{"id":1296,"date":"2020-03-01T23:13:59","date_gmt":"2020-03-01T20:13:59","guid":{"rendered":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/?p=1296"},"modified":"2023-12-12T18:49:40","modified_gmt":"2023-12-12T18:49:40","slug":"nabadsugidda-soomaaliya-oo-xirtay-wariye-idaacad-ku-taalla-muqdisho","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/nabadsugidda-soomaaliya-oo-xirtay-wariye-idaacad-ku-taalla-muqdisho\/","title":{"rendered":"Nabadsugidda Soomaaliya oo xirtay wariye idaacad ku taalla Muqdisho"},"content":{"rendered":"\n<p>MUQDISHO, Soomaaliya, 01 Maarso, 2020 &#8211; Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu cambaareynayaa xarigga tifaftiraha idaacadda madaxa-bannaan ee <a href=\"http:\/\/radiohiigsi.com\/\" target=\"_blank\" rel=\"noreferrer noopener\" aria-label=\"Radio Hiigsi (opens in a new tab)\">Radio Hiigsi<\/a>, Maxamed Cabdiwahaab Nuur (oo ku magac dheer Abuuja) kaasoo Ciidanka Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) ay ku xireen Muqdisho abbaare 11.30 a.m Sabtidii 29 Febraayo, 2020.<\/p>\n\n\n\n<p>Saraakiil ka tirsan NISA <a href=\"https:\/\/www.facebook.com\/RadioHiigsi\/photos\/a.101974197983109\/136467917867070\" target=\"_blank\" rel=\"noreferrer noopener\" aria-label=\"ayaa xiray wariye\u00a0Maxamed Cabdiwahaab Nuur (opens in a new tab)\">ayaa xiray wariye\u00a0Maxamed Cabdiwahaab Nuur<\/a> xilli uu ku sii jeeday xarunta idaacaddiisa, sida uu SJS u sheegay agaasimaha Radio Hiigsi, Xuseen Axmed Tifow.\u00a0\u00a0Wariyaasha la shaqeeya Maxamed waxay SJS u sheegeen in xariggiisa uu la xiriiro <a href=\"https:\/\/www.facebook.com\/RadioHiigsi\/posts\/135363977977464?__tn__=K-R\" target=\"_blank\" rel=\"noreferrer noopener\" aria-label=\"qormo tifaftireed (opens in a new tab)\">qormo tifaftireed<\/a> su&#8217;aal gelisay hab dhaqanka anshaxa ciidanka ammaanka oo sidoo kale ka hadashay isticmaalka awoodaha xad-dhaafka ah ee ciidamada taasoo laga baahiyay Radio hiigsi isla markaana lagu daabacay bogagga baraha bulshada ee idaacadda 26 February 2020.<\/p>\n\n\n\n<p>\u201cWaxyar kahor intaan la xirin, wuxuu Maxamed ii sheegay inuu ku soo wajahan yahay xarunta idaacadda. Abbaare 2.p.m aabihiis ayaa ii soo sheegay inay Maxamed xireen askar ka tirsan NISA,\u201d agaasime Xuseen Axmed Tifow ayaa sidaas u sheegay SJS.<\/p>\n\n\n\n<p>Cabdiwahaab Nuur Mahdi oo ah aabaha wariyaha ayaa SJS u sheegay in kaddib dhowr isku day oo uu ku raadinayey wiilkiisa markii dambe uu ogaaday in Maxamed lagu xiray xabsiga caanka ah ee ay NISA maamusho ee Godka Jilacow ee Muqdisho.\u00a0 Aabuhu wuxu  kaloo SJS u xaqiijiyay in subaxnimadii Axaddii markuu tagay Godka Jilacow loo diiday inuu arko wiilkiisa.<\/p>\n\n\n\n<p>\u201cWaxaan tagay Saldhigga Booliska Shibis, kumana uusan jirin halkiisa.\u00a0 Subaxdii Axaddii abbaare 9.a.m waxaan tagay Godka Jilacow si aan u soo arko wiilkeyga laakiin saraakiisha halkaa joogtay ayaa ii diiday inaan galo. Maxamed waa aabbe dhalay saddex carruur oo yar yar, waxaana ka walwalsanahay xaalkiisa,\u201d ayuu yiri Cabdiwahaab Nuur Mahdi.<\/p>\n\n\n\n<p>Qoyska iyo wariyaashii la shaqeynayey Wariyahan xiran waxay SJS u sheegeen inaysan jirin wax dacwad ah oo lagu soo oogay illaa hadda inkastoo uu muddo ka badan 24saac xiran yahay.<\/p>\n\n\n\n<p>Saraakiisha sare ee booliska way ka gaabsadeen inay ka hadlaan xarigga wariya markii ay SJS la xiriirtay Axaddii, halka saraakiisha Dembi-Baarista (CID) waxay sheegeen inaysan ka war-heynin xarigga wariyaha.<\/p>\n\n\n\n<p>Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu ka walaacsan yahay sii xirnaanshaha wariye Maxamed Cabdiwahaab Nuur, waxaana SJS ay ku baaqeysaa in si shuruud la&#8217;aan ah xorriyaddiisa loogu soo celiyo wariyaha.<\/p>\n\n\n\n<p>\u201cWaxaan sida ugu adag u cambaareynaa xarigga tifaftiraha Radio Hiigsi, Maxamed Cabdiwahaab Nuur, waxaana ku baaqeynaa in si deg deg ah oo shuruud la&#8217;aan ah lagu sii daayo,\u201d Abdalle Axmed Mumin, Xoghyaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) ayaa sidaa yiri, \u201cXariggan iyo kuwo kale oo la mid ah waxay muujinayaan xaaladda sii xumaaneysa ee heerka xorriyadda saxaafadda iyo tan hadalka ee Soomaaliya. Waxaan ka dalbaneynaa masuuliyiinta Soomaaliya inay warfidiyeenka siiyaan deegaan ammaan ah oo ka bed-qaba dhammaan handadaadaha oo ay ku jiraan xarigga kan oo kale ah oo ay suxufiyiintu awood u leeyihiin inay mihnadooda ugu shaqeysan karaan iyagoon ka cabsaneyn wax aargudasho ah marka ay wax ka sheegaan maamulka ama ciidanka.\u201d<\/p>\n\n    <div class=\"xs_social_share_widget xs_share_url after_content \t\tmain_content  wslu-style-1 wslu-share-box-shaped wslu-fill-colored wslu-none wslu-share-horizontal wslu-theme-font-no wslu-main_content\">\n\n\t\t\n        <ul>\n\t\t\t        <\/ul>\n    <\/div> \n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>MUQDISHO, Soomaaliya, 01 Maarso, 2020 &#8211; Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu cambaareynayaa xarigga tifaftiraha idaacadda madaxa-bannaan ee Radio Hiigsi, Maxamed Cabdiwahaab Nuur (oo ku magac dheer Abuuja) kaasoo Ciidanka Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) ay ku xireen Muqdisho abbaare 11.30 a.m Sabtidii 29 Febraayo, 2020.<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":1294,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[38,2,32,31,58,35,36],"tags":[265,179,264,49],"class_list":{"0":"post-1296","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-dhacdooyin","8":"category-featured","9":"category-in-the-news","10":"category-ololaha","11":"category-somali","12":"category-warbixinnada","13":"category-waxqabadka","14":"tag-maxamed-cabdiwahaab-nuur-abuuja","15":"tag-nisa","16":"tag-radio-hiigsi","17":"tag-sjs"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1296","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=1296"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1296\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":4358,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1296\/revisions\/4358"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/1294"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=1296"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=1296"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=1296"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}