{"id":1112,"date":"2020-01-05T21:49:23","date_gmt":"2020-01-05T18:49:23","guid":{"rendered":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/?p=1112"},"modified":"2023-12-12T18:49:40","modified_gmt":"2023-12-12T18:49:40","slug":"xorriyadda-saxaafadda-soomaaliya-2019-ku-shaqeynta-cadaadis-iyo-weeraro-lala-beegsado","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/xorriyadda-saxaafadda-soomaaliya-2019-ku-shaqeynta-cadaadis-iyo-weeraro-lala-beegsado\/","title":{"rendered":"Xorriyadda Saxaafadda Soomaaliya 2019: Ku Shaqeynta Cadaadis iyo Weeraro lala Beegsado"},"content":{"rendered":"\n<p>MUQDISHO, Soomaaliya, 06 Jannaayo, 2020 &#8211; Iyadoo sannadka 2019 uu dhammaaday, jilaayaal fara badan ayaa sii wada bartilmaameedsiga warbaahinta Soomaaliya iyo xirfadyahankeeda waxaana sii socday weerarada, xarigga aan sababta lahayn, hanjabaadyo dil, iyo carqalad ka dhan ah helitaanka macluumaadka \u2013 dhammaana waa ku xadgudubkad xuquuq dastuuri ah oo ay muhiim tahay in muwaadiniintu ay helaan. Taas bedelkeeda, maamullada dalka waxay sii wadeen inay xiraan suxufiyiinta xarig aan sabab lahayn iyo xayiraad lagu soo rogo warbaahinta tabisa wararka loo arko dhaleeceynta, waxay xannibeen mareegaha (websites) wararka madaxa-bannaan, waxayna soo saareen <a href=\"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/2019\/07\/08\/somali-journalists-syndicate-sjs-outraged-by-the-new-oppressive-media-bill-passed-by-the-parliament\/\" target=\"_blank\" rel=\"noreferrer noopener\" aria-label=\"sharci ka dhan ah saxaafadda xorta ah (opens in a new tab)\">sharci ka dhan ah saxaafadda xorta ah<\/a> kaasoo hadda horyaalla Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka.<\/p>\n\n\n\n<p>In kasta oo tirada saxafiyiinta lagu diley sannadkan gudaha Soomaaliya ay aad uga <a rel=\"noreferrer noopener\" aria-label=\"yar tahay sanadihii hore (opens in a new tab)\" href=\"https:\/\/cpj.org\/data\/killed\/somalia\" target=\"_blank\">yar tahay sanadihii hore<\/a>, heerka xarigga sabab la\u2019aanta ah, weerarada iyo xayiraadda ka dhanka ah saxaafadda wuxuu ahaa mid sarreeya guud ahaan Soomaaliya. Maamullada maxalliga ah iyo kuwa Federaalkuba waxay sii wadeen inay ku ledaan isla xisaabtan la&#8217;aanta dhammeystiran iyo awood ay ku caburiyaan suxufiyiinta Soomaaliyeed \u2013 haddii ay ahaan lahayd Muqdisho, Kismaayo, Hargeysa ama Garoowe &#8211; mar kasta oo ay saxafiyiintu daabacaan ama ay baahiyaan dhaleecayn loo soo jeediyo madaxda. &nbsp;<\/p>\n\n\n\n<p>Suxufiyiintii <a href=\"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/category\/alerts\/\" target=\"_blank\" rel=\"noreferrer noopener\" aria-label=\"aanu wareysanay (opens in a new tab)\">aanu wareysanay<\/a> waxay noo sheegeen in mas&#8217;uuliyiintu ay si joogto ah u amrayeen in la xidho suxufiyiinta iyada oo looga dan leeyahay cabsi gelin si loo joojiyo sheekooyinka muhiimka ah ee ay weriyayaashu ku hawlan yihiin. Xaaladdan ayaa laga yaabaa inay sharraxo sababta inta badan xarigga weriyayaashu u dhacaan iyada oo aan wax dacwad ah lagu soo oogin guud ahaan Soomaaliya intii lagu guda jiray sannadka 2019.<\/p>\n\n\n\n<p>Doorashooyin kala duwan ayaa ka dhacay guud ahaan Soomaaliya sanadka 2019 iyo dhamaadka sanadka 2018, weeraro is xig xiga oo kadhan ah saxaafada kahadlaysay doorashooyinkan ayaa sidoo kale dhacay. Doorashooyinka siyaasadeed ee xasaasiga ah waxay qayb ahaan sharraxi karaan heerka sare ee weerarada ay dowladdu ku qaadeysay saxaafadda sanadka 2019 iyadoo <strong>81 wariye la jir diley<\/strong> iyaga oo gudanaya waajibaadkooda. <\/p>\n\n\n\n<figure class=\"wp-block-image\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" width=\"805\" height=\"1024\" src=\"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/01\/info-gra1-1-805x1024.jpeg\" alt=\"Xog sawiran: Xadgudubyada ka dhanka saxaafadda ee ka dhacay Soomaaliya sannadkii 2019. | SAWIRKA: SJS.\" class=\"wp-image-1132\" srcset=\"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/01\/info-gra1-1-805x1024.jpeg 805w, https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/01\/info-gra1-1-236x300.jpeg 236w, https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/01\/info-gra1-1-768x977.jpeg 768w, https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/01\/info-gra1-1-696x886.jpeg 696w, https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/01\/info-gra1-1-1068x1359.jpeg 1068w, https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/01\/info-gra1-1-330x420.jpeg 330w, https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/01\/info-gra1-1.jpeg 1127w\" sizes=\"auto, (max-width: 805px) 100vw, 805px\" \/><figcaption><strong>Xog sawiran: Xadgudubyada ka dhanka saxaafadda ee ka dhacay Soomaaliya sannadkii 2019. | SAWIRKA: SJS.<\/strong> <\/figcaption><\/figure>\n\n\n\n<p>Maamulladu ayaa sidoo kale <strong>xiray 53 suxufi<\/strong> sanadka 2019 gudihiisa. Somaliland ayaa xirtay <strong>18 wariye<\/strong> iyada oo laba kalena ay weli ku jiraan xabsiga dhammaadka sanadka. Puntland waxay xirtay shan weriye. Booliska Puntland waxay si aad ah uga hortageen warbaahinta waxayna afar weerar ku qaadeen xarumaha warbaahinta madaxa-bannaan oo ka waramay warbixinnada baaritaanno ah oo loo arkay inay dhaleeceyn ku yihiin dowladda.<\/p>\n\n\n\n<p>Saddex weriye ayaa la dhaawacay, oo laba ka mid ahi uu dhaawac kasoo gaaray rasaas, muddadii sanadka 2019 ahayd. Dhacdada ugu daran ayaa ka dhacday magaalada Laascaanood halkaas oo sarkaal ka tirsan <a href=\"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/2019\/05\/16\/alert-somaliland-lasanod-police-shot-and-injured-tv-journalist-before-illegally-detaining-him\/\" target=\"_blank\" rel=\"noreferrer noopener\" aria-label=\"booliska Somaliland uu rasaas ku dhaawacay weriye (opens in a new tab)\">booliska Somaliland uu rasaas ku dhaawacay weriye<\/a> telefishan intii uu socday xarig rabshad watay oo la doonayey in weriyaha lagu qabto, halka xubin ka tirsan baarlamaanka Hirshabelle uu si xun u weeraray una dhaawacay weriye TV kale oo ku sugan Beledweyne.<\/p>\n\n\n\n<figure class=\"wp-block-image\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" width=\"933\" height=\"612\" src=\"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/01\/Hodan-Sahal-1.png\" alt=\"Weriye Maxamed Sahal Cumar (bidix) iyo weriye Hodan Naaleeye waxay ku dhinteen weerar ka dhacay hotel ku yaalla magaalada Kismaayo Luulyo 12, 2019. | SAWIRKA: SJS.\" class=\"wp-image-1117\" srcset=\"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/01\/Hodan-Sahal-1.png 933w, https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/01\/Hodan-Sahal-1-300x197.png 300w, https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/01\/Hodan-Sahal-1-768x504.png 768w, https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/01\/Hodan-Sahal-1-696x457.png 696w, https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/01\/Hodan-Sahal-1-741x486.png 741w, https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/01\/Hodan-Sahal-1-640x420.png 640w\" sizes=\"auto, (max-width: 933px) 100vw, 933px\" \/><figcaption><strong>Weriye Maxamed Sahal Cumar (bidix) iyo weriye Hodan Naaleeye waxay ku dhinteen weerar ka dhacay hotel ku yaalla magaalada Kismaayo Luulyo 12, 2019. | SAWIRKA: SJS.<\/strong><\/figcaption><\/figure>\n\n\n\n<p>Waxaa jira arrimo lagama hadlaan ah oo aanay saxaafaddu soo\nbandhigi karin oo ka jira dalkoo dhan. Booliska Soomaaliya ee ku sugan\ncaasimada dalka ee Muqdishu, ayaa ka horjoogsaday saxafiyiintii tabinaysay\ngoobaha qaraxyada iyo shilalka kale ee amni in ka badan <strong>15 jeer<\/strong> sannadka\ngudihiis. arrimaha kale sida ka warbixinta ku xadgudubka xuquuqul insaanka,\ngaar ahaan kuwa ay gaystaan jilayaasha ka tirsan dowladda, ayaa ah aag kale oo\nah \u201clama galaan\u201d u ah saxaafadda Soomaaliya. &nbsp;Aragtiyaha lagu soo bandhigo interketka ayaa sidoo\nkale la xaddiday kadib markii maamullada dowladda ay si isdaba joog ah gudaha\ninternetka ugu bartilmaameedsadeen uguna dhibaateeyeen suxufiyiinta dhanka internetka\nku soo bandhiga qoraalo aragti shakhsiyeed ama kuwa warbaahineed.<\/p>\n\n\n\n<p>Guud ahaan Soomaaliya, waxaa la xirey, si kumeel gaar ah loo hakiyay shaqadooda ama weerar lagu qaaday 7 xarun oo warbaahin ah oo ay kujiraan shan idaacad (TV iyo radio) iyo hal wargeys, marka lagu daro labo mareeg oo la xayiray.\u00a0 Somaliland ayaa ugu badan xiritaannadaas, waxaana ku xiga Puntland iyo Hirshabelle. Dhammaadka sanadka 2019 waxaa weli xiran <a href=\"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/2019\/12\/19\/hirshabelle-police-shut-down-independent-radio-station-briefly-detain-seven-journalists-in-jowhar\/\" target=\"_blank\" rel=\"noreferrer noopener\" aria-label=\"idaacadda madaxbanaan ee maxalliga ah ee City FM (opens in a new tab)\">idaacadda madaxbanaan ee maxalliga ah ee City FM<\/a> oo ka hawlgaleysay magaalada Jowhar.<\/p>\n\n\n\n<figure class=\"wp-block-image\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" width=\"772\" height=\"323\" src=\"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/01\/Oldon-Coday-1.png\" alt=\"Weriye Cabdiqaadir Saleebaan Coday iyo Cabdimaalik Muuse Coldoon waxay ku xiran yihiin magaalada Hargeysa. | SAWIRKA: SJS.\" class=\"wp-image-1118\" srcset=\"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/01\/Oldon-Coday-1.png 772w, https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/01\/Oldon-Coday-1-300x126.png 300w, https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/01\/Oldon-Coday-1-768x321.png 768w, https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/01\/Oldon-Coday-1-696x291.png 696w\" sizes=\"auto, (max-width: 772px) 100vw, 772px\" \/><figcaption><strong>Weriye Cabdiqaadir Saleebaan Coday iyo Cabdimaalik Muuse Coldoon waxay ku xiran yihiin magaalada Hargeysa. | SAWIRKA: SJS.<\/strong><\/figcaption><\/figure>\n\n\n\n<p>Dilalka qorsheysan ee lala beegsanayo suxufiyiinta iyo shaqaalaha warbaahinta ayaa si weyn hoos ugu dhacay sanadka 2019 <a rel=\"noreferrer noopener\" aria-label=\"marka loo eego sanadihii hore (opens in a new tab)\" href=\"https:\/\/cpj.org\/data\/killed\/somalia\" target=\"_blank\">marka loo eego sanadihii hore<\/a>. Illaa iyo hadda laba weriye ayaa ku dhintay weerar hoteel ku yaalla magaalada xeebta koonfureed ee Kismaayo, kaasoo ay sheegteen xagjiriinta al-Shabaab. In kasta oo horumar laga gaaray sanadihii hore, haddana maamulka Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyadu wax aad u yar unbay ka qabteen ciqaab la&#8217;aanta kuwa dila saxafiyiinta ee gudaha Soomaaliya. Dalka wuxuu weli heystaa magaca liita ee adduunka cinwaanka uga dhigay Soomaaliya kaasoo ah ciqaab la&#8217;aanta ka dhanka ah kuwa dila suxufiyiinta iyadoo sannadkii shannaad oo xiriir ah <a href=\"https:\/\/cpj.org\/reports\/2019\/10\/getting-away-with-murder-killed-justice.php\" target=\"_blank\" rel=\"noreferrer noopener\" aria-label=\"Soomaaliya ay kaalinta koowaad ka gashay (opens in a new tab)\">Soomaaliya ay kaalinta koowaad ka gashay<\/a>.<\/p>\n\n\n\n<p>Caqabadaha weerarada ka dhanka ah saxaafadda, oo sida badan ay ku kacaan jilayaasha dowladda, waxay ahayd mid ka mid ah sababaha ugu weyn ee loo aas aasay <a href=\"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/about-sjs\/\" target=\"_blank\" rel=\"noreferrer noopener\" aria-label=\"Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed  (opens in a new tab)\">Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed <\/a>(SJS) bishii May 2019. <\/p>\n\n\n\n<figure class=\"wp-block-image\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" width=\"1024\" height=\"683\" src=\"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/01\/Somali-journalists-covering-blast-site-in-Mogadishu-Photo-SJS-1-1024x683.jpeg\" alt=\"Weriyayaal ku sugan goob uu ka dhacay weerar hubeysan magaalada Muqdisho. | SAWIRKA: SJS.\" class=\"wp-image-1119\" srcset=\"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/01\/Somali-journalists-covering-blast-site-in-Mogadishu-Photo-SJS-1-1024x683.jpeg 1024w, https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/01\/Somali-journalists-covering-blast-site-in-Mogadishu-Photo-SJS-1-300x200.jpeg 300w, https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/01\/Somali-journalists-covering-blast-site-in-Mogadishu-Photo-SJS-1-768x512.jpeg 768w, https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/01\/Somali-journalists-covering-blast-site-in-Mogadishu-Photo-SJS-1-696x464.jpeg 696w, https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/01\/Somali-journalists-covering-blast-site-in-Mogadishu-Photo-SJS-1.jpeg 1068w, https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/01\/Somali-journalists-covering-blast-site-in-Mogadishu-Photo-SJS-1-630x420.jpeg 630w\" sizes=\"auto, (max-width: 1024px) 100vw, 1024px\" \/><figcaption><strong>Weriyayaal ku sugan goob uu ka dhacay weerar hubeysan magaalada Muqdisho. | SAWIRKA: SJS.<\/strong><\/figcaption><\/figure>\n\n\n\n<p>In la difaaco xuquuqda saxafiyiinta shaqeeya lana hormariyo xorriyadda saxaafadda,iyada oo loo adeegsanayo u doodista, kaalmada sharciga iyo dhisidda awoodda iyo aqoonta weriyayaasha, SJS waxay kordhineysaa kaqeybgalka danaha weriyaasha guud ahaan Soomaaliya maalin walbo. Intii lagu gudajiray qeybtii ugu dambeysay ee 2019, SJS waxay tababartey 70 suxufi- kuwaasoo 40% ay haween ahaayeen- kuwaasi oo la siiyey tababaro xirfado ay ka mid yihiin bedqabka, soo saarista barnaamijyada dukumentariga iyo sidoo kale qorshe-u-sameynta tifaftiridda saxaafadda tayo wanaagsan leh.<\/p>\n\n\n\n<p><em>Abdalle Ahmed Mumin,<\/em><br><em>Xoghayaha Guud, Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (Somali Journalists Syndicate &#8211; SJS)<\/em><\/p>\n\n\n\n<p><strong><em>SOO DEGSO WARBIXINTAN: <a href=\"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/01\/SJS-ANNUAL-REPORT_State-of-Press-Freedom-in-Somalia-2019_Working-under-Pressure-and-Targeted-Attacks_06JAN2020-1.pdf\" target=\"_blank\" rel=\"noreferrer noopener\" aria-label=\"Xaaladda Xorriyadda Saxaafadda Soomaaliya ee 2019 oo dhameystiran (opens in a new tab)\">Xaaladda Xorriyadda Saxaafadda Soomaaliya ee 2019 oo dhameystiran<\/a>.<\/em><\/strong><\/p>\n\n    <div class=\"xs_social_share_widget xs_share_url after_content \t\tmain_content  wslu-style-1 wslu-share-box-shaped wslu-fill-colored wslu-none wslu-share-horizontal wslu-theme-font-no wslu-main_content\">\n\n\t\t\n        <ul>\n\t\t\t        <\/ul>\n    <\/div> \n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>MUQDISHO, Soomaaliya, 06 Jannaayo, 2020 &#8211; Iyadoo sannadka 2019 uu dhammaaday, jilaayaal fara badan ayaa sii wada bartilmaameedsiga warbaahinta Soomaaliya iyo xirfadyahankeeda waxaana sii socday weerarada, xarigga aan sababta lahayn, hanjabaadyo dil, iyo carqalad ka dhan ah helitaanka macluumaadka \u2013 dhammaana waa ku xadgudubkad xuquuq dastuuri ah oo ay muhiim tahay in muwaadiniintu ay helaan.<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":1115,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[38,2,32,31,58,35,36],"tags":[92,211,49,42,210],"class_list":{"0":"post-1112","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-dhacdooyin","8":"category-featured","9":"category-in-the-news","10":"category-ololaha","11":"category-somali","12":"category-warbixinnada","13":"category-waxqabadka","14":"tag-92","15":"tag-abdalle-mumin","16":"tag-sjs","17":"tag-somalia","18":"tag-xorriyadda-saxaafadda-soomaaliya"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1112","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=1112"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1112\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":4368,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1112\/revisions\/4368"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/1115"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=1112"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=1112"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=1112"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}