{"id":1277,"date":"2020-02-20T19:57:27","date_gmt":"2020-02-20T16:57:27","guid":{"rendered":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/?p=1277"},"modified":"2023-12-12T18:49:40","modified_gmt":"2023-12-12T18:49:40","slug":"sjs-oo-cambaareysay-xarigga-wariyaal-loogu-geystay-puntland-iyo-hirshabelle","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/sjs-oo-cambaareysay-xarigga-wariyaal-loogu-geystay-puntland-iyo-hirshabelle\/","title":{"rendered":"SJS oo cambaareysay xarigga wariyaal loogu geystay Puntland iyo Hirshabelle"},"content":{"rendered":"\n<p>MUQDISHO, Soomaaliya, 20 Febraayo, 2020 &#8211; Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) ayaa cambaareeyay xarigga sharci darrada ah ee afar wariye loogu geystay magaalooyinka Buulo Burde iyo Gaalkacyo maalinimadii Arbacada 19 Febraayo iyo Khamiista 20 Febraayo.<\/p>\n\n\n\n<p>Weriyaha Radio Hiiraan Weyn ee ku sugan Buulo Burde, Muumin Muxumed Biyow ayaa ciidamada milateriga Soomaaliya <a href=\"http:\/\/www.hiiraanweyn.net\/2020\/02\/wariye-katirsan-hiiraanweyn-oo-lagu-xiray-dagmada-bulo-burde-ee-gobolka-hiiraan\/\" target=\"_blank\" rel=\"noreferrer noopener\" aria-label=\"xabsiga u taxaabeen (opens in a new tab)\">xabsiga u taxaabeen<\/a> maalinimadii Arbacadii abbaare 10:00 subaxnimo xiligaasi oo uu wariyuhu u socday in uu warbixin ka diyaariyo odayaal dhaqameed ka soo horjeestay <a href=\"https:\/\/cbatv.net\/warar\/soomaalida\/banaanbaxyo-looga-soo-hor-jeedo-magacaabista-duqa-cusub-ee-buule-burde\/\" target=\"_blank\" rel=\"noreferrer noopener\" aria-label=\"magacaabista muranka dhalisay ee Guddoomiyaha cusub (opens in a new tab)\">magacaabista muranka dhalisay ee Guddoomiyaha cusub<\/a> ee Buulo Burde Feysal Haajir Aadan. Agabkii weriyaha ku shaqeynayay sida kaamiradii, taleefoonka gacanta iyo cod duubihiisii ayaa lagala wareegay sida maamulka idaacadda u sheegay SJS.  Suxufiga ayaa habeenimadii Arbacaddii laga soo daayey xabsiga isagoo aan wax dembi ah maxkamadi lagu soo oogin.<\/p>\n\n\n\n<p>\u201cWeriyaheena wuxuu u socday in uu soo wareysto odayaal dhaqameed markii ciidamo militari ah oo uu hoggaaminayay Dhamme Cabdulqaadir Cali Nuur oo ka tirsan Ururka 41aad, Guutada Shanaad qeybtiisa 27 ay qabteen.  Waxaana lagu xiray xerada militariga dhexdeeda illaa 8:30 fiidnimo, xiligaa oo la sii daayey,\u201d Agaasimaha Idaacadda Hiiraan-Weyn Maxamed Cusmaan Makaraan oo SJS u waramay ayaa intaa u daray in agabkii weriyahana dib loogu soo celiyey.<\/p>\n\n\n\n<figure class=\"wp-block-image size-large\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" width=\"696\" height=\"573\" src=\"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/02\/Muumin-Muxumed-Biyoow.jpg\" alt=\"Wariye Mumin Muxumed Biyow, oo ka tirsan Radio Hiiraan-Weyn oo waqti kooban Arbacadii lagu xiray Buulo Burde. | Sawirka\/Radio Hiiraan Weyn.\" class=\"wp-image-1275\" srcset=\"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/02\/Muumin-Muxumed-Biyoow.jpg 696w, https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/02\/Muumin-Muxumed-Biyoow-300x247.jpg 300w, https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/02\/Muumin-Muxumed-Biyoow-510x420.jpg 510w\" sizes=\"auto, (max-width: 696px) 100vw, 696px\" \/><figcaption>Wariye Mumin Muxumed Biyow, oo ka tirsan Radio Hiiraan-Weyn oo waqti kooban Arbacadii lagu xiray Buulo Burde. | Sawirka\/Radio Hiiraan Weyn.<\/figcaption><\/figure>\n\n\n\n<p>Dhanka kale, Maamulka Puntland ayaa <a href=\"https:\/\/horseedmedia.net\/2020\/02\/20\/somalia-puntland-authorities-arrest-three-journalists\/\" target=\"_blank\" rel=\"noreferrer noopener\" aria-label=\"magaalada Gaalkacyo ku xiray saddex saxafi (opens in a new tab)\">magaalada Gaalkacyo ku xiray saddex saxafi<\/a> oo kala ah: tifaftiraha Kasmaal Media, Saciid Cabdullaahi Kulmiye (Saciid Nadaara); wariyaha SBC TV, Cabdiweli Jaamac Cagaarane iyo agaasimaha idaacadda Codka Nabadda, Axmed Maxamed Cali. Saddexda saxafi ayaa warar ka tebinayay ganacsato ka gadoodsan canshuur kordhin maamulku Puntland ku soo rogay oo sababtay <a href=\"http:\/\/www.geesguud.com\/ganacsiga-gaalkacyo-oo-maanta-xiran-kadib-markii-puntland-ku-soo-rogtay-canshuuro-dheeriya\/\" target=\"_blank\" rel=\"noreferrer noopener\" aria-label=\"in suuqa Gaalkayo uu xirmo Khamiistii (opens in a new tab)\">in suuqa Gaalkayo uu xirmo Khamiistii<\/a>.<\/p>\n\n\n\n<p>Siciid Nadaara ayaa SJS u sheegay in ciidamada boolisku ay ka qaateen qalabkii ay ku shaqeynayeen, isla markaana saraakiishu oo adeegsanaya feer iyo qoriga afkiisa ay garaaceen ka hor intaan la xirin. Saraakiisha booliska ayaa waxaa wehlinayay xisaabiyaha Wasaaradda Maaliyadda Puntland, Ismaaciil Nuur Geesey oo sida ay suxufiyiintu sheegeen bixiyay amarka xarigga iyo jirdilka loogu geystay suxufiyiinta.<\/p>\n\n\n\n<p>\u201cCiidamada booliska oo uu wehliyo xisaabiyaha Wasaaradda Maaliyadda, Ismaaciil Nuur Geesey ayaa xarig iyo jirdil noo geystay, iyadoo xisaabiyuhu noogu hanjabay in uu na dhibaateyn doono haddii cabashada ganacsatada aan warbaahinta gelino,\u201d Wariye Siciid Nadaara ayaa sidaa SJS  u sheegay.<\/p>\n\n\n\n<p>Saddexda saxafi ayaa la siidaayay kadib markii uu soo farageliyay Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland Axmed Muuse Nuur. Suxufiyiinta ayaa la sii daayay iyagoon wax dembi ah maxkamadi ku soo oogin.<\/p>\n\n\n\n<p>\u201cWaanu cambaareyneynaa xarigga sharci darrada ah ee loo geysanayo suxufiyiinta taasoo looga gol leeyahay in lagu khalkhal geliyo suxufiyiinta si ay uga joogsadaan tebinta wararka ay ku jirto maslaxadda iyo danta guud ee dalka,\u201d Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Soomaaiyeed (SJS) Cabdalle Axmed Mumin ayaa ugu baaqay maamulada Hirshabelle iyo Puntland iyo dowladda Federaalka inay sida ugu dhakhsiyaha badan baaritaan deg deg ah ugu sameeyaan dhacdooyinkan, isla markaana caddaaladda la horkeeno shakhsiyaadka lagu helo dembiyada ka dhanka xuquuqda aadana ee suxufiyiinta.<\/p>\n\n\n\n<p>\u201cWarbaahin madax-bannaan waa habka keli ah ee lagu dhisi karo bulsho dimuqraadi ah oo caafimaad qabta. Xarrigga sharci darrada ah, weerarada iyo handadaada ka dhanka ah suxufiyiinta waa is-hortaag xaqa helista xogta, waxaana ka dhalanaya xadgudub dhanka xuquuqda aadanaha ah.\u201d Xoghaye Cabdalle Mumin ayaa intaa ku daray.<\/p>\n\n    <div class=\"xs_social_share_widget xs_share_url after_content \t\tmain_content  wslu-style-1 wslu-share-box-shaped wslu-fill-colored wslu-none wslu-share-horizontal wslu-theme-font-no wslu-main_content\">\n\n\t\t\n        <ul>\n\t\t\t        <\/ul>\n    <\/div> \n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>MUQDISHO, Soomaaliya, 20 Febraayo, 2020 &#8211; Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) ayaa cambaareeyay xarigga sharci darrada ah ee afar wariye loogu geystay magaalooyinka Buulo Burde iyo Gaalkacyo maalinimadii Arbacada 19 Febraayo iyo Khamiista 20 Febraayo.<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":1274,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[38,2,32,31,58,35,36],"tags":[258,260,152,98,259,49],"class_list":{"0":"post-1277","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-dhacdooyin","8":"category-featured","9":"category-in-the-news","10":"category-ololaha","11":"category-somali","12":"category-warbixinnada","13":"category-waxqabadka","14":"tag-buulo-burde","15":"tag-gaalkayo","16":"tag-hirshabelle","17":"tag-puntland","18":"tag-radio-hiiraan-weyn","19":"tag-sjs"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1277","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=1277"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1277\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":4359,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1277\/revisions\/4359"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/1274"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=1277"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=1277"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=1277"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}