-oo-wajahaya-faaf-reeb-iyo-cagajugleyn","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/warfidiyeennada-muqdisho-iyo-hargeysa-ee-soo-tebinaya-caabuqa-covid-19-oo-wajahaya-faaf-reeb-iyo-cagajugleyn\/","title":{"rendered":"Warfidiyeennada Muqdisho iyo Hargeysa ee soo tebinaya caabuqa Covid-19 oo wajahaya faaf-reeb iyo cagajugleyn"},"content":{"rendered":"\n<p>MUQDISHO, Soomaaliya, 03 Abriil, 2020- Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu cambaareynayaa handadaadda iyo cagajugleynta faafreebka ku saleysan ee warfidiyeenno kala duwan dhowaan loogu geystay magaalooyinka Muqdisho iyo Hargeysa.<\/p>\n\n\n\n<p>30-kii bishii Maarso, shir jaraa\u2019id oo uu qabtay Madaxweyne ku Xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdullaahi Seylici ayuu warfidiyeenka ugu goodiyay in wariyihii soo tebiya caabuqa Coronavirus iyadoo aaney dowladdu xaqiijin uu noqonayo \u201c<a href=\"https:\/\/www.facebook.com\/WarbaahintaMadaxtooyadaJSL\/videos\/2967956366601712\/\" target=\"_blank\" rel=\"noreferrer noopener\" aria-label=\"dambiile qaran (opens in a new tab)\">dambiile qaran<\/a>\u201d<\/p>\n\n\n\n<p>19-kii bishii Maarso sarakiil ka tirsan booliska degmada Boondheere ee magaalada Muqdisho ayaa xarig iyo handadaad isugu daray wariye <a href=\"https:\/\/www.facebook.com\/permalink.php?story_fbid=1345611475622604&amp;id=100005212939220\" target=\"_blank\" rel=\"noreferrer noopener\" aria-label=\"Cabdullaahi Faarax Nuur (Yariisow) (opens in a new tab)\">Cabdullaahi Faarax Nuur (Yariisow)<\/a>, dharbaaxayna sawirqaadihiisii Cabdiraxmaan Cumar. Labada saxafi ayaa wareysiyo ku saabsan yaraanshiyaha agabka gacmaha iyo wejiga lagu xirto ee looga gaashaanto <a href=\"https:\/\/www.reuters.com\/article\/health-coronavirus-somalia\/somalia-confirms-first-case-of-coronavirus-health-minister-idUSL8N2B92GA\" target=\"_blank\" rel=\"noreferrer noopener\" aria-label=\"caabuqa Coronavirus (opens in a new tab)\">caabuqa Coronavirus<\/a> ku duubayey agagaarka Daljirka Dahsoon. Wariye Yariisow ayaa u sheegay SJS in saraakiisha booliska markii ay qabteen geeyeen meel u dhow saldhigga booliska Boondheere, markii uu si ku celcelis ah u weydiiyay sababta loo xiray-na waxay saraakiisha tuseen bastooladahooda, iyagoo kaddibna u sheegay inay meel aan la ogoleyn ay filim ka duubayeen.<\/p>\n\n\n\n<p>Labada warfidiyeen ayaa markii dambe la sii daayay iyagoon wax dembi ah lagu oogin.<\/p>\n\n\n\n<p>27-dii Maarso, wariye Maxamed Dhaysane oo ka howlgala Wakaaladda Wararka Turkiga ee Anadolu oo fadhigiisu yahay Muqdisho, ayaa cadaadis xoog badan kala kulmay warbixin ku saabsanayd in Dowladda Soomaaliya ay <a href=\"https:\/\/www.aa.com.tr\/en\/africa\/somalia-sending-20-doctors-to-help-italy-fight-virus\/1782154\" target=\"_blank\" rel=\"noreferrer noopener\" aria-label=\"20 dhakhtar u direyso dalka Talyaaniga (opens in a new tab)\">20 dhakhtar u direyso dalka Talyaaniga<\/a>, oo ah waddan uu caabuqan dad badani ku laayey. Suxufigan ayaa sheegay in labo sarkaal oo ka tirsan dowladda Soomaaliya ay cadaadis ku saareen in warbixinta uu diray uu ka noqdo kana saaro mareegta wakaaladda Anadolu kadib markii ay Dowladdu cadaadis kala kulantay qaar ka mid ah waalidiinta dhakhaatiirta oo ka welwelsanaa badqabka caafimaadka dhakhaatiirtaas.<\/p>\n\n\n\n<p>12 Maarso, sarkaal ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka Soomaalliya ayaa ka dalbaday Universal TV inay tirtiraan <a href=\"https:\/\/www.facebook.com\/watch\/?v=615094882678947\" target=\"_blank\" rel=\"noreferrer noopener\" aria-label=\"wareysi telefishinku la yeeshay Wasiirka Caafimaadka (opens in a new tab)\">wareysi telefishinku la yeeshay Wasiirka Caafimaadka<\/a> Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dr. Fawsiya Abiikar oo sheegtay inay karantiileen afar qof oo looga shakiyay inay qabaan cudurka COVID-19, balse warbixinta ayaa weli ku sii jirtay bogga Telefishinka.<\/p>\n\n\n\n<p>\u201cWaxaanu cambaareyneynaa tacadiyadan ugu dambeeyay ee loo geystay warfidiyeenno tebinayay cudurka halista ee Covid-19 iyo caabuqa Coronavirus,\u201d Cabdalle Axmed Mumin, Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) ayaa intaa ku daray tebinta cudurka Coronavirus ay tahay arrin ahmiyad dadweyne leh, loona baahan yahay in shacabka lagu wargeliyo hadba wixii ku soo kordha si looga gaashaanto in cudurkani sii faafo, shacabku feejignaan u muujiyaan maadaama kumanaan qof ku dilay waddamo badan oo caalamka ku yaalla.<\/p>\n\n\n\n<p>\u201cWaxaanu ugu baaqeynaa maamullada Muqdisho iyo Hargeysa inay ogolaadaan is-dhaafsiga wararka warbaahinta, una ogolaadaan warfidiyeenada inay helaan xog ku filan oo ku saabsan tallaabooyinka lagula tacaalayo Coronavirus si loo badbaadiyo shacabka,\u201d Xoghayaha guud ee SJS Mr. Mumin ayaa intaa ku daray.<\/p>\n\n    <div class=\"xs_social_share_widget xs_share_url after_content \t\tmain_content  wslu-style-1 wslu-share-box-shaped wslu-fill-colored wslu-none wslu-share-horizontal wslu-theme-font-no wslu-main_content\">\n\n\t\t\n        <ul>\n\t\t\t        <\/ul>\n    <\/div> \n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>MUQDISHO, Soomaaliya, 03 Abriil, 2020- Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu cambaareynayaa handadaadda iyo cagajugleynta faafreebka ku saleysan ee warfidiyeenno kala duwan dhowaan loogu geystay magaalooyinka Muqdisho iyo Hargeysa.<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":1358,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[38,2,32,31,58,35,36],"tags":[278,279,276,277,159,49],"class_list":{"0":"post-1360","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-dhacdooyin","8":"category-featured","9":"category-in-the-news","10":"category-ololaha","11":"category-somali","12":"category-warbixinnada","13":"category-waxqabadka","14":"tag-boondheere","15":"tag-caafimaadka","16":"tag-coronavirus","17":"tag-covid19","18":"tag-muqdisho","19":"tag-sjs"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1360","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=1360"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1360\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":4353,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1360\/revisions\/4353"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/1358"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=1360"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=1360"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=1360"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}