{"id":1304,"date":"2020-03-02T22:42:45","date_gmt":"2020-03-02T19:42:45","guid":{"rendered":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/?p=1304"},"modified":"2023-12-12T18:49:40","modified_gmt":"2023-12-12T18:49:40","slug":"sirdoonka-soomaaliya-oo-sii-daayay-tifaftiraha-radio-hiigsi-oo-si-sharci-darro-ah-ugu-xirnaa","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/sirdoonka-soomaaliya-oo-sii-daayay-tifaftiraha-radio-hiigsi-oo-si-sharci-darro-ah-ugu-xirnaa\/","title":{"rendered":"Sirdoonka Soomaaliya oo siidaayay tifaftiraha Radio Hiigsi oo si sharci darro ah ugu xirnaa"},"content":{"rendered":"\n<p>MUQDISHO, Soomaaliya, 02 Maarso, 2020- Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu soo dhoweynayaa sii deynta tifaftiraha Radio Hiigsi, Maxamed Cabdiwahaab Nuur (Abuuja) oo sifo sharci darro ah ugu<a href=\"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/2020\/03\/01\/somali-intelligence-officers-detain-radio-editor-in-mogadishu\/\"> xirnaa<\/a> Hay\u2019adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) tan iyo maalinnimadii Sabtida 29 Febraayo, 2020 sababo la xiriira <a href=\"https:\/\/www.facebook.com\/RadioHiigsi\/posts\/135363977977464?__tn__=K-R#https:\/\/www.facebook.com\/RadioHiigsi\/posts\/135363977977464?__tn__=K-R\">qormo<\/a> uu ka sii daayay Idaacada Hiigsi oo ku saabsaneyd ciidamada ammaanka.<\/p>\n\n\n\n<p>Wariye Maxamed Abuuja ayaa la siidaayay abbaare 12:00p.m ee Isniinta 02 Maarso, kaddib dadaal ay sameeyeen qoyskiisa, idaacadii uu u shaqeynayay oo ol&#8217;ole u qareemid ah ka heley Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS).<\/p>\n\n\n\n<p>\u201cAlle ayaa Mahad iska leh. Maanta xorriyadeyda ayaan dib u helay abaaro 12:00p.m duhurnimo. Markii hore waxaa la igu xiray xabsiga Habar Khadiijo, kadibna waxaa la ii soo gudbiyay xabsiga Godka Jilacow. Wax eed ah oo la igu oogay ma jirin,&#8221; wariye Maxamed Cabdiwahaab Nuur ayaa sidaa SJS u sheegay waxyar kadib markii la sii daayay. <\/p>\n\n\n\n<p>\u201cWaxaan u mahadcelinaa Ururka SJS iyo dhammaan suxufiyiintii garab istaagga ii muujiyay intii aan xirnaa,\u201d ayuu sii raaciyay hadalkiisa.<\/p>\n\n\n\n<p>Maxamed waxa uu SJS u sheegay in loo xiray <a href=\"https:\/\/www.facebook.com\/RadioHiigsi\/posts\/135363977977464?__tn__=K-R#https:\/\/www.facebook.com\/RadioHiigsi\/posts\/135363977977464?__tn__=K-R\">qormadii <\/a>26 Febraayo ka baxday Idaacadda Hiigsi oo dhaliilo wax saxaya u jeedinaysay ciidamada ammaanka.<\/p>\n\n\n\n<p> Qoyska Maxamed waxa ay SJS u xaqiijiyeen wax dembi aan lagu soo oogin, isla markaana aanu helin garyaqaan u dooda intuu xirnaa. <\/p>\n\n\n\n<p>Saxafiga aabihis, oo loo diiday in uu wiilkiisa ku booqdo xabsiga, ayaa SJS markii ugu horeysay u xaqiijiyay siideynta wariye Maxamed Abuuja. <\/p>\n\n\n\n<p>SJS waxay ka welwelsan tahay heerka cagajugleynta, hanjabaadaha dilka ah iyo gacan ka hadalka uu ku jiro isticmaalka qori cabbeysan si loo aamusiyo. <\/p>\n\n\n\n<p>&#8220;Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu soo dhoweynayaa sii deynta saaxiibkeen Maxamed Cabdiwahaab Nuur (Abuuja) oo ahaa tifafitraha idaacadda madaxa-bannaan ee <a href=\"http:\/\/radiohiigsi.com\/\" target=\"_blank\" rel=\"noreferrer noopener\" aria-label=\"Radio Hiigsi (opens in a new tab)\">Radio Hiigsi<\/a> oo sifo sharci darro ah u xirnaa,\u201d Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) Cabdalle Axmed Mumin ayaa yiri isagoo intaa ku daray in ay aad uga welwelsan yihiin heerka hanjabaadda, cagajugleynta iyo gacan qaadka suxufiga loo geystay.<\/p>\n\n\n\n<p>Hanjabaad walba oo loo geystaa suxufi waa dembi, Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu ka dalbanayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay baaritaan ku sameyso saraakiishii ka dambeysay arrintan, lana horkeeno maxkamad caddaalad ah.<\/p>\n\n    <div class=\"xs_social_share_widget xs_share_url after_content \t\tmain_content  wslu-style-1 wslu-share-box-shaped wslu-fill-colored wslu-none wslu-share-horizontal wslu-theme-font-no wslu-main_content\">\n\n\t\t\n        <ul>\n\t\t\t        <\/ul>\n    <\/div> \n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>MUQDISHO, Soomaaliya, 02 Maarso, 2020- Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu soo dhoweynayaa sii deynta tifaftiraha Radio Hiigsi, Maxamed Cabdiwahaab Nuur (Abuuja) oo sifo sharci darro ah ugu xirnaa Hay\u2019adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) tan iyo maalinnimadii Sabtida 29 Febraayo, 2020 sababo la xiriira qormo uu ka sii daayay Idaacada Hiigsi oo ku saabsaneyd ciidamada ammaanka.<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":1294,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[38,2,32,31,58,35,36],"tags":[265,179,49,156],"class_list":{"0":"post-1304","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-dhacdooyin","8":"category-featured","9":"category-in-the-news","10":"category-ololaha","11":"category-somali","12":"category-warbixinnada","13":"category-waxqabadka","14":"tag-maxamed-cabdiwahaab-nuur-abuuja","15":"tag-nisa","16":"tag-sjs","17":"tag-soomaaliya"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1304","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=1304"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1304\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":4357,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1304\/revisions\/4357"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/1294"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=1304"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=1304"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=1304"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}