Waxqabadka – Somali Journalists Syndicate

Maalinta Caalamiga ee Xog-helidda ah ayaa Bulbul la geeyay xabsiga
MUQDISHO, Soomaaliya 28 Sebtembar, 2023 – Munaasabadda Maalinta Caalamiga ah ee Xog-helidda darteed, Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu ka walaacsan yahay tallaabadii qasabka ah ee saraakiisha booliska iyo kuwa nabsdsugidda ay ku wareejiyeen, Maxamed Ibraahim Bulbul, Xoghayaha Warfaafinta iyo Xuquuqda Aadanaha SJS oo laga qaaday Saldhigga Booliiska Xamar Jajab, loona wareejiyay Xabsiga Dhexe ee Muqdisho maanta oo Khamiis ah 28 Sebtember.

Arrintaan murugada leh ayaa daba socota kadib markii garsooraha Maxkamadda Gobolka Banaadir uu Isniintii 25 Sebtembar diiday dhammaan eedeymihii 7-da ahaa ee uu Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Qaranka ku soo oogay Bulbul kuwaasoo ku saleysnaa Xeerka Ciqaabta. Garsooraha, isagoo raacaya diidmo horudhac ah oo ay soo bandhigeen kooxda sharciga ee SJS, ayaa hoosta ka xarriiqay in saxaafaddu aysan ahayn dembi. Bulbul ayaa lagu hayay xabsi sharci darro ah oo aan loo ogoleyn wax xiriir ah tan iyo 17 Agoosto 2023 ka dib markii uu baahiyay warbixin daaha ka qaadday eedeymo musuqmaasuq oo ay ku lug leeyihiin booliska Soomaaliya ee ka qeyb qaadanayay tabobar ay taageeraysay hay’adda Midowga Yurub (EUCAP).

Ka dib tuuristii eedeymaha, waxaanu filaynay in Bulbul la sii daayo; si kastaba ha ahaatee, waa wax laga xumaado ah in shakhsiyaad gaar ah ay si joogto ah ugu xadgudbayaan xuquuqda Bulbul.

“Laga soo bilaabo Isniintii, ka dib markii garsooraha maxkamadda uu meesha ka saaray eedeymihii uu soo jeediyay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud, ma jirto eedeymo rasmi ah oo ka dambeeyay. Waxaan filaynay in saaxiibkeen Bulbul la sii daayo. Waxa wax laga xumaado ah, iyadoo aan sharciga la tix-gelin, kuwa beegsanaya Bulbul waxay door bideen inay u geystaan hagardaamo, cagajugleyn iyo dhibaato,” ayuu yiri Xoghayaha Guud ee SJS Abdalle Ahmed Mumin, “Haddii ay wax macno ah leedahay, dhibaataynta Bulbul ee socota iyo u wareejintiisii maanta xabsiga ee lagu soo beegay Maalinta Caalamiga ah ee Helitaanka Macluumaadka waxay muujinaysaa mustaqbalka mugdiga ah ee xorriyadda saxaafadda ee Soomaaliya.”

“Waxaan si adag u cambaareyneynaa dhibaateynta joogtada ah iyo xarigga aan sharciga ahayn ee lagu hayo Maxamed Bulbul, kaasoo si gaar ah loogu bartilmaameedsaday shaqadiisa suxufinimo ee uu ku soo bandhigay musuqmaasuqa booliska darteed. Waxaanu dalbanaynaa in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah lagu sii daayo Bulbul,” ayuu yiri Mr. Mumin.

In kasta oo ay jiraan cadaadis iyo hanjabaad joogto ah, SJS waxa ay ku adkaysanaysaa sida ay uga go’an tahay difaacidda xorriyadda saxaafadda iyo xorriyadda hadalka, iyada oo u aqoonsanaysa inay yihiin qaybaha muhiimka ah ee xuquuqaha aadanaha ee bulshadeena.

War Saxaafadeed: Ka Jawaabista Warka Been Abuurka ee Booliska
MUQDISHO, Soomaaliya, 31 August 2023 – Xoghayaha Warfaafinta iyo Xuquuqda Aadanaha Somali Journalists Syndicate (SJS), Maxamed Ibraahim Bulbul wuxuu sifo sharci darro ah ku xiran yahay maalinkii 15aad.

Bulbul waxaa lagula kacay tacaddiyo ay ka mid yihiin jirdil, handadaad, su’aalo qasab ah oo sharciga ka baxsan (oo uu iska diiday), cuntada oo loo diiday, booqashada ehelka, qoyska, saaxiibada iyo xitaa qareennada oo loo diiday.

Ma jirto wax eedeyn ah oo lagu soo oogay illaa hadda. Sidaasi darteedna ma ahan eedeysane.

SJS waxay cambaareyneysaa war saxaafadeed shalay 30 Augusto 2023 lagu faafiyay barta Ciidanka Booliska Soomaaliya kaasoo ay ka buuxeen ereyo sharciga ku xadgudbaya, looguna been abuuranayo Maxamed Ibraahim Bulbul.

Sida uu sheegayo Qodobka 35aad ee Dastuurka Dalka KMG, qofkasta waa bilaa dembi illaa “Maxkamad sharci” ah ku hesho dembi, halka Qodobka 70aad ee XHC uu sheegayo in mas’uuliyadda oogista eedda uu leeyahay Xafiiska Xeer Ilaalinta. Waa yaab e goorma ayuu boolisku noqday Xeer Ilaalin?

Somali Journalists Syndicate (SJS) waxay cambaareyneysaa falalka handadaada ah iyo isku dayga su’aalo weydiinta qasabka ah ee lagu hayo Maxamed Bulbul. Waxaana ku baaqeynaa in la joojiyo, lana siiyo xorriyaddiisa si deg deh ah. Waa in lala xisaabtamaa kuwii weeraray ee afduubay Bulbul.

Boolisku waa inay baaritaan ku sameeyaan, sharcigana horgeeyaan kuwa musuqmaasuqa lagu eedeeyay. Waa in la joojiyaa beegsiga lagu hayo suxufiyiinta soo baarta ama ka hadasha eedeymaha musuqmaasuqa baahsan ee halakeeyay dalka Soomaaliya.

SJS oo si rasmi ah ugu biirtay IPI
MUQDISHO, Soomaaliya, 28 Luulyo 2023 – Ururka Saxafiyiinta Soomaaliyeed (SJS) ayaa ku dhawaaqay ku biiridda rasmiga ah ee Golaha Saxaafadda Caalamiga ah (IPI), oo ah shabakad caalami ah oo ka kooban tifaftirayaasha, madaxda warbaahinta, iyo ururada saxafiyiinta caanka ah.

Tallaabadan muhiimka ah waxay sii xoojineysaa ka go’naanta SJS ee ku aaddan difaaca xorriyadda saxaafadda, badqabka suxufiyiinta iyo ilaalinta xorriyadda hadalka, gudaha Soomaaliya iyo masraxa caalamiga ahba.

Iskaashigan istiraatijiyadeed ayaa sii xoojinaya kaalinta SJS ee ku wajahan u doodista sida adag ee xorriyadda saxaafadda, iyada oo xoojinaysa xubnaheeda marka ay wajahayaan caqabadaha adag ee ka hor imanaya xirfadlayaasha warbaahinta ee Soomaaliya. Ku biiridda Golaha Saxaafadda Caalamiga ah waxa ay astaan u tahay guul muhiim ah oo SJS ay ka gaartay dagaalka aan ugu jirno madax banaanida saxaafadda iyo badbaadada saxafiyiinta.

“Waan ku faraxsanahay inaan maanta u dabaaldegno guul kale oo muhiim noo ah anagoo si rasmi ah ugu biirnay Golaha Saxaafadda Caalamiga ah (IPI). Ku biiritaankan waxa uu kor u qaadayaa awoodda SJS ee ah in ay si wax ku ool ah ugu doodo xorriyadda warbaahinta Soomaaliya iyo in lagu xoojiyo xubnaheenna waxyaabaha lagama maarmaanka ah si ay ugu gudbaan xaaladaha adag ee ay wajahayaan saxafiyiinta Soomaaliya,” ayuu yiri Cabdalle Axmed Mumin, Xoghayaha Guud ee SJS.

SJS oo ah urur saxafiyiin heer qaran ah iyo u doode adag oo xorriyadda saxafadda, ayaa sii wadi doona in si hagar la’aan ah oo geesinimo leh u difaacno xuquuqda saxafiyiinta iyada oo la siinayo gargaar sharci oo muhiim ah warfidyeenka wajahaya kiisaska maxkamadaha ee ka dhashay shaqadooda saxafinnimo. Hadafkayagu waa in aan hubinno in saxafiyiintu ay gudan karaan waajibaadkooda iyaga oo aan ka cabsanayn aargoosi, iskaashigeenna IPI taasi ayuu xoojinaya.

Iyadoo muuqaalka warbaahintu uu is bedelayo, SJS waxa ay weli u heellan tahay horumarinta saxafiyiinta mas’uulka ah iyo difaacidda xuquuqda kuwa sida geesinimada leh u soo tebiya runta. Wada shaqeynteenna IPI waxay xoojineysaa ballanqaadkeena wadajirka ah ee ilaalinta mabaadi’da aas-aasiga ah ee warbaahinta xorta ah iyo madax-bannaanida.

“Waqtiyadan adag, SJS waxay ugu baaqaysaa dhammaan dhinacyada ay khusayso inay aqoonsadaan doorka muhiimka ah ee saxaafadda xorta ah ee ilaalinta dimoqraadiyadda, kobcinta daahfurnaanta, iyo gaarsiinta dadweynaha xog sax ah,” ayuu sii raaciyay mudane Mumin. “Si wadajir ah, waxaan u dhisi karnaa bulsho qiimeeysa xorriyadda saxaafadda oo qadarisa dadaalka aan daalka lahayn ee saxafiyiinta u halgamaya runta iyo isla xisaabtanka.”

SJS waxa ay aad ugu mahadcelinaysaa Golaha IPI sida uu noogu soo dhaweeyay shabakadiisa qiimaha badan, waxaana aanu balan qaadaynaa in aanu sii wadi doono u ol’olaynta xoriyadda saxaafadda Soomaaliya iyo meelaha ka baxsan intuba.

Bahda Warbaahinta Soomaaliyeed oo cambaareeyay War-saxaafadeedka lagu marin habaabinaayo kiiska Xoghayaha SJS Abdalle Muumin oo shalay kasoo baxay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Soomaaliya.
MUQDISHO,Soomaaliya,1-da Maarso 2023- Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee (SJS), Daladda Badbaadada Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee (SMSJ) iyo Ururka Warbaahinta Soomaaliyeed (SOMA) waxay cambaareeynayaan War-Saxaafadeedka ku saabsan xarigga sharcidarrda ah ee Xoghayaha Guud ee SJS, Abdalle Axmed Muumin oo shalay, Talaado 28-ka February kasoo baxay Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qararanka ,kaasi oo ujeedkiisu yahay in la marin habaabiyo dacwadda Xoghaye Abdalle Axmed Muumin.Bahda warbaahinta Soomaaliyeed oo la-tashi la sameeyay qareennada Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee SJS oo ka walaacsan xarigga Xoghayaha SJS Abdalle Axmed Muumin iyo warqadda kasoo baxday xafiiska xeer ilaalinta qaranka  ayaa soo saaray qodobadan hoose.

War-saxaafadeedkan oo ku taariikhaysnaa 28-dii February ,2023 laguma xusin in Xoghayaha SJS Abdalle Axmed Muumin ay xubno ka tirsan Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA ay si baalmarsan sharciga ugu xireen garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho.

Xeer ilaalintu waxay Meesha ka saartay in dacwadda Abdalle ay tahay mid ku salaysan warbaahinta iyo xorriyadda saxaafadda,iyadoo Abdalle lagu soo oogay dacwad ku saabsan shirjiraa’id oo ay si wadajir ah xafiiska SJS ugu qabteen bahda Warbaahinta Soomaaliyeed 10-kii October 2022.Dhageysiga maxkamadda ayaana si toos ah looga sii daayay warbaahinta,waana laga heli karaa.

Xafiiska Xeer Iilaalintu hadda sharci uma lahan in uu kiiskan ka hadlo ,waxuuna War-saxaafadeedkan muujinayaa in la siyaasideynaayo dacwadda xoghayaha SJS oo aan loo heyn sabab sharci ah.Waxayna taasi muujinayasaa in Maxkamadda gobalka Banaadir ay wax ka bedal ku sameysay xukunkii asalka ahaa oo ku taariikhaysnaa 13-February 2023.

Qoraalka xeer ilaalintu wuxuu si toos ah u muujinayaa in Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo Maxkamadda Gobalka Banaadir ay isla-garteen in Xoghayaha SJS Abdalle Axmed Muumin lagu rido xukun kale oo culus,waxayna Xeer Ilaalintu ku timaamtay Abdalle Muumin in uu yahay “Dambiile”,iyadoo aysan xaq u lahayn in ay si sharci ah u isticmaasho eraygaasi.

Kadib markii ay Maxkamadda gobalka Banaadir ay damaanadda kala noqotay Abdalle Muumin,Maxkamadda Racfaanka ayaa damaanad  ku taariikhaysan 22 October ,2022 ,sumaddeeduna tahay  MRGB/69/2022/BG siisay Abdalle Muumin ,sidaasi darted Maxkamadda gobalka Banaadir xaq uma lahan in ay Abdalle ka qaado Damaanadda .Keliya Maxkamadda Racfaanka ayaa awood sharci u leh in ay la naqoto damiinteeda.

Xeer Ilaalintu waxay ku eedeysay mas’uuliyiinta Xabsiga dhexe in ay si sharci-darro ah ay ku sii daayeen Abdalle Muumin, islamarkaana ay kasoo horjeesteen go’aankii Maxkamadda ,waxayna sheegeen in Abdalle uu ahaa baxsad,balse Abdalle waxaa lagu sii daayay si sharci ah ,wuxuuna ku sugnaa magaalada in ku dhow laba todobaad,kadib markii la sii daayay.Si kastaba, War-saxaafadeedkan kasoo baxay Xafiiska Xeer Ilaalinta Qaranka ayaa imaanaya wax-kayar 24-saac kadib markii uu Baarlamaanka Soomaaliya uu ka dooday sii socoshada tacaddiyada ka dhanka ah Xoghayaha SJS Abdalle Axmed Muumin ,xildhibaannaduna ay dalbadeen xorriyad usoo celinta Abdalle Muumun si shuruud la’aan ah iyo in baaritaan dhab ah lagu sameeyo kiiskan. Baarlamaanka ayaa kiiskan u xilsaaray guddiga Warbaahinta ee Baarlamaanka golaha shacabka in ay soo baaraan oo ay soo diyaariyaan warbixin ku saabsan kiiskan.Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee (SJS), Daladda Badbaadada Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee (SMSJ) iyo Ururka Warbaahinta Soomaaliyeed (SOMA) waxay cambaareenayaan War-saxaafadeedka marin habaabinta ah ee kasoo baxay xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ee Soomaaliya ,kaasi oo ujeedkiisu yahay lagu qaldo ,laguna maran habaaiyo bulshada Soomaaliyeed xaqiiqada ku xeeran kiiskanUrurada Warbaahinta Soomaaliyeed waxay sidoo kale si wadajir ah u cambaareenayaan cadaadiska iyo cabsigelinta joogtada ah ee ka dhanka ah Xoghayaha Guud ee SJS Abdalle Axmed Muumin,waxayna dalbanayaan in s shuruud la’aan ah lagu sii daayo Xoghayaha SJS.Bahda Warbaahinta Soomaaliyeed waxay sidoo kale ugu baaqayaan saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya taageera in si cad u cambaareeyaan xarigga sharcidarrada ah ee dib loogu geystay Xoghayaha Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee SJS Abdalle Axmed Muumin oo ah si qarsoodi ah oo baalmarsan sharciga dalka ugu xeranXabsiga dhexe ee Xamar.

Warbixinta Sannadlaha ah ee SJS: Xaaladda Xorriyadda Saxaafadda ee Soomaaliya 2022
MUQDISHO, Soomaaliya, 31 Jannaayo 2023 – Soomaaliya ayaa lagu tiriyaa in ay ka mid tahay waddamada ugu khatarta badan caalamka ee ay wariyayaashu ka howlgalaan, maadaama ay la kulmaan hanjabaadyo uga imaanaya dowladda iyo kooxaha xagjirka ah sida Al-Shabaab iyo maleeshiyo beeleedyo kooban. Waddanku waxa uu kaalinta koowaad ka galay liiska uu soo saaray Guddiga Caalamiga ah ee Difaaca Saxafiyiinta ee CPJ sannadkii siddeedaad oo isku xigta taas oo ka dhigaysa waddanka ugu khatarta badan ee saxafiyiinta ka hawlgalaan Afrika.

Si ka daran sanadihii hore, adeegsiga garsoorka si loogu caga jugleeyo saxafiyiinta iyo madaxda ururada, hanjabaadaha lagu lamaaniyay amarada iyo go’aannada xaddidaya xorriyadda saxaafadda laguna soo rogayo saxafiyiinta iyo hay’adaha warbaahinta si ay ugu sii  jiraan is faafreeb iyaga oo ka baqaya aargudasho dowladeed ayaa 2022-ka noqotay dhaqan caadi ah, taasina waxay horseedday in sheekoyin badan oo danta guud ah aanan la soo tebin.

Amarka cusub ee lagu soo rogay warbaahinta 8-dii Oktoobar, 2022 ee ay soo saartay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa ka kooban xaddidaad ballaaran oo ku wajahan xorriyadda saxaafadda iyo xuquuqda ay saxafiyiinta u leeyihiin helista macluumaadka. Saxafiyiinta iyo hay’adaha warbaahintu waxay ka walaacsan yihiin in ereyada aan caddayn ee ku jira sharciga ay xaddidi karaan awoodda ay u leeyihiin inay si xor ah uga warbixiyaan hawlgallada socda ee ka dhanka ah kooxaha hubeysan, ayna xaddidi karto xorriyadda warbaahinta madaxa-bannaan.

Xoghayaha Guud ee SJS, Cabdalle Mumin, Agaasimaha Risaala Media Corporation Maxamed Cabduwahaab iyo Saxafi sare Yuusuf Cabdi Shire oo ka mid ah koox saxafiyiin oo ka qeybgalay kulan cabasho ah oo lagu dalabanayey xorriyadda Xoghaye Mumin 5 Disembar 2022. | Sawirka/SJS.

Weerarkii lagu qaaday xafiiska SJS 10-kii Oktoobar, Xarigga Xoghayaha Guud ee SJS Cabdalle Axmed Mumin 11-kii Oktoobar iyo beegsiga weli lagu hayo ayaa ah farriin kale oo dhiilo leh oo ku socota dhammaan bahda warbaahinta dalka. Weerarkii lagu qaaday xafiiska SJS ayaa waxaa fuliyay rag afka soo duubtay oo ku hubeysnaa qoryaha AK47 oo uu hogaaminayay taliyaha ciidanka nabadsugidda ee NISA ee degmada Howlwadaag “Shakiib” wax yar kadib markii SJS oo ka mid ah afar hay’adood oo ah kuwa u dhaqdhaqaaqa xoriyadda saxaafadda ay si wadajir ah u qabteen shir jaraa’id oo ay walaac kaga muujiyeen amarrada xannibaadda ah ee ay soo saartay wasaaradda warfaafinta.

Kaddib ammaradii 8-dii Oktoobar ee wasaaradda warfaafinta, saraakiisha sirdoonka Jubbaland ayaa si sharci darro ah waxay 23-kii Oktoobar magaalada Kismaayo ugu xireen weriye ka tirsan Telefishinka Horn Cable TV ahna xiriiriyaha xorriyadda saxaafadda ee SJS, Cabdullahi Xuseen Kilaas, kaddib markii uu ka warbixiyay weerar lagu qaaday hoteel ku yaalla bartamaha magaalada Kismaayo maalintaas. Kilas ayaa la sii daayey gelinkii dambe ee maalinkaas ka dib markii Horn Cable TV uu boggiisa ka saaray warkii weriye Kilas. Sidaas oo kale, maamulka Hirshabeelle ayaa weeraray idaacadda Hiiraanweyn ee magaalada Beledweyne, waxaana ay xireen afar wariye oo idaacadda ka hawlgalayey 22-kii Disembar, kadib markii ay soo tebiyeen ka bixitaankii maleeshiyada Macawisley ee ku sugnaa tuulooyin ka tirsan gobolka Hiiraan sababo la xiriira mushaar la’aan. Booliska Galmudug ee ku sugan Cadaado ayaa iyaguna xabsiga dhigay labo weriye oo ka ka hawlgala warbaahinta gudaha kuwaasi oo wareystay odayaal beeleed lagu eedeeyay in ay la kulmeen xubno ka tirsan Al-Shabaab 25-kii Disembar. Sidoo kale, waxaa lagu wargeliyay saxafiyiinta deegaanka in ay ka waantoobaan wararka la xiriira dhacdooyinka amniga oo ay ku jiraan weerarada kooxda Al-Shabaab.

Kororka tirada xarigga warfidiyeenka ee afartii sano ee lasoo dhaafay.

Sida ku cad diiwaanka SJS, xariga sharci darrada ah, isticmaalka handadaadda, xaddidaadda iyo xannibaadda helitaanka macluumaadka ayaa gaartay heer kale oo welwel leh sanadkii 2022-ka, halka dhanka kale maamulada heer federaalka iyo dowlad gobolleedyadu ay labo jibbaareen weerarrada ka dhanka ah suxufiyiinta ka warramaya dagaalka ay dawladdu ku dhawaaqday ee u dhexeeya ciidammada dawladda iyo Al-Shabaab ee ka socda gobollada dalka qaarkood. Intii lagu guda jiray sannadkii 2022, waxaa la dilay labo weriye oo caan ah; halka 10 kalena la dhaawacay; 84 weriye ayaa la xiray; toddoba xarumood iyo xafiisyo warbaahineed ayaa la weeraray oo albaabada loo laabay iyadoo la dhibsanayo warbixinadooda xasaasiga ah awgeed.

Tacadiyada ka dhanka ah xorriyadda saxaafadda ee dhacay sannadkii 2022.

SJS ayaa diiwaangelisay kororka tirada saxafiyiinta ee ka fakaneysa dalka taasoo ka dhalatay cabsi ay ka qabaan hanjabaado la xiriira shaqadooda warbaahineed darteed. In ka badan 10 saxafi (saddex ka mid ah ay ahaayeen haween) ayaa dalka uga qaxay dalal kala duwan oo ay ku jiraan Turkiga iyo Kenya. Saxafiyiintan ayaa sheegay in ay go’aansadeen in ay u baxsadaan dalka dibaddiisa, iyadoo ay sii kordhayaan cadaadiska iyo hanjabaadaha ka imaanaya dhanka mas’uuliyiinta dowladda iyo caburinta ka dhanka ah saxaafadda xorta ah oo xaaladda ka dhigtay mid aan la xamili karin.

Xayiraadaha helitaanka macluumaadka waxay abuurtay faafreebka warbaahinta dhexdeeda ay isku sameyso. Warfidiyeenka ku sugan Muqdisho, Hirshabeelle, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland ayaa SJS u sheegay in laga hor istaagay munaasabadaha waaweyn iyo goobaha ay ka dhacayeen dhacdooyinka wareed, sida goobihii ay Al-Shabaab weerartay, loona diiday in ay ka soo waramaan arrimaha saameynaya danta guud. Suxufiyiintu waxay si gaar ah uga xog-warameen falal faafreeb iyo caga-juglayn isugu jira oo looga gol-leeyahay in lagu joojiyo inay soo bandhigaan xad-gudubyo halis ah oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

Gobollada ay ka kala dheceen tacadiyada ka dhanka ah xorriyadda saxaafadda sanadkii 2022.

Taliyeyaasha booliska, garsoorayaasha, saraakiisha dowladda, hogaamiyaasha beelaha iyo xubnaha Al-Shabaab ayaa lagu tilmaamay in ay yihiin kuwa ugu waaweyn ee geysta xadgudubyadan. Saxafiyiinta ku sugan Puntland ayaa SJS u sheegay in loo diiday in ay tabiyaan wararka muujinaya gabood-fallada booliiska iyo xadgudubyada dhanka galmada ah ee lagula kacay haweenka iyo gabdhaha. Maamulka Somaliland ayaa xayiraad adag ku soo rogay helitaanka macluumaadka oo ay ka mid yihiin in la jaro ama la xanibo internet-ka, xarigga warfidiyeenka, xayiraadda xarumaha warbaahinta iyo sidoo kale tallaabooyin cabsi gelin ah oo la doonayo in lagu aamusiyo war-tebinta dhacdooyinka xasaasiga ah ee saxafiyiinta gudaha ay soo gudbinayaan.

Warfidiyeenka, gaar ahaan, kuwa soo tebiya arrimaha xuquuqul insaanka, ayaa u aaneeyay in caqabadda kale oo ay wajahayaan ay tahay dhibaatooyinka dhaqaale taasoo ah natiijada tooska ah ee ka dhalatay shaqadooda si ay u diiwaangeliyaan una baaraan xadgudubyada xuquuqda aadanaha. Dabeecadda cadawtinimada ku saleysan ee loo qabo saxafiyiinta ka waramaaya xadgudubyada xuquuqul insaanka iyo wacyi galinta bulshada guud ayaa sidoo kale qayb ka ah caqabadaha jira.

Helitaanka macluumaadka guud waxay ka dhigan tahay in qof kastaa uu xaq u leeyahay inuu raadiyo, helo oo bixiyo macluumaadka. Warbaahintu waxa ay ciyaartaa door muhiim ah, gaar ahaan marka ay doonayso in ay ku wargeliso dadweynaha xogta muhiimka ah ee dalkooda iyo la socodka hawlaha dawladooda. Xaqa helitaanka xogta waa arrin kale oo ay ku xiran tahay xuquuqda xorriyadda saxaafadda. Nasiib darrose, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada xubnaha ka ah ayaan weli ku guuleysan in ay soo saaraan Hindise Sharciyeedka Helitaanka Xogta oo ah waajibaad Dastuuri ah sida uu qabo qodobka 32-aad ee Dastuurka KMG ah.

Cadaadiska sii kordhaya ee ka dhanka ah saxafiyiinta Soomaaliyeed iyo helitaan la’aanta xogta ayaa cirka ku shareertay walaaca jira. Marka saxafiyiinta la xannibo, loo hanjabo, loona diido inay helaan macluumaadka, waxay dhaqan gelin doontaa isla xisaabtan la’aan. Bixinta iyo u soo bandhigidda macluumaadka dadweynaha guud ahaan, gaar ahaan arrimaha daboolka ka qaadaya ku-xadgudubka xuquuqul insaanka waxay kor u qaadeysaa in dhibanayaasha tacadiyada xuquuqda aadanaha ay heleen xuquuqdooda ama in loo raadiyo caddaalad ka dhan ah denbiilayaasha iyada oo loo marayo tallaabo sharci ah.

Waxaan ka walaacsanahay kor u kaca weerarada ka dhanka ah saxafiyiinta oo kaliya lagu bar tilmaameedsado warbixinada ay soo tebiyaan ee la xiriira weerarada ciidamada dowladda Soomaaliya ay ku qaadeen Al-Shabaab. Waxaa murugo leh, weerarradan ka dhanka ah saxaafadda xorta ah waxaa sabab u ah amarkii 8-dii Oktoobar ee wasaaradda warfaafinta ee lagu xaddidayay wararka warbaahinta ee howlgallada amniga ee socda.

Anagoo si adag u cambaareynayna weerar kasta oo ka dhan ah saxafiyiinta, waxaan sidoo kale ku celineynaa baaqa ku socda Dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah federaalka in ay joojiyaan weerarada ka dhanka ah saxafiyiinta isla markaana ay u ogolaadaan warbaahinta madaxa-bannaan iyo saxafiyiinta in ay gudan karaan waajibaadkooda shaqo hanjabaad iyo xarig la’aan.

Intaa waxaa dheer, xeerka saxaafadda Soomaaliya (wax ka beddelka 2020) waxaa ku jira qodobbo khatar ku ah xuquuqul insaanka, xorriyadda hadalka iyo xorriyadda saxaafadda isla markaana denbi ka dhigi karta tabinta warbaahinta, dawladdana siin kara awood ballaadhan iyo inay korjoogteyn ku sameyso shaqada warbaahinta xorta ah.

Qodobada ku saabsan ciqaabta denbi ee ku jira xeerka saxaafadda ayaa ah kuwo aanan si cad loo qeexin waxayna siin karaan hay’adaha sharci fulinta awood ballaaran oo ay u fasirtaan si khaldan iyo ku xadgudub. Qodobada maldahan waxaa ka mid ah qodobka mamnuucaya ka warbixinta arrimaha ka soo horjeeda “danta qaranka”, “war been abuur ah”, “hurin colaad iyo qabiil” iyo “fidinta borobogaandada”.

Waxaa intaa dheer, xeerku wuxuu ku soo rogayaa ganaax aan la cayimin weriyeyaasha ka hor yimaada qodobbada uu dhigayo, waxaana laga yaabaa in saxafiyiinta ay wajahaan dacwad ciqaab ah oo ku saabsan inay bixin waayeen ganaaxyada. Waxa kale oo ka mid ah qodob khatar gelinaya xuquuqda saxafiyiinta oo ah in ilo wareedyada qarsoon lagu qasbo warbaahinta inay sheegaan, iyo sidoo kale xayiraado maamul oo siinaya wasaaradda warfaafinta awood ballaaran oo ay ku maquuniso warbaahinta iyo hawl-wadeennada warbaahinta.

Waxaa nasiib darro ah in saxafiyiintu ay hadda cabsi ku qabaan dalkooda gudihiisa iyagoo miciin bidaya inay is-faafreebaan ama ay dalka isaga baxaan. Waxaan ku boorineynaa maamullada maxalliga ah iyo kuwa Dowladda Federaalka inay joojiyaan xaddidaadda helitaanka macluumaadka haddii ay ahaan lahayd midda dowladeed iyo tan aan la xiriirin dowladda intuba.

Dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah waa in ay abuuraan jawi nabdoon oo saxafiyiintu ay ku gudan karaan waajibaadkooda cabsi la’aan iyo aargoosi la’aan, ayna ogolaadaan in dib u eegis lagu sameeyo sharciga saxaafadda iyadoo lala tashanayo daneeyayaasha warbaahinta, ururada xarumaha warbaahinta iyo kuwa saxafiyiinta.

Dawladda Federaalka ah iyo dawlad-goboleedyada – oo ay ku jirto Somaliland – waa in ay joojiyaan adeegsiga xeerka ciqaabta ee lagu qaado warfidiyeenka, oo ayna si degdeg ah u dhammaystiraan dib-u-eegis dhamaystiran oo lagu sameeyo xeerkan duugoobay iyo dhammaan shuruucda kale ee caqabadda ku ah xaqa xorriyadda hadalka iyo xorriyadda saxaafadda oo lagu daray xuquuqaha kale, lana waafajiyo Dastuurka Federaalka Soomaaliya iyo xeerarka caalamiga ah ee xuquuqul insaanka.

Maxamed Ibraahim Isaaq,
Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS)

SOO DEGSO WARBIXIN SANNADEEDKA SJS 2022 OO DHAN (English)

Maalinta Xuquuqda Aadanaha, SJS waxay ku baaqeysaa la xisaabtanka xadgudubyada ka dhanka ah xorriyadda hadalka
MUQDISHO, 10 DISEMBAR 2022 – Maanta waa Maalinta Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka, Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed Somali Journalists Syndicate – SJS waxa uu maanta ku baaqayaa in lala xisaabtamo kuwa ku kaca xadgudubyada ka dhanka ah xuquuqul insaanka ee ka dhaca Soomaaliya oo ay ku jiraan tacadiyada loo geysto suxufiyiinta iyo bahda saxaafadda.

Sannad kasta 10ka Diseembar, adduunka waxaa laga xusaa maalinta xuquuqul insaanka, isla maalintii 1948-kii, Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay uu ansixiyay Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadanaha (UDHR). Mawduuca Maalinta Xuquuqul Insaanka ee sanadkan waa “Sharaf, Xorriyad, iyo Caddaalad Dhammaan”.

Waxaase murugo leh, hoos u dhaca xorriyadda saxaafadda iyo kororka khataraha lagu hayo badbaadada saxafiyiinta ayaa Soomaaliya ka noqday xaalad welwel leh. Laba wariye oo caan ah ayaa la dilay iyagoo sheeko eryanayay ilaa 30kii Sebtembar 2022, sida ku cad dukumentiyada SJS. 28 kale oo saxafiyiin iyo xirfadlayaal warbaahineed ah ayaa si aan sharciga waafaqsanayn loogu xidhay guud ahaan Soomaaliya (ay ku jirto Somaliland) tan iyo 1dii Juun 2022; halka 8 kalena ay ku dhaawacmeen rasaas ama qaraxyo ka dhacay Muqdisho iyo Hirshabeelle. Ilaa hadda ma jirto cid lagula xisaabtamay weeraradan.

Intaa waxaa dheer, Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaan weli wax dib u eegis ku samaynayn amarkeeda 8-da Oktoobar 2022 ee si aan habboonayn u xaddidaya xuquuqda xorriyadda hadalka iyo helidda macluumaadka saxafiyiinta ka warramaya hawlgallada amni ee ka dhanka ah al-Shabaab ee socda. Sharciga warbaahinta ee dhibaatada leh iyo adeegsiga xeerka ciqaabta ee waqtigiisu dhamaaday ee lagu xirayo laguna dacweynayo saxafiyiinta ayaa wali sii socda.

Hanjabaadda iyo caga-juglaynta joogtada ah ee ka dhanka ah Xoghayaha Guud ee SJS, Cabdalle Axmed Muumin oo ay ka mid yihiin xannibaadaha ka dhanka ah xuquuqdiisa dhaq-dhaqaaqa iyo xaqa xorriyadda hadalka ee mas’uuliyiinta wasaaradda warfaafinta ayaa ah tusaale kale oo muujinaya xadgudubyada badheedhka ah ee ay ku kacayaan mas’uuliyiinta Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan.

SJS waxay ugu baaqaysaa dawladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo dawladaha xubnaha ka ah inay ixtiraamaan dastuurkooda iyo Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka oo labaduba dammaanad qaadaya xaqa xorriyadda hadalka oo ah xuquuqaha muhiimka ah ee xuquuqda aadanaha. Maamulka waa in la xasuusiyaa in aamusinta suxufiyiinta oo la dilo, ama la dhibaateeyo oo la xiro ay tahay faafreebka ugu xun. Sida kaliya ee lagu soo afjari karo xadgudubyadan waa in la ogolaado in lala xisaabtamo dembiilayaasha.

Sida ku cad Bayaanka Vienna iyo Barnaamijka Waxqabadka, SJS waxay xasuusinaysaa beesha caalamka inay doorkeeda ka qaadato cadaadiska iyo dhiirigelinta isla xisaabtanka kuwa geysta xadgudubyada xuquuqul insaanka iyo in la xaqiijiyo in si buuxda loo dhowro dhammaan xuquuqda aadanaha iyo in laga hortago sii socoshada xadgudubyada xuquuqda aadanaha Soomaaliya.

“Maalinta Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka, SJS waxay ku boorinaysaa maamulada Soomaalida heer federaal iyo heer gobol inay u ogolaadaan jawi ammaan ah suxufiyiinta iyo dhammaan bahda saxaafadda. Warbaahin aan cabsi lahayn, madax bannaan oo kala duwani waa tan buuxin karta xaqa ay bulshada Soomaaliyeed u leedahay inay wax ogaato, waana in la ilaaliyo,” ayuu yiri Madaxweynaha SJS Maxamed Ibraahim. “Dembiyada ka dhanka ah saxafiyiinta ma dhammaan doonaan haddii aan lala xisaabtamin dambiilayaasha – oo ay ku jiraan saraakiisha sare ee dowladda ee weerarada u geysta saxafiyiinta. Ka cabsan mayno inaan dalbanno isla xisaabtanka.”

Bahda warbaahinta Soomaaliyeed oo walaac ka muujisay amarka dowladda Soomaaliya ee xaddidaya xorriyadda hadalka iyo tan saxaafadda
MUQDISHO, Soomaaliya, 10 Oktoobar 2022 – Bahda saxaafadda Soomaaliyeed iyo ururrada saxafiyiinta* ayaa ka walaacsan awaamiirta cusub ee ay soo saartay dowladda federaalka Soomaaliya ee ku saleysan xayiraadda iyo joojinta waxa ay ugu yeertay dowladdu “fidinta fikradaha xagjirnimada iyo argagixisada”.

Sabtidii 8da Oktoobar, Wasaaradda
Warfaafinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay amar ay ku
mamnuucday faafinta farriimaha “afkaarta
xagjirnimada ah ee laga sii daayo warbaahinta soo jireenka ah iyo baraha bulshada”. Sidoo kale, Wasaaradda
Boostada iyo Isgaarsiinta ayaa ku amartay shirkadaha bixiya adeegyada
Internet-ka in ay joojiyaan in ka badan 40-mareeg oo online-ka ah, iyadoo aan
la cadeynin cidda ay yihiin.

Iyadoo aan ogsoonahay in dagaalka socda ee u dhexeeya ciidamada dowladda federaalka iyo Al-Shabaab laga yaabo inuu dhaliyay walaac joogto ah oo la xiriira isticmaalka baraha bulshada ee loo isticmaali karo dacaayadda, waxaan ka walaacsanahay talaabooyinka cusub ee ku jira wareegtadii dowladda, oo aan lagala tashan daneeyayaasha iyo saamileyda, waxaa laga yaabaa inay si aan macquul ahayn u xaddidaan xorriyadda saxaafadda ee sharciga ah ee dalka.

Reporters cover a press conference by media leaders in Mogadishu on Monday October 10, 2022. | PHOTO/SJS.

Ugu horreyn, wareegtada dowladda oo ay ku jireen ereyo aan qeexneyn waxa laga
yaabaa in loo adeegsado in
lagu xaddido awoodda saxafiyiinta ay u leeyihiin inay si xor ah u soo tebiyaan hawlgallada socda ee
ka dhanka ah kooxda hubaysan
ee al-Shabaab. Waxa kale oo laga yaabaa inay dadweynaha ka xaddiddo helitaanka
macluumaadka la xiriira hawlgallada amniga ee
socda. Tusaale ahaan, kaddib
amarkii Sabtidii ee Wasaaradda
Warfaafinta ayaa horseeday in hay’ado warbaahineed qaarkood lagu qasbay
inay ka saaraan warbaahintooda
falcelinta al-Shabaab ee ku aaddan amarka dowladda ee baraha bulshada.
Dhowr wariye oo kale ayaa noo sheegay in aysan awoodin in ay xogta ay hayaan ay bulshada la
wadaagaan cabsi ay ka qabaan dowladda
darteed.

Marka xigta, ammarka xayiraadda ee jumlada ah ee lagu soo rogay
xarumaha warbaahinta iyo baraha bulshada ee faafinta wararka la xiriira
al-Shabaab waa mid welwel leh oona
ku saleysan hor istaag xorriyadda aragti is-dhaafsiga saliimka ah.
Tusaale ahaan, amarka
dowladda ayaa ku jiray in la
xirayo aaladda Telegram, oo
ah madal farrimo ammaan ah oo ay Soomaali
badan u adeegsan jireen wadaagista macluumaadka. Xiritaanka guud ee Telegram-ka
dalka kuma koobna oo kaliya in ay saameyso dadweyne
badan oo Soomaali ah balse
waxa ay su’aal gelinaysaa ujeedada dhabta ah ee ay Wasaaradda Warfaafintu ka leedahay xannibaaddan.

Marka seddexaad, waxaan ka
walaacsanahay in amarka
cusub loo adeegsado in lagu aamusiyo dhaliisha sharciga ah ee dowladda iyo ciidamadeeda amniga loo jeedinayo oo ay ku jiraan
dhaliilaha ay soo tebiyaan saxafiyiinta,
difaacayaasha xuquuqul insaanka, cilmi-baarayaasha madaxa-bannaan, falanqeeyayaasha iyo dad kale.

Ugu dambeyn, waxaan aad uga walaacsanahay in amarka cusub uu
durba abuuray walaac amni iyadoo qaar ka mid ah saxafiyiinta iyo hay’adaha
warbaahinta ka howlgala ay hadda ka welwelayaan amnigooda, kaddib markii al-Shabaab
ay iyaguna soo saareen Axaddii hanjabaad kale oo ka dhan ah suxufiyiinta iyo hay’adaha
kale ee fuliya amarka dowladda.

Qodobka 18-aad ee Dastuurka KMG ah ee
Federaalka Soomaaliya ayaa dammaanad qaadaya xaqa Xorriyatul-qawlka iyo Ra’yiga
halka qodobka 32-aad uu qeexayo Xuquuqda Xog-helidda. Dhanka kale, Qodobka
38-aad ee Dastuurku waxa uu reebayaa in la xaddido xuquuqaha aas-aasiga ah oo
ay ku jirto xaqa xorriyadda hadalka, haddii aan si caqli-gal ah, xalaal ah,
loo qaateen ah iyo cadaalad aan loo marin go’aannada xayiraadda xorriyadaha.

Sida uu dhigayo sharciga caalamiga ah, xaqa
xorriyadda hadalka waxa lagu soo rogi karaa xaddidaadyo gaar ah, laakiin waa
haddii la helo shuruudo dhowr ah oo adag oo saddex qaybood ah:

Waa inay sharci ku fadhido. Sharcigaas waa inuu yahay mid markii horeba loo dejiyay hannnaan caddaalad ah oo u oggolaanaya in dadku ugu dhaqmaan si macquul ah oo ay kari karaan.

Xayiraaddu sharcigu oggol yahay waa inay tahay mid marka horeba isu dheeli-tiran, ahna lagama maarmaan.

Haddii ujeeddadu tahay ilaalinta danaha guud ee cayiman (amniga qaranka, nidaamka guud, ama caafimaadka guud ama anshaxa) ama xuquuqda ama sumcadda dadka kale, waa in ay jiraan habraacyo ka ilaalinaya xad-gudubka xayiraadaha, oo ay ku jiraan in la helo habraac looga dacwoon karo oo hay’ad madax-bannaani ay fulineyso oo leh nooc ka mid ah dib u eegis garsoor.

Xayiraad kasta oo aan soo marin qodobadan waxay
jebinayaan xoriryatul qawlka xitaa haddii aysan jirin wax ciqaab ah oo ka
dhalaneysa. Waxayna ku xad-gudbeysaa oo keliya xuquuqda xorriyadda hadalka ee
dadka xayiraadda lagu soo rogay. Waxayna tacaddi ku noqoneysaa xuquuqda dadweynaha
ay u leeyihiin inay helaan macluumaadka iyo fikradaha.

Mabaadi’da Johannesburg ee Amniga Qaranka, Xorriyatul qawlka iyo Helitaanka Macluumaadka ee ay ansixiyeen koox khubaro ah oo ku takhasusay sharciga caalamiga ah, amniga qaranka, iyo xuquuqul insaanka 1 Oktoobar 1995, ayaa caddeeyay in mabaadi’da loogu talagalay in lagu xalliyo iska horimaadka u dhexeeya xuquuqda aragtida xorriyadda iyo amniga qaranka. Waxa uu dhigayaa in “dowladuhu inay adeegsadaan habka ugu xaddidan ee ugu yar ee suurtagalka ah si ay u mamnuucaan hadalka ka horimaanaya danaha amniga qaranka ee sharciga ah; xaddidaadda la doonayo in lagu sababeeyo amniga qaranka ma ahan mid sharci ah haddii ujeeddadeeda dhabta ah ama saameynta muuqata ay tahay ilaalinta danaha aan la xiriirin amniga qaranka, oo ay ku jiraan, tusaale ahaan, in laga ilaaliyo dowladda ceebeyn iyo soo bandhigid khalad, ama in la qariyo gabood-fal ay dowladdu ku kacday ama la aamusiyo wararka ku saabsan macluumaadka ku saabsan siday u shaqeeyaan hay’addeeda dawliga ah, ama in la geliyo fikrad gaar ah.

Waxaan ugu baaqaynaa Wasaaradda Warfaafinta ee
Dowladda Federaalka in ay dib u eegis ku sameyso awaamiirta ay soo saartay,
isla markaana ay xaqiijiso in aan la xaddidin xuquuqda saxafiyiinta iyo xorriyadda
saxaafadda ee sharcigu oggol yahay.

Waxaan ugu baaqaynaa xukuumadda inay xaqiijiso
in la ixtiraamo, la ilaaliyo, lana horumariyo xorriyadda hadalka, xorriyadda
saxaafadda iyo xuquuqda suxufiyiinta Soomaaliyeed.

Dawladdu waa in aanay dambi ka dhigin tabinta saxaafadda
madaxa-bannaan iyo shaqada suxufiyiinta. Taas beddelkeeda, waxaan ku
dhiirigelinaynaa dowladda inay dib u eegto oo ay wax ka beddesho Sharciga Saxaafadda
Soomaaliyeed ee 2020 oo ay ku jiraan qodobbo denbi ka dhigaya oo xaddidaya
shaqada suxufiyiinta, waana in loo ogolaadaa ururrada warbaahinta iyo
daneeyayaasha saxaafadeed inay ka qayb qaataan hannaanka dib u eegista sharciga
saxaafadda ee muranka badani ku jiro.

*Waxaa saxiixay:

1. Guddiga Badbaadada Saxafiyiinta Soomaaliya (SMSJ)
2. Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS)
3. Isutagga Saxafiyiinta Soomaaliyeed (FESOJ)
4. Dalladda Warbaahinta Soomaaliyeed (SOMA)
5. Dallada Xarumaha Warbaahinta Madaxa-Banaan ee Soomaaliyeed (SIMHA)

– DHAMMAAD –

AKHRI WAR SAXAAFADEEDKA DHAN PDF

QM ayaa u aqoonsatay in xariggii Puntland u geysatay weriye Kilwe Aadan Faarax inuu ahaa xadgudub ka dhan ah xuquuqda aadanaha
MUQDISHO, Soomaaliya, 15 Agoosto 2022 – Ururka Saxafiyiinta Soomaaliyeed (SJS) iyo qareenkooda xuquuqul insaanka, Michael Polak ee Justice Abroad ayaa si wadajir ah u soo dhaweeyay go’aanka kasoo baxay Kooxda Qaramada Midoobay u qaabilsan Xarigga Sharci Darrada (UNWGAD) kuwaasi oo u aqoonsaday xarigga Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ay kula keceen weriye Kilwe Aadan Faarax bishii Disembar 2020 inuu ah xarig sharci-darro ah oo liddi ku ah xuquuqdiisa dhaq-dhaqaaqa sida uu dhigayo Qodobka 13aad ee Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka iyo Qodobka 12aad ee Axdiga Xuquuqda Madaniga iyo Siyaasadda.

Ciidanka booliska hubeysan ee Puntland ayaa beegsaday oo xabsiga dhigay weriye Kilwe kaddib markii uu soo tebiyay mudaaharaadyadii ka dhacay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland  27-kii Disembar 2020, waxaana markii ugu horeysay lagu soo oogay dacwad dil ah inkastoo maamulka uu awoodi waayay inuu caddeyn u keeno sheegashadooda, kaddibna garsoorayaal ka tirsan maxkamada ciidamada Puntland ayaa qol yar oo ku yaalla xabsiga dhexe ee Garoowe kula riday xukun saddex sano oo xarig ah 17-kii Maarso 2021 iyagoo cuskanaya “Dembiyada la xiriira warbaahinta”.  Kilwe ma heysan qareen, lamana siin fursad uu ku arko qoyskiisa waqtiga lagu qaadayey dacwaddan been abuurka ah ee ay qaaday maxkamadda. Ka weriye ahaan ma jirin sabab keeni kartay in Mr Kilwe, oo shacab ah, lagu xukumo maxkamad ciidan.

Weriye Kilwe oo ka soo jeeda gobolka Sanaag ayaa xabsiga laga sii daayey 84 maalmood kaddib 22 Maarso 2021, iyadoo wareegto cafis fidin ah uu sameeyay madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, kadibna loo gudbiyey guddiga shaqada ee Qaramada Midoobay. Dacwad la xiriirta xarigga aan sharciga ahayn ee weriye Kilwe ayaa waxaa Guddiga Qaramada Midoobay u gudbiyay qareen Michael Polak oo ka wakiil ah SJS.

SJS iyo qareenka xuquuqul insaanka, Michael Polak waxay soo dhawaynayaan go’aankan taariikhiga ah ee ay soo saartay kooxda Qaramada Midoobay ee Xarigga Sharci Darrada ah kaasoo ku saabsan ku xad-gudubka xuquuqul insaanka ee maamulka Puntland u gaystay weriye Kilwe Aadan Faarax.

Iyagoo caddeeyay in xarigga Kilwe ay sabab u tahay shaqadiisa saxafinimo darteed, Kooxda Qaramada Midoobay waxay ogaatay in xarigga weriye Kilwe uu ka dhigan yahay xorriyad ka qaadis, iyo in meel aan rasmi ahayn lagu hayey in ka badan laba toddobaad. Kooxda Qaramada Midoobay waxay diiwaangelisay dareenkeeda gaarka ah ee dhacdooyinka noocan oo kale. Kooxda Qaramada Midoobay waxay kaloo ogaatay in xuquuqda weriye Kilwe ay ka mid tahay qodobbada Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka iyo Axdiga Xuquuqda Madaniga ah iyo Siyaasadda oo ay ku jiraan xaqa uu u leeyahay xorriyaddiisa, xaqa xor ka ahaanshaha xarigga sharci-darrada ah, xaqa uu u leeyahay in si wanaagaan loola dhaqmo, xaqa uu u leeyahay caddaalad iyo inuu helo dhageysi dadweyne.

Kooxda Qaramada Midoobay ayaa u gudbiyay eedeymaha la xiriira xarigga weriye Kilwe Dowladda Soomaaliya, waxayna ka codsadeen jawaab faahfaahsan inay Dowladdu kasoo bixiso 1-da Febraayo 2022. Waxaa kaloo Dowladda Soomaaliya laga dalbaday inay inay caddeyso qodobbada sharciga ah ee lagu sababeynayo xariggiisa iyo sidoo kale in ay waafaqsan tahay waajibaadka Soomaaliya ka saaran sharciga caalamiga ah ee xuquuqul insaanka gaar ahaan marka la eego heshiisyada ay Dawladdu ansixisay.

25kii Jannaayo 2021 ayey Dowladda Soomaaliya soo jawaabtay, waxayna codsatay muddo kordhin taas oo laga ogolaaday isla maalintaas, waxaana la siiyay waqti illaa 3 Maarso 2022 kama danbeys. Illaa haatan oo la daabacay go’aanka Guddiga Qaramada Midoobay oo ku beegan 31 May 2022 wax jawaab ah lagama helin dowladda Soomaaliya.

Kooxda Qaramada Midoobay waxay ka dalbadeen Dowladda Soomaaliya inay qaaddo tallaabooyinka lagama maarmaanka u ah inay wax ka qabato xaaladda weriye Kilwe oo aanu dib u dhac ku iman, lana waafajiyo xeerarka caalamiga ah ee khuseeya, oo ay ku jiraan kuwa ku xusan Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadanaha iyo Axdiga Caalamiga ah iyo kan Xuquuqda Madaniga iyo Siyaasadda. Kooxda QM waxay soo jeedinaysaa, iyadoo la tixgalinayo dhammaan duruufaha kiiskan, in xalka ku habboon uu noqdo in la siiyo weriye Kilwe xuquuq la fulin karo oo magdhow ah iyo caawimaadyo kale, si waafaqsan sharciga caalamiga ah.

“SJS, iyada oo adeegsanaysa qareenkeeda caalamiga ah, waxay kiiskan u gudbisay Kooxda Qaramada Midoobay ee Ka Shaqeeya Xarigga xaq darrada ah. Waxaan soo dhoweynaynaa go’aankan taariikhiga ah oo si cad u qeexaya xad-gudubyada ka dhanka ah xuquuqul insaanka ee lagula kacay saaxiibkeen Kilwe Aadan Faarax oo loo beegsaday shaqadiisa saxaafadeed darteed. Waxaan hadda ugu baaqeynaa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedka Puntland inay qaadaan tallaab kasta oo lagama maarmaan u ah si ay xal ugu helaan dhibaatada loo geystay weriye Kilwe Aadan Faarax oo ay ka mid tahay in la siiyo xuquuq la fulin karo oo magdhow iyo taageero u dhiganta dhibkii gaaray, si waafaqsan shuruucda caalamiga ah,” ayuu yiri Cabdalle Axmed Mumin, Xoghayaha Guud ee Ururka Saxafiyiinta Soomaaliyeed (SJS). “Waxaan sidoo kale ku boorineynaa Dowladda Soomaaliya iyo Puntland inay xaqiijiyaan baaritaan buuxa oo madax-bannaan oo lagu sameeyo duruufaha ku xeeran sababata markii horeba xorriyadda looga qaaday saaxiibkeen Kilwe Aadan Faarax.”

Qareenka Michael Polak ayaa sheegay in waayadii hore maamulada sida kuwa Puntland ay dareemi jireen inay la baxsan karaan oo ay dhibaateyn karaan cid kasta oo ka damqata ama ka hadasha warar aysan raali ka aheyn Dowladdu. Hadda, iyada oo hay’adaha caalamiga ah ay diyaar u yihiin inay baaraan sida loola dhaqmo saxafiyiinta iyo dadka kale ee lagu beegsado dacwadaha ‘maxkamadaha’ ee lasoo dhoodhoobay. Hadda arrintaasi way dhammaatay.

“Warfidiyeenku waxa ay weli ka mid yihiin kooxaha ugu muhiimsan marka la eego doorka ay ku leeyihiin in ay bulshada u sheegaan waxyaabaha ka qaldan Dowladda si isbeddel uu u dhaco.  Maamullada intii ay weerari lahaayeen saxafiyiinta ah waa inay wax ka qabtaan dhibaatooyinka la tilmaamay, si ay wax ugu wanaajiyaan xaaladda dadka ku nool meelaha ay maamulaan,” ayuu hadalkiisa ku daray qareen Michael Polak.

Danjiraha Mareykanka oo SJS kala qeybgalay shahaado guddoonsiinta 26 saxafi oo lagu tabaray xurfadeynta warbaahinta Soomaaliyeed
MUQDISHO, Somalia 27 July, 2022 – Danjiraha U.S ee Soomaaliya Larry André ayaa kala qeybgalay team ka SJS bixinta shahaadooyinka saxafiyiinta dhameystay tababarka xirfad dhisidda saxafiyiinta oo muddo saddex maalin (25 – 27 Luulyo, 2022) kasocday magaalada Muqdisho.

Tababarkan
oo ay taageertay Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa diiradda lagu saaray
afar qeybood oo waaweyn: Xorriyatul qowlka iyo xorriyadda warbaahinta oo ay ku
lamaansan tahay xaddidaada iyo mas’uuliyadaha saxafiyiinta; xeerka anshaxa
saxafiyiinta iyo shuruucda warbaahinta; hababka hubinta xaqiiqooyinka iyo xogta
iyo ka hortagga wararka been abuurka; iyo habka kasoo waramidda goobaha
colaadaha.  Waxaana tababarkan ka faa’ideystay
26 wariye oo ka kala yimid gobollada dalka. Barnaamijkan ayaa qeyb ka ah mashruuc
cusub oo tababarro ah oo ay SJS qorsheyneyso inay ku tababarto illaa 50 saxafi
oo ku kala sugan gobollada dalka.

Tababarku
wuxuu diiradda saaray baahida loo qabo in saxafiyiinta la tababaray ay bulshada
u soo gudbiyaan xog dhab ah, dheeli tiran oo la hubo si ay dadweynaha ugu go’aan
qaataan arrimaha khuseeya noloshooda, bulshadooda iyo dawladnimadooda.
Saxafiyiinta xirfadleyda ahi waxay u baahan yihiin inay ku dhaqmaan anshax
xaqiiqo raadin iyo xaqiijinta RUNTA. Muddadii uu tababarku socday waxay SJS ay
siisay ka qeybgalayaasha buuggaag ku qoran luuqadda Soomaaliga oo lagama
maarmaan u ah fahamka aqoonta iyo macluumaadka uu xambaarsanaa tababarkan.

SJS
waxay kaloo sameysay qiimayn ku saabsan tababarka iyadoo su’aalo qoraal ah la
siiyay ka qeybgalayaasha si loo qiimeeyo in ujeedooyinkii tababarka la fuliyay
iyo in kale taasoo muujineysa in tababarka saddexda maalin la gaaray wax ka
badan intii la filayey.

Xilligan
oo ay dunida oo dhan ciriiri ku jirto isgaarsiinta, waxa muhiim ah in la kala
saaro shaqada wartebinta ee saxafiyiinta iyo noocyada kale ee isgaarsiinta.
Tababarkani waxa uu hagay oo awood siiyay saxafi kasta oo ka qeybgalay xirfado
lagama maarmaan u ah shaqada war-tebinta. Waxaa ka sii muhiimsan, tababarku
wuxuu bixiyay meel ammaan ah oo lagu wadaago fikradaha iyo waayo aragnimada ku
saabsan xadgudubyada iyo caqabadaha ay la kulmaan saxafiyiinta Soomaaliya.

Gabagabadii
tababarka Xoghayaha Guud ee SJS, Abdalle Ahmed Mumin ayaa u mahadceliyay safaaradda
Mareykanka oo taageertay mashruuca tababarkan, isagoo in loo baahan yahay in la
helo habab cusub oo lagu xoojin karo warbaahinta madaxa-bannaan si loola
dagaallamo dhaqanka ‘Sharuurka’. “Waxqabadyada noocaan ah waxaa ka mid noqon
kara taageero lacageed oo ay bixiso hay’adaha caalamiga si ay u xorowdo warbaahinta
hadda ay afduubka u haystaan siyaasiyiin musuq ku shaqeysta ee xukunka kaliya u
ooman iyo ​​ganacsatada aan daacadda ahayn,” ayuu yiri Xoghayaha Guud ee SJS,
Abdalle Ahmed Mumin.

“Waxaan
kaloo ogaannay inay jirto baahi loo qabo tababar gooni u ah kor u qaadida
tayada saxafiyiinta dumarka ah ee la kulma caqabado gaar ah, tababarrida milkiilayaasha
warbaahinta iyo agaasimayaasha iyo dhiirigelinta saxaafadda wax-baarta si ay
ula xisaabtanto mas’uuliyinta dowladda iyo inay taageerto hannaanka dowladnimo
loo dhan yahay,” ayuu sii raaciyey Xoghaye Mumin hadalkiisa.

Abdullahi
Hussein Kilas oo ka yimid Jubbaland iyo Amina Abdirahman oo ka timid Koonfur Galbeed,
oo ka mid ahaa ka qeybgalayaasha ayaa munaasabadda gabagabada tababarka ka
sheegay inay xirfado muhiim ah ku barteen tababarka, ayna rajeynayaan inay wax
weyn iska beddeli doonaan shaqadooda saxafinnimo. Waxay labaduba u mahadceliyeen
SJS iyo Safaaradda Mareykanka dadaalka ay ku bixiyeen qabashada tababarkan.

Danjiraha Mareykanka, Larry André oo saxafiyiinta la
hadlay kahor intaan shahaadooyinka la guddoonsiin ayaa sheegay inuu xushmad
weyn u hayo shaqada saxafiyiinta iyo warbaahinta Soomaaliyeed, isagoo xusay in
Safaaradda Mareykanka ay sii wadeyso inay kala hadasho madaxda dowladda
Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada tacaddiyada loo geysto saxafiyiinta.

Danjire Larry André oo la hadlay ka soo qeyb
galayaasha wax yar ka hor inta aan la guddoonsiin shahaadooyinka ayaa sheegay
in uu si weyn u ixtiraamayo shaqada ay hayaan suxufiyiinta Soomaaliyeed isagoo
xusay in safaaradda Mareykanka ay sii wadayaan in ay miiska soo saaraan
arrimaha ilaalinta suxufiyiinta iyo xoriyadda warbaahinta. wada hadalka madaxda
federaalka Soomaaliya iyo maamulada ka jira dowlad goboleedyada.

“Tababarka saxafiyiinta wuxuu sharxayaa waxa ay
yihiin heerarka xirfadeed ee ugu sarreeya ee aad haysato iyo inay tahay xirfad
nololeed oo aad dib u eegis ku sameyn karto noloshaada. Tababarkan waxa aan
bahwadaag kula nahay Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee SJS, iyadoo qorshuhu
yahay in la gaaro illaa 50 Suxufi oo ku kala sugan laba gobol oo kala duwan oo
Soomaaliya ka mid ah, si aan u dhisno xirfadahooda shaqo iyo halbeeg la
jaanqaadi kara xorriyadda saxaafadda iyo waajibaadka shaqo ee ay leeyihiin,”
ayuu yiri danjire André “Si loo helo soo kabashada Soomaaliya, waxaa lagama
maarmaan ah in la helo saxaafad xor ah oo firfircoon. Waxaan la socdaa
dhibaatooyinka ay la kulmaan dhammaan saxafiyiinta Soomaaliya iyo
dhibaatooyinka dheeraadka ah ee ay la kulmaan haweenka saxafiyiinta ah,” ayuu
yiri danjire André.

SJS oo tababarka habka tebinta wararka xuquuqda aadahan u qabatay warfidiyeenka magaalada Cadaado ee Galmudug
MUQDISHO, Soomaaliya 13 June 2022 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) ayaa magaalada Cadaado ee maamulka Galmudug ku soo gabagabeeyay tababarka habka tebinta wararka xuquuqda aadanaha oo ay ka faa’ideysteen 25 saxafi oo ka kala socda warbaahinta madaxa-bannaan. Tababarka wuxuu socday muddadii u dhexeysay 9 – 11 June, 2022.

Tababarkan oo socday saddex maalin ayaa waxaa taageeray National  Endowment for Democracy (NED). Wuxuuna ujeedkiisu ahaa sidii sare loogu qaadi lahaa fahamka saxafiyiinta ee wararka xuquuqda aadanaha iyo inay awood u yeeshaan ururinta, diiwaangelinta iyo tebinta dhammaan dhacdooyinka xadgudubyada xuquuqda aadanaha  si ay taasi uga caawiso dhibbaneyaasha helista u qareemis. Tababarka wuxuu qeyb ka yahay lix qeyb oo tababarro ah oo loogu talagalay sare u qaadista xirfadda wariyayaasha ka warama arrimaha xuquuqda aadanaha, kuwaasoo SJS ay u abuurtay gole ay ku mideysan yihiin oo ka kooban 150 saxafi oo ku nool gudaha Soomaaliya.

Xoghayaha Guud ee SJS, Abdalle Ahmed Mumin oo furitaanka tababarkan ka hadlay ayaa tilmaamay in yaraanshaha xirfadda saxafiyiinta ku koray muddada burburka dalka Soomaaliya iyo fursadda tababarrada oo aan jirin ama yar darteed ay sababtay in warbaahintu ahmiyad siin weyso wararka la xiriira dhacdooyinka xuquuqda aadanaha.

“Waxaan nimid Galmudug si aan saxafiyiinta u tababarno difaacidda xuquuqda aadanaha. Waxaana ku soo beegannay iyadoo ay jiraan arrimo muhiim ah sida abaaraha saameeyay nolosha dadweynaha ku nool gobolkan oo ay kujiraan dadka horeyba ay u aafeysay dhibaatooyinka ka dhashay isbeddellada . Dhanka kale, waxaa hadda bilawday dhismaha golayaasha deegaanka oo ay yar tahay ka qeybgalka dumarka ee dhanka tartanka xafiisyada dadweynaha,” ayuu yiri Xoghayaha SJS, Abdalle Mumin.

Xoghayaha Guud ee SJS, Abdalle Ahmed Mumin oo furitaanka tababarkan ka hadlay, 9 June, 2022. | SAWIRKA/SJS.

Mr. Mumin ayaa u rajeeyay saxafiyiinta inay dhaqngeliyaan waxyaabaha ay ku barteen tababarka oo ay ku jiraan dastuurka dalka, shuruucda caalamiga ah iyo mabaadii’da aas aaska u ah difaacidda iyo dhowrista xuquuqda aadanaha.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Galmudug, Axmed Shire Falagle oo kasoo qeybgalay furitaanka tababarka ayaa hoosta ka xariiqay muhimadda difaacidda xuquuqda aadanaha u leedahay dhismaha nabadda deegaanka iyo is aaminaadda bulshada. Wuxuu wasiirku ka codsaday saxafiyiinta inay u qareemidooda uga faa’ideeyaan sidii gargaarka bani’aadannimada loo gaarsiin lahaa bulshada abaaruhu saameeyeen ee ku nool Galnudug, isagoo hawlwadeenna SJS ka codsaday inay tababarrada gaarsiiyaan dhammaan saxafiyiinta ku nool deegaanada Galmudug.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Galmudug, Axmed Shire Falagle oo hadal ka jeediyay furitaanka tababarka 9 June, 2022. | SAWIRKA/SJS.

“Deegaankeennu waxaa ka taagan abaar saameysay dad iyo duunyo. Waxaan rajeynayaa in tababarkan uu warfidiyeenka u horseedi doonoo inay dareenka caalamka ku soo jeediyaan dhibaatadda bani’aadannimo ee ka jirta Galmudug iyo sidii dadka nugul ee bulshada ka midka ah loogu gurman lahaa.  Waxaan kaloo saxafiyiinta kula dardaarmayaa inay dhowraan anshaxa saxaafadda oo ay muujiyaan mas’uuliyad weyn marka ay tebinayaan wararkooda,” ayuu yiri wasiir Falagle.

Agaasimaha Radio Cadaado, Sharma’arke Mohamed Mohamud ayaa sheegay in tababarkan uu yahay midkii ugu horeeyay ee loo sameeyo saxafiyiinta Galmudug isagoo codsaday in tababarro xirfadeed oo badan lasiiyo saxafiyiinta.

Agaasimaha Radio Cadaado, Sharma’arke Mohamed Mohamud oo ka hadlay furitaanka tababarka 9 June, 2022. | SAWIRKA/SJS.

“Saxafiyiinta Galmudug, gaar ahaan kuwa Cadaado ma helaan  tababarro. Kani waa midkii ugu horreeyay. Waxaan si aad ah ugu faraxsanahay in SJS iyo NED ay nasoo gaarsiiyeen tababarka xuquuqda aadanaha oo ah mowduuca muhiim noo ah,” ayuu yiri Sharma’arke.

Sabiriin Xasan Maxamed oo ka hawlgala Bulsho TV iyo Radio Cadaado ayaa muujisay in loo baahan yahay in sare loo qaado kaalinta gabdhaha saxafiyiinta iyadoo laga eegayo xuquuqdooda helista tababarro iyo taageerada helista xirfado sare u qaadaya shaqadooda.

Sabiriin Xasan Maxamed oo ka hawlgala Bulsho TV iyo Radio Cadaado oo ka hadashay furitaanka tababarka 9 June, 2022. | SAWIRKA/SJS.

“Dumar badan ayaa ka hawlgala warbaahinta gudaha laakiin inta ma muuqato kaalintooda waxaana sabab u ah iyagoon helin fursad tababar iyo taageero. Sidoo kale dumarka saxafuiyiinta ma awoodaan inay si iskood ah u hawklgalaan waayo khibradooda way yar tahay mana heli karaan qalabkii ay ku shaqeyn lahaayeen,” ayey tiri Sabiriin.

Gabagabadii tababarka waxaa shahado guddoonsiinta kasoo qeybgalay Cabdiraxmaan Macalin Cabdullaahi oo ka tirsan maamulka degmada Cadaado ee Dowlad Gobolleedka Galmudug.

Nagala soco Facebook iyo Twitter si aad u hesho macluumaad ku saabsan shaqada SJS