{"id":1018,"date":"2019-11-13T22:49:37","date_gmt":"2019-11-13T19:49:37","guid":{"rendered":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/?p=1018"},"modified":"2023-12-12T18:49:40","modified_gmt":"2023-12-12T18:49:40","slug":"galmudug-nisa-oo-wariyaal-ka-qaadatay-telefoonnadooda-amarna-ku-bixisay-in-wararka-doorashada-lagu-soo-wargeliyo","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/galmudug-nisa-oo-wariyaal-ka-qaadatay-telefoonnadooda-amarna-ku-bixisay-in-wararka-doorashada-lagu-soo-wargeliyo\/","title":{"rendered":"Galmudug: NISA oo wariyaal ka qaadatay telefoonnadooda, amarna ku bixisay in wararka doorashada lagu soo wargeliyo"},"content":{"rendered":"\n<p class=\"wp-block-paragraph\">MUQDISHO, Soomaaliya, 13 Nofembar, 2019 &#8211; Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu walaac xoogggan ka muujinayaa awaamiirta cusub oo lagu xayirayo xorriyadda saxaafadda madaxa-bannaan iyo falka sida sharci darrada ah taleefoonadooda looga qaatay muddo kooban saddex suxufi oo ka hawlgaleysay magaalada Dhuusamareeb ee Galmudug Talaadadii 13 Nofembar, 2019.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Abaaro 8:00pm fiidnimo ee Talaadada ciidamo ka socda hay\u2019ada Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo indhuhu u duubnaayeen, uuna horkacayey sarkaal aanan la aqoonsan magaciisa ayaa taleefoonada ka qaatay suxufiyiinta kala ah: Cabdikarin Ciise Cadaawe, oo ah sawirqaade ka tirsan Shabelle TV; Cabdullaahi Warsame Rooble, oo ah wariye ka tirsan Somnews TV iyo Maxamed Khadar Macalim Axmed oo u shaqeeya warbaahinta Goobjoog iyagoo ku sugnaa goob shaaha laga cabo.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Sida ay Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) ay u sheegeen wariyaasha waxaa su\u2019aalo la weydinayo midkiiba muddo 30 daqiiqo ah, ka hor intaan taleefoonadooda dib loogu soo celin.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Saraakiisha NISA waxay wariyaasha u sheegeen inay la soo iriiraan saraakiisha haddii ay doonayaan in ay sameeyaan warar la xiriira doorashooyinka, isla markaana ay ka fogaadaan tebinta wararka ama xafladaha mucaaradka ama dadka dhaliila dowladda.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Galmudug oo ah Dowlad Gobolleed uu hareeyay is-qabqabsi siyaasadeed ayaa la filayaa inay dhowaan ka qabsoonto <a href=\"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/2019\/10\/07\/sjs-reminds-somali-journalists-to-remain-professional-and-responsible-ahead-of-the-upcoming-elections\/\" target=\"_blank\" rel=\"noreferrer noopener\" aria-label=\"doorashada baarlamaanka iyo tan madaxtinimmada (opens in a new tab)\">doorashada baarlamaanka iyo tan madaxtinimmada<\/a>. Waxaana doorashada darteed gaaray suxufiyiin badan si ay wararka doorashada u soo tebiyaan.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed waxa uu si gaar ah walaac uga muujinayaa bed-qabka saddexda teleefoon ee ay suxufiyiintan wateen kuwaasoo gacanta u galay saraakiisha hay\u2019adda NISA ee magaalada Dhuusamareeb. SJS waxaa horey u soo gaaray dhacdooyin qaar suxufiyiinta ka mid ah telefoonadooda loogu dhacay kaddib markii laga qaatay.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">&#8220;Waxaanu ka walaacsanahay dhacdooyinkan cusub ee lagu beegsanayo wariyaasha ka hawlgala Galmudug,&#8221; Abdalle Ahmed Mumin, Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) ayaa yiri &#8220;Waxaanu ugu baaqeynaa maamulayaasha Galmudug iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya inay deg deg uga hortagaan amarrada ay bixiyeen saraakiisha NISA ee lagu doonayo in lagu wiiqo madax-bannaanida saxaafadda. Wariyaasha waa in loo oggolaadaa inay shaqadooda u gutaan si cabsi la&#8217;aan ah iyo fara-gelin la&#8217;aan.&#8221;<\/p>\n\n    <div class=\"xs_social_share_widget xs_share_url after_content \t\tmain_content  wslu-style-1 wslu-share-box-shaped wslu-fill-colored wslu-none wslu-share-horizontal wslu-theme-font-no wslu-main_content\">\n\n\t\t\n        <ul>\n\t\t\t        <\/ul>\n    <\/div> \n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>MUQDISHO, Soomaaliya, 13 Nofembar, 2019 &#8211; Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu walaac xoogggan ka muujinayaa awaamiirta cusub oo lagu xayirayo xorriyadda saxaafadda madaxa-bannaan iyo falka sida sharci darrada ah taleefoonadooda looga qaatay muddo kooban saddex suxufi oo ka hawlgaleysay magaalada Dhuusamareeb ee Galmudug Talaadadii 13 Nofembar, 2019.<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":1016,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[38,2,32,31,58,35,36],"tags":[182,178,179,49],"class_list":["post-1018","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-dhacdooyin","category-featured","category-in-the-news","category-ololaha","category-somali","category-warbixinnada","category-waxqabadka","tag-dhusamareeb","tag-galmudug","tag-nisa","tag-sjs"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1018","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=1018"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1018\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":4375,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1018\/revisions\/4375"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/1016"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=1018"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=1018"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sjsyndicate.org\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=1018"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}