{"id":1096,"date":"2019-12-29T21:43:41","date_gmt":"2019-12-29T18:43:41","guid":{"rendered":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/?p=1096"},"modified":"2023-12-12T18:49:40","modified_gmt":"2023-12-12T18:49:40","slug":"booliska-hirshabelle-oo-muddo-kooban-hawada-ka-saaray-radio-jowhar-xireyna-wariye","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/booliska-hirshabelle-oo-muddo-kooban-hawada-ka-saaray-radio-jowhar-xireyna-wariye\/","title":{"rendered":"Booliska Hirshabelle oo muddo kooban hawada ka saaray Radio Jowhar, xireyna wariye"},"content":{"rendered":"\n<p>MUQDISHO, Soomaaliya, 29 Disember, 2019 &#8211;\nUrurka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu cambaareynayaa falka sharci\ndarrada ah ee muddada kooban hawada looga saaray Radio Jowhar iyo xarigga wariye\nu shaqeynayay idaacadda maalinimadii Axadda, 29 Disember 2019.<\/p>\n\n\n\n<p>Abaaro 01:15pm ayaa ciidamo booliis ah oo hubeysan oo uu hoggaaminayay taliyaha booliska Jowhar, <a rel=\"noreferrer noopener\" aria-label=\"Dhamme Maxamed Cali Siyaad (Canjeex) (opens in a new tab)\" href=\"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/2019\/10\/14\/booliska-hirshabelle-oo-sharci-darro-ku-xiray-weriye-soo-tabiyey-mudaaharaad-amarna-ku-bixiyay-in-la-toogto-wariyaal-kale\/\" target=\"_blank\">Dhamme Maxamed Cali Siyaad (Canjeex)<\/a> ayaa weerar ku qaaday Radio Jowhar iyagoo amray in idaacadda la demiyo, sida uu SJS u sheegay agaasimaha Idaacadda, Maxamed Abukar Caseyr. <\/p>\n\n\n\n<p>\u201cBarnaamijka ciyaaraha oo toos ah ayaa socday markii\nbooliisku soo galeen idaacadda, kadibna ay amreen in idaacadda la demino.\nSaraakiisha booliska ayaa ka carooday warbixin ku saabsaneyd amniga sii\nxumaanaya oo idaacadda ka baxday subaxdnimadii,\u201dayuu SJS u sheegay Agaasimaha\nRadio Jowhar, Maxamed Abukar Caseyr.<\/p>\n\n\n\n<p>Saacad kaddib deminta idaacadda, booliska ayaa xabsiga u taxaabay wariye Cabdiqani Sheekh Maxamed kaasoo warbixinta ka hadleysay amni darrada magaalada Jowhar idaacadda ka akhriyay subaxdnimadii Axadda. Wariye Cabdiqani Sheekh Maxamed ayaa saacad iyo bar kaddib lagu siidaayay shuruud ah in idaacaddu warkaas ka saarto barnaamijyadeeda iyo in raaligeli ay ka bixiyaan warkaasi ku saabsanaa amni darrida, taasoo idaacaddu sameysay, sida maamulka idaacaddu xaqiijiyay.<\/p>\n\n\n\n<p>Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Hirshabelle, Maxamed Xasan Kulmiye ayaa SJS u sheegay inuu dhex-dhexaadiyey booliska iyo idaacadda, sidaasina lagu fasaxay idaacadda iyo wariyaha.<\/p>\n\n\n\n<p>\u201cWaxaanu cambaareyneynaa falka hawada looga saaray Radio Jowhar iyo xarigga muddada kooban loo geystay wariye Cabdiqani Sheekh Maxamed,\u201d Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS), Abdalle Ahmed Mumin ayaa sidaas yiri, isagoo intaasi raaciyay\u00a0 xadgudubyada ka dhanka xorriyada saxaafadda oo isugu jira handadaad, faafreeb, hawo ka saaris ay booliiska iyo maamulka Hirshabelle sameynayaan ay yihiin tacaddiyo culus oo ka dhan ah xorriyadda saxaafadda.<\/p>\n\n\n\n<p>Waa idaacaddi labaad ee madax-bannaan oo booliska Hirshabelle xiraan bishan gudaheeda. 1<a rel=\"noreferrer noopener\" aria-label=\"9 Disembar ayey boolisku xireen City FM (opens in a new tab)\" href=\"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/2019\/12\/20\/booliska-hirshabelle-oo-xiray-idaacad-iyo-wariyeyaal\/\" target=\"_blank\">9 Disembar ayey boolisku xireen City FM<\/a>, oo illaa hadda xiran, iyagoo xabsiga u taxaabay toddobo ka mid ah shaqaalaha idaacaddan oo markii dambe la sii daayey.<\/p>\n\n\n\n<p>Sidoo kale, wuxuu Xoghaye Abdalle ugu baaqay maamul Goboleedka Hirshabelle inay joojiyaan tacaddiyada ka dhanka ah saxaafadda, una ogolaadaan in warbaahinta iyo suxufiyiintaba si cabsi la\u2019aan ah gutaan waajibaadkooda oo ay ku jirto inay baari karaan, soona werin karaan dhammaan noocyada wararka muhiimka u ah bulshada.<\/p>\n\n\n\n<p>Dhanka kale, Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu soo dhoweynayaa go\u2019aanka Maxkamadda Sare ee Somaliland ay Arbacadii 25 Disembar, 2019 <a rel=\"noreferrer noopener\" aria-label=\"xayiraadda halka sano ahayd uga qaadday wargeyska madaxa-bannaan ee Foore (opens in a new tab)\" href=\"https:\/\/hornobserver.com\/articles\/84\/Somaliland-court-lifts-one-year-ban-on-local-newspaper-as-press-advocate-welcomes-the-decision\" target=\"_blank\">xayiraadda halka sano ahayd uga qaadday wargeyska madaxa-bannaan ee Foore<\/a> ee kasoo bixi jiray Hargeysa. Waxaa wargeyskan <a href=\"https:\/\/www.facebook.com\/Horyaal24tv\/videos\/3773283899352088\/\" target=\"_blank\" rel=\"noreferrer noopener\" aria-label=\"xayiraad hal sano ah (opens in a new tab)\">xayiraad hal sano ah<\/a> ku soo rogtay Maxkamadda Maroodi Jeex 10 Febraayo, 2019 kaddib markii uu wargeysku qoray warbixin ka hadleysay dhismaha cusub ee madaxtooyada Somaliland oo lagu tuhmay musuqmaasuq inuu hareeyay.<\/p>\n\n    <div class=\"xs_social_share_widget xs_share_url after_content \t\tmain_content  wslu-style-1 wslu-share-box-shaped wslu-fill-colored wslu-none wslu-share-horizontal wslu-theme-font-no wslu-main_content\">\n\n\t\t\n        <ul>\n\t\t\t        <\/ul>\n    <\/div> \n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>MUQDISHO, Soomaaliya, 29 Disember, 2019 &#8211; Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu cambaareynayaa falka sharci darrada ah ee muddada kooban hawada looga saaray Radio Jowhar iyo xarigga wariye u shaqeynayay idaacadda maalinimadii Axadda, 29 Disember 2019.<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":1094,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[38,2,32,31,58,35,36],"tags":[208,206,49,156],"class_list":{"0":"post-1096","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-dhacdooyin","8":"category-featured","9":"category-in-the-news","10":"category-ololaha","11":"category-somali","12":"category-warbixinnada","13":"category-waxqabadka","14":"tag-hirsabelle","15":"tag-radio-jowhar","16":"tag-sjs","17":"tag-soomaaliya"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1096","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=1096"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1096\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":4369,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1096\/revisions\/4369"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/1094"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=1096"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=1096"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=1096"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}