{"id":1161,"date":"2020-01-13T22:27:59","date_gmt":"2020-01-13T19:27:59","guid":{"rendered":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/?p=1161"},"modified":"2023-12-12T18:49:40","modified_gmt":"2023-12-12T18:49:40","slug":"suxufiyiinta-oo-sheegay-in-laga-hor-istaagay-tebinta-doorashada-galmudug-iyo-weriye-coday-oo-la-siidaayey","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/suxufiyiinta-oo-sheegay-in-laga-hor-istaagay-tebinta-doorashada-galmudug-iyo-weriye-coday-oo-la-siidaayey\/","title":{"rendered":"Suxufiyiinta oo sheegay in laga hor-istaagay tebinta doorashada Galmudug iyo weriye Coday oo la siidaayey"},"content":{"rendered":"\n<p>MUQDISHO, Soomaaliya, 13 Jannaayo, 2020 \u2013 Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu garab istaag u muujiyay suxufiyiinta madaxa-bannaan iyo warbaahinta Galmudug oo habeenkii Axaddii ee 12 Jannaayo <a rel=\"noreferrer noopener\" aria-label=\"ka cawday (opens in a new tab)\" href=\"https:\/\/www.facebook.com\/watch\/?v=2519086655078604\" target=\"_blank\">ka cawday<\/a> hor istaag lagu sameeyay hawlahooda tebinta doorashada Galmudug \u00a0ee ka socota magaalada Dhuusamareeb.<\/p>\n\n\n\n<p>Suxufiyiinta oo <a href=\"https:\/\/www.facebook.com\/watch\/?v=2519086655078604\" target=\"_blank\" rel=\"noreferrer noopener\" aria-label=\"shir jaraa\u2019id (opens in a new tab)\">shir jaraa\u2019id<\/a> ku qabtay Dhuusamareeb ayaa ku cadeeyay in saraakiil sare oo ka tirsan Guddiga Farsamada Maamul Sameynta Galmudug ay u diideen inay tebiyaan kulankii soo bandhigista <a href=\"https:\/\/www.voasomali.com\/a\/5239987.html\" target=\"_blank\" rel=\"noreferrer noopener\" aria-label=\"liiska xildhibaanada cusub ee Galmudug (opens in a new tab)\">liiska xildhibaanada cusub ee Galmudug<\/a> maalinimadii Jimcaha ee 10 Jannaayo, Weriyaasha ayaa sheegay in sarkaal Xafiiska Ra\u2019isul Wasaaraha Dowladda Federaalka u qaabilsan uu markii dambe u soo diray muuqaal la soo goo\u2019gooyey.<\/p>\n\n\n\n<p>\u201cArrintani waxay nagu socotay laga soo bilaabo markii uu bilawday hannaanka Doorashada Galmudug, wayna ka sii dareysaa,\u201d sidaasi waxaa yiri weriye Maxamed Cabdiweli Tooxow oo sheegay in suxufiyiinta madaxa-bannaan go\u2019aansadeen inay hakad geliyaan shaqadii warbaahineed xayiraadda soo foodsaartay awgeed.<\/p>\n\n\n\n<p>\u201cUrurka Suxufiyiinta\nSoomaaliyeed (SJS) wuxuu si buuxda u garab istaagayaa suxufiyiinta Galmudug, annagoo\nka walaacsan cagajugleynta iyo xayiraadda aan dhammaadka lahayn ee lagu hayo\nsaxaafadda.&nbsp; Ma jiri karto doorasho si dimuqraadi\nah u dhacda haddii aysan jirin saxaafad madax-bannaan,\u201d Xoghayaha Guud ee Ururka\nSuxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS), Cabdalle Axmed Mumin ayaa yiri.<\/p>\n\n\n\n<p>\u201cWaxaan ugu baaqeynaa Guddiga Farsamada ee Maamul u Sameynta Galmudug iyo hay\u2019adaha kale ee ku shaqada leh inay u ogolaadaan suxufiyiinta inay tebiyaan wararka la xiriira doorashada si madax-bannaan. Suxufiyiintana waxaan kula dardaarmeynaa inay dhowraan anshaxa suxufinimo inta lagu guda-jiro doorashada,\u201d ayuu sii raaciyay Xoghayaha Guud ee SJS hadalkiisa.<\/p>\n\n\n\n<p>Dhanka kale, Ururka\nSJS wuxuu soo dhoweynayaa siideynta tifaftirihii Horn Cable TV Cabduqaadir Saleebaan\nCasey (Coday) oo rmaalintii Axadda 12 Jannaayo, laga siidaayey xabsiga kaddib\nmarkii maamulka Telefishinka Horn Cable uu u iibiyey xariggii halka sano ahaa\nee lagu xukumay iyo ganaax lacageed, sida ay xaqiijiyeen Xasan Galaydh iyo\nCabdulqadir Coday.<\/p>\n\n\n\n<p>Tifaftiraha ayaa waxaa <a href=\"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/2019\/11\/18\/somaliland-police-arrest-horn-cable-tv-editor-in-chief-and-orders-closure-of-outlet\/\" target=\"_blank\" rel=\"noreferrer noopener\" aria-label=\"xabsiga loo taxaabay (opens in a new tab)\">xabsiga loo taxaabay<\/a> 18 Nofember 2019. Maxkamadda Maroodi Jeex ayaa 11 Jannaayo, 2020 ku xukuntay hal sano oo xarig ah iyo ganaax lacageed oo dhamaa Saddex milyan oo Shilinka Somaliland ah.<\/p>\n\n    <div class=\"xs_social_share_widget xs_share_url after_content \t\tmain_content  wslu-style-1 wslu-share-box-shaped wslu-fill-colored wslu-none wslu-share-horizontal wslu-theme-font-no wslu-main_content\">\n\n\t\t\n        <ul>\n\t\t\t        <\/ul>\n    <\/div> \n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>MUQDISHO, Soomaaliya, 13 Jannaayo, 2020 \u2013 Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu garab istaag u miijiyay suxufiyiinta madaxa-bannaan iyo warbaahinta Galmudug oo habeenkii Axaddii ee 12 Jannaayo ka cawday hor istaag lagu sameeyay howlahooda tebinta doorashooyinka Galmudug  ee ka dhacaya magaalada Dhuusamareeb.<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":1155,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[38,2,32,31,58,35,36],"tags":[221,178,183,49],"class_list":{"0":"post-1161","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-dhacdooyin","8":"category-featured","9":"category-in-the-news","10":"category-ololaha","11":"category-somali","12":"category-warbixinnada","13":"category-waxqabadka","14":"tag-cabduqaadir-coday","15":"tag-galmudug","16":"tag-horn-cable-tv","17":"tag-sjs"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1161","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=1161"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1161\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":4366,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1161\/revisions\/4366"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/1155"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=1161"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=1161"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=1161"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}