{"id":1176,"date":"2020-01-19T23:18:05","date_gmt":"2020-01-19T20:18:05","guid":{"rendered":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/?p=1176"},"modified":"2023-12-12T18:49:40","modified_gmt":"2023-12-12T18:49:40","slug":"weriye-tv-oo-lagu-xiray-ceerigaabo-puntland-oo-xirtay-suxufi-kale-iyo-suxufiyiinta-baydhabo-oo-laga-horjoogsaday-tebinta-wararka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/weriye-tv-oo-lagu-xiray-ceerigaabo-puntland-oo-xirtay-suxufi-kale-iyo-suxufiyiinta-baydhabo-oo-laga-horjoogsaday-tebinta-wararka\/","title":{"rendered":"Weriye TV oo lagu xiray Ceerigaabo, Puntland oo xirtay suxufi kale iyo suxufiyiinta Baydhabo oo laga horjoogsaday tebinta wararka"},"content":{"rendered":"\n<p>MUQDISHO, Soomaaliya, 19 Jannaayo, 2020 \u2013\nUrurka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) ayaa ugu baaqay Somaliland inay ka\nnoqoto xukunka xarrigga 21 bilood ah iyo ganaaxyo lacageed oo lagu riday weriye\nCabdiraxmaan Maxamed Xiddig oo ah weriyaha Eryal TV ee magaalada Ceerigaabo\nkaddiba warbixin uu ku soo qoray boggiisa Facebook-ga oo uu ku saabsanayd\nsarkaal dowladda ka tirsan.<\/p>\n\n\n\n<p>Maalinimadii Arbacada 15 Jannaayo, Maxkamadda Degmada Ceerigaabo <a href=\"https:\/\/www.youtube.com\/watch?v=ZcjlsbTXPtE&amp;feature=youtu.be&amp;t=10\" target=\"_blank\" rel=\"noreferrer noopener\" aria-label=\"ayaa ku xukuntay weriye Cabdiraxmaan Xiddig (opens in a new tab)\">ayaa ku xukuntay weriye Cabdiraxmaan Xiddig<\/a> 21 bilood oo xarig ah iyo ganaax lacageed oo gaaraya lix milyan oo shilinka Somaliland iyo magdhow gaaraya 300 doolar. Weriyaha ayaa la xukumay isla maalintii la soo xiray.<\/p>\n\n\n\n<p>Booliiska Somaliland ayaa xabsiga u taxaabay weriyaha 25 Disember, 2019 kaddib markii uu bartiisa Facebook-ga ku soo qoray warbixin uu ka soo xigtay Maxamed Cabdiraxmaan Liibaan, maamule ku xigeenka Madbacadda ee Somaliland isagoo qoray in uu ka soo horjeedo dadaalada lagu dhameynayo <a href=\"https:\/\/www.voasomali.com\/a\/4990938.html\" target=\"_blank\" rel=\"noreferrer noopener\" aria-label=\"dagaal beeleedka ka jiray magaalada Ceel Afweyn (opens in a new tab)\">dagaal beeleedka ka jiray magaalada Ceel Afweyn<\/a> ee gobolka Sanaag.\u00a0 Muddo toban cisho ayuu suxufigu xabsiga ku jiray, waxaana mar dambe lagu sii daayay dammaanad\u00a0 ay ogolaatay Maxkamada Gobolka Sanaag 4 Jannaayo, 2020.<\/p>\n\n\n\n<p>\u201cMarkii boolisku i soo xidheen waxaa la ii\nsheegay in uu i soo dacweeyay&nbsp; maamule ku\nxigeenka Madbacada Qaranka Somaliland oo markale dacwad cusub iga gudbiyay,\nwaxaana la i xukumay anigoo wax qareen heysan.\u201d Weriye Xiddig ayaa SJS u\nsheegay.<\/p>\n\n\n\n<p>Weriyaha ayaa lagu qasbay in uu bartiisa\nfacebook-ga ka tir-tiro warbixintii ku saabsanayd agaasime ku xigeenka\nmadbacadda.<\/p>\n\n\n\n<p>Suxufiyiin maxalliga ayaa u sheegay SJS inay Maxamed\nCabdiraxmaan Liibaan uu dacwadda u doortay in uu geysto Maxkamada Gobolka taasoo\nla sheegay in aan si xaq ahayn markii dacwadda geeyay ugu xukuntay weriye\nXiddig isla maalintii la soo xiray. Weriye Xiddig ayaa SJS u sheegay inay\ngarsooraha Maxkamada Degmada Ceerigaabo ay horey u dhexmaray xurguf ku saabsan\nwarbixinno uu ka tabiyay.<\/p>\n\n\n\n<p>Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu ka\nwelwelsan yahay in maxkamadaha gudaha Somaliland ay sis ii kordheysa loo\nadeegsanayo in lagu cabburiyo suxufiyiinta iyo warbaahinta madaxa-bannaan.<\/p>\n\n\n\n<p>\u201cWaanu cambaareyneynaa xukunka xaqdarrada ah iyo lacagta ganaaxa ah ee lagu riday weriye Cabdiraxmaan Maxamed Xiddig ee magaalada Ceerigaabo. \u00a0Waxaanu ku baaqeynaa in si shuruud la\u2019aan ah lagu sii daayo weriyaha, xukunkiisana la baabi\u2019iyo si shuruud la\u2019aan ah.\u201d Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) Abdalle Ahmed Mumin ayaa yiri.<\/p>\n\n\n\n<figure class=\"wp-block-image size-large\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" width=\"720\" height=\"724\" src=\"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/01\/Said-Nadaara-Kasmaal-Media-online-editor-briefly-detained-in-Galkayo-on-13-Jan-2020.jpg\" alt=\"Said Nadaara, Kasmaal-Media editor briefly detained in Galkayo, on 13 Jan, 2020.\" class=\"wp-image-1173\" srcset=\"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/01\/Said-Nadaara-Kasmaal-Media-online-editor-briefly-detained-in-Galkayo-on-13-Jan-2020.jpg 720w, https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/01\/Said-Nadaara-Kasmaal-Media-online-editor-briefly-detained-in-Galkayo-on-13-Jan-2020-298x300.jpg 298w, https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/01\/Said-Nadaara-Kasmaal-Media-online-editor-briefly-detained-in-Galkayo-on-13-Jan-2020-150x150.jpg 150w, https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/01\/Said-Nadaara-Kasmaal-Media-online-editor-briefly-detained-in-Galkayo-on-13-Jan-2020-696x700.jpg 696w, https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/01\/Said-Nadaara-Kasmaal-Media-online-editor-briefly-detained-in-Galkayo-on-13-Jan-2020-418x420.jpg 418w\" sizes=\"auto, (max-width: 720px) 100vw, 720px\" \/><figcaption>Said Nadaara, Kasmaal-Media editor briefly detained in Galkayo, on 13 Jan, 2020.| Photo Courtesy\/Kasmaal Media.<\/figcaption><\/figure>\n\n\n\n<p>Dhinaca kale, Maalinimadii Isniinta 13 Jannaayo, Booliska Puntland ee Gaalkacyo waxay <a href=\"https:\/\/www.facebook.com\/Kasmaalmedia\/posts\/1684628185000495\" target=\"_blank\" rel=\"noreferrer noopener\" aria-label=\"xabsiga u taxaabeen (opens in a new tab)\">xabsiga u taxaabeen<\/a> weriye Siciid Cabdullaahi Kulmiye (Siciid Nadaara) oo tifaftire ka ah mareegta Kasmaal Media kaddib markii uu qormooyin ka qoray <a href=\"https:\/\/www.facebook.com\/Saciidnadaara\/posts\/3256827954334127\" target=\"_blank\" rel=\"noreferrer noopener\" aria-label=\"ammaan xumida magaalada Galkacyo (opens in a new tab)\">ammaan xumida magaalada Galkacyo<\/a>. Siciid Nadaara ayaa SJS u sheegay in isla habeenimadii 13 Janaayo la sii daayay balse Taliyaha Booliska Mudug ee Punttland Jaamac Maxamed Axmed (Sandaqad) uu ugu yeeray su\u2019aalo weydiin maalintii xigtay ee 14 Janaayo.<\/p>\n\n\n\n<p>\u201cBoolisku waxa ay ka caroodeen warbixin aan ka\nqoray in xiliyada habeenkii shacabka lagu furto Gaalkayo. Taliyaha booiska ayaa\nigu amray in warbixintaas aan meesha ka saaro balse waan ka diiday.\u201d Siciid\nNadaara ayaa sidaa u sheegay SJS isagoo xaqiijiyay in qormadaasi weli ay ku\njirto bartiisa Facebook.<\/p>\n\n\n\n<p>Waxaa sii kordhaya horjoogsiga iyo handadaada lagu hayo suxufiyiinta ka hawlgala Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ay ka dhacayeen tacadiyo ka dhanka ah xorriyadda saxaafadda.\u00a0 Maalinimadii Khamiista 16 Jannaayo ayaa koox suxufiyiin ah <a rel=\"noreferrer noopener\" aria-label=\"loo diiday inay war ka soo tebiyeen Madaxtooyada Maamulka Koonfur Galbeed (opens in a new tab)\" href=\"https:\/\/twitter.com\/ArlaadiN\/status\/1217741298318352384\" target=\"_blank\">loo diiday inay war ka soo tebiyeen Madaxtooyada Maamulka Koonfur Galbeed<\/a> kaddib markii sarkaal sare oo ka tirsan warfaafinta Madaxtooyada Koonfur Galbeed uu horjoogsi ku sameeyay suxufiyiintaas, una diiday wararka halkaas ka tebiyaan.<\/p>\n\n\n\n<figure class=\"wp-block-image size-large\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" width=\"720\" height=\"480\" src=\"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/01\/A-group-of-journalists-gather-after-they-were-barred-from-covering-South-West-State-SW-event-in-Baidoa-on-16-Jan-2020..jpg\" alt=\"A group of journalists gather after they were barred from covering South West State (SW) event in Baidoa, 16 Jan,2020.\" class=\"wp-image-1174\" srcset=\"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/01\/A-group-of-journalists-gather-after-they-were-barred-from-covering-South-West-State-SW-event-in-Baidoa-on-16-Jan-2020..jpg 720w, https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/01\/A-group-of-journalists-gather-after-they-were-barred-from-covering-South-West-State-SW-event-in-Baidoa-on-16-Jan-2020.-300x200.jpg 300w, https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/01\/A-group-of-journalists-gather-after-they-were-barred-from-covering-South-West-State-SW-event-in-Baidoa-on-16-Jan-2020.-696x464.jpg 696w, https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/01\/A-group-of-journalists-gather-after-they-were-barred-from-covering-South-West-State-SW-event-in-Baidoa-on-16-Jan-2020.-630x420.jpg 630w\" sizes=\"auto, (max-width: 720px) 100vw, 720px\" \/><figcaption>A-group of journalists gather after they were barred from covering South West State (SW) event in Baidoa, 16 Jan,2020. | Photo Courtesy\/Arlaadi News.<\/figcaption><\/figure>\n\n\n\n<p>Warfidiyeenka ayaa SJS u sheegay inaysan sidoo\nkale awoodin inay si madax-bannaan uga waramaan arrimaha muhiimka ah oo ay ku\njiraan amaanka iyo wareysida dadka dhaliilsan maamulka.<\/p>\n\n    <div class=\"xs_social_share_widget xs_share_url after_content \t\tmain_content  wslu-style-1 wslu-share-box-shaped wslu-fill-colored wslu-none wslu-share-horizontal wslu-theme-font-no wslu-main_content\">\n\n\t\t\n        <ul>\n\t\t\t        <\/ul>\n    <\/div> \n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>MUQDISHO, Soomaaliya, 19 Jannaayo, 2020 \u2013 Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) ayaa ugu baaqay Somaliland inay ka noqoto xukunka xarrigga 21 bilood ah iyo ganaaxyo lacageed oo lagu riday weriye Cabdiraxmaan Maxamed Xiddig oo ah weriyaha Eryal TV ee magaalada Ceerigaabo kaddiba warbixin uu ku soo qoray boggiisa Facebook-ga oo uu ku saabsanayd sarkaal dowladda ka tirsan.<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":1172,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[38,2,32,31,58,35,36],"tags":[229,230,98,228,49,42,55],"class_list":{"0":"post-1176","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-dhacdooyin","8":"category-featured","9":"category-in-the-news","10":"category-ololaha","11":"category-somali","12":"category-warbixinnada","13":"category-waxqabadka","14":"tag-cabdiraxmaan-xiddig","15":"tag-koonfur-galbeed","16":"tag-puntland","17":"tag-saciid-nadaara","18":"tag-sjs","19":"tag-somalia","20":"tag-somaliland"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1176","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=1176"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1176\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":4365,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1176\/revisions\/4365"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/1172"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=1176"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=1176"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=1176"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}