{"id":1026,"date":"2019-11-18T20:57:38","date_gmt":"2019-11-18T17:57:38","guid":{"rendered":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/?p=1026"},"modified":"2023-12-12T18:49:40","modified_gmt":"2023-12-12T18:49:40","slug":"booliska-somaliland-oo-xiray-tifaftirihii-horn-cable-tv-xayiraadna-saaray-tv-ga","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/booliska-somaliland-oo-xiray-tifaftirihii-horn-cable-tv-xayiraadna-saaray-tv-ga\/","title":{"rendered":"Booliska Somaliland oo xiray tifaftirihii Horn Cable TV, xayiraadna saaray TV-ga"},"content":{"rendered":"\n<p>MUQDISHO, Soomaaliya, 18 Nofembar, 2019 &#8211; Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) ayaa ugu baaqay masuuliyiinta Somaliland inay shuruud la&#8217;aan ku siidaayaan Tifaftiraha Guud ee telefishanka Horn Cable Cabdulqaadir Saleebaan Caseyr (Codey) oo si sharci darro ah loogu xiray Hargeysa, ayna ka laabtaan amarka lagu xiray xarunta telefisanka ee Hargeysa maanta oo Isniiin ah 18 Nofembar 2019.<\/p>\n\n\n\n<p>Abaaro 8:00 subaxnimo ayaa saraakiisha Xarunta Dembi Baarista ee CID waxay u yeereen Tifaftiraha Cabdulqaadir Saleebaan Caseyr (Codey) kaasoo markii uu yimid CID-na la xiray. Booliska ayaa tusay tifaftiraha ammar qoraal ah oo lagu xirayo telefishanka, uuna ku saxiixnaa taliyaha CID-da, sida ay SJS u sheegeen labo saxafi oo aan la hadalnay.<\/p>\n\n\n\n<p>Agaasimaha Guud ee Horn Cable TV, Maxamed Cabdi Ilig, ayaa sheegay in ammarka xirista xarunta ay dalbatay Wasaaradda warfaafinta Somaliland, si ay uga hor istaagto telefishanka tebinta wararka madaxa-bannaan.<\/p>\n\n\n\n<p>&#8220;Xayiraadaasi ma soo gaadhin Xafiiska [telefishanka], tallaabadaasina ma fulin illaa iminka,&#8221; ayuu hadalkiisa ku daray Agaasime Ilig.<\/p>\n\n\n\n<p>Dhammaan shaqaalihii TV-ga ayaa ka tagay xarunta, laakiin telefishanka ayaa hawada ku jira isagoo hadda ku shaqeynaya xarumihiisa Muqdisho iyo Nairobi.<\/p>\n\n\n\n<p>Suxufiyiinta la hadlay Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) waxay u sheegeen in xarigga telefishinka lala xiriirinayo kaddib <a rel=\"noreferrer noopener\" aria-label=\"wareysi uu TV-gu la yeeshay (opens in a new tab)\" href=\"https:\/\/www.youtube.com\/watch?v=PdgbKqYy4qc\" target=\"_blank\"><strong>wareysi<\/strong> <\/a>uu TV-gu la yeeshay <strong><a rel=\"noreferrer noopener\" aria-label=\"Suldaan Abubakar Cilmi Wabar (opens in a new tab)\" href=\"http:\/\/www.somalidispatch.com\/featured\/somaliland-forces-clash-with-suldaan-wabars-militias\/ \" target=\"_blank\">Suldaan Abubakar Cilmi Wabar<\/a><\/strong> oo hoggaamiya jabhad u dagaalanta gooni-isu taagga gobolka Awdal. Wareysigu wuxuu Horn Cable TV ka baxay 13-kii Nofembar, 2019.<\/p>\n\n\n\n<p>Khamiistii la soo dhaafay 14 Nofember, weriye Xasan Suleymaan Haaruun oo loo yaqaanno Xasan Galaydh oo uu wehliyay tifaftiraha guud ayaa looga yeeray xarunta dembi baarista ee CID-da kaddib <strong><a rel=\"noreferrer noopener\" aria-label=\"warbixin weriyuhu ka tebiyay garoonka diyaaradaha (opens in a new tab)\" href=\"https:\/\/www.youtube.com\/watch?v=QgCdyYFtWcs\" target=\"_blank\">warbixin weriyuhu ka tebiyay garoonka diyaaradaha<\/a><\/strong> ee Cigaal ee magaalada Hargeysa. Warbixintaas oo baxday 2dii Nofembar waxay ku saabsaneyd <strong><a href=\"http:\/\/berberanews.com\/diyaarad-ay-leedahay-shirkada-fly-dubai-oo-ku-dhici-gaadhay-madaarka-hargaysa-iyo-xisbiga-waddani-oo-ka-hadlay\/\" target=\"_blank\" rel=\"noreferrer noopener\" aria-label=\"cabasho ka dhan ah habka bedqabka ammaanka ee garoonka (opens in a new tab)\">cabasho ka dhan ah habka bedqabka ammaanka ee garoonka<\/a><\/strong> oo ay sameysay shirkadda diyaaradaha ee Fly-Dubai.<\/p>\n\n\n\n<p>\u201cAniga iyo Cabdiqaadir Codey ayaa maalinimadii Khamiista nalooga yeeray xarunta Dembi baarista. Waxaa nalagu wargeliyay in dacwad ay innaga soo gudbisay Wasaaradda Duulista Hawada ee Somaliland iyadoo dacwadaas ay soo gudbisay xafiiska xeer ilaaliyaha guud,\u201d Weriye Xasan Galaydh ayaa sidaa u sheegay SJS, isagoo intaa ku daray in wax walba ay suurogal ahaayeen iyadoo Xarunta Dembi Baaristu ka dalbatay weriyaasha inay soo caddeeyaan isha warka ay ka heleen.<\/p>\n\n\n\n<p>Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee SJS waxa uu si adag u cambaareynayaa falka sharci darrada ah ee lagu caburinayo xorriyada saxaafadda Somaliland oo ay ka mid tahay xariggan lagula kacay Tifaftiraha Guud Horn Cable TV iyo xaruntii telefishinku ku lahaa Hargeysa.<\/p>\n\n\n\n<p>&#8220;Xariggan suxufiyiinta iyo xarunta telefishanka iyagoo gudanaya xoriyadda uu Dastuurku siiyay waa fal xadgudub ku ah madax-bannaanida saxaafadda Somaliland,&#8221; Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS), Abdalle Ahmed Mumin ayaa yiri &#8220;Waanu cambaareyneynaa xarigga Cabdiqaadir Codey iyo xayiraadda Horn Cable TV.&#8221;<\/p>\n\n\n\n<p>&#8220;Masuuliyiinta Somaliland waa inay ogaadaan in xorriyadda saxaafadda ay tahay furaha bulsho dimuqraadi ah oo caafimaad qabta, waxaanu sidaa darteed dalbaneynaa in si deg deg ah oo shuruud la&#8217;aan ah lagu siidaayo saaxiibkeen Cabdiqaadir Codey,&#8221; ayuu sii raaciyay mudane Mumin hadalkiisa.<\/p>\n\n    <div class=\"xs_social_share_widget xs_share_url after_content \t\tmain_content  wslu-style-1 wslu-share-box-shaped wslu-fill-colored wslu-none wslu-share-horizontal wslu-theme-font-no wslu-main_content\">\n\n\t\t\n        <ul>\n\t\t\t        <\/ul>\n    <\/div> \n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>MUQDISHO, Soomaaliya, 18 Nofembar, 2019 &#8211; Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) ayaa ugu baaqay masuuliyiinta Somaliland inay shuruud la&#8217;aan ku siidaayaan Tifaftiraha Guud ee telefishanka Horn Cable Cabdulqaadir Saleebaan Caseyr (Codey) oo si sharci darro ah loogu xiray Hargeysa, ayna ka laabtaan amarka lagu xiray xarunta telefisanka ee Hargeysa maanta oo Isniiin ah 18 Nofembar 2019.<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":1021,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[38,2,32,31,58,35,36],"tags":[186,183,49,55],"class_list":{"0":"post-1026","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-dhacdooyin","8":"category-featured","9":"category-in-the-news","10":"category-ololaha","11":"category-somali","12":"category-warbixinnada","13":"category-waxqabadka","14":"tag-cabdiqaadir-codey","15":"tag-horn-cable-tv","16":"tag-sjs","17":"tag-somaliland"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1026","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=1026"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1026\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":4374,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1026\/revisions\/4374"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/1021"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=1026"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=1026"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=1026"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}