{"id":1343,"date":"2020-03-20T20:40:45","date_gmt":"2020-03-20T17:40:45","guid":{"rendered":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/?p=1343"},"modified":"2023-12-12T18:49:40","modified_gmt":"2023-12-12T18:49:40","slug":"sjs-oo-cambaareysay-hanjabaadaha-xarigga-sharci-darrada-iyo-garaacis-loo-geystay-saddex-suxufi-oo-ka-howlgala-puntland","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/sjs-oo-cambaareysay-hanjabaadaha-xarigga-sharci-darrada-iyo-garaacis-loo-geystay-saddex-suxufi-oo-ka-howlgala-puntland\/","title":{"rendered":"SJS oo cambaareysay hanjabaadaha, xarigga sharci darrada iyo garaacis loo geystay saddex suxufi oo ka howlgala Puntland"},"content":{"rendered":"\n<p>MUQDISHO, Soomaaliya, 20 Maarso, 2020 &#8211; Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) ayaa cambaareynaya hanjabaadaha, xadgudubyada, xarigga aan loo meel dayin iyo garaacis loo geystay saddex suxufi oo ka howlgala Puntland saddexdii todobaad ee la soo dhaafay.<\/p>\n\n\n\n<p>10-kii Maarso 2020 ayaa saddex askari oo ka tirsan ciidamada Ilaalada Madaxtooyada Puntland waxay horjoogsi shaqo iyo garaacis u geysteen weriye Cabdiqani Axmed Maxamed (Fantastic) oo ka howlgala RTN TV. Weriyaha ayaa xiliga xadgudubka lagu sameynayay wuxuu ku guda jiray  tebinta <a href=\"https:\/\/www.facebook.com\/MartisoorHotelGarowe\/photos\/a.103775447893283\/117973063140188\/?type=3&amp;theater\" target=\"_blank\" rel=\"noreferrer noopener\" aria-label=\"munaasabadda furitaanka hotel cusub (opens in a new tab)\">munaasabadda furitaanka hotel cusub<\/a> sida ay uu Cabadiqani iyo suxufiyiin kale oo ay ay wareysatay SJS sheegeen. Saraakiisha ayaa suxufiga ku wargeliyay in aan loo ogolaaneynin maadaama uu warbixino dhaliilo ah dowladda ka gudbiyo. Suxufiga ayaa SJS u sheegay in uu ka lumay taleefoonkiisii gacanta isla markaanauu awoodi waayay in uu munaasabadaas tebiyo.<\/p>\n\n\n\n<p>Bishii Maarso 14-keedii, 2020 saraakiil dhar cad ah oo ka tirsan Ciidamada Illaalada Madaxtooyada Puntland waxay <a rel=\"noreferrer noopener\" aria-label=\"hor istaag ku sameeyeen (opens in a new tab)\" href=\"https:\/\/www.facebook.com\/ahmedyasin.jama.1\/posts\/634419084015683\" target=\"_blank\">hor istaag ku sameeyeen<\/a>, isla markaana ay ugu goodiyeen toogasho weriye Shareeco Yaasiin Shareeco oo ka howlgala Horn Cable TV iyo idaacadda Jaamaacadda Puntland ee PSU radio. Weriyaha ayaa xiliga xadgudubka lagu sameynayay wuxuu sawiro ka qaadayay hoolka loo diyaarinayey <a rel=\"noreferrer noopener\" aria-label=\"Shirka Wada-tashiga Puntland (opens in a new tab)\" href=\"https:\/\/www.garoweonline.com\/en\/news\/puntland\/puntland-calls-again-for-urgent-consultative-forum-on-somalias-future\" target=\"_blank\">Shirka Wada-tashiga Puntland<\/a> oo dhacay 15-17 Maarso 2020. Saraakiisha ayaa ka qaaday weriyaha kaamiradiisii kadibna ka jebiyey iyagoo kaddibna dil ugu goodiyay. Sida uu weriye Shareeco sheegay waxa uu cabasho uu u gudbiyay booliska ay ku wargeliyeen in uu sugo ilaa shirka ka idlaanayo, markaas oo qabashadiisa wax laga qaban doono, illaa iyo haddana weriyaha cabashadiisii lama xallin.<\/p>\n\n\n\n<p>Fiidnimadii 15-kii Maarso, 2020, saraakiil ka tirsan Booliska Puntland ayaa u yeeray, isla markaana <a rel=\"noreferrer noopener\" aria-label=\"xabsiga u taxaabay (opens in a new tab)\" href=\"https:\/\/www.facebook.com\/204196037185284\/photos\/a.204204607184427\/517731679165050\" target=\"_blank\">xabsiga u taxaabay<\/a> weriye Aadan Cabdullaahi Sheekeeye oo ka howlgala Telefishinka <a rel=\"noreferrer noopener\" aria-label=\"Caabudwaaq TV (opens in a new tab)\" href=\"https:\/\/www.facebook.com\/Cabudwaaq-TV-204196037185284\/\" target=\"_blank\">Caabudwaaq TV<\/a> (CW), kaddib markii uu <a href=\"https:\/\/www.facebook.com\/aden.abdullahi.5205\/posts\/596675561062922\" target=\"_blank\" rel=\"noreferrer noopener\" aria-label=\"Facebook ku tebiyay xarigga oday dhaqameed (opens in a new tab)\">Facebook ku tebiyay xarigga oday dhaqameed<\/a> dhaliilay madaxda Puntland. Suxufiga ayaa <a href=\"https:\/\/www.facebook.com\/204196037185284\/photos\/a.204204607184427\/517771959161022\" target=\"_blank\" rel=\"noreferrer noopener\" aria-label=\"lagu sii daayay damaanad (opens in a new tab)\">lagu sii daayay damaanad<\/a> subaxnimadii 16 Maarso.  Isla 16 Maarso, Ciidanka ilaalada gaarka ee Wasiirka arrimaha Gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhaban-cad ayaa ka qaatay weriye Sheekeeye aqoonsigiisii suxufinimo iyo agabkii uu ku shaqeynayay oo ay ku jirto Kaamiradiisii. Sida uu sheegay weriye Sheekeeye iyo tifafire ka tirsan Telefishinka CW, ilaalada wasiirka ayaa markii hore ku joojiyay qori gaarigii uu la socday suxufiga, kuna amray in uu soo dhiibo agabkiisa shaqada kaddibna la tagay. Si kastaba ha ahaatee suxufiga ayaa u sheegay SJS in qalabkiisa shaqada loo soo celiyay fiidnimadii 19 Maarso, 2020.<\/p>\n\n\n\n<p>Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee SJS ayaa cambaareeyay xadgudubyada isdaba joogga ah ee lala beegsanayo qaar ka mid ah suxufiyiinta Puntland oo ay ugu dambeeyeen saddexdii saxafi, uguna baaqay maamulka Puntland inay xurmeeyaan xorriyadda saxaafadda oo lagu damaanad qaaday Dastuurka Puntland iyo kan Federaalka ah.<\/p>\n\n\n\n<p>\u201cWaxaanu cambaareyneynaa tacadiyadii ugu dambeeyay ee ka dhanka ahaa xorriyadda saxaafadda ee ka dhacay Puntland oo ay ugu dambeysay dhacdooyinkii loo geystay saddexdii suxufi ee ka howlgelayay warbaahin kala duwan,\u201d Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS), Cabdalle Axmed Mumin, isagoo ugu baaqay Dowlad Goboleedka Puntland inay joojiyaan tacadiyada iyo xadgudubyada ka dhanka suxufiyiinta oo si geesinimo leh ugu adeega shacabka si ay ugu wargeliyeen arrimaha muhiimka u ah bulshada.<\/p>\n\n\n\n<p>\u201cMaamulka Puntland waa inay u ogolaadaan suxufiyiinta inay u gutaan waajibaadkooda suxufinimo si xor oo aan cabsi lahayn, isla markaana siiyaan suxufiyiin habnnaan nabdoon oo ay ku shaqeyn karaan.\u201d Xoghayaha Guud ee SJS Cabdalle Mumin ayaa intaa ku daray.<\/p>\n\n    <div class=\"xs_social_share_widget xs_share_url after_content \t\tmain_content  wslu-style-1 wslu-share-box-shaped wslu-fill-colored wslu-none wslu-share-horizontal wslu-theme-font-no wslu-main_content\">\n\n\t\t\n        <ul>\n\t\t\t        <\/ul>\n    <\/div> \n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>MUQDISHO, Soomaaliya, 20 Maarso, 2020 &#8211; Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) ayaa cambaareynaya hanjabaadaha, xadgudubyada, xarigga aan loo meel dayin iyo garaacis loo geystay saddex suxufi oo ka howlgala Puntland saddexdii todobaad ee la soo dhaafay.<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":1341,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[38,2,32,31,58,35,36],"tags":[105,50,98,49],"class_list":{"0":"post-1343","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-dhacdooyin","8":"category-featured","9":"category-in-the-news","10":"category-ololaha","11":"category-somali","12":"category-warbixinnada","14":"tag-garowe","15":"tag-press-freedom","16":"tag-puntland","17":"tag-sjs"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1343","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=1343"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1343\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":4355,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1343\/revisions\/4355"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/1341"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=1343"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=1343"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=1343"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}